Yaa Qaswade ah?!

Yaa Qaswade ah?!Image

Noloshu galinba waa heer, aadanuhuna goor walba himilo inuu gaaro ayuu u guclaynayaa, jid iyo jiho la’aan is biirsaday ayaase hoggaanka u haya, waa midda horee, waxaan jirin dhabbo loo maro himilooyinkaa, midda kale waa; si jiho loo helo, haddaanba maanka la adeegsan miyaa qiblaba la aadaa? Ka sokowba, waxaanba la garayn jiho waxa ay tahay, iska daa meel ay jirtee, kaba sii daran, waa haddii aanba la garayn inta [imisa] ay tahay, iyo meelaha ay ku gayn karaan.

Qaab socodka siyaasadda Soomaalida maalinba maalinta ka dambaysa waxay sii galaysaa mugdi, waxay ka sii dhacaysaa gabi dheer, waxay ku sii dhacaysaa god dheer, ogaal iyo la’aantiisba, gudcurkan la sii galiyo waxaa u wacan tallaabooyin badan oo dhanka weecsan loo qaaday, kaliya ma ahan, ee waaba inaysan dhicin in la kala roonaaday, intii xilka isaga daba martay, mid walba kan uu ka sii dambeeyo ayuu ka sii liitaa, ka sii xun yahay, ka sii qaabdaran yahay, ka sii xaaransan yahay, anigu yaabaye, ma dadka ayaa sii xumaanayaa? Mise dunida ayaa gadaal u sii xumaanaysa? micnaha waqtiga ayaa xun, oo keenay in dadkuna xumaado, mise dadka ayaa xun, oo keeneen in waqtiguna xumaado.

Jahawareerka lagu jiro, galiddiisa waxaa sababay arrimo is biirsaday, ay ugu horrayso kalitalin qabiil huwan, oo xorriyad iyo xarago midna diidday, labaatan sano ka dib, maxaan haynnaa oo horumar ah, dhan walba? Maxaan faa’iido ah oon gaarnayn? Maxaan ku tallaabsannay oo wanaag ah? Maxaa …… Maxaa…… Weydiimuhu badan, balse, waxaan filaa inaan dhammaan jawaab qumman iyo qiilin midna loo hayan, maanta waxaan ku nool nahay ayaantii ugu xumayd, waa aragtidayda gaarka ah, qof walba middiisu gaar ayey u tahay.

Maanta waxaan ku jirnaa dabayaaqada dawladdii afraad ee KMG ah, haddii aysan shanba ahayn, qofba sibuu u tirin karaa, balse, waxaa muhim ah inay gaaranayaan tirida faraha, haddii aysan ka badnayn, waxaan ku jirnaa marxalad kala guurka ah, laba dhinac marka laga eego, ka guurka ku meelka, oo la damacsan yahay in looga gudbo marlaxad nagi iyo deganaasho dhan, midda kale, waxaan ku iri kala guur, in marxalad laga guuraya mid kalana loo guurayo, suuragal in lagu sii jiri karo ku meel gaarka, balse, middan lagu jiro ayaa ah marxalad laga guurayo, midda la gali doonana mid kaloo loo guuri doona dheh.

Marka marxaladdan oo kale lagu jiro, waxaa bata miliqa iyo labka, micnaha waxaa la isku qaldaa waxyaabo badan, ujeedku waa in la meelamariyo arrimo gaar ah, oo ay wataan dad gaar ah, kana leh dan gaar ah, oo aan dadku la wadaagsanayn, sidaa awgeed waxay adeegsanayaan waddo walba oo gaarsiinaysa dantaa, aalaaba way qalloocan tahayn hilinka ay maraan iyo danta ay gaarayaan labaduba, illeen isma keenayaan dan gaar ah iyo dan guud, gaar ahaan marka midda hore la hormariyo, ee ay noqoto yoolka la tiigsanayo.

