Xasuuqa dhacaya yaa xilkiisa leh?!

koofurta_somalia_Keydmedia-620x330
Xasuuqa dhacaya yaa xilkiisa leh?!

Todobaadkii tagay ayaan qoray qormo magaceedu ahaa: “Xadgudubka Kenya iyo xasuuqa umadda!”, Horraantii sanadkii 2007-diina, waxaan qoray qormo cinwaankeedu ahaa: “Xasuuqa Muqdisho yaa Xilkeeda leh?!”, oo aan ku mataaneeyey qormada: “Xigaalada Xabashida & u Xusulduubka Xaquuqa”, taariikhdu ma duugowdo ayey dhahaan culimada taariikhdu, sooyaalkuna wuu soo noqnoqdaa, haddaan afar sano ka hor sidaa lahaa, weydiintaana dadka hordhigay, waxaad mooddaa inaan wali wax is badalin, ee balaan maanta isla su’aashii ku soo celiyo, maxaa yeelay sidii ayey wax ku socdaan.

Kob walba kaliil ayaa dhacaysa, kaar iyo aadaar ayaa dhan walba is haysta, kur go’an, kalxan jaban, kab shiilan, kor dubmay, kub falliirmay, kabiir iyo saqiir taahaya, duqayn Kudhaa iyo Hoosingow, kaliya mahee, gobolladaa oo dhan Kobrooyin ayaa dul heehaabaya, kor iyo garba siman u duqeynaya, degmooyinka xadka kulaala waaba laga hayaamay, kumanaan ayaa isaga qaxay, kaniini iyo dawo la’aani ku dhacday, kadinta oo biya dhex ceegaagan awgeed, kadeed aan dhammaanayn!

Darisnimo lama dhawrin, bini’aadannimo lama dhugan, dhamishadu waa wadar xabaal, dhaawaco meel walba ayuu tuban yahay, dhiigjoojin la’aan ayey u le’enayaan, dheecaankooda ayaa ciidda ku qubmaya, dhulkana ku baxaya, gaaray dhudhun iyo baac, aadaarkooda lama dhagaysto, oo dhagaha ayaa laga furaystay, cid dhagjalaq u siinaysa ama  maqal amaahinaysa ma jirto!

Magaalooyinka:  Jilib, Garbahaarrey, Buulo Xaaji, Luuq, Afmadow, Baardheere, Faafaxdhuun, Xayo, Taabto, Xagar, Qooqaani, Hoosingow, Kudhaa, Ceelcadde, Afgooye IWM,  Duqaymihii xumaa ee lagu hoobtay, ee ka dhacayey maalmihii aan soo dhaafnay, waxay qaysteen qasaarooyin lixaad leh, oo aad u ballaaran, soona gaaray marrasta iyo rayidka, carruur, cirroole, qadley (Arday dudsi quraan), xarumo daryeel, maato iyo mid aan dagaal ku jirinn.

Duqaymahaa ka dhacay magaalooyinkaa, ayaa keenay qasaarooyin baaxad weyn, oo naf iyo maal leh, burbrur iyo barakac soo gaaray maatida iyo hantida dadweynaha, waxaana lagu qiyaasay dadka ku dhintay duqaymahaa (1.700), suuragalna ay tahay inay tiradu intaa ka badan tahay, maadaama aan lahayn tirokoob rasmi ah iyo cadad go’an oo qeexaya tirada ku geeriyootay duqaymahaa, dadka dhintay oo isugu jira kuwo uu ku dul habsaday guryahooda gantaal, oo sidaa ku qur go’een iyo kuwo ay haleeleen firirka iyo fanfaniinka madaafiicda iyo gantaalaha, halka dhaawacana lagu sheegay ku dhawaad (6.000), oo isugu jira dhaawac fudud iyo mid culus, walow ay jiraan tiro badan oo la ildaran dhawaacyo halis ah, oo aan helin xarumo caafimaad iyo istbitaallo ay isku daweeyaan.

Dhanka kale, waxyeellada soo gaartay guryaha iyo goobaha ganacsiga, ayaa iyana aad u daran, maxaa yeelay magaalooyinka la duqeeyey, xarumaha ganacsi ee ku yaalla ayaa si toos ah loo beegsaday, taasoo sii laba jibbaartay burburka ku yimid guryaha, siina kordhisay inay ku basbeelaan aqallo badan.

