Foosha kala guurka iyo Foolka Dawladnimo

Foosha kala guurka iyo Foolka DawladnimoImage

 

Muqdishiyo Hargaysiyo

Jabuutoo hareer taal

Sanad guuro haybliyo

Hawraar san gobonnimo

Had iyo jeer ku deeqa!

 

Waxaa xusas gooni gooni ah ka kala dheceen Hargaysa, Muqdisha iyo Djibouti, maalintii 26-ka June ee xornimada qaateen Gobollada Waqooyi, sidoo kale 27-ka June waxaa Djibouti laga xusay maalinta xornimada Wadanka Djibouti, 01-da Luulyana waxaa laga xusay Muqdisha oo ah maalinta xornimada Gobollada Koofureed iyo Midawgii Koofur iyo waqooyi, hilaadintii 1960-kii, midnimo wiiqan.

Maalma ka horna waxaa jiray shir dhex maray Shariif iyo Siilaanyo, oo aan ka marnayn dib u midoobid ama kala go’id, midda y noqotaba, waa maalin aan ahayn 1960-kii Alla maxaa dareen wacnaa la duugay! Sida ay ku dambayso waan u joognaayo, aan u laabto ujeedka qormada. 

Kala guur yaan ku jirnaa, kolkii horana ku meel gaar yaan ku jirnay. Waa kala guran, isu guran, wada guran, aan marna is gaarin kalana guurin. Marar badan ma istiraa, sida wax u socdaan wax ba isma badalayaan! Mar quus yaa keenta, mar in dheer garadnimo iyo dhaaya ku haynta dhacdooyinka, mar qiyaas iyo malayn. Tan hore jeesatay, oo is qiblaysay, isna duuduubtay; “Nolosha qaarkeed geeri baa dhaanta!” Tan xigta qof walba iyo Gareedkiis, tan dambe waa rajo ku nool, oo noloshaaba ku dhisan.

Wadanka waxaa muddo rubac qarni ku dhaw hagayey qawlaysato, mar qabiil dabada la gasha, marna quwado shisheeye. Qool walba u xiray sidii qaranku ugu qabbirnaa lahaa. Qawl iyo quwadba isugu geeyey inay qawmiyaddan kala qaarnaato, qar iyo gabi dheerna u fuulay inay guudka sare dalka ka joogaan, dadkana ku gaamuriyaan colaad iyo gaajo.

Talada ah in Odayo Dhaqameedku Xildhibaannada soo xulaan waxay ahayd aragti ay Soomaali oo dhan u wada riyaaqday, sida kuba xusan heshiisyadii horay loo gaaray, maya, sida saxda ahba, illeen dadkani hoggaan kale ma lahane. Sayaasi isagaa kaalintiisii gabay, una tanaasulay qabqable iyo xaraan ku naaxayaal. Wadaad isagaa kaalintiisii gabay, una tanaauslay Alshabaab iyo argagixiso, sidaa awgeed, Oday Dhaqameedyadu waa kaalinta qura ee hartay, ee u taagan hab maamul iyo wax kala dhihid dad.

Haddaba su’aaasha ayaa ah: Odayada qudhooda sidee loo soo xulay? Illeen maanta qof walbaa waa Oday iyo Nabaddoone. Jawaabtu waa caddahay, ragga siyaasadda hor boodaya ayaa soo xushay,  Suldaan Axmed Aadan Maxamed (Suldaan Shooble) oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobollada Jubbooyinka yaa yiri: “Waxa meesha Ka socda, waa maanta i qor, berri aan ku qoree!” bal sii baar qormadii ahayd: “Odayo Dhaqan mise Odayo Dhibaad?!

Si walba himilo yaa jirta, aanse hana qaadin, xaaladda ammaan way ka soo raynaysaa, macaluusha waaba wax dabeecadda ku xiran yaa la dhihi karaa, aqool xumaba ha jirtee, “Aqool xumo Abaar ka daran!” murti baa ahayd. Dhanka maamulka iyo siyaasadda wali wax iska badalay ma jiraan, isku dhex yaac, khilaaf, wareegtooyin kala jeeda, muran joogta ah iyo kan baddal ee kan magacaw, ayaa laga dhammaan la’ yahay.