Dulmarkaa kooban ka dib, aan u daadegu dulucda qormada, in muddo ah waxaa socotay eray bixinno cusub, oo hannaanka siyaasadda ku soo kordhay, oo ay adeegsanayeen siyaasi isku sheegyada, kaligood ma ahayn, ee waxaa la wadaagay xoogag gobolka ka jira iyo dunida qaarkood, Alshabaab ayaa inta badan lagu suntaa eraga: “NABADDIID” marka laga soo tago in meelaha ay maamulaan ay yihiin meelaha wadanka dhan ugu ammaan badan, waxaa muhim ah in la ogaado ujeedka dambe ee eraga laga leeyahay, kaliya ma ahan, ee waa inaan lagu kadsoomin adeegsiga eray walba ee aad qoraal ku aragto, idaacad aad ka dhagaysato, ama aad ka maqasho isagoo siyaasi isku sheeg ku hadaaqayo.

Erayadan nagu batay xooggoodu wuxuu soo billowday sanadkii tagay, ka dib markii xilka laga xayuubiyey afhayeenka baarlamaanka dawladda KMG ah, fadhigaa waxaa isugu yimid in ka badan 270 xildhibaan, madasha inta aan la qaban ayaa mudanha u sarreeya baarlamaanka laga waayey inuu u dhaga nuglaado dalabyo uga yimid qaar ka mid ah xildhibaannada, taa badalkeed wuxuuba qunful ku dhuftay albaabka golaha baarlamaanka, diidayna in la isu yimaado si loo shiro, loogana doodo arriimo quseeya dalka iyo geeddi socodka nabadda.

Sida aan ku barannay kuwa ku jira xeradaa, maan iyo maxkas lama adeegsane, waxaa la isku cabay feer iyo faralaab, Kursiyo duulaya ayaa hawadii qabsaday, illeen caqli aan ka ahayn inay dagaalaan ma lahan, kaaga darane, waxay ku jiraan hay’adda ugu sarraysa wadanka, Allow aday ku leedahay, waaba meesha kooxda Qaylodhaan ka qaadeen heestii: “Xildhibaannimooy xaal qaado!” illeen mudankeeda la garab maryee.

Sidii afhayeenka baarlamaanka xilka looga qaaday, ayaa waxaa soo shaacbaxay eraga “QASWADE” kama soo maaxan maanka kuwii ka soo horjeeday, ee la jaalka ahaa mudanaha xilka laga xayuubiyey, kama imaan afmaal Soomaali iyo aftahan midna, ee waxaa cod dheer nagu soo gaarsiiyey qolyaha sanadan dambe jaangooya habsocodka siyaasadda Soomaaliya, markii ugu horreeyey waxaa si dedan u adeegsaday wasiirrada arrimaha dibadda IGAD shir ay ku yeesheen wadanka Jabuuti, kolkaa wax canaan ah looma jeedin qofna, balse, sadarrada ayey ka dhex dhadhamaysay, waa qof walba iyo garashadiisee.

Haddii xajadii labantay, haddii aan laga laaban xil ka qaadistii Shariif, haddii dagaal dhacay, haddii lagu guulaysan waayey in la isu keeno labada garab, haddii xaajo noqotay baarlamaan qaybsan, haddii amarro uu baxshay wasiirka arrimaha gudaha laga dhaga furaystay, haddii aan marna xal la helin, ayaa waxaa dhacay labadii shir ee Garoowe, ee daba docday shir Muqdisha ka dhacay,  ee haddana la isugu tagay London, waliba kolkaan Siilaanyo iyo maamulka uu madaxa ka yahay la keenay shirka, intaa hadday dhacday qodobbo qalad iyo qabyaaladeed la wada saxiixday, ayaan haddana wali wax is badalin.