Duqaymahaa qasaarahaas ka dhashay ka sokow, waxay keenaan qax, barakac iyo inay isaga hayaamaan guryahooda dad lagu qiyaasay (16.000), uu u kala qaxay goballada dalka iyo gudaha wadanka Kenya, dadkaa qaxay oo ay soo food saartay xaalad nolol xumo, oo ka dhalatay cunto yari iyo biya la’aan! Bal waa yaabe dadka dhintay, kuwan dhaawacmay iyo kuwan qaxay maxay galabsadeen? Dambigooduse muxuu yahay? Kenya dib ayeyba u soo celinaysaa, malaha si aysan gantaaluhu meel cidlaa ugu dhicin! Dhanka kale hantida ku burburtay oo isugu jirta mid qaran, qof iyo qoys, cidna qiyaas ama hayso.

Billowgii duqaymahaa waxay ku yimaadeen barnaamij loogu yeeray: “Ciribtirka Alsabaab” oo loogu talagalay in dalka lagu qabsado, waa su’aale yaa laga Sifaynayaa magaalooyinkaa?,  Sida muuqata, waxaa hubaal ah in ujeedkii dhabta ahaa ee laga lahaa howlgalkan uu xaqiiqoobay, sida eraga “Ciribtir” ka muuqaataba, maadaama dadkii Magaalooyinkaa laga dhigay, qaar ku dhintay qantaalaha ay tuurayaan diyaaradaha dagaalka iyo duqaynta ay gaysanayaan, kuwo ku dhaawacmay hoobiyaasha loo miilinayo xaafadaha iyo qaar isaga cararay oo u hayaamay bannaanka magaalooyinkaa,  ka gadaal markii ay u adkaysan waayeen hoobiyayaasha iyo duqaynta!

Sidaa darted, waxaad mooddaa in la suuragaliyey qaab ahaan erayga “Sifayn”, Balse waa su’aale nimankan ku xaraysayn madaxtooyada maxay maamulaan ama u talinayaan? Mar haddii dadkii noqday saddaxdaas qaybood ee aan soo xusnay, mise waxay rabaan inay dul yuuraraan kuraasta una taliyaan guryo dumay iyo aqallo burburay, maadaama ay dadkii ka qexeen? Mise waxaa la damacsan yahay in markii dadkan magaalooyinkaa laga sifeeyo, dad kale la soo beero, oo ay u  taliyaan dadkaa lagu tallaalay? Waaba hadday dhacaysee! Waa yaab iyo amakaak.

Xasuuqa dhacaya waxaa xilkeeda leh, si toos ahna masuuliyaddeeda u qaadaya, ugu horrayn Madaxda dawladda, ayna horseed ka yihiin Madaxweynaha, Ra’isuul wasaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo wasiirka Gaashaandhigga, waa kan horee, madaxweynahu wuxuu masuul ka yahay dhammaan wixii dalka ka dhaca, xummaan iyo samaan, kan xigana waa ra’isul wasaarehee, isna waxaa xil ka saaran yahay hagidda howl maalmeedka dalka iyo dadka, kan xigana waa wasiirka arimaha gudahee, wuxuu u qaybsan yahay inuu ilaalsho arwaaxda iyo hantida dadweynaha, si guudna uu gacanta ugu yaho ammaanka iyo xasilloonida dalka.

Waxaadse mooddaa in madaxdan aan soo sheegnay ay si toos ah u taageereen xasuuqa maatida, rayidka iyo marrasta, ayna ku qanacsan yihiin burburinta loo gaysanayo xaafadaha lala dhacayo PM-ka, hubka artilleriga iyo gantaalaha, sidoo kale diginta laga dhigayo guryaha iyo aqallada, madaxdan kuma ekaysan taageerada xasuuqa iyo burburintaas qaawan, balse waxay ku celceliyeen inay ku faraxsan yihiin sida wax u socdaan ayna ku soo afjari doonaan muddo gaaban howlgalkan la magac baxay: “Ciribtirka Alshabaab!”, waxayba amar ku baxsheen in 10 magaalo oo la duqaynayo, dadweynuhu isaga baxaan.

Dhanka kale, dhacdooyinka gurracan masuuliyadda ugu weyn waxaa leh ciidanka Keenyaantiga, oo iyagu ku andacoonaya inay dagaal kula jiraan “Alshabaab”, iyagoo magacaas ku gambanaya, ayey xasuuq ka gaystaan xaafadaha ay la dhecaan hoobiyayaasha iyo PM-ka, ayna garab socoto duqaynta diyaaradaha dagaalka, ha illoobina maamulka gacan ku rimiska ah ee uu hoggaamiyo Gandi, maleeshiyaadka hoos taga maamulka Azaania ayaa iyaguna qeyb weyn ku leh xasuuqa dhacaya, waxaase wax aad looga xumaado ah gaabiska Urarada gobalka iyo dunida, oo wada daawanaya dhibaatada baahsan ee Magaalooyinkaa ka jirta.

