Maan maran iyo maqaam muran!

1

Maan maran iyo maqaam muran!

Yaa miyir qaboo Maas “Amaah” la weediiyaa!” yey murti leedahay, hubaal in maanku yahay hagaha xubnaha jirka, miyirkuna yahay halbeegga maanku wax ku hago, macnaha “Miyir lahaa Maan leh”, balse miyirku isagoo jooga ayaan inta badan maanku shaqayn, sababo la xirira xigmaddoo ka guurta, garashadoo gabaabsi noqota iyo gunnimo u dhalasho, murti kale ayaa leh: “Talo kuguma noola, ee Adigaa nool”.

Shirkii Khaatumo 2, ee ka dhacay magaalada Taleex, aanse helin gurbaan garaacii shirkii Garoowe oo kale, laguse suntay inuu horsed u noqon doono midnimada Soomaali, ayaa markii la soo gabagabeeyey, Siilaanyo weerar ku qaaday magaalada Buuhuudle, ismaqiiq cad iyo meel dayoshao la’aan, isma weydiin maxaa soo kordhay? Mana xog waraysan, maxaa lagu heshiiyey? Wallidiisu dadka dhan yey ka yaabisay.

Siilaanyo oo markii horaba ku hawlanaa garaadyo xirid, isku shaandhayn wasiirro, midkaan xil ka qaad ee kan u dhiib, magacaabid gudoomiye gobol, degmo iyo tuulo, ayaa shirkaKhaatumo 2 lagu go’aamiyey maamul goboleed, saskii uu ka qaaday waaba la ogaa, wali wuxuu ku jiraa shoog, malaha wuxuu islahaa SSC ma dhisan karaan maamul ka madax bannaan Somaliland iyo Puntland?.

Way fiicnaan lahayd inuu caqligu shaqeeyo, garashada la adeegsado, goobaynta iyagaa billaabee, haddii laga gobolaystay maxaa guhaadda keenay? Maxaa wiil Soomaali u go’ayaa? Maxaa hooyo Soomaali u gablami? Maxaa afo Soomaali Asay gambo u qaadi? Dadku waa xidid, xigaalo, walaalo, daris iyo ood wadaage, miyeysan habboonayn, inaan la kala dilin? Maan maran iyo maqaam muran!

Puntland, maamulkii marti soorka iyo marti wanaajinta, shirkii Groowe ayaan dhaliillo yar ka qoray, waaba la ogaa wixii dhacay, waxaasne doonayaa inaan dadka xusuusiyo marka maamul la dhaliilo, yaan la isku qarin qabiil iyo isbaaro, meesha xaal marayo ma wanaasgana, ha ahaato dadka reer Puntland ama dadka ka soo qaxay qaxarka Alshabaab, Amisom iyo abaaraha ku duftay deegaannada koofureed, balse dadka qaarkii waxaa uma muuqdaan.

Ma ahan markii ugu horreeyey ee hadallada midab takoorka iyo isir nacaybka ku salaysani Faroole ka soo yeeraan, maamulkaa rag yaa isu daba maray, qaylo sidaa u weyn kama jirin dhanka reer koofurka, C/laahi Yuusf iyo Cadde Muuse, Faroole siduu xilka u qabtay wuxuu u soo jeestay maasaakiintaa aan hoy iyo hargal midna haysan, maruu yiraa waa inay is diiwaan galisayaan, iyo maruu yiraa argagixisadu waa reer koofur, waaba yaabe ninku miyuusan xishoonayn? Sida muuqata maya, ee reer Puntland ha ka digtoonaadaan godobta ninkani u beerayo.

Puntland hadda wayba guulaysatay, sida hadalka loo dhigay, maadaama shidaal qodonayso, ma xumo, hurmar bogaadin mudan, mise la is weydiiyey, shidaal iyo burcad badeed inaan la isku baal wadi Karin, shidaal iyo shabaq inaan la isku shaandhayn Karin, amni xumida ka taagan Puntland ma ahan mid dhiirigalinaysa maalgashi, waase arki doonnaa meesha ay wax ku dhammaadaan. Maan maran iyo maqaam muran!

Galmudug state, khilaafkii go’aan ayaa laga gaaray, dantu waxay dhaafi waysay in burcad badeeddu beesha sii maamusho, kaligood ma ahan haddi, sadarada sare yeysan kaa silloon, hadda waxaa loo bira tumanayaa Hobyo iyo in dagaal lala galo beesha Cadaado, waa sida hadalka loo dhigay, iimase dhadhamin arintaa!

Sababihii xilka looga qaaday Caalin hadday wali taagan yihiin, maxaa keenay in la yiraa xilka ha loo daayo? Mise waa xumaanta ha sii xumbayso, ee yaan xilka laga xayuubin? Waxaan garan waayey raggan lagu sheego nabaddoonnada, iyagu miyeysan dunida la socon? Markuu dhibku dhoco ayey Xamar ka soo xaydxaytaan, waxaan ku xallinay in xaalka sidii hore loo daayo ayey xaajada ku soo xiraan, marka hore masuuliyadda saaran, maa toos u abbaaran? Inta aysan wax dhicin, si go’aanka dambe u fududaado.

Guddoomaha maxkamadda sare ayaa xilkiisa iska casilay, maadaama ay u cuntami waysay qaabka odayaashu wa u go’aamiyeen, waxaase xigmad lahaa hadalka uu ku cilleeyey is casilaaddiisa, isagoo yiri: “dadkan sharci Islaam iyo mid caalami ah midna dhawri maayaan”, ka dib, waxaa isna is casilay ku xigeenkiisa, wuxuu ku gaabsaday, waxaan isu casilay wuxuu gudoomiyuhu isu casilay.

Go’aanka labadan masuul wuxuu farriin culus u yahay, dad badan oo ku dooda waxba ma qaban karno, meeshana kama tagi karno, run ahaan inayan is qabayanayn, Maahmaah ayaa leh: “Meel ama waa laga muuqdaa ama waa laga maqnaadaa”, si dhab ah waxaa u hirgaliyey labadan masuul, oo xilka isaga tagay, ka dib markii sharcigii la garab maray, xeer jajab iyo xukun qalloocanna laga xigsaday, miyeysan mudnayn labadan masuul in lagu daydo? Maan maran iyo maqaam muran!

Ahlusuuna, Dhuusamarreeb waa xarunta gobolka Galguduud, waxay xudun u tahay Ahlusunna, xigaalada Xabashida ee xilligan, waxay ka dhammaan la’dahay dagaal rogaal celis ah iyo ku dhufo oo ka dhaqaaq, ma mid loogu talagalaybaa? Mise waa nacasnimo meesha ku jirta? Miday tahayba magaalada kuma qummana sidaa. Maan maran iyo maqaam muran!

Hiiraan waa hugmaysaa, waxa ka soo higle saadilin kaliya kuma filna, sidii ay u soo galeen magaalada Beledweyn Xabashidu, waxaa ka dhacay xasuuq loo gaystay dad, yaa dilay? Sidee loo dilay? Xilligee la dilay? Waa su’aalo aan cidna ka jawaabi karin, u baahan baaritaan dhab ah, waxaa xigay booqashadii Gaas, oo runtii dabkii dansanaa Gaas ku bilbishay.

La yaabku waa markii ra’iisul wasaaruhu booqasho xabashiyeed ku tagay Beledweyn, saacado hadday xabashidu u xogwarrameen, dabcan meeshana ha ka saarin maamulka Dooxada Shabeelle, ayuu Muqdisho ku soo laabtay, waraysi uu BBC-da siiyey ayuu ku dafiray inay wax maamul ah ka jiraan Beledweyn, isla waraysiga ayuu kala hadlay, mar wuxuu leeyahay way na soo dhaweeyeen, marna wuxuu dafirayaa in maamul jiro, isuma kay qaban.

Midda la yaabka ah ayaa waxay tahay, markuu yiri: “si maamul goboleed loo dhisaa waa in la helaa ugu yaraan laba gobol”, waa mide Puntland markii la aasaasayey miyey ahayd laba gobol? Illeen marka Bari laga reebo inta kale waa la wada degaaye, kaba dhig, ee Galmudug ma laba gobolbaa? Iyadoo sidaa ah ayeyba ka qaybgashay shir aayaha Soomaali looga arrin sanayey, ma garan “Adigu waxba ma tihid, oo haddaa qiimaynta maamullada ma Gaas ayaa loo xilsaaray?.

Taas siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay, gaar ahaan waxaa ka hadlay mudanayaal ka soo jeeday Hiiraan, oo yiri faraha kala bax arimaha gobolka, waaba su’aale, Gaas gurracnaantiisa meeshii maamul ka jiro markuu sii adkayn lahaa, sii habayn lahaa, sii hormarin lahaa, ayuu isagiiba inkiray jiritaankiisa, malaha waa dumiye, iima bixin ujeedka hadalkiisa, wuxuuse ahaa midaan siyaasi ku hadlin, ninkii saacado ka hor ku marti sooray, inaad seef madaxa uga sartaa kaama mudna.

Intaa kuma ekaysan, ee wuxuu soo diray laba wasiir iyo shan xildhibaan, waxaa ugu tunweynaa  wasiirka qorshaynta qaranka iyo iskaashiga caalamiga  C/laahi joodax Barre, si ay muumul ugu sameeyaan gobolka, isagoo iska dhagatiray hadalladii xildhibaannadu u soo jeediyeen, aan mar kale ku celiyo, war ninku ma waalan yahay mise waa fayow yahay? Hadduu yiri maamul goboleed waxaa dhisan kara laba gobol iyo ka badan, muxuu u soo diray kuwan aan xushmadda iyo xilka waxba ka aqoon.

Waxaan uga jeedaa, horaa loo yiri: “Lagaa baray oo lagaa badi”, feerka iyo buujimada waxaa noo qaabilsabanaa baarlamaanka, maanta waxaa ku soo dorsoomay wasiirradii, berrina filo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, wax haray ma jiraan, xukun iyo xeer midna lama dhawrayo, ethics akhlaakh iyo anshax midna lama dhuganayo, magac, muunad iyo sharaf midna lama tixgalinayo, waa ha yaacdo iyo maadigaa yiri.

Xalka khilaafka aan bal wax ka dhoho, horta gobolka ma degana laba beel oo qura, ee beelo badan ayaa degga, ee taas yaan cidna caad ka saarnaan, haddaba maadaama khilaafku ka taagan yahay maamulka gobolka, si looga hortago dagaal dhexmara beelaha ood wadaagta iyo xididka ah, waxaa lagu kala saari karaa sidan, in beelba mar ay qabato maamulka gobolka, tusaale ahaan, ina laba sano loo dhiibo beel, tan kale labada xigta hayso.

Haddii la isku afgarto miilootnka caynkaa ah, waxaa imaanaya yaa billaabaya oo xilka loo dhiibayaa marka hore? Waa sahlan tahay iyana, waa loo qori tuurayaa, tii ku soo baxda ayaa maamulka hor qabanaysa, dabcan dhanka kale waa in si weyn looga qaybgaliyaa maamullada kale beelaha kale ee gobolka wax ka dega, haddii kale sadbursigu ma idlaanayo, waligiina waa jirayaa.

Waxaanse doonayaa inaan mid dhoho, dhibka maanta taagan iyo madaxa la iskula jiro waxaa ka masuula ka ah dawladda, gaar ahaan mudane Gaas, oo isagu markii hore laalay maamulladii jiray, dabeedna rag aan magac iyo masuulinimo u qalmin u soo dirsaday meesha, waa qaska ha taagnaado, mayee waa in beelaha wada dega madaxa la isu galiyo, in dib loogu celiyo qadkii cagaarnaa iyo is qabqabsi aan dhammaanayn, mayee inaysan waligoodba heshiin. Maan maran iyo maqaam muran!

Jookarka siyaasadda sanadihii u dambeeyey Shariif Xasan, ayaa waxaa soo food saaray saami la’aan, ka dib markuu is yiri saaxadu waa kuu sallaxan tahay, sababta waa Kampala Accord, oo uu isa siiyey guddoonka baarlamaanka ilaa laga gaarayo august 2012-ka, ragguu shalay shilimaadka ku shubi jiray ayuu is yiri waad ka kaaftoontay, ee shaxaad dambe ha bixin, waase laga hoos kacay, rag yaryaraysi ma galo!

Haddii foodda la isdaray, xilka ayaa laga qaaday, ma xishoon mana sarriigan, ee wuu is xijiyey iskuna suntay xilka, iyana ma xeeladayn mana xeerin, ee xabadka ayey gacanta ka galiyeen, feer iyo faralaab, kuraas wiifaysa iyo tumburyo la isu adeegsay, xukun iyo xeer midna lama dhawrin, ethics akhlaakh iyo anshax midna lama dhugan, magac muunad iyo sharaf midna lama tixgalin, waa ha yaacdo iyo maadigaa yiri, hadda Shariif Sakiin wuxuu u madlan yahay mar kale shirka London, ma garan sababta, waan ku soo laaban qodobkan. Maan maran iyo maqaam muran!

Nuunoow, hawshiisa ayuu wataa, xukuumadda ayuu sadax casho u qabtay inay ku hortimaad baarlamaanka, si looga doodo waxa loogu yeero Roadmap-ka, oo qolo walbaa sheeganayso inay diyaar u tahay fulintiisa, sidaa uu yahay, waxaase la fahmi la’yahay waxa Roadmap-ku yahay, haddana waa loo wada dhiirran yahay, maya waaba loo tartamayaa, wuxuu noqday wardiga siyaasi isku sheegga Soomaaliyeed. Maan maran iyo maqaam muran!

Madaxweyne Shariif wuxuu laba mar ka hadlay dadka deggan xumaraha dawladda, hawl hirgalin u baahan, marka dadkan hoy loo helo, waaba yaabe, isagu ma wasiirka arimaha gudahaa? Ma gudoomiyaha gobolka Banaadiraa? Ma Duqa magaalada Muqdishaa? Ma gudoomiyaha degmooyinka ay ku yaalliin xarumahaasbaa? Sida muuqata wuxuu hayaa shaqadii ay qaban lahaayeen masuuliyiinta aan xusnay, isagoo ku ekaan wayey xilkiisa madaxweynenimo, malaha shaqo la’aan ayaan ku dhacay.

Wax wax isdhaama weynnay, xildhibaanno, gudoomiyeyaal baarlamaan, madaxweyne, ra’iisul wasaare, wasiirro iyo madax degmo, nin walba wuxuu eeganayaa meesha uu joogo, wax kama galin inta kale, wuxuu xoogga saarayaa siduu damaciisa u meel marin lahaa, darajana u gaari lahaa, hadduu gaarana uusan uga guurin.

Madaxweyne qabanaya shaqadii gudoomiye degmo, gudoomiye degmo oo qabanaya shaqadii madaxweyne, guddomiye baarlamaan oo qabanaya shaqadii wasiirka koowaad, wasiirka koowaad oo qabanaya shaqadii gudoomiyaha baarlamaanka, Aniga waxay iga maraysaa, meeshu ninku ka yiri: “Hashu maankayga qaadde ma Misaar bay laqday!”. Maan maran iyo maqaam muran!

Gaas isna wuxuu faraha kula jiraa meel waba, wuxuu isku shaandhayn ku sameeyey golaha wasiirrada, isagoo magacaabay wasiiro dawlayaal iyo ku xigeenno, waa yaabe hadday u dhimman tahay xukuumaddiisa wax ka yar shan bilood, haddii shir madlan yahay bishan nagu soo food leh, siduu ku hindisay inuu wasiirro cusub magacaabo? Waalli ka weyn ma arag.

Maamlin dhexdaa ah waxaa faraglintiisa lagu sii daayey nin watay 2 milyan oo Dollar, isagoo soo adeegsaday wasiirka arimaha gudaha C/samad macallin Maxamuud, hadda wuxuu ku dhaggan yahay maareeyaha Dekadda Muqdisho, sababa la xiriira boobka hantida qaran, doonayana in la booboo biraha dekadda dhexyaal, isagoo soo wakiishay wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Badda Aadan Cabdullaahi Aadan, haddii xaal sidaa yahay muxuu ka magacaabay gudiga la dagaalanka Musuqmaasuga, waa maaweelo aan muuqaal lahayn. Maan maran iyo maqaam muran!

Alsabaab iyada waxay ku jirtaa firxad iyo kala carar, waa caadadooda markay arkaan cadaw isma haystaan, Beledweyn kabta ha iga goyn ayaa ka dhacday, Gedo oo dhan way faarujiyeen, illeen waxay oleyn yaqaanniin waa Soomaalidee, iyagana miyeysan ku habboonayn inay joojiyaan falalka gurracan ee arxandarrada ah, ka waantoobaan gacma goynta iyo lugaha iyo gamcaha isdhaafka ay u jarayaan, oo dadkooda dhinac ka raacaan. Maan maran iyo maqaam muran!

Gedo, waxay la mid tahay Dhuusamareeb, habeenkiina waa laga qaxaa, maalintii waa lagu soo guryo noqdaa, Ahlusunnadaa iyo kuwan waxba is dhaami waaye, waxay ka dhammaan la’yihiin iska caabin,Baydhabo, iyada warkeedu waa kooban yahay, xarun argagixiso, balse nabdoon, oo aan dagaal iyo diriri ka jirin, taa oo guul la taaban karo ah. Maan maran iyo maqaam muran!

Kenya waxay hirgalisay ballanqaadkeedii, waxay duqayn ku waddaa magaalooyinka Jilib, Garbahaarrey, Buulo Xaaji, Luuq, Afmadow, Baardheere, Faafaxdhuun, Xayo, Taabto, Xagar, Qooqaani, Hoosingow, Kudhaa, Ceelcadde, Afgooye IWM, waxaa magaalooyinkaa duqeeyey  dayuuradaha dagaalka ee Kenya iyo kuwo aan la garanayn, duqeymahaas dhammaantood waxay ka dhaceen goobo aysan Alshabaabku ka dhaweyn, qasaaruhunu wuxuu gaaray dadka shacabka ah.

Duqayntii ugu xumayd waxay ka dhacday magaalada Hosingow, magaaladaa waxa ka dhacay waaxasuuq, magac kale uma hayo Anigu, waxaa la duqeeyey dad rayid ah, oo aan dagaal iyo dirir midna ku jirin, loona gaystay gumaad ka dhan ah nolosha Aadanaha, Jaziiradda Kudhaa iyana waa la faarujiyey, oo dadkii ka qexeen, ka dib markii duqaynta kala go’i weysay, dabcan qoyskii lagu xasuuqay Jilib yaan la illoobin!, taa kaliya ma ahan, dhaca, boobka, jirdilka iyo xadgudubyada joogtada ah, ee Kenyaanku ka gaystaan xeryaha qaxootiga ee Ifo iyo Xagardheer. Maan maran iyo maqaam muran!

Maaulka Azaania, isaga waxba kama galin dadka ku baaba’ayaa dagaalka iyo duqaymaha xulufadooda, waxaa taa uga muhimsan inay hirgaliyaan hanka ay higsanayaan ee huwan heeryada halaagga, Gaandi iyo inta ku gadaaman ma garan inaan sooyaalku gaboobin? Beeli beel ma kor dagi kartaa? Haddayse kor degto imisa ayey dul degaanaa kartaa? Caqligu miyuusan shaqaynayn? Kolley Soomaalinimo, walaaltinimo, xididnimo iyo ood wadaagnimo waxba tari waayeene, ma waxaa dadka ka dhaadhacsan haddaad shisheeye ku daaban tahay dadka waad jujuubi kartaa, dalkana waad qabsan kartaa? Waa ogaalli’idaa. Maan maran iyo maqaam muran!

Ugu dambayn, waxaa madlan shir London ka dhacaya dabayaaqada bisha labaad, shir nagama dhammaado shayna nooma hagaago, sanadkii la soo dhaafay waxaa la qabtay ugu yaraan 3 shir, waxaa ka badan kuwa magaca Soomaali ku suntay ee aysan goobjoog ka ahayn, haddaba shirkan maxaa laga filan karaa, oo warar kala duwani ka soo baxayaan? Qormo gaara ah ayaan ku faaqidi doonaa.

Run ahaantii walaac badan ayaa laga muujiyey shirkan, dad badan ayaa ka cabsi qaba in wadanka la galinayo Maxmiyad, waaba su’aale hadda ma madax bannaanahay? Marka laga soo tago maamul beeleedyada, wadanka waxaa xakuma caddaan iyo madawga xoogga ku jooga, haddiise la iclaansho maxay ka badalaysaa marka laguu maldaho? Waa meeshuu abwaanku ka yiri:

Marwo camal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaantaa
Muslinnimo nimaan kuula socon muuminnimo khaa ah
Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaanta!

Ninkii tashan waaya waa loo talin” murti ayaa dhahaysa, haddaba maxaa diiday in Soomaali loo taliyo hadday tashan waysay? Dhibka waxaa keenay in qolo walbaa qolada kale ku eeganayso dhibka, dayaca, duruufta iyo diihaalka, ayna dhammaatay walaaltinimo iyo darisnimo, haddaba miyeysan dhaamin in nala maamulo maadaama aan is maamuli weynnay, wali waan is giijinaynnaa, ma xumo, balse waa in la helaa dad ay daacad ka tahay qowl iyo fal dhaba, haddii kale Maan maran iyo maqaam muran!

Wadanka dhan waa holcayaa, muqdisho habeen walba dagaal ayaa ka dhaca, gobolada dhexe xabashi ayaa qabsatay, Kenya, Gedo iyo Jubbooyina ayey dadkii ku xasuuqaysaa, waxyeelladii abaarahu wali ma dhammaan, ee maangaabnimo miyaa ka weyn inaan sidaan ku sii jirno? Maangaabnimo miyaa ka weyn inaan sidaan xal u aragno? Maangaabnimo miyaa ka weyn inaan ku jirno isku shaanshayn iyo magacaabid? Maangaabnimi miyaa ka weyn inaan ku dulwareegno dabadhilif?  Maan maran iyo maqaam muran!

 

Feb 2012

Bashir M. Hersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s