Colka Waraf ma lagu dayey?

Image

Colka Waraf ma lagu dayey?

Soomaalidaa waxay tiraa: “Mar i dage Allaha dago, mar labaad idagase Anaa is dagay” Xadiiskuna waa kii lahaa: “Mu’minka god laba mar lagama wada qaniino” murti kale waxay leedahay: “Nin jiifa lama lagdo” mid kale waxay tibaaxaysaa: “weel walba wixii ku jiraa ka fiixa/dhalaala”.

Magac ninba si ku hel, muunad ninba si ku doon, maamuus ninba si ku muday, maal ninba si ku soo xeragali, maamul ninba si ku gaar, maarayn ninba si u jeex, mehered ninba si ugu mashquul, murti ninba si u deeqday, maan ninba si uga shaqaysii, maskax ninba si ugu feker, maaweelo ninba si ku lumi, madadaalo ninba si ku dhaaf, malo ninba si u gashay.

Nin Adduunya joogoow maxaa aragti kuu laaban!

Maalmihii u dambeeyay, waxaa magaalada Muqdisho laga waday dadaallo la xiriira sidii loo dhoodhoobi lahaa Xisbi ay ku mideysan yihiin haraadigii Wadaadadii hubeysnaa ee ka tirsanaa Midawgii Maxkamadaha Islaanka (MMI), kuwaasoo magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay xisbi cusub oo siyaasi ah, oo loo bixiyey “MIDNIMO“.

Xafladda magac bixinta xisbiga MIDNIMO waxaa lagu qabtay Hotelka “Naasa Hablood 2? ee magaalada Muqdisho, kana soo qeybgaleen  taageerayaal MMI-daha oo rag iyo durmarba leh, lana doortay Xoghayaha iyo Gudoomiyaha xisbiga Midnimo.

Haddaan u dhaadhoco dulucda qormada, ugu horrayn qofku markuu maqlo Maxkamad madax xanuun ayaa ku dhacaya, haddii wadar laga dhigana maba ku sii jirto, oo waxaa u sawirmaya, “Millad (diin) ku dhiigle! Meeris (Aayad iyo Xadiis) ku dhiigle! Masjid ku dhiigle! Mawlac ku dhiigle!”, oo aan ka miin raacay Abwaan C/qaadir Xersi Yamyam (AUN).

Maalmihii Islaamka lagu hungoobay, ee sanaddii 2006-dii, ayaa sida Soomaalida caadada u ah waxay si laab la kac ah ugu mashxaradeen Wadaadadii waallida waday, loona soo dhaweeyey si aan shuruud iyo lahayn xad, waxaase jiray aragtiyo dhahayey waxba isma dhaamaan kuwan diinta wata iyo kuwa la leeyahay gaaloraace naga ilaalsha, lamase maqal, Soomaalaay ayaan daran.

Dhedo Roob noqon waysay

Wax ku oolkii iyo wax qabadkii Maxkamadaha, waxaan u daynayaa inay noo mariyaan taageerayaashooda, kuwii hore iyo kuwa dambe, ee Anigu waxaan isku dayayaa inaan dhanka kale ka eego, kana joogsado daanta duugan, ee aan wali dadka intiisa badani dareemin, maadaama wadaadadu wali rajo ka qabaan inay dadka hogaamiyaan, dadkana madax u noqdaan.

Wadaadadii waallida waday, waxay horseed u noqdeen Dhibaatooyin badan, xag dhaqaale, xag dhismo, xag dhaqan, xag dhigaal (Arts), xag dhimasho, xag dhaawac, xag dhalandhool (qax), kaliya ma ahan, waxay gabagabeeyeen goobihii ganacsiga, keydkii aragga iyo muuqaallada, xarumihii sawirrada iyo xalqooyinkii Xadrada ee Wardiga iyo Fidowga lagu qaban jiray.

Waaba su’aale: kuwan Xisbiga ku dhawaaqay iyo kuwa gafuurka duubta, miyey kala duwan yihiin? Si kale haddaan u dhigo: saw Alshabaab ma ahan dhal Al itixaad? Haddaa saw mar walba lafaha iyo dhuuxa ugama jirto aragtidii ay markii horaba ku anqariyeen dhashaan dhaayaha la’! Mise waa sida ay naga gadayaane, way ilbexeen, oo iska xooreen gufarkii ay shalay guudka ku wateen? Mayee waxayba doonayaan inay wax ku qaybiyaan aragtiyada casriga ah ee dunidu maanta gaartay, sida wada noolaashaha, kala duwnaanta, wadaagga ciidda, calanka iyo caadada.

Ha yaacadadii shalay, ee ay ku jireen kuwo argagixiso ahaa, kuwo qabiil dartii u galay iyo kuwo hunguridoon ahaa, waxaa dhammaan la wada doojinayey dacar Diimeedka, waxaan sidaa u leeyahay qof walba oo dhadhanshay oo aan akhas dhihin maba jiro! Yaa isu keeni kara, intaa oo kala maan ah, kala dan ah, kala ujeed ah iyo kala aragti ah? Ani ahaan waxay ila tahay Awr kacsi, waana midda aan u iri Dacar Diimeedka, illeen inta diintu daacadda ka ahayd ayaa aad u yarayde.

Shimbirbaa Dab qaadday oo Buulkeeda ku gubtay

October sanaddii 2006-dii, waxaa socday wadahadallo u dhexeeyey dawladdii C/laahi Yuusuf iyo Maxkamadaha, waxaan daawanayey TV-ga Aljazeera, wariye u warramayey ayaa yiri: “Shuruudaha ay Maxaakimta wataan waa wax aan la fulin karin” ujeedkoodu wuxuu ahaa qorshe hoose oo qarsoon, in shirku fashilmo, laba bil ka dibna, Xabashi ayaaba wadankii oo dhan wada qabsatay, horaa loo yiri: “Xooggaagu hadduu hal xor yahay wuxuu kuu geeyaa qofuu laba xor yahay” kuma ekaan xadkooda ee waxayba iclaansheen inay Addis Ababa ku dukanayaan, maxaase ka raacay? Kabta hayga goyn iyo xaggeen ka baxaa? Sida haddaba socota.

Wadanka dawlad Faderal ah ayaa ka dhisneed, waxay ahayd inay gobollada ay ka taliyaan ka dhisaan maamul goboleed, dawladdana farta ugu yeeraan, ma dhicin, maahmaah Talyaani ah ayaa leh: “Non piangere sulla latte versato” oo ah: “Caano dataay laguma dul baroorto/ooyo” sidaa darteed yeysan ila durgin maxay sidaa u yeeli waayeen, ee aan duldhigo qalinka midda iminka laga filan karo, ee ka soo higle, illeen wali hankii hogaandoonkaa ku jiree.

Haddii Shariif Madaxweyne noqday maxaa dhacay? Daaqaddaa laga saaray, gaalnimaduu shalay madaxda Soomaalida ku hayey ayaa loo hibeeyey “God sireed ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontid ma ogide!” Shariif taa ayaa qabsatay, waana midda sugaysa wadaad walba oo uu ku jiro han siyaasadeed, shardi inuu shalay dadka wax ka gaalaysiinayey, haddii kale ma isagaaba seeradaa u socda.

Gaalaysiinta Shariif ka dib, waxaa la dhisay Xisbul Islaam, ujeedku wuxuu ahaa sida lagu wiiqayo dawladda aan cagaha badnayn ee Shariif, iyagii ayeyse la gaddoontay, xil wareejintii gudoomiye Dr: Cumar Imaam ka dib, Xasan Daahirna wuxuu isu dhiibay Alshabaab, mayee wuxuu u bayray dhanka midigta fog, si aanba u dhicin gorgortan iyo wada xaajood, bal ila eega Odaygaa cimrigiisa ku dhammeeyey dagaal diimeed iyo dirir aan dan ugu jirin umadda!

Abeeso waxay kugu cuntaa Dhul u eki, Wadaadna Dad u eki

Magaca MIDNIMO macaanaa, maqalkiisa waxaad maan sanaysaa muunad aad u wanaagsan, khayaal muuqaalkiisu aad u wacan yahay, cabsida ayaase ah in nimanka ururka ku dhawaaqay aysan wali ka waantoobin, in dadku ugu kala qaybsan yahay hab iyaga u gaar ah, taa oo mar kale horseedi karta dhibaato kale oo la soo gudboonaata umadda Soomaaliyeed, illeen waa tii la yiri: “Nimaad taqaan yaa tahay? Lama yiraahe”.

Aqriste Adiguba maani, marka laga soo tago magaca MIDNIMO, ma kula tahay in nimankan ay ogol yihiin inay dadku wax la wadaagaan? Anigu waxaan goobjoog u ahaa Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax “Janaqow” oo leh: “Waxaan nahay Al xisbul Al xaakim!” Aniga iima dhadhamin, ee Aqriste Adiga ma kuu cuntantay? Markaa waxaa wadanka ka dhacayey waxyaabo aan la tilmaami Karin, nin diin sheeganaya haddana sidaa u hadlaya, ee ujeedkiisu yahay kaliya siduu ku saldhigan lahaa kursiga madaxtinimada, muxuu umaddaan ugu fadhiyaa? Midda kale yaa maanta weydiiya, sida dareenkiisu yahay? Ama uu ka aaminsan yahay Sheekh Shariif?.

Hubaal in lagu hungoobay in dadka loo kala saaro Calmaani iyo Islaami, qaybintaan waxaa u WaqlalayWadaadadii waallida waday, in kastoo Calmaani la sheegaaba jirin xilligaa, oo rag qawlaysato ah qarwayeen, haddana danta ayaa dhaafi waysay in wax la qaybsado, waaba su’aale: maxaa qofka loogu faquuqayaa waxa uu aaminsan yahay? Ama aragtidiisa siyaasadeed? Ama hannaanka uu u arko in loo maareeyo nolosha? War hooy Soomaaliyeey goormaad ka gudbi dibaadinimada?.

Meeshii la doonayey in xoogga la saaro midnimada Soomaaliyeed, wali waxaa dabada la sii hayaa qoqobkii meeshaa aan naal na dhigay, ayaan darrinaa, mar waa jabhad, mar waa qabqable, mar waa wadaad, mar waa barfasoor, marna waa madaxweyne Tuulo, mardhow  fisha qormada: “Soomaali isma dhaanto iyo dhasheed”, mid mid dhaama weynnay, mid walba wuxuu wataa ajanda aan la jaanqaadayn danta iyo dadnimada umadda, haddana waa ayaan darrada jirtee, wuxuu helayaa balaayo u sacbisa, oo u mashxaradda.

Mid waa lagu kari waayey wadaadada, inaysan diinta siyaasadeyn, kana ilaaliyaan inay ku fushadaan danahooda gaarka ah, waana midda aan cinwaanka qormada ugu doortay “Colka Waraf ma lagu dayey?” yurayntii hore iyo midda taagan midna wax ku tari waysay, sidaa darteed ayaan is iri bal nimanka si kale ha loola dhaqmo, ugu yaraan in gacanta laga qabto oo la yiraa: intaad horay u dhaanteen ha idin deeqdo!

Nin ku dilay Har kuuma jiido

Bulshadu waxay ka dhigan tahay maahmaahdan sadarka sare ku xusan, magacood ba’ayaasha miyeysan ku filnayn wixii dhib dhacay? Miyeysan ku filnayn wixii dhaawac dhacay? Miyeysan ku filnayn wixii dhimasho dhacday? Miyeysan ku filnayn wixii qax dhacay? Miyeysan ku filnayn inta goor oo awood iyo ciidan nalagu faragaliyey? Miyeysan u ujeedin in wadanka qaybin lixaad leh ku socoto? Waxaaba la yaab ah inaysan ka hadlin Xabashida iyo Keenyaanka wadanka dadka ku dhex xasuuqaya! Anigu waan garan la’hay meesha ay wax ka arkaan.

Ugu dambayn, MIDNIMADA ay la bexeen hadday ka dhabaynayaan ma filayo inuu jiro cid diiddan, waxaase baqdintu ka jirtaa inaysan wali is badalin, waa meesha laga yiri: “Mukulaal Madax Doolli ama Xajiso” iyo “Ninna caadadi kama tago” oo mar walba waxa laga filaa waa hebel ayaa gaal ah iyo hebel ayaa Calmaani ah, inta ay caqligaa wataanna wax liibaan ah ma gaarayaan, huromar iyo hoggaanna hollin maayaan helina maayaan.

Ilama ahan in sidaa loo wada dareensan yahay, waxaase la wada dhadhanshay silacdilyadooda iyo saxariirintooda, haddaba aan ka wada gudubno jadbada iyo xadrada aan xigmadda lahayn, caadifadda iyo caqliga xiran, aan xisaabtanno si aan naloo xaraarujin, haddii kale sida lagu jiro ma ahan mid laga baxayo, maalin Qabiil maalin Diin, miyaan marna Qaranka la soo hadal qaadeyn? Waaba ayaan darree maxaa labadaan naluugu daqraa? Ama naluugu dirqinaa? Dawladnimo Qarannimo, Garsoon, Sinnaan,iyo Hoggaan, midna miyaan la doonayn? Mise waxaan u wada badinnay dhan aan wanaaggu ku jirin.

Feb 2012

Bashir M. Hersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s