Inta aanan u gudagalin dunidu waxay ka tiri xaalkan gurracan, aan wax yar idinka xusuusiyo, sadax hadal oo ka soo yeeray laba mudane iyo guurti, mid waa ra’iisul wasaare Gaas, oo sheegay in xasuuq dhacay, aysanna raali ka ahayn duqaymaha diyaaradaha Kenya, kuna daray inaysan u dulqaadan doonin, ila eega walaalayaalow, ninkani ma fayowyahay mise wuu waalan yahay? Markii madaxweyne Shariif yiri raalli kama nihin soo galitaanka Kenya, saw ma ahayn ninkii shafka u garaacay, hadalka madaxweynahana beeniyey, ee inta is qaaday Nairobi ku soo saxiixay heshiis aan dawladda dhami wada raacsanayn.

Waa iga su’aale muxuu hadda sidan ugu hadlayaa? Damiirka maanta uu yeeshayse muxuu yahay? Mise waa: “Qawda maqashii waxna ha u qaban!”, middan u badani, maya ninka waxbaa ka si ah, maalintuu Beledweyn tagay raggii ku soo dhaweeyey ayuu inkiray, maamulkoodiina wax kama jiraan ka dhigay.

Mudanaha kale waa Cabdi Cawaale Qaybdiid, ku lahaa in maati la waxyeelleeyaa kama mid ahan hannaan ciidameedka! Isagoo yiri: “waxaan leennahay Kenya jooji falalkaas”, Yuu is mooday waaba iga su’aale? Miyuu halmaamay gacmihii dahabku ku rarnaa ee gabal gabalka loo soo uruurinayey? Miyuu halmaamay xasuuqii suuqa Dahablaha ee Bakaaro sanadkii 1996-dii? miyuu halmaaamay xasuuqii maalmuhuu daagaalka kula jiray wadaadadii waallida waday? Ninba afkaa qoyan u hadal!

Qaybta sadaxaad waa Guurtida Beelaha Hawiye, iyagu hadal ma reebtaan, erayna ma bakhiilaan, afka noolayaal dheh, aanse is weydiinnee, maxay u arkaan dhibka ka dhaca meelo ka fog, mey eegaan midka joogtada uga dhaca xaruntooda Muqdisho? Ee ay waliba gaystaan ciidanka AMISOM, uguna dambeeyey kii ka dhacay Masjidka Alhidaaya, malaha kay rabaan ayey arkaan, kan kale waa iska idha saabaan, yaan la halmaamin inay xildhibaanno hadleen.

Dhanka kale, Sida loola falgalay xadgudubkii xabashida loolama falgalin xadgudubka Keenyaanka, dunida dhan waxaa is qabsaday mudaharaadyo, ay dhigayeen Soomaali ka caraysan xadgudubka Xabashida, waaba su’aale maanta aawaye? Miyey le’deen Soomaalidaa? Mise dan kama lahan oo waa doorsoomeen? Aan dhan kale sheekada idinka tuso, armuu buuqii iyo sawaxankii hore ahaa, geesgalin C/laahi Yuusuf la go’doominayey? Armuu ujeedku ahaa beelaysi bugtada qalbiga iyo beegsi shakhsi?

Waa iga weydiin kaliya, hubaal inaan dadka dhami u wada xuurtaysnayn arintaa, balse shaki ayaa ku galaya marka aad eegto sida wax u dheceen iyo sida wax yihiin maanta, sida labada dhacdo u kala fog tahay, ayaana keenayana dareenka caynkaa ah, waxay noqotaba, dareenkii shalay ma jiro, hadalku waa kooban yahay, kalaamku waa afar eray.

Dhanka dunida, murti ayaa waxay leedahay: “Qosolba Hiillo waa Galaa”, waxaa la yaab ah in dunida laga waayo dowlad ka hadasha Xasuuqan qaawan, falalkan gurracan iyo dhibaatadan ku hubsatay shacabka, waxaa hubaal ah in aamuskan uu ku sii dhiirigalin doono dawladda Kenya inay sii joogtayso falalkan gurracan ee arxandarrada ah, ee ay la beegsanayso Bulshada iyo hantidooda.