Wax la meero oo gidaarrado la wareego, wax la lafaysto oo la luufluufo, Mahiga ayaa mar qura farta ku fiiqay madaxtooyada, sheegayna inay afgambiyeen rag uu ku sheegay Aala Sheekh, malaha markaa Sheekh Shariif uma dan lahayn, waa ku Awr kacsanayey, ee wuxuu u jeeday siduu u weerari lahaa Formaajo, miday tahayba, wuxuu ahaa dawan dhiillo xambaarsanaa, dhan kastoo loo macneeyo, haddana lama garan, oo waxaa lagu ekaaday Mahiga inuusan diinta wax u dhimin, la yaab, oo sawka barqo cad Salaadda Janaasada wax ka dukadday, oo maxaa loo lahaa diinta yuusan wax ka sheegin? Aaway wadaadadii diin dacareedka nagu dirqin jiray, sanadhihii jadbada Jihaadka? Maya xaggee bay ka bexeen Sheekh Dhicisoow iyo raggisii shalay Mahiga ku dhaleecaynayey inuu diin u gafay? oo Markuu Salaadayey uma gafin? Aniga iima bixin, aqriste adna?

Waxaa dhawr cisho ka hor soo baxay warsaxaafadeed ay ku midaysnaayeen Urur Goboleedka “IGADUrurka Midawga Afrika “UA” iyo Qaramada Midoobay “UN” ujeedka bayaanku wuxuu ahaa in la caddeeyo in cagajuglayntii hore isu badalayso ciqaab! Waxaana lagu xusay in –waxa ay ugu yeereen- “QASWADE”yaasha, laga qaadi doono tallaabo ku qumman!

Inta aanan weydiin dhigin, una daadegin wercelinteeda, aan duljoogsado eray kale oo asna soo noqnoqday mudadan dambe, waa eraga “ISBAARAYSTE” qof walba oo kaa aragti duwan ayaad u adeegsan kartaa, waxaa eragaa lagu suntay dadkii duray dastuurka qabyo qoraalka ah, ee yiri waxaa ku jira qodob qaldan ama qalloocan, intii la dhagaysan lahaa, ee laga qancin lahaa, waxaa loogu badalay Dastuurka ayaaISBAARO loo dhiganayaa.

Weydiinta ka dhalanaysa eraga “QASWADE” ayaa ah, horta ayaa “QASWADE” ah? haddaan jawaabtiisa helno, waa hubaal in wax badan oo qaldan la sixi karo, haddiise aan lagu guulaysan inta hadda qaldan kuma ekaanayso ee waxaa sii qaldami doona wax badan oo iminka qumman, illeen waxaan la moogayn in qalad aan lagu liibaanine.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, mudanihii ay xilka ka qaadeen intii u dooratay xilkaa in ka badan? haddana laga fujin waayey, isagu garaadkiisa kuma tagayo, garabna waa haystaa, waa “Gardarro garab og lagama guulaysto” garabka wuxuu ka helayaa canaasir ka tirsan madaxda sare ee dawladda, oo iyagu raalli uga ah inuu sii hayo xilkaa iyo shisheeye uu waligiiba u ahaa kabaqaade, illeen hadduusan kalkaaleu ahayn iyaba ma garab siiyeene.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, mudanaha muddo go’an xil loo soo doortay, markuu u dhammaaday inta Kampala tagay oo Madaxweyne Museveni hoosta ka galay sanad soo kororsaday? ee walibana yiri cid ka hadli kartaa ma jirto, waa lama taabtaan qodobadii aan ka keenay Kampala, kana sara mereenba axdigii KMG ahaa, intaa kaliya ma ahan, masuul ka ahaa dagaal la baajin karay inuu dhoco, waxaan ka hadlayaa fashilkii ku yimid shirkii Kharduum daba yaaqadii hilaadintii 2006-dii, intaa kuma simine, haddana laba sano kale, da’yarta diin, dib u xorayn ku dagaal galiyey, dabadeedna meel cidla ah uga tagay.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, mudanaha muddo go’an xil loo doortay, ee markii uu dhammaystay sanad jeebkiisa ah ku darsaday? Isagoo waliba u cuskaday dastuur uu ku ansixiyