Marxaladda kala guurka ah iyo Madaxda mustaqbalka Q:3AAD

3
Marxaladda kala guurka ah iyo Madaxda mustaqbalka Q:3AAD

Haddaan qaybtii hore ee qormada uga hadlay, Arar, Marxaladda kala guurka ah, Guddiga Dastuurka iyo qayb ka mid ah Dastuurka qabyo qoraalka ah. Qaybtii xigtana ku qaabiyey: Qayb ka mid ah Dastuurka qabyo qoraalka ah, Dastuurro is diiddan iyo Dastuur duran, ayaan qaybtan uga hadlayaa:Xulidda Xildhibaannada, Dhammaantoodba na dhaafiya! Maandeeq Marwo ku maamuusa iyoDoorashada iyo lacagta la soo daabacayo. Haddaba qaybtii sadaxaad ee qormadu waa tane, ka bogasho wacan.

 

Xulidda Xidhibaannada

 

Qormo hore oo cinwaankeedu ahaa: “Doqon diran iyo daacad dabran!” ayaan ku talo bixiyey, in qaab xulidda xildhibaannada loo raadraaco talo wax ku ool ah oo maankayga ka soo maaxatay, haddab, iyadoon la hoosaasin bal ila dhuuxa aragtida.

Si loo xalliyo muranka xulidda xubnaha baarlamaanka kamid noqon doona, kala dirid maalin walba kuma jiri karnee, kowna lagama soo billaabi karee, kuwa jooga cidna ma soo dooran, oo kalsooni beeleed iyo mid bulshab midna ma haystaan. Kuwa iman doonana la mid, yaa beeso leh xaalku ka dhammaamaayo, sidaa darted, waxaan ku talin lahaa, in kuwan laga soo dhex xulo xubnaha iman doona,  haddaba sidee loo soo xulayaa?

Tirada la doonayaa waa 275, si loo helaa aad ayey u sahlan tahay, waxaa lagu wargalinayaa xildhibaannada dibadda ku maqan iyo kuwa gudaha joogab, in xulasho Xildhibaanno la samaynayo, shanta beel ama aan dhehee beel iyo barta hadda jirta, maalinba beel ayaa la tartansiinayaa xubnaheeda, tirada ay beel walbaa hadda leedahay waxay ku dhawdahay 122, waxaa la samaynayaa 122 waraaq, waa la nambarinayaa 45 waraaq, inta kale caddaan kooda ayaa loo dhaafayaa, sidaa ayuu nin walbaa ku tijaabinayaa hoodo iyo ayaan wuxuu leeyahay.

Ninkii qaata waraaq nambar leh ayaa ka mid noqonaya baarlamaanka, ninkii qaata waraaq cad ee aan waxba ku qornayn xubinnimadii sidaa ayuu ku weynayaa. Si kalana waa laga dhigi karaa, micnaha, waraaq cad ninkii qaata ayaa galaya xubnaha baarlamaanka, ninkii waraaq wax ku qoran tahay qaatana sidaa ayuu ku weynayaa xubinnimadiisa. Sidaa ayaana lagu xallin karaa xulidda baarlamaanka, waxaase la oran karaa kuwani meesha waxaaba geeyey ayaankooda, haddi markaa eed kuma laha, ee ayaan darradu Soomaali ayey ku habsatay, waa maroo iyagii hoodo ma yeelan, waa marka labaade kuwii matali lahaana sidan yey noqdeen. Soomaalaay ayaan daran.

Markaa ka dib ayey ansixinayaan dastuurka qabyo qoraalka lagu sheegay, ee ilaa hadda la garan la’yahay waxa ku qoran iyo waxa lagu qori doono, waxaa xigaya doorashada afhayeenka baarlamaanka, ka dibna madaxweynaha, ka dibna xulidda wasiirka koowaad, dhismaha wasiirro, sidaa ayeyna hawsha ku socon, iyadoon wax la kala dirin, kowna laga soo billaabin, waxaa isu kay qaban la’, waxaa laga gudbayaa marxaladda ku meel gaarka ah iyo baarlamaanka ha la kala diro! Oo haddii la kala diro yaa soo dooranaya? Yaab.

Bal maanta aan qaab kale u dhigo, waxaa igu qasbay, waa inay ii muuqatay, in dukaanleyda joogtaahi soo noqon rabaan, doonayaan inay dadka ka hoos xaluushuun, sidaa awgeed, waa in laga sii hortagaa, maadaama aysan intii ay meesha joogeen waxba soo kordhin, marka laga reebo isqaarijin iyo isjiijiid.

Maanta waxaan ku talinayaa inay xildhibaannada soo xulaan Odayaasha dhaqanka, sida kuba xusan heshiisyadii horay loo gaaray, maya, sida saxda ahba, illeen dadkani hoggaan kale ma lahane. Sayaasi isagaa kaalintiisii gabay, una tanaasulay qabqable iyo xaraan ku naaxayaal. Wadaad isagaa kaalintiisii gabay, una tanaauslay Alshabaab iyo argagixiso. Sidaa awgeed, Oday dhaqameedyadu waa kaalinta qura ee hartay, ee u taagan hab maamul iyo wax kala dhihid dad.

haddaba su’aaasha ayaa ah: Odayada qudhooda sidee loo soo xulaa? Illeen maanta qof walbaa waa Oday iyo Nabaddoone. Inta aanan ka jawaabin, midi waa inay caddaataa, waa inaysan soo xulin Odoyaasha dhaqanka madaxda maanta joogta, hadday soo xulaan waa “Waa Jugjug meeshaada joog” oo marnaba ma dhacayo wax isbadal ah, sidaa awgeed, ugu horraynba waa in raggaa laga ilaalshaa.

Haddaanse u laabto warcelinta weydiinta, Ani ahaan waxay ila tahay in sidan loo xulo Hoggaanka Odayaasha Dhaqanka: Ugu horrayn waxaa laga billaabayaa xulidda magacyada ma guuraanka ah, sida:Imaam, Ugaas, Boqor, Suldaan, Garaad, Malaaq, Isin, Beeldaajiye, Duub, Wabar IWM. Beelaha aan lahayn magacyda caynkaa ah asee isu dhigma, waxaa laga soo xulayaa Nabaddoonadooda.

Middan waxaan uga jeedaa inaysan dhicin sidii shirkii Carta oo kale, in beelo aan lahayn Ugaas, aysan madasha shirka ku caleemasaaran Ugaas, illeen waxani waa dhaqan soo jireen ehe, oo ma ahan wax la dhoodhoobi karo laba galline, sidaa awgeed, wa in xulashadu ahaataa dhakawyada dhaqanka iyo dhuuxa Hidda, magacyada deegaanba si looga adeegsado, balse, isku wada mid ah, xagga shaqada iyo shiddadaba. Waxaa isla iminka Billowdey in Beelaha qaar ay gudagaleen Caleemosaar Ugaasyo ama Suldaanno cusub.

Markii qaabkaa lagu soo xulo, oo beel walba Odaga ugu magaca dheer, ee ugu sarreeya sallaanka dhaqanka la keeno, ayaa xilka dusha loo saarayaa, halkaa looga hari mayee, waxaa la hordhigayaa, in badbaadada Soomaali ay gacantooda ku jirto, “Qoodh iyo Xero, Dhur iyo Dhaqan” inaysan beelinna, ay maanta mariyaan mudanka ay leedahay, haddii kale, ay ka dhacayso ma harto, waligood daba socon doonta.

Dhammaantoodba na dhaafiya!

Dhaartaa iyo dhaaya furkaa ka dib, ayey gudagalayaan soo xuliladda xildhibaannada, mid muhim ah aan halkan ku xuso, waa inuusan xildhibaan noqon; mudane horay uga soo mid noqday dawladihii la dhisay intii burburka lagu jiray, laga soo billaabo “Dwladdi Manifesto” ee Cali Mahdi madaxa ka ahaa, ilaa laga soo gaaro “Dawladda Shareecada” ee Shariid madaxa ka yahay.

Mudadaa intii u dhaxaysay, ninkii soo noqday: Madaxweyne, Ras’isul wasaare, Wariir ama Xildibaan, waa inuusan dib noogu soo noqon, waxtarkooda iyo wax ku oolkoodba la arage.

Aqriste ha is dhihin, ninkan dad gaar ah ayuu colaadinayaa! Adba arag inaan kala reebin, ninkii horay noo soo maray, ee xil noo qabtay, xilligan ha noo kaadsho, hadduu doono markii marxaladdan laga gudbo, xil ha soo raadsado, balse, tooggan ha noo nasto ciyaari waa dambaysaaye.

Aragtidaydan waxaan ku xoojinayaa in qaybo badan oo bulshada ka mid ah ay ila qabaan, bal haddi aan tusaaleeyo, Imaam Cabdulaahi Khaliif Rooble oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka ayaa yiri” Shiikh Shariif Naf iyo Maal baan kuugu beelney ee si Sharaf leh ugu deg Xilka Madaxweynenimo” HadduuImaamku madaxweyne Shariif la hadlayey, maxaa diidaya inaan sii ballaarinno, oo aan inta la midka ah oo dhan ku wajahno? Waa waxba ayaan filaa, aqriste adigase siday kula tahay?.

Waxaa weydiini ka iman kartaa, ninkii aan xil qaban xilligii burburka, balse horay xil uga soo qabtay “Dawladdii Hantiwadaagga” sidee laga yeelaa? Ani ahaan, haddayba intaa aamus iyo isha ka daawo ku jireen, maxaa dhacay oo looga horjoogsanayaa? Sida loo helo ayaaba adage, inta la heli karo ha laga karorsado waxay hayaan, inta kalase hareeraha ha laga maro.

 

Maandeeq Marwo ku maamuusa

 

Halgankii xornimadoonka loo galay, hardanka madax bannaanida loo maray, tuuriddii heeryada gurmaysiga iyo hadafkii gobanima u dirirka, waxaa heegada sare uga jiray, haddii aysan horyaalba u ahayn, haween da’ walba leh, sidii Hillaac oo kale uga dhex muuqday, uguna hooray sidii Hogol roobaad oo loo hamuun qabay.

Murti Caalami ah ayaa dhahaysa: “Nin kastoo weyn, waxaa ka dambaysa HAWEEN weyn” [Hooyo ama Xaas] waxaan filaa inaysan u baahnayn inaan duljoogsado waxa HOOYO goyso ama gasho, waxaa naga kaafiyey Abwaan Maxamwed Ibaraahim Warsame “Hadraawi” heestiisii qiima iyo qaayaha badnayd, ee “Hooyo” ee ku xaerrdiyo Boqodka codka Maxamed sulaymaan “Tubeec” aan soo qaato meersiyada heesta u dambeeya , ee ah:

Intaad hooyo nooshahay

Hambalyiyo salaan baan

Hanti kaaga dhigayaa

Hamrashiyo xaq dhawr baan

Dusha kaa huwinayaa

Hooyo dhimashadaaduna

Hooggayga weeyoo

Waligay hoggaagaan

Ka dul heesayaayoo

Hiyiga iyo laabtaan

Kugu haynayaayo

Hengal baan u xirayaa

Inta haadka duushiyo

Giddi habar dugaagee

Ifka hibo ku nooloow

Aakhiro halkii roon.

Dhammaad.

Mar kale aan Abwaan Maxamwed Ibraahim Warsame “Hadraawi” ku laabto iyo maansadii: “Hablaha Geeska Afrika” xareedintii Al fannaan Khaliif Cismaan Cabdi “Sayid Khaliifa” wuxuu ku yiri Abwaan Hadraawi sidan:

Kuma galo adduunyada
Ninna goonni socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illayn noloshu guul ma leh?
 .

Dhanka kalana, inta xaas leh waan filaa inay marag ka yihiin barta ay qoyska uga jirto, ha ka tagin Doobyada xiska ku haya inay Xaasleyaal noqdaan, ee aan moogayn waxa ka maqan iyo mugga uu leeyahay.

Inta aysan sheekadu ila durgin aan tusaaleeyo, haweenka hal adayga ka muujiyey halgankii xoriyadda, waaXaawo Taako, eed wada garanaysaan dhammaan, astaan iyo asal lagu maamuusna loo yagleeyey, kaligeed ma aha, ee intii hiil iyo hoo la garab istaagtay dhallintii xornimada dhalisay ayaa xushmo iyo xus gaara mudan.

Kaalinta ay haweenku bulshada uga jiraan waa mid bannaan yaal ah, aan u baahnayn iyo bayd iyo burhaan loo baadigoobo, diin iyo diiwaanna wada qireen, illeen ninna ma dayacayo cod uu ka helayo cudude, sidaa awgeed, ma gudagalayo dhankaa, ee waxaan doonayaa inaan dhan dahsoon oo aan muuqan dadka u muujiyo, ma ahan inay kaligay ii muuqato, balse, aan lagu wada dhiirran karin.

Inta aanan soo bandhigin jeedintaydan, waxaan afeef u dhigayaa qof walba oo aragti ka duwan qaba, gaar ahaan qofkii hab diineed aysan ugaa daadagayn talada aan soo jeedin doono, maxaa yeelay, kala duwanaanshuhu ma ahan wax xun, oo abuurka ayaa sidaaba ah, dabeecadduna ku dhisan tahay, ee waxaa xun in lala dagaalo kala duwanaashaha, ama loo hawlgalo sidii loo baabi’in lahaa! Waaba hadduu baaba’ayee.

Sida uu burburkii u dhacay dhaqaalaha Soomaali waxaa lafdhabar u ahaa haweenka, kaliya ma ahan, ee waxay lafdhabar u ahaayeen guud ahaan nolosha, ka dib markii raggii ka gaabsheen inay gutaan kaalintoodii, imisa qays oo Soomaaliyaad ayaa Hooyada ku tiirsan, oo la’aanteed aan horay u socon karin, huromarna aan gaari karin? Dabcan, busaaradda, shaqo la’aanta, baagamuudada iyo xamaali iyo xirfad la’aanta ayaa qayb ka ah culayska haweenka ku soo fara baxsaday, haddana wax matareyaasha looma qiilin karo.

Bal dib milicso, miyiga iyo maalmihiisii, haweenka waxay had iyo jeer ahaayeen udud dhexeedka nolosha, lana qaybsan jireen ragga hawlaha nolol maalmeedka, ayna u sii dheereed midda guriga, carruurta iyo jikida oo aan cidna uga tagi jirin, daaqsinka Ariga iyo Weylaha, lisidda iyo qalidda Ariga oo haweenka u gaar ahayd, weydiimaba ha laga keenee, waxay ahayd hawl aan qofna la wadaagin, habeen iyo dharaarna sugaysa, waxaa u dheeraa inayba ahaayeen aalad lagu dansho colaadaha ka dhex aloosma  beelaha.

Qodobadan aan soo sheegay iyo kuwa kale oo aan qormadu qaadin awgeed, maanta waxaa nagu soo beegan doorasho madaxweyne, xilligeeda ay ka harsan tahay maalmo kooban, muddo dheer waxaa hoggaanka noo hayey RAG, waxaan soo aragnay qaybaha rag uu lahaa oo dhan, Madani, Military iyo Wadaad, haddii la isu geeyana noqonaya Aqoon yahan iyo Wadaad ama Wadaad iyo Waranle, wax aan burbur iyo baaba’ ahaynse laga dheefin.

Mid walba kan ka dambeeya ayaa ka sii liita, mid walba kan ka horreeyey ayuu ka hagar badan yahay, sidaa awgeed, waxaan soo jeedinayaa in markan MAANDEEQ MARWO LAGU MAAMUUSO, maya, waxaanba codsanayaa in codbixintan MAANDEEQ MARWO LAGU CASUUMO, kolley ka dari maayaane, waa la dhihi karaa, hadba ninka ay u dhaxaan ayey ku dhaqan yihiin, oo waa tii hore loo yiri: “Naagi Tol ma lahan, ee Tagoog la qabto ayey leedahay” haddana kuwan qooradheerayaasha ah, ee aan qodobna qaban, qawlna xirin, Quraanna xakamayn bal qaabkooda noo qeexa? Iyagu ma leeyihiin, meel la qabto? Hadday haa tahay, waa xaggee? Hadday tahay maya, Wallee dumarkaa dhaama markaa!

Abwaan Hadraawi aan mar kale cuskado, xigamadihiisii mid ka mid ahna aan daliil ka dhigto, waa maansadii “Hablaha Geeska Afrika” ee uu ku xareediyo Al fannaan Khaliif Cismaan Cabdi “Sayid Khaliifa” heesta mriaha u dambeeya ah sidan:

 

Gebagebada sheekada
Bal aan soo gunaanado
Guddoonsiiyo jiiftada
Gabigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteena mooyee
Gayi kale ma joogaan
.

Dhammaad.

 

Doorashada iyo lacagta la soo daabacayo

 

Waxaa si weyn loo hadal hayaa, in dawladda KMG ah soo daabacayso lacag Shilin Soomaali ah oo cusub, kaliya ma ahan, uuna qayb ka yahay maamulka Puntland, waaba siday u dhacdee, arrinta waxaa markii hore ka hadlay wasiirka maaliyadda ee maamulka Puntland Faarax Cali Shire, maalin ka dibna uu xaqiiiyey wasiirka maaliadda ee dawldda KMG mudane C/naasir Maxamed Garjeex.

Aqriste bal miisaan, wasiir maamul goboleed ayaa iclaaminaya inay lacag soo daabacayaan, kii dawladda dhexe ayaa maalinta xigta ka daba hadlaya, isagoo u marqaati furaya, caddaynayana in lacagta loo soo daabacayo dalka dhan? Aniga ma garan, wallee waa sheeko aan ii bixin, dalka dawlad dhexe ayuu leeyahay, Federal [Waxayna anaa iska leh, waxaaga ku lihi] macnihiisa ma ahan, in maamul walba waxa uu doono sameyo, waase laga dhigay.

Lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga ah, waxay madlan tahay, inay wadanka soo gaarto bilaha doorshada ka harsan dhexdooda, haddaba su’aasha ayaa ah: maxaa xilligan loogu soo aaddiyey? Hubaal inaysan ujeed la’aan ahayn, dhan walba marka aad ka eegto, midse aan hoosta ka xarriiqo, in wadanku u baahan yahay Shilin cusub iyo lacag adag, haddii kale, maraan dheerayn in wax lagu kala gadan doono Dollar.

Haddaba, maxaa xilligan keenista lacagta loogu soo beegay? Jawaabta inta aadan helin, bal eeg labada qawlaysato ee lacagta soo daabacanaysa, waa dawladda KMG iyo maamulka Faroole, waxaa la yiri: “Ratiga yari, Ratiga weyn saanqaadkiisa ayuu leeyehee” mudane Faroole isagoo kaga dayanaya Shariif, ayuu isna ku darsaday sanad, isagu uma baahan inuu Kampala tago, balse aqalka iriddiisa ayaa loogu ansixiyey!

Waxaan la yaaba, nin kasta oo xil qabta, maxaa looga furfuri waayaa? Bal eeg Siyaad Barre 21 sano ayuu kaadir ahaa, C/qaasim isagoo qulaamayaa ayaa qadaadka la qabtay, C/laahi Yuusuf isagoo indha caddaynaya ayaa cirka loo diray, Geddi gafuurka tuuraya ayaa gedda kale loo gamay, Shariif Sakiin isagoo shabaaxle ayaa shaarka lagu dhagay, Sharmarke isagoo shaqa ayaaba loo buuxshay, Formaajo isagoo fari u taagan tahay ayaa foodda la qabtay magacyadu badan waa meeshuu Cigaal Shidaad ka yiri: “Waa la buuxaa waa la badan yahay”.

Shariif sanad ayuu ku darsaday, Faroolana isna sanad ayuu ku darsaday, war haddii xilku kuu dhammaaday, sharaf iyo maamuus laguugu dhiibay, maad isaga tagtid! Maxaad dadka u sii dhibaysaa? Maad ugu yaraan soo gashid murashaxiinta, marka aad dadka cunaha ka qabanysid?.

Sanad kordhisashada waxaaba nooga daran, in nin walba oo joogo uu lacago tacbaday, cid uu dan ka leeyahay ma jirto, dib u qooraanso sooyaalka, C/qaasim Salaad Xasan iyo ganacsato uu ka mid yahay Ina Daylaaf, ayaa xilliguu Carta ka yimid soo daabacday lacago Shilin Soomaali ah, waaba la ogaa raadkii ay ku reebtay suuqyada, waaba meesha C/qaasim ka dhaxlay magaca: Cabdi Gaajo, illeen sicirbarar aan horay loo arag ayey keentay lacagtii ay soo daabeceene.

Aqriste, midda ka duwani soo wadaan ka duwan, xagga dhuuniga iyo dhimaalka isku mid dheh, balse, kuwan hadda lacagta soo daabacayaa, ujeedkoodu kuma eka beeso badshaso iyo beri qura ku bullaal [Maalin Taajir] ee waxay doonayaan inay lacagtan la soo daabacayo ku galaan olole doorasho, maya, olole maba jiree, inay xaaraan quutayaasha aan qaran iyo qiimo midna qushi ka lahayn ku harqiyaan, illeen inta badan waxaa u daran waxay cunaha marshaan iyo waxay caloosha galshaane.

Suuragal ma tahay dawlad maalmo u harsan tahay, inay lacago soo daabacdo? Midda ka sii daran ayaaba ah, inay si gaar ah maamul goboleed beeso joogta ah u siiso, ila xasuusta, intii uu ra’iisul wasaaraha ahaa ina Sharmarke, waxaa jirtay lacago uu u diray maamulka Puntland, lacagahaa ma ahayn kuwo deeq ku yimid ama dibadda laga keenay, ee waxay ahaayeen canshuuraad laga qaaday Dekadda Muqdisho iyo Garoonka Aadan Cadde, oo ay wax kala soo degaan ganacsato kala jaad ah, oo Soomaali oo dhan isugu jirta, haddaba, maadaama aan maamullada dhan la wada siinayn, miyeysan ku habboonayn inaan maamul gaar ah la siin? Aqriste siday kula tahay?.

 

Fisha qaybta xigta ee qormada.

Maajo 2012

Bashir M. Hersi

 

 

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s