Waxaan sii gudagalaynaa gabaabsiga xilliga kala guurka, waxaa sii xoogaysanaya khilaafka iyo muranka, dhan walba yeelan kara, haba ugu darnaado midka DASTUURKA, iyo QAABKA LOO ANSIXINAYO, QAABKA GUDDIYADA FARSAMO LOO SOO XULAYO, XULIDDA XILDHIBAANNA iyo HANNAANKA DOORASHADU KU DHACAYSO, oo aan wali cid ka hadlaysaa aysan jirin, balse dadka dhami wada sharraxan yihiin, bal dib u eeg qormadii ahayd: “Anna Musharrax baan ahay!”

Dabcan waaa lagu jiraa xaalad adag, dhan walba, haddana, ifafaale muujinaya in hawshu dhawdhaw dahay ama la hayo dhabbihii dhawayn lahaa ama lagu dhawaan lahaa ma muuqdo, tan waxay ku galin shaki, waaba haddii uusan horay kuu jirine, taa oo keeni karta han jaba, heeryo dedan, hammi laaban iyo himilo joogta ah.

Eedda fashalka KU MEEL GAARRADA waxaa mar walba isu dhiidhiiba DUNIDA iyo DUULKA MAAMULKA haya, dunida dooddeedu waa inaysan HOGGAAN iyo HANNAANI jirin, siyaasi iyo seeregooyana uusan joogin, taanna ay mar walba sababto banjarka joogtada ah.

Dhanka kale, siyaasi ku sheegga Soomaaliyeedna wuxuu eedda dusha ka saaraa dunida, isagoo ku dooda inay ka maageen fulinta ballan qaadyadoodii, aan la helin dhaqaale lagu fulsho qarshe nabadeed, sugid ammaan, dib u heshiisiin dhaba iyo dib u dhisid dal, waa dood marna aadan garanayn cidda aad garsiin!

Qof aan maamulka Soomaaliya isku dayin ma jiro, CIIDAN, RAYID, QABQABLE IYO WADAAD, dhammaan waa ku wada fashilmeen, qaarkood waxaaba u dheer inay garab ka helayeen shisheeye, aan marna ku socon raallinimada iyo rabitaanka Soomaalida, haddana, yaaba warsanayaa, illeen sideen wax ku xukumaa, iyo maxaan wax ku xukumaa? Ma ahan weydiinta siyaasi ku sheegga Soomaali hor taallee, waxaa maankiisa ku jira, kaliya, wax ku xukun, sida qushiba kama leh.

Eedda fashilinta waxaad mooddaa in koox kale ku soo biirayso, malaha magac ahaan haddii loo sheego lama rumaysanayo, balse, waa sidaaye, oo sina looma dhaafi karee, waa Odayaasha Dhaqanka, ee ku shirsan Muqdisho, oo qodob ahaan u soo jeedshay inay ahaadaan Golaha ugu sarreeya maamulka dalka, tirada Xildhibaannada ku dareen 50 [Konton] xildhibaan, si tirade guud u noqoto 275 [Laba boqol todobaatan & shan] halka go’aannadii hore lagu caddeeyey in tirada guud ahaato 225 [Laba boqol labaatan & shan].

Dhanka kale, maalin dhaweed waxaa murankii ugu darnaa ka dhex toshay Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Guddiga Dastuurka, oo uu hor kacayo Prof C/laahi Xasan Jaamac markii dambe ku dhammaaday in la kala diray Guddiga Dastuurka, markii hore waxaa afka ka sheegay Wasiirka Dastuurka, deedna waxaa lagu soo saaray war saxaafadeedka kulanka Wasiirrada.

Guddiga Dastuurku waxay ku doodeen in shirkii Nairobi ka dhacay ee u dhexeeyey kuwan loogu yeero “Saxiixayaasha Roadmao-ka” “Lixda Saxal” looga dooday nuqul aan ahayn midkii la isku ogaa, sidoo kale, ay ahayd inay Odayada Dhaqanka hor geeyaan Dastuurka, balse la baajiyey, markii dambana midkan Qandiga lagala soo baxay, fartu waxay ku godan tahay Ra’isul Wasaare Gaas iyo Wasiirka Dastuurka Xoosh, oo Faroole ka gows haysta.

Kaas kaliya ma ahan waxa dooddu ka taagan tahay, waxaa la yiri; Guddi Farsamo oo Madax bannaan yaa la magacaabay, aan weydiin duldhigee, yaa magacaabay? Sidee lagu magacaabay? Qaabkee lagu magacaabay? Warcelinnadu waxay noqon magacawgu wuxuu ka dhigan, qof doonaya in Shahaado la guddoonsiiyo, qofkii imtixaanka ka qaadi lahaan soo magacaawday, kaliya ma ahane, haddana waydiimihiina soo qortay, haddana doonaya in la abaalmariyo!

Dhanka ugu muhimsan waa kaalinta Mahiga, dad badan oo Soomaalinimo ku jirto way u muuqataa, balse, dad badan oo qalbiga ka buka oo qabyaaladi madax martay ama XILDOON ah ama XOOLODOON yeysan u muuqan, heerkii ugu sarreeyey ayuu hadda marayaa, si cadna bannaanka isu keenay saddax arrimood midkood, oo kala ah:

(A)  Midda ugu horraysa inuu qarsan waayey sida uu uga xun yahay AQOON YAHANKA SOOMAALIYEED, isagoo kala qaadaya waxan uu ugu yeero QASWADAYAASHA ayuu u kala qaaday afar. (1) Kuwo dawladda ka tirsan. (2) Kuwo bannaanka ka ah, oo aan dawladda xil ka hayn. (3) Qabqablayaashii dagaalka, oo dawladda ku jira ama aan ku jirin. (4) kuwan afraaad waa sida uu hadalka u dhigee wuxuu ku sheegay inay yihiin kuwa ugu QATARSAN uguna SHAR badan, waana AQOONYAHANKA SOOMAALIYEED, wuxuuna yiri sidan: “…Kuwani ma joogaan gudaha Soomaaliya ee waxay joogaan qurbaha. Kuwani waa SHAR waana KHATAR mararka qaar, waayo waxay QASAYAAN oo ay SUMAYNAYAAN MASKAXDA DADKA SOOMAALIYEED. iyagoo QORAALLO ku soo qora WEBSITE– yada ama MAQAALLO ay daabacaan ama nooc kasta oo AFMIINSHAARNIMO ah, si ay dadka u KHALDAAN oo ay u marin habaabiyaan, iyagoo sheeganaya xoriyad hadal laakiin xaqiiqdii waxay qasayaan dadka…”.

(B) Midda xigta yaa ah, inuu garwadeen ka noqday Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, inta hamblihii shiriyey ku yiri: waa inaad ka qaybqaadataan maamulka dalka, aragti ahaan Soomaali nadiifa oo diiddan maba jiro, marka laga reebo Wadaaddan Carabtu madaxa ka xadday, haddana, yaa xaq u siiyey inuu tilmaamo caynkaa ah ama gaara dhiibo? Midda laga yaabo inay qaladkan horseedka ka tahay yaa ah, go’aannadii lagu yiri baarlamaanka waa in dumarka laga siiyaa 30% ani ahaan sida aan INA RAG ku aqaan waxba kama hirgali doonaan, balse waa qalad dhacay, gabadhii doonaysa inay siyaasadda ku biirto albaabku waa u furan yahay, aanse halkan dul joogsado oo su’aal dhigee, wadanka Tanzania ee Mahiga ka soo jeedo, Dumarku intee baarlamaanka ku leeyihiin?.

(C) Sidoo kale, Mahiga wuxuu la wareegay Wasaaraddii Warfaafinta, isagoo amarro ku siiyey Warbaahinta madaxa bannaanka inay ka waantoobaan inay war walba sheegaan ama qoraan, ma yaab yaa kuu harsan aqriste? Haddii Mahiga laba Wasaaradood si toos ah amarro u siinayo, ama kaalintoodii buuxinayo.

 

Quud doone bahaliyo

Ergay qaaqle oon garan

Qiimaha midnimadoo

Qaswadaha la jaalka ah

Qabqablaha la jaarka ah

 

Qaramada midoobaa

Qayb weyn ka qaatee

Qoom yahaw innaga jira!

 

Duubabka Dhaqanka waxaa loo igmaday in xalka looga maarmi waayey, waxayse u muuqdaan inay dhibka qayb ka mid ah noqonayaan, haddii aan si kale wax isu badalin, foosha kala guurka waxaa ka harsan maalmo iyo saacaado kooban, waxaa la soo gaaray xilligi bilo dhammayska ee ku meel gaarka, dhammaan la wada hamminayo in laga boxo dawlad ku meel gaara, oo aan muddo labaatan sano ah ku jirnay.

Haddii Duubabkii u xiib siibteen inay dhistaan Gole ay xaq u leeyihiin, aanse markii hore qorshaha iyo qodobbada la filanayey midna ku jirin, maxaad ka filan Wasiil, Xildhibaan, Maareeye iyo Mudane Shaar iyo Surweel wata inuu la imaan karo? Wallee waa wadan aan la kala roonayn, dhammaan loo wada dhug leeyahay boos xajin iyo kursi ilaashad, qof dan guud ka hadlaya, ama qarannimo ka sheekaynaya aabba ku diimayso!

Rajadu markii hore nuxuus bay ahayd, saansaantuna ma buurnayn, haddii lagu sii kaabo khilaafkan Dastuurka ka taagan, Guddiga iyo Wasiirka ka dhex jira, Odayaasha iyo dawladda ka dhex tolan, Mahiga iyo amarradiisa meelmarin rabaan, waqtiga harsanna aad u koobayn yahay, madaxdii dalkuna socdaal iyo safar ku jiraan, saw lama dhihi karo isbaddal la filaa aad ayuu u yar yahay?.

Ugu dambayn, murannadan iyo kkilaafyadan waxay salka ku hayaan DAN SHAQSIYADEED, SADBIRSI BEELEED iyo SIR SHISHEEYE, midda hore waa midda ay rabaan madaxda dawladda ugu sarreeya, oo ah in sidan lagu gaaro bisha siddeedaad, dabadeedna ku doodaan waqtigaa dhacay, lagana fursan waayo in xilka loo kordhiyo mar kale, inta ay noqotaba.

Midda sadbursiga waligii waa jiray, haddana waxaa la sharciyeeyey, 4.5 [Afar & bar] aan la garanayn meel ay Soomaali ka soo gashay oo Jabuuti laga soo qaaday, Madaxweyne Geelle iyo C/qaasim madaxooda Allaha ka shubo, dhanka kale, maxaa muran galinaya mar walba Caasimadda Muqdisho? Oo loo leeyahay maqaamkeeda Dastuurka laguma qorayo? Maxaa diidaya inay noqoto Caasimaaddii dalka iyo caasimad maamul goboleed? Waaba haddii Federal [Kayga anaa iska leh kaaga kula lihi] faa’iido leeyehee.

Midda u dambaysa, waa danaha shisheeye, ee aan daah cidna ka saarnayn, wadanka waxaa ku sugan quwado shisheeye, intooda badan xoog ku soo galay iyo oggolaasho la’aan, dibse laga sharciyeeyey, kuwan iyo kuwa nabad ilaalineedba dan uguma jirto in xasil la helo ama nabad la gaaro, oo waxay doonayaan in lagu sii jiro fawdadan iyo jaha wareerkan, si aan looga maarmin, mushaarkuna uga go’in ama mucaawinada ay caddaanka ka qaataan ugu socoto.

Haddaan maalmaha soo socda xal loo helin isqabqabsigan taagan, waxaan laga maagi karin fashil ku yimaada foosha kala guurka iyo ku meel gaarkaba, dabcan fashal dawladda Soomaaliyeedna kama marna,  oo dad badani qorshaynayaan ama doonayaan in sidaa wax ku dhammaadaan. Foosha lagu jiro, iyo bila dhammayska jira, ma waxaa ka dhalan dhicisnimo? Ma dawladnimaa ka dhalan? Mise fashal? Aqriste, ogsoonow fashal iyo dhicisnimo isku hal ma ahane, murti yaa dhahaysa: “Sidkeedi dhammaayee, yey sasaban doontaa?! ” marka arki doonnee, qolada eedda dusha laga saaro.

 

Bashir. M. Hersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s