Waxaa nasiib xumo ah nimankan sheeganaya inay madax yihiin aysan waxba maamulin, aysanna u madax bannaanayn ka go’aan qaadashada talada dalka, aysanna gacantooda ku jirin maamulka dalka, balse dalka dhan ay maamulaan saraakiil Caddaan iyo madaw isugu jira, oo iyagu si cad u maamula gayiga Soonaaliyeed, tani la yaab ma leh oo waa arrin muuqata.

Waxaanse la qaadan karin sida dunidu uga gaabisay baajinta Xasuuqa, ama ugu yaraan ugu dhaqaaqi waysay sidii loo yarayn lahaa qasaaraha ka dhalanaya awoodda xad dhaafka ah, ee Keenyaatigu adeegsanayaan, run ahaantii waxaad mooddaa in Soomaaliya la wada dayriyey ama la wada laalaadshay,  haddaanba arinteeda la filqin!

Ma jirto cid ka dhiidhinaysa falalka waxashnimada ah, ee ciidanka Keenyaantigu ka gaystaan Magaalooyinka koofureed, mana jirto cid ka damqanaysa dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ka soo gaaraysa hoobiyayaasha iyo PM-ka lala beegsanayo xaafadaha iyo waxyeellada naf iyo maal leh ee ka dhalanaysa duqaymahaa.

Duqaymahan ku soo noqnoqday magaalooyinkaa, macnaha loo yeelay iyo ujeedada laga leeyahay ka sokow, waxay ku dhammaan guuldarro iyo jab u soo howayan doonta  Kenyanka iyo kaabeyaashooda, Murti ayaa waxay leedahay: “Dhagar qabe Dhulka ayaa la Dhaqdhaqaaqa”, si kasta oo ay cudud military ugu soo dagaal tagaan, wax guul ah kama soo hoynayaan, iyadoo waliba duqaymaha ay ka qaybqaateen dalal kale, jabka iyo guuldarrada oo waji gabax ku noqondoona Keenyaanka ka sokow, kalkaaliyayaashooda u  qiil sameeya hoobiyayaasha PM-ka iyo duqayntana iyana kadabkooda ayaa go’aya.

Falalkan gurracan ee ay hurmuudka ka yihiin Keenyaanka oo kaashanaya caadaqaatayaasha aan damiirka lahayn, kuma guulaysan doonoon hadimada ay la maaggan yihiin iyo shirqoollada ay u maleegayaan Ummadda, maxaa yeelay dhagarqabe oo dhan wuu iska dabar go’ayaa, waxaana ka haraya magac xun iyo xusuus aan wanaagsanayn, haddaba dadka Soomaaliyeed ha ku dadaalaan Midnimadooda iyo inay ka feejignaadaan dibinyaabyada  nacabku la maaggan yahay, isagoo u soo adeegsanaya dad gibilka iyo maqaarka Soomaali ka ah, kalkaaliyayaashuna ha ogaadeen inay u dambaynayso meel xun iyo magac xun, ayna dadka dhexdooda ka noqon doonaan Duke Cambaar leh iyo haraso Nijaas ah, oo qiimo iyo xushmad midna aan lahayn.

Gunaanadka faallada, intii shalay ku diidday Xabashida diin qabiil ama wadani, maanta ayaa looga fadhiyaa inay Kenyana sidii oo kale ku diidaan, waa in codkodooda la maqlaa, maxaa yeelay shalay iyo maanta waxba isma badalin, haddaysan arin kale qarsoonayn, iyana waqtiga iyo waayaha ayaa bannaanka soo dhigi doona, haddaan wadanka maanta loo istaagin, wallee berri isma haysan doono, danaha dawladaha shisheeye si xawli ah ayey u fulayaan, nacasiintuna waa nagu bateen.

Dadka waxaan ka muuqda dabacsanaan dheeraad ah, marka loo eego sida xaalku ahaa sanado ka hor iyo siduu maanta yahay, mise waa Muqdisho ha yimaadeenee sug, oo ah marka ay Muqdisho yimaadaan ayey dadku kacayaan, inta ka horraysa nuuxsan maayaan, ma garan sheekada caynkaa ah, maxay ku kala duwan yihiin Hoosingow iyo Muqdisho? Labaduba waa dhul ay Soomaali leedahay, kii lagu soo xadgudbaa waa kiisa kale.

Jan 2012

Bashir M. Hersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s