Shirka London: shirqool iyo luggooyo

Image

Shirka London: shirqool iyo luggooyo

Sida qarankii u qallibmay, waxaa Soomaaliya loo qabtay dhawr shir, dhammaan ku suntanaa nabadeyn, waxaase jiray qaar loogu yeeray wadatashi, aanse nabaddu marna ka marnayn, dabcan nabaddu waa nudubka nolasha iyo naruuradeeda, Soomaalise naawili waysay, hadday ka dhigatay qalqabsi iyo warcelinta koowaadba “Nabad ma sheegtay? Ama ma jirtaa? Waa nabad”, nolosha ayaa rajo ku dhisan, horay u hanqaltaagguna waa halbeegga noolaha, ma quusto, is mana dhiibo, wuxuu ku hawllan yahay huleel iyo hawl, hadalkuna waa hawraarta hadranka.

Baho Higle kalgacalna ku kali tagi waaye, af qarmuunina ku wada joogi waaye”, shir nagama dhammaado shayna nooma hagaago, sanadkii la soo dhaafay waxaa la qabtay ugu yaraan 3 shir, waxaa ka badanaa kuwa magaca Soomaali ku sheeganaa, ee aysan shaahidka ka ahayn, haddaba shirkan London maxaa laga shinsan karaa? Maxaa ka soo bixi kara? Yaa danleey ka ah? Maxaa shiddo ah oo ka hor imaan karta?

Inta aanan qormada gudagalin, aan dulmar ku sameeyo shirarkii hore, si suurad buuxda u muuqato, ugu horrayn, Soomaali waxaa lagu tijaabiyey, waxa cilmiga siyaasadda ama culuumta dawlaga lagu yiraa: “Creative chaos” noqonaysana “Fawdada waxtarka leh”, lana hubsaday inay miradhal tahay, maxaa yeelay dal aan dawlad dhexe lahayn rubuc qarmi ku dhawaad, haddana nolosha caadi tahay, ayaa ahayd mid ahaysan rumays naan jirin culimada siyaasadda dhiga, kuna doodi jireen in dawladdo nolosha casrigaa u tahay udud dhexaad.

Soomaaliya shirarka loo qabtay, intooda badan waxay ka dhaceen dalalka dariska, Kenya, Djibouoti iyoEthiopia, waxaa lagu soo wada unkay ama lagu dunshay dawlado KMG ah, waxaa jira mid ka dhacayCairo, oo isna lagu burburiyey maamulkii Sarballaar, dabadeedna dhidibada loo taagay maamulka Puntland, wax ma idin kaga bexeen isdaba marka labada maamul? Mid la dumiyey midna la dhisay!

Shirkan London wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyey ee lagu qabanaya wadan reer galbeed ah, maalintii lagu dhawaaqay, ilaa iminkan aan sadaradan qorayo iyo inta laga qaban doono, waxaa la falgalay walaac iyo walaahood, baqdin badanna laga muujiyey, siyaabo kale duwanna looga dareen bixiyey, illeen qofba meel u darane, dadkuna isku dan ma wada ahee, gaar ahaan qawlaysatada iyo afar jeeblayaasha, aan garanayn waxa ay jadiinka mariyaan ma ahane iyo danleyda dhibban, dacaynta daadsan meel walba iyo dulmanayaasha aan doodaaga  lahayn, waa Soomaaliye.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya shirka, waxayse ka wada siman yihiin tilmaanta eraga “Maxmiyad”, dareenka digtoonidu ku jirto ee laga muujiyey shirkan, Anigu dareen kale ayaanba ka qabaa, sababtu waa mid seefan oo aan sarnayn, imisa shir ayaa naloo qabtay? Dhammaan qof qaylo ka keenay ma jirin, maya, waaba loo kala tartami jiray, muran iyo isqabqabsina ka dhici jiray, sida looga qaybgalayo iyo cidda ka qaybgalaysa, natiijo fiicanna kama soo bixi jiray.

Balaan wax yar gadaal idiin celiyo, Soomaali waligeedba sooyaalka ma saabsatee, shirkii ugu horreeyey ee Djibouoti wuxuu sabab u ahaa dagaalkii afar biloodka ee dhexmaray Caydiid iyo Cali Mahdi, ismari waagi ka dhashay ilaa maanta waa ka taagan, lama tixgalin go’aankii Mustaxiil ay ku gaareen jabhadahii hubaysnaa, ee ku saabsanaa sida loo qaybsanayo awoodda maamul, balse isla markiiba shir ayaa la qabtay, Caydiidna la gees maray, maxaa laga gurtay oo aan qasaaro ahayn?

Walise lama garan qaladkaa dhacay, inuu sabab u ahaa dhibka maanta jira.

Shirkii labaad ee isla Djibouoti ka dhacay, isna waxaa lagu hirgaliyey mashruuca gurracan ee quursigaSoomaalida, waxaa la meelmariyey “Anaa buuxa, Adaa bara!”, mardhow fisha maansada Anfariir, dhacii, kufisgii, boobkii iyo bililiqadii ma deeqin, ee waxay doonayaan inay inta ka dambaysana ay duugaan! Ma garan, haddana waxaa lagu sheegaa shirkii ugu wanaagsanaa, dadku ma indhaha ayey la’yihiin? Mise garaadka ayaa guray? Isma qabanayso, in dad dhan jiritaankooda la inkiro, haddana guul la tilmaamo, ee Soomaaliyeey maad sidaan isu dhaantid?.

Shirkii Kenya ee Cali Mahdi ku tilmaamay shir Xabasheedka, maalinkii damabana ku soo dhaweyey Xamar, wakiilna uga noqday shirkii Muqdisha ka dhacay, isna waxaa ka dhashay Xabashi oo wadankii qabsatay, gees ka gees, awalba Somaliland iyo Puntland caadi ayey u daganayde, Muqdisho iyo xarumihii laga hagi jiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeedna saldhigyo ka dhigatay, shirkaas isna si weyn ayaa looga qaybgalay, wuxuu kaloo dhaliyey, waxaan la yiri Federal, “Kayga Anaa iska leh, kaaga kula lihi”, isna wuxuu dhalay in  dalka dhan reero maalulaan, aayihiisana la gaar noqdaan, waan sii faahfaahin doona arintan.

Shirarkaa haddii aysan dhalilahaa lahayn, maxaa maanta dhiillada keenay? Dhibkii dhacay haddii dhaayaha laga wada duubanayo, ma garan waxa midka London gooni looga dhigayo inuu yahay dhaawaca Soomaali? Soomaali waligeed ayey dhaacnayd, ma jirin maalin fiito iyo nabar aan dhacaamayn! Xanuun gacal keenay iyo mid gumaysi keenay ayaana ku gadaamnaa, marna ma arag ufo samaan iyo saxansaxo udgoon wadata, maalinba ninbaa dhibbane ahaa, lamana dhugan dhankiisa.

Shirkii Garoowe ayaan ka qoray cinwaan ahaa: “Shirka Garoowe: gogol shabaqa iyo gar shiilan”, dagaalkii la igu kiciyey waaba la ogaa, maanta ayeyse habboon tahay inaan mar kale ku celiyo, illeen horaa loo yiri: “Run sheeg waa ceeb sheege”, qormadaa waxaan ku caddeeyey inaan qolo gaar ah wax  laga weydiin karin ayaaha umadda, si gaar ah waxaan u caddeeyey inaysan gooni la noqon karin ayaaha umadda, maxaa yeeelay iygaba waxba faraha uguma jiraan, ee sideebay u matalaan dad aanba dirsan?

Haddii loo wada sacbiyey shirkii Garoowe, oo ay isugu tageen laba beel iyo sadax qawlaysato, maxaa maanta loo yabqamayaa? Shalay maxaa loo hadli waayey? Mise waa marka jabadka la soo jibaaxo ayaan jaanta qaadayna? Maantana shirka London iyaga ayaa tagaya, ahna xubaha sida rasmiga ah loogu casuumay, miyaa la marayaa meeshii laga yiri: “Aan ooyee albaabka ii xira”, taa waxaan uga jeedaa inta aan shirka lagu casuumin, illeen wax kale oo u haray ma jiraane, danahoodii waxaa loo wakiishay laba beeliyo sadax danayste.

Aanse afhayeen u noqdo daqiiqad, haddii dawladdu ku dhisan tahay afar iyo bar, maamullada lagu casuumayna yihiin beelo, marna dawladda ka mid ah, marna maamul gaar ah leh, saw laba caynlayn iyo cantuugeynba maaha? Micnaha inay xaggana wax ku cunaan xagganna wax ku cunaan, maadaama ay dawladda xubno ku leeyihiin, waxay ahayd in mudnaanta la siiyo beelaha aan maamul u dhisnayn, siiba kuwa makii horaba la dulmay ee barka la siiyey, ee aan lahayn Suug  Sawaariiqna aan ridin.

Ugu dambayn, mid waxaan leeyahay kuwa shirka loo madlay, een umaddaan u damqanayn, eeganaya dantooda kaliya:

Sii hadoodilan

Soo hadoodilan

Harga maran sida

Haabaarna u dheer!

Abwaan Hadraawi ayaa maansada “Heelliyo” wuxuu ku yiri:

Nin gumeysi habayoo

isticmaar habeeyoo

la hal maalay baad tahay!

……………………………………

Naaleeye habacsane
Yaa horseede kaa dhigay

Ma Adigaa hoggaanshe ah

Gobanimo hawadin kar

Qarannimo hitiqin kara

Isku duubni hanan kara

Dal sabool ah hagi kar

Himilada xil furan kara

Taariikh la hari kara

Hal-abuurka sharafka leh

Murtidiisa helin kara

Hoodaale Noqon kara?.

Si kale haddaan u dhoho, waa meeshuu Abwaan Faarax Nuur “AUN” ka yiri:

Qosol beena fool wada qayaxan qiil, an garanaayo

Qoobaan korkii laga qufaly, qabarna hooseeyo

Doqon baa halkii lagu qatalin, qoorta soo dhigane

Ma anaa middiyo lay qarshaa, laygu qali doono?!

Midna waxaan leeyahay caddaanka shirka qabanaya:

Waa taa ii gob eheed

Anna kuu gun ahaaye

Hadmaan gudboonaanay?!

Waligiinba Soomaali wanaaggeed kama shaqayne, ma maanta ayaad garwaaqsateen? Ilama ahan, kollay ujeed gaar ayey leeyihiin, la qiyaasi karo ama muuqdaba, burcadbadeeddu waa ajandaha koowaad ee shirka, maxaa yeelay dadka ay qafaasheen waxaa ku jiray dad British ah, sidaa darteed waa inay wax ka qabtaan, uma jeedaan inta maalin walba xabadda AMISOM iyo gantaalaha Kenya ku dhimanaya, hubaal inay tahay kaaf iyo kala dheeri, ama kuwa hadda Tarzan xerayaha ka xiri rabo.

Taa waxaaba ka sii daran in loo bira tumanayo dhaqaalaha wadanka, maadaama la hubsaday in Soomaali shidaal ka sokow ay ka buuxaan macaadin waxtar leh, dawladahaanna ay dabada ka riixayaan shirkado, ka dib markay hubsadeen in geyiga barwaaqo ceegaagto, taana ay muhim u tahay dhaqaalaha wadamaa iyo ma dhargayaasha shirkadahaa iska leh, oo aan marna eegin dan iyo duruuf, ee beegsada bugtada iyo kuwa beylahdu ku dhacado.

Run ahaantii walaaca laga muujiyey shirkan, iyo in wadanka la galinayo Maxmiyad, ayaa ah baqdinta dad badan ka cabsi qabaan, waaba su’aale hadda ma madax bannaanahay? Marka laga soo tago maamul beeleedyada, wadanka waxaa xakuma caddaanka iyo madawga xoogga ku haysta, haddiise laguu iclaansho maxay kaa badalaysaa hadduu laguu maldaho? Waa meeshuu abwaanku ka yiri:

Marwo camal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaantaa

Muslinnimo nimaan kuula socon muuminnimo khaa ah

Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaanta!

Ninkii tashan waaya waa loo talin” murti ayaa dhahaysa, haddaba maxaa diiday in Soomaali loo taliyo hadday tashan waysay? Dhibka waxaa keenay in qolo walbaa qolada kale ku eeganayso dhibka, dayaca, duruufta iyo diihaalka, ayna dhammaatay walaaltinimo iyo darisnimo, haddaba miyeysan dhaamin in nala maamulo maadaama aan is maamuli weynnay, wali waan is giijinaynnaa, ma xuma, balse waxay u baahan tahay in la helo dad af iyo adinba wax ku qabta.

Laba meeris oo ka mid ah maansada “Galbeed”na  waxaan leeyahay Soomaali inteeda kale, oo aan ku soo afmeerayo qormada, mar dhowna fisha maansada, waana kuwan labadii meeris:

Saatani gar maahee

Inta goori goor tahay

Haddaan geesiyaal iyo

Isu taagin gabannadu

Soomaali way guban

Goor aan la damin karin

Hadal waxba goynayn

Ayaa loo gudbaayaa!

Maanta aan garqaadanno

Gumaysigana diidnoo

Isku duubni gabigeen

Aan wada gabaadinno

Inaan geyiga leennahay.

 

Feb  2012

Bashir M. Hersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s