Ahlusunnooy: Laaca aragtaye laaga ma ogtahay?!

Image

Ahlusunnooy: Laaca aragtaye laaga ma ogtahay?!

Maahmaah ayaa dhahaysa:Ninkii qeyrkiis loo xiiroow, adiguna soo qoyso!mid kale waxay leedahay:Qoray iyo Qiiciis waa la isla tuuraadhanka kale, dadka waxaa halqabsi u ah, markay arkaan laba wax oo is leh, in la is raaciyana mudan:Dameer iyo labadiisa dhagoodsidoo kale waxaa la yiraa:waxaasi waa labo waji, ey hal lacag leedahay”.

Haddaan todobaadkii tagay qoray, qormadii ahayd: “Colka Waraf ma lagu dayey? kuna meeraysay wadaaddadii dambe, ee aan anigu u bixiyey “Wadaaddadii wallida wadday” ee Midawgii Maxkamadaha, eggana doonayey, inay dib isu urursadaan, shalay say u huwadeen shaar dhalaal badan, mayee birbiriq badan –DIIN-, ayey maantana, shaar kale, oo ka sii dhalaal badan huwan rabaan. Haddaay shalay ISLAANNIMO duggaashadeen, maanta waa MIDNIMO.

Haddaba, qormadan waxaan doonayaa inaan wadaaddo kale ku qabbiro, culimo kalana ku qoor xiro, oo aan codka, camalka, iyo cuuryaamintooda ku caynsho qalinkana u duldhigo. Waxay ku doodaan daliilna u helayaan, inay yihiin culimadii ciidda, casri horana soo gaaray gayiga, gu’ yaal badanna go’aanka, gorfaynta iyo guubaabada talada tolka qeyb weyn ku halaa, aanse waxba dhaamin dhiggooda ugu yaraan xilligaan la joogo.

Gadgaddoonka waayaha iyo kala guranka maalmaha, waxaa ka guntama is badal, farxad wata ama naxdin leh. Wixii qabax iyo qori dhacayey, dagaalna dabada la hayey, ee qabiil, beel iyo jufo loo diriray, qabqabluhuna u ahaa calan sidaha aan marna dhicin iyo udub dhexeedka halaajinta umadda, yaa is lahaa culimada ayaa ku lug yeelanaysa, cadaabka lagu hayo umadda? “Cimrigaaga oo raaga Geel dhalaana wuu ku tusaa” waa tii la yiriye, waxaa la yaab ah, meesha wax ku dhammaadeen, halka la taagan yahay iyo sida xaalku ku dambayn doono.

Dhanka kale, socodka waqtiga iyo sodcaalka dadku ugu jiro dhisma nololeedka, marba meel ayuu la maraa, is qabadka labadaa waxaa ka dhasha, is waafaq marna is garab mar iyo kala weecad. Markay is waafaqaan, waxaa is biirsada ayaanka waqtigu dhaliyey iyo dadaalka dadka, oo keena horumar iyo in heego sare la gaaro, haddiise ay kala weecdaan, waxaa ka dhasha, ayaandarro laba jibbaaran, waa maroo, waxaa dhasha xilli xun iyo waqti aan wanaagsanayn, waa marka kalee, waxaa luma dadaalka dadka iyo is xilqaankooda, meeshaasna waxaa ka dhasha aayo xumo iyo mugdi umadi ku dambayn doonto!

Markii wadaaddadii dagaalka safka hore ka galeen, xooreen gadaalna iska xijiyeen, wixii ay Kitaab ku xamlanaayeen, ama u kilkilaysnaa waligoodba, waxaa dhacay wax lala yaabo! Wadaaddada dambe, saansaan colaadeed waaba lahaayeen, oo waxaa ka fanfaniinayey waligoodba Aayadaha Jihaadka iyo erayada dagaal galintee, Ahlusunnana maxaa qaaday? Waxay noqotaba, waxay la falgaleen dagaal diimeedka, qaybna uga noqotay xerta Meles iyo xigaalada Xabashida!

