Qabyo Qaybsan!

Image

Qabyo Qaybsan!

Noloshu mar waa kali (qof, shaqsi, nafar, IWM), marna waa lammo (ama labo “lammaane”) “Kow lammaa ka roon”, maahmaah ayaa dhahaysa, marna waa koox (urur, midow, isutag, iskaashato, IWM), mar kalana waa wadar (Bulsho, ummad, shacab, dad, IWM), intuba ma kala maarmaan, “kali” kama gooni noqon karo inta kale (urur iyo bulsho), sidoo kalana inta kale (urur iyo bulsho) kama gaar noqon karaan kaliga, oo kaliga ma ahane inta kale waa “kali” isu tagay, haddii si kooban la dhahana waa kali iyo bulsho, noqonayana eraga ugu guda weyn ee ay soo wada gali karaan dhammaan qaybaha aan sare ku xusnay.

Qeybahan sadarrada sare ku sheegan, waxay wadaagaan dan, ujeed, aragti, aayo IWM, intaasi waa lama taabtaanka aan ishu qaban karin, waxaase la taaban karaa oo ay wadaagaan ciid, calan, caado, camal, cibaado IWM, danta guud ayeyna noqonayaan arrimahan laga wada siman yahay, dabcan dhammaan lagama wada midaysana, tanna waxay noqonaysaa dan gaar ah oo qaybo ka mid ah bulshadu gaar u leeyihiin.

Soomaalida markaad eegto, waxaa ku rumoobaya magaca qormada: “Qabyo Qaybsan!”, murti ayaa qarniyaal na daalicinaysay “Qaybi oo xukun”, ereyo kooban, macno mug lehse tabinaya, sida ciwaanka qormaduba yahay, mar waa dhaqan shisheeye, oo caddaan iyo madow ayaa isu keen adeegsada, marna waa dhaqan sokeeye oo ashkhaas Soomaali ah ayaa is adeegsato, oo intii la adeegsaday sii kala adeegsata, haddaba miyeysan noqonayn: “Qabyo Qaybsan?! .

Dulucda qormada aan u daadego, muddo tobon sano ah waxaa siyaasadda Soomaaliya hal beeg u ahaa eraga: “ku meel gaar”, dabcan intii ka horreeysana  kama marnayn, balse xoogga iyo xaddiga midkan ma lahayn, sidaa ayaan ugu soo koobay 10-ka dambe, mar waa saxoo si loo helo dawlad dhan, waa in la dhisaa mid ku meel gaar ah, marna waa silloontohoo si danaha gaarka ah loo gaaro, waa in la helaa ku meer gaar! Si danahaaga aad uga meel gaartana waa inaad heshaa adeegayaal ku meel gaar ah, si aad u hesho darajo waa inaad heshaa agab ku meel gaarka, marna jirtada (duruufta) ayaa lagu meel gaarayaa, marna joogtada (damaca).

Qabyanimadu mar waa dammanaanbernimo iyo caqli maqan, waa marka ay tahay xagga maanka iyo maskaxda, marna waa xibin jirka ka maqan, jir markaan ku leeyahay ugama jeedo oogo qofeed, ee maanayso korka walxaha, “qabyanimada” mid qura ayaa iinteeda leh, ee hadday labadoodu isugu kaa darsoomaan ka warran? Shaw waxay noqon meeshii laga yiri: “Xabaalo ceebeed lama arag”, maadaama lagu tilmaami karo iimo batay, mayee ceebo is biirsaday oo gob gonnimo u horseeday.

Aan jilciyee, in oogada Soomaali qabyo tahay waa marag ma doonto, xidigta cad ee calanka buluuga ah ku astaysan ayaa u dhigan shagta Soomaali, oo laga helay laba qura, iminkana labadii ay sii kala dhantaalmayaan! Adigu bal qiili oo qaab u yeel? sadaxda maqan midi waaba is qaabaysay oo qarannimo u gaara qotonsatay (Djibouti), ee labada maqan ee wali ku hoos jira qaaruumo kale yaa u qaybsan?.

Qabyanimada maanka iyo maskaxda Soomaalida, mar waxaa caddayn Sooyaalka, laga soo billaaboxukunkii daakhiliga (1950-1960), maamulkii musuqmaasuqa (1960-1969), xukunkii military-ga (1969-1990), ilaa laga soo gaaro goortan aan qorayo qormada (mooryaanta iyo maryogaabta “wadaadada”), ayey ku jirtaa qabyanimo, marna waxaa caddaynaya habdhaqanka siyaasi ku sheegga u taagan qabyo qaybinta, talada isaga ha lahaado ama shisheeye  ha adeegsado, waxba kuma kala duwana, labaduba waxay liddi ku yihiin danaha iyo midnimda umadda Soomaaliyeed.

Maamulkii lagu soo dhisay tuulada Carta ee wadanka Djibouti, waxaa madax loogu doortay mudane C/qaasim Salaad Xasan, doorashadaa oo lagu qodbay quursiga qayaxan (afar iyo bar 4.5), “Anaa buuxa Adna bar”, mardhow filo maansada “Anfariir”, si fiican iila eega meeshaan inta aanan ka gudbin, saw ma ahan qabyo qaybsan? Yaa qaybiyey? Maxaa loo qaybshay? Sidee loo qaybshay? Waa weydiimo meesha ku jira, aan filayo qaarkood in jawaabtoodu caddahay, halka qaarka kale ay qarsoon yihiin.

Muddo ka dib, waxaa dawladdii Carta ku billowday qaybinta qabyada, mudane Galayr waa tii xilka laga qaaday, dabcan kama marna xilka guddoonka baarlamaanka, ka dibna noqotay Tusbax go’ay, ilaa laga yimaado shirkii Edolret, ka dib Empagathi, isna waxaa lagu hirgaliyey nidaamka Federalka “Tayda Anaa iska leh taada kula lihi”, mar kale ila joogso aqriste, saw ma ahan qabyo qaybsan? Yaa qaybiyey? Maxaa loo qaybshay? Sidee loo qaybshay? Jawaabuhuna sidii oo kale ayey noqon qaar qayaxan iyo qaar qarsoon.

Muddo ka dib, iyana waxaa ku billowday qaybinta qabyada, waa tuu is casilay mudane Geeddi, dabcan kama maqna muranka guddoonka baarlamaanka, markii dambana galaafatay C/laahi Yuusuf, mar kale haddana Djibouti shir dib u heshiisiin loo sii istaagay, isna waxaa lagu hirgaliyey nidaamka baarlamaanka “Tira badne Tayo yare 550 ”, mar kale aqriste ila joogso, saw ma ahan qabyo qaybsan? Yaa qaybiyey? Maxaa loo qaybshay? Sidee loo qaybshay? Jawaabuhuna sidii oo kale ayey noqon qaar qeexan iyo qaar qarsoon.

Muddo ka dib, waxaa is casilay Ina Sharmarke, dabadeed waxaa xigay Farmaajo, oo isna qoorta la qabtay, ee been afka labada daan u buuxshay oo yiri: “DAN SOOMAALI AYAAN XILKA UGA DAGAY!”, dabcan kama marna muranka guddoonka baarlamaanka, oo markii labaad badal ku socdo!, seeftu goorta ay Gaas gorodda u gali doonto lama garanayo, balse hubaal inuu yahay qabyo qaybsan qaarkeed.

Arrintu mid meeshaa ku idlaatay ma ahan, oo waa ta mmurunku ka taagan yahay guddoonka baarlamaanka, xilka waa lagaa qaaday iyo la igama qaadin, Adiguba u garnaq, waaba yaabee goorma ayey baranayaan is ka tag ama tanaasul? Goorma ayey baranayaan inay danta guud ee umadda ka hor mariyaan dantooda gaarka ah? Goorma ayey baranayaan inay danyarta, dumarka, duqowda iyo marasta u turaan?.

Qabyo qaybinta waxaa ugu cad, hannaanka wadanka ka hanaqadaay ee gobolaysiga, iyadoo lagu gambanayo dalku waa federal, ama lagu dhuumanyo waxa cilimiga siyaasadda lagu yiraa: “­­­­­­­­­­State building”, maamul goboleed ama dhismo maamul goboleed, si loo gaaro maamul dhexe, haddii labadii horay u midawday ay maanta sii kala qaybsameen, heer ay gaareen in ka badan 15-ban State, inta maqan yaa u maqan?.

Sanadka 2011-ka, Anigu waxaan ku magacaabay sanadkii state-ka iyo land-ka, maxaa yeelay inta land iyo state la dhisay ayaa ciiddaan ka badan, carradii oo dhan waxaa wada qabsay land iyo state, tuulo walba ayaa laga taagay, si loogu tuugsi tago, mayee si loogu qaraab tago, loona sii kala qaybiyo qabyada qaybsan, ninkaan barrinkiisa land ama state looga batalayn ayaan daranaa? Ku boorri inuu fadhiga ka koco, si bajadka la bixinayo uusan u baal marin, beeso badanna u soo beegto.

Siyaasadda kaliya ma ahan waxa qabyada ah, ama ay ku socdaan qorshaha qabyo qaybsan, wadaadaddo culimo iyo mashaa’ikh dhankooda ayey ka taabatay qabyo qaybsanaantu, firiqdan aan xadka lahayn, fitnadan dabada la hayo, fawdada baahsan ee fatwada lagu sheegayo, miyeysan kuu muujinayn qabyo qaybsan? Ila eeg xilligii waallida ee Maxkamadaha, wadaadadii dambe inta badan isku aragti ayey ahaayeen, waxaa geeska la galiyey Baaba Suufi iyo Ehlu Xadra, iyana maanta ayey cidda ay doonaan geeska galinayaan, hub iyo tiknino illeen heleene, maalgalinta waa ha’aydda deeqda bixisa ee Tigreega.

Diimaysiga kaliya ma galin qabyo qaybintu, waxa qoys Soomaali ah kala qaybsan ee kala dhantaalan eeg, waxaad arkaysaa hal qoys oo kala joogaa dhawr qaarad iyo dhawr dal, midba af gaara oo kan kale ka duwan ku hadlayo, kuwaa waaba roon yihiin, ee imisa qoys ayaa ku kala dhantaalan furriin, oo aan isku meel joogin, aadna u kala fog, qaybtan ayaana ugu xunuun badan, awalba markii horaba isagoon caga badan ku taagnayn, ayuu haddana sii kala qaybsamay.

Qoyska kaliya ma ahan waxa kala qaysan, warfidiyeennada bal eeg, 2005-tii ayaan qoray maqaal cinwaankiisu ahaa: “Door intee la eg ayey ka ciyaaraan web-beeleedyadu Hurinta Colaadaha?”, maanta waxaan maraynnaa in magalaada Nairobi kaliya ay ka dhisan yihiin laba urur, oo wata magac saxaafadeed, iyaga dhan ayaa ah afar gubatay, tiro iyo tooc midna lahayn, haddana waa kuwaa kala qaybsamay, oo waliba isu habarwacday, saw ma ahan qabyo qaybsan?!

London ayaa shir ka madlan yahay, Ingiriis ayaa marti loo wada yahay, Aabaha gumaysiga iyo goobaynta, aan in yar duljoogsado, Anoo horay ugu faahfaahiyey qormadii ahayd: “Shirka London: Shirqool iyo luggooyo”. Ka qaybgalayaashu waa laba beelqawlaysato iyo wadaaddo, loo igmaday inay ka go’aan gaaraan aayaha ummad dhan, aan dirsan, aan duuban, aan dooran, aan dallacan, aan daahfuran, Haddana waxay ku qasban yihiin waxay u soo qaadaan, maad maqasheen qaybin ka liidata?.

Ingiriis siduu shalay noo kala qaybiyey, ee uu 1954 dhulkii Hawdka loo qayaan Xabashi u hibeeyey, dabadeedana 1963 uu NFD ugu deeqeeyey Kenya, Jasiiradda Soqadrana u siiyey wadanka Yemen, miyuu maanata na sii kala qaybinayaa? Micnaha ma qabyo uu qaybiyey ayuu sii kala qaybinayaa? Isaga waxba uguma fadhiso taa, samaynteeda iyo ka seexashadeedaba, balse Innaga Soomaali ahaan maxaa nala gudboon? Maxaan shirka la tagaynnaa? Taa ayaa muhim ah, haddii kale waa qabyo qaybsan, oo la sii kala qaybinayo.

Dulmarkaa ka dib, waan filayaa in la gartay gunta qormada, ujeedku waa muujinta is qabqabsigan qarada weyn aan qaaradda lahayn, ee qalbiga, qoorta iyo qoobka uga jira qofka iyo qaranka Soomaaliyeed, madaxda isku meel gaaraysa laguna meel gaarayo, iyagaaba sidaa ehe maxay is  qabqab sadaan? Saw la yaab ma ahan Adoo cad ah inaad dib isu cunto? Saw qarracan ma ahan qabyo aan ogayn in qaar ka maqan yahay? Saw amakaag ma ahan qabyo iyadu isa sii kala qaybinaysa? Saw qiimo darro ma ahan qararac iyo muran joogta ah oo aan dhammaad lahayn?!

Sheeko ayaa waxay ahayd sidan: wiil iyo gabar ayaa is masaafaystay, markii Shiikhii loo tagay, ayaa wiilkii Sheekha ku yiri: “Sheekhow igu mehri waan ku meel gaarayaaye!”, gabadhii ma caroon mana xanaaqine, waxay  ugu jawaabtay: “Sheekhoow igu mehri, inta uu igu meel gaarayo ayaan Anna ku meel gaarayaaye!”, hadda shaxda siyaaddu sidaa ayey ku shaqaysaa, waa la isku wada meel gaarayaa, teeda kale dhammaan waxa la wada yahay ku meel gaar.

Qaabka, hannaanka iyo sida yaase lagu kala gaddisan yahay, mid wuxuu u taagan yahay qabiil, qabyaalad iyo qolfaynta beelaha (qabqable, dagaal ooge, dhiigyacab, IWM), midna wuxuu u taagan yahay diin, diimaysi iyo diin ku danaysi (wadaad, sheekh, macalin IWM), midna wuxuu u taagan yahay shisheeye oo cimrigiisa wuxuu ku camiray una dhammeeyey adeeg ajnabi (Shisheeye kalkaal), midna wuxuu u taagan xoolo tacbasho iyo taajirnimo xaaraan ah (xaraan ku naax).

Way jiri karaan rag isku darsaday laba tilmaam iyo wax ka badan, mar walba madaxa ku hay ararta qormada “Qabyo Qaybsan”, waxayse dhammaan wada yihiin, dhiigmiirato, waaba weydiine, yaa lagu meel gaarayaa? Waa warcelin cad, yaa kale, waxaa lagu meel gaarayaa waa umadda Soomaaliyeed, si kale haddaan u dhigo, qabyo ayaa la sii kala qoqobayaa, ogaal iyo ogaal la’aan, waxaaba la dhihi karaa ogaal la’aan ma jirto, illeen kuwaan ma ahan kuwii wax  hallayn jiray ogaal la’aane.

Hadda ka hor ayaa wiil yari Aabihiis (….) ka jiiday, markaa ayaa odaygii wiilkiisa ku yiri : “Aabe Aniga waxba iga dhibi mayside, Hooyadaa ayaad ku dheeraynaysaa!”, hadda dhibku wuxuu ku sii badanayaa waa Soomaaliye, maa sida loo dhaamo? Wuxuu dhibku ku sii badanayaa waa umaddan qaybsane maa sida loo dhaamo? Waxa dhibku ku sii badanayaa waa qabyadane maa la caynsho? Uma muuqdo dabargo’a socda iyo dihaalka jira, ee waxaa u muuqda siduu ku noqon lahaa ku meel gaar, ku meel gaara, laguna meel gaaro.

Bulshadu waxay la mid tahay nin baahan ee dhaxda xarig ugu xiran yahay, aan carari karin, is caymin karin, dadna cudud ugu filnayn, si kale haddaan u dhoho, bulshadu waxay la mid tahay, meesha laga yiri: “Hal  ninkii lahaa ku fadhiyo ma kacdo”, oo mar iyaga ayaa isku fadhiya, dadnimo xuno, daacad la’aan iyo dayac baahsan, marna waaba lagu fadhiyaa, oo dad qalatadan ayey Kwaanka u saaran yihiin.

February 2012

Bashir M. Hersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s