Ahlusunna intii uu socday dagaalka sokeeye, ee u dhexeeyey beelaha Soomaaliyeed, qayb muuqata kama qaadan, micnaha lama arag tikniko Ahlusunna ku suntan, oo dagaalka safka hore kaga jirta. Waxay ku sii dhaganaayeen dhaqankoodii hore, ee ahaa Tusbaxa iyo Wardiga, waxaase la dhihi karaa kama marnayn Xijaab xirka Mooryaanta beesha, ee dagaalka u gayfan, ama inay Tahliil u tufaan gawaarida gaashaaman ee reerka, loona qoofalay inay u baqoolaan weerarka beel kale. Tani waa mid iska caadi ah, maxaa yeelay, qabqable walbaa, wuxuu leeyahay wadaad uu ka ducaysto Bunkana uu u dubo!

Dirirta Daarta dambe

Alshabaab waa dhal feker diimeed xagjir ah, siduu u billowday dagaalka jihaadka iyo ku janno tagga diirka Soomaaliga ah, waxaa si toos ah loo beegsaday xarumaha Ahlusunna, tacaddigaa waxaa gaystay Alshabaab, oo fal kasta oo xun, Alla ugu dhawaada. Waxay burburiyeen dhismayaal, faageen qubuuro ay ku aasnaayeen wadaaddo caan ka ah gayiga Soomaaliya. Qabuuro faagiddu waxay ku badan tahay kuna badnayd koofurta fog, gaar ahaan gobollada: Baay, Bakool, Gedo, iyo labada Jubba, meeshaas oo si joogta ah ay uga dhacaan tacaddiga loo gaysto mayd gu’yaal hore lafa lafo noqday!

Falalkaasi dabcan xanuunkooda ayey leeyihiin, waxayna si toos ah u taabanayeen Ahlusunna, Alshabaab daansi daansi kama ahan sida muuqata, waxayse ka tahay qalad sixid iyo toosin diimeed,. Diineey xaalkaa ba’! Waase yaabee, diinta faraysa in dadka la dhibo waa tee? Kuma sii jirto hadduuba geeriyooday; in loo duceeyo waxaan ka ahayn ma mudna! Alshabaab dhaqan xumada waa caadadooda, waxayna had iyo jeer ku hawlan yihiin, sidii ay u tirtiri lahaayeen, wixii iyaga ka soo hara, ama aan ku mabda’ ahayn, in la kala diin duwanaado meesha kuma jirto, haddaad rabto Soomaali dhaladaba ahaaw!

Luq horaa Laqanyo kicisa

Ahlusunna waxay dagaal diimeedka sokeeyo soo gashay, ka dib, dhacdo xun, oo ka dhacday magaalada Guriceel. Markii Masjid gudihiis dhegta dhiigga loogu daray Sheekh Kitaab ku laqbaynayey, xertiina xalqadii laga xarrimay, raxlihiina lagu rorogsaday! Taas oo sababtay caro xooggan, oo ku dhalisay Ahlusunna inay qoriga qaataan, qorigii ay qaateen illaa iminka ayey sitaan, lamana garanayo xilliga ay dhigi doonaan, maxaa yeelay cid dammaanad qaadi karta dhigista qori diimeedka Ahlusunna ma jirto.

Dhacdadaasi waxay Ahlusunna ku kicisay dacartii ku gaamurtay sanadihii fawdada, awalbaan gacan ku gambad ahayne, ma waxay noogu dareen inay Masaajidda nagu dhex dilaan? -ayey ku doodeen- Allaylehe waa gunnimo gablanse aan loo ahayn, maxaa yeelay, imisa kuray ayey madaxa u hagoogeen cimaamad cadna u duubeen? Waxaa meesha ka dhacay nagama diin fiicnanagama rag fiicna, ee waa inaan fadhiga ka kacnaa!

Ahlusunna waxay guluf colaadeed ka billowday gobollada dhexe, dad badanina ay dusha ka saaraan eedda burburka Soomaaliya. Run ahaantii Ahlusunna waxay dagaalladii ay la gashay Alshabaab iyo xulufadooda ka soo hoysay guulo la taaban karo, waxay deegaannadaa ka sifeeyeen Alshabaab iyo wixii ulohooda wata, taas waxaa loo arkay arrin aad u wanaagsan, waxaa laga soo dhaweeyey gudaha iyo dibadda.

Darka yaan lagaaga dullaalin

Taas waa muuqaalka dibadda ka muuqanaysa oo ah, ma doonaysaa inaad xil ka qabato Soomaaliya? Iska xaadiri Addis Ababa, ka soo qaado waraaqda hufnaanta iyo hanadnimada, markaas ayaad mudan doontaa inaad xil ka qabato Soomaaliya. Tan gudaha ku aaddan waa: ma doonaysaa inaad xil ka qabato Soomaaliya? Qori qaado tikniko badanna rakibo dadkana laay! Markaas ayaad xaq u yeelanaysaa inaad xil qabato, haddii kale meelahaaga iska lafayso. Waa su’aale, ma jirtaa, ayaan darro ka weyn taa? In xikmaddii ku soo ururto in Xabashi loo kala xaluusho iyo shacabka la xasuuqo, si xil loo qabto!

Isla markii dawladda Sh. Shiriif waxay kulan la qaadatay madaxda Ahlusunna, waxay kala saxiixdeen heshiis is afgarad, oo ku biyo shubanaya is xulufaysi iyo is cududsi, heshiiskaa waa hirglay, heer ay markii dambe wada saxiixdaan heshiiska awood qaybsiga, ee ka dhaacy Addis Ababa, muddo gaaban ka dib, madaxweyne Sh. Shariif wuxuu usha feker diimeedka ku dhuftay Ahlusunna, isaga oo ku tilmaamay inaysan waxba ka duwanayn kooxo diimeedka ka jira Soomaaliya, taas oo aad uga caraysiisay madaxda Ahlusunna, hadalka madaxweyne Shariif wuxuu sal u yahay ferker diimeedka ka guuxaya maankiisa!

Sh. Shariif madashaas wuu ku fashilmay waxna kama yaqaan xulufaysi iyo xeelad siyaasadeed, maxaa yeelay, ujeedka isu keentay waa: “cadawgaaga cadaygiisu waa saaxiibkaa”, taas oo ahayd in madaxweyne Shariif inta feker diimeedka dib u dhigto, uu difaaco Ahlusunna, balse, ma garan, oo wuu garab maray, sida uu u halgaaday ayuu berrina hadduu awood fiican helo u hareer mari doonaa! Maxaa yeelay; “geed walbaa wuxuu dhiimaa dhacaankiis” Shiikhuna wuxuu ku hadlay waa arrin uu aminsan yahay, waxaase isaga qasan feker diimeedka iyo feker siyaasadeedku inaysan isku meel galin, isku sina u shaqayn!

Ahlusunna waxay cudud fiican ka heshay dawladda ku deeqda xabadaha ee Xabashida. Markii  hore way inkireen, waqtiga ayaase bannaanka soo dhigay, ceeb ma ahan inaad colkaaga cudud u raadsato, walow, aad Shaydaanba calaf ka daydid, balse, meesha waxaa yaal dhacdo taariikhda gashay, uur ku taallana reebi doonta, maxaa yeelay, Xabashi waa loo wada xeraystay, markii hore qabqablayaasha kaliya ayaa lagu eedayn jiray inay u xaluushaan Xabashida, haddase xaalku wuxuu marayaa culimadiina inay u kala dhuuntaan!

Hubka ay ku dagaal galaan Ahlusunna badankiisu wuxuu ka yimaada Itoobiya, siduu u dhacay shirkii Addis Ababa, waxaa batay cododkii diiddanaa natiijada Shirka. Diidmadu waxay ku salaysnayd mar qaab beeleed, oo beel ayaa lagu eedeeyey inay isku gaar yeeshay shirka, teeda kale, waxaa lagu diiday shirka, qaabka uu u dhacay, meesha uu ka dhacay iyo dadka ka soo qayb galay, taasi waxay keentay Ahlusunna oo laba qayb noqotay oo laba garab yeelatay, waxaa intaas ka sii muhimsan guux beeleedka jira marka la eego awoodda sida loo qaybin doono.

Diinta iyo darajada

Ahlusunna waxay heshay magac ballaaran. Waxaa u suuragalay inay qayb ka noqoto kooxaha wax laga weydiiyo xalraadinta Soomaaliya. Waxay kulamo dhawr ah la yeelatay dan-jirayaasha dalal badan u jooga Kenya, haba ugu muhimsanaadeen kuwa reer galbeedka. Dhanka kale, Ahlusunna waxay dawladda Sh. Shariif kula shirtay dalka Itoobiya. Waa su’aale, shirka meel kale oo lagu qabto miyaa la waayey? Ilama ahan, waxa laga damacsanaa waa raalligalinta Itoobiya sida iska muuqata, haddii kale, shirku muxuu uga dhici waayey Cadaado, Cabudwaaq ama Dhuusa mereeb, ama goob kale, oo ka mid ah dalka ama waddan kale?.

In badan Ahlusunna waxay ku celcelisay inaysan xildoon ahayn, haddaba, haddaadnaan xildoon ahayn, maxaad ilaa Addis Ababa u sii kadlaynayseen? Mise Addis waa xarunta Xajka siyaasi isku sheegga Soomaalida? Marka idinna waad ku gawracnaydeen inaad tagtaan Addis Ababa? Waa sheeko ii dheh ah xil ma doonaynno, carruurta xittaa idinkama koobinayso ee miyaadnaan xishoonayn?.

Beentaa waqtiga ayaa bannaanka soo dhigay, sawta dawladda ku leh dhawrka wasiir, heshiiskii Addis Ababa ay kula soo heshiisay, ee awood qaybsiga, haddana, xubin ka ah qawlaysatada Roadmap-ka, siday markii hore Ahlusunna u seegtay tubta suubban, markay Addis Ababa shirka awood qaybsi uga qaybgaleen, ayey mar kale dawgii u seegeen, si ay u xalliyaan khilaaf dhexdooda ah ayey Xabashi marti u noqdeen, tii hore haddii qiil loo yeelo, oo la yiraa goobjoogayaal ayey u baahnayd, tan maxaa lagu macnayn? Qiil nooce ah ayaase loo yeelayaa?.

Laga yaabee in khilaafka Xabashidu abuurtay, iyadoo dhaqan galinaysa: “Qaybi oo Xukun” marba qayb si ay dhagta wax ugu sheegto, Ahlusunnase si khilaafka loo xalliyo, ma raacin hannaan Diineedka ee Shuurada, mana raacin hannaanka hiddaha Soomaali, mana raacin hannaanka demoqraadiga, oo ku wada arooraya in khilaafka lagu xalliyo gudaha ururka, u tanaasulidda danta guudna furaha xalka ahaato.

Mar sadaxaad ayey dawga seegaan, kana tallaabsadeen tubta suubban, waa marka ay qayb ka noqdeen Roadmap-ka,  walibana goobjoog ahaanna u joogeen labadii shir ee Garoowe, ee la kala qabtay bishii Decembre, ee sanadkii tagay iyo bishii February ee sanadkan. Wax kale ma ahan, wax qorshaha lama tagin, malaha waxay ku jireen Digri, oo Tusbxaha ayey kalow kalow ka siinayeen, maadaama ay muuqatay in qatartii Alshabaab meesha ka sii baxayso. Ma garan, balse, dheh joogistooda in maqnaashahoodu ka wacnayd.

Qab aan qaab lahayn

Ahlusunna waa; Awood aan Aragti lahayn! Maxaa yeelay, dagaallada dhaca, intooda badan iyaga ayaa ku gacan sarreeya, haddana, ma jirto wax muuqda, oo ay qabtaan daagalka ka dib. Had iyo jeer waxay ku celceliyaan inay qaadayaan dagaal kama dambays ah iyo inay ka sifeeyeen Alshabaab deegaannada ay gacanta ku hayaan. Waa arrin fiican, balse, maxay ugu dari la’yihiin aragti maamul iyo mid siyaasadeed? Noloshu ma ahan dagaal ku jir kaliya, ma ahan raacdo joog, ee, waxay u baahan tahay qaabayn isku xiran oo dhammaystiran, taasna waa midda ka maqan ilaa imika Ahlusunna, khilaafka soo kala dex galay waaba meeshiisa.

Deegaanno ay gacanta ku hayeen Ahlusunno, waxaa ku dhuftay abaaro ba’an, cid ka hadashay ama cod ku tiri dadkaa ha la gargaaro ma jirto. Waxaan wada xasuusannaa maamulkii Maxkamadaha, berigii Wabiyadu fataheen, inta ay dadaal muujiyeen, balse, dhanka Ahlusunna lagama arag dhaqdhaqaaq caynkaa ah, waana qayb ka mid ah habacsanaanta ay la dhacdiidaan. Dhanka kale, maamullo adag kama dhisna meelaha ay ka taliyaan, haddii ay ka dhisan yihiin ma muuqato wax qabadkooda iyo tallaabooyin ay damacsan yihiin inay qaadaan.

Ahlusunna waxaa looga fadhaa inay wax badan kala caddeeyaan, waa hadday xertii hore yihiin, haddiise ay ku biireen isrogrogga iyo qaalmorogadka jira waxba loogama fadhiyo, waxay sameeyaan dadkaa fasiranaya, illeen iyagabu waa awoodi waayeen inay sharaxaad ka baxshaane, taas waxaan uga jeedaa inay dadka ka qanciyaan waxa ku kallifay shirkii Addis Ababa, jawaabta waynse waxaa u baahan kan dambee ka dhacay isna Itoobiya, ee lagu dhexdhexaadinayey isla xubnaha Ahlusunna, isku maandhafay dawladda aan la shaqaynno iyo la shaqayn maynno. Soomaalaay ma ila yaabteen?

Kala joog isku jaad

Dhibkan dhacaya, dheegtan dhuntay, dhiiggan dhulka ku baxaya, dhaawacan dhulka dhooban, waxaa ka wada masuul ah inta duub wadata, ayaan darrase la waa wax kala roon. Mid walbaa midka kale wuu ka daran yahay mar waa jabhad, mar waa qabqable, mar waa wadaad, mar waa barfasoor, marna waa madaxweyne Tuulo, mardhow  fisha qormada: “Soomaali isma dhaanto iyo dhasheed” murugada jirtaa waxay tahay, markii dadku isku mid noqday, wadaad iyo waranlecaammo iyo culumo.

Haddii wadaaddada gadaal ka yimid wax badan halleeyeen, loona qiil dayi karo hallayntaa, maxaa loogu qiilin kuwii Wanayda, Fiddowga iyo Wardiga hayn jiray, hadday maanta u safan yihiin siyaasad? Kaliya ma ahan, haddayba qoryo deegta u saaran  yihiin, maxay uga duwan yihiin kuwa kale? Addis Ababa, Garoowe iyo London hubaal inaysan u tagin dan Soomaali, ee ay u tageen dano iyaga ku gaar ah, maraan dheeraynna ka eeg meel ka sii fog, waana meesha aan ka iri: “Ahlusunnooy: Laaca aragtaye Laaga ma ogtahay?”.

Ugu dambayn, Ahlusunna haddii ay xal u aragtay qori ayaad sidataaye ku gorgortan waa ayaan darroo, haddii ay xal u aragtay maanta ayaad ku duljoogtaaye ka mira dhali iyana waa ayaan darro, in xiriirkooda dibadda ay ka billaabaan Itoobuyana waa ayaan darro kale, waxaase Soomaalay la yaab ah, sida xaal isu badalay, ninkii awood leh kaliya wax loogu ogol yahay, culimo iyo caammaba looga siman yahay sidii awoodda wax loogu muquunin lahaa. Shrika Addis ilama ahan inuu ka duwanaa wixii shir dhacay, waqtigiisa ha qaato, ragga joogayna waxooda ha qaataan, marka waqtiguse dhammado wixii la kala qaatayna dhammaadaan ayaan arki doonna waxa xiga!

Ahlusunna waa cucud hortaagan Alshabaab, waa tii la yiri: “Balaayo balaayo u lahaaw” waxaan uga jeedaa aragtida dagaal ay wada wataan ayaa hal meel kuwada arooraysa ama ka soo wada jeedda! Taas ayaana waxay kenaysaa in aan inta kale sidaa ugu tafaxaydan ama ugu babac dhigin, arrinta maqani waa in Ahlusunno ku daraan cududda dagaal cudud caqliyeed, la yimaadaan aragti furan wax qabad muuqda iyo siyaasad dabacsan.

Maarso 2012

Bashiir M. Xersi

Advertisements

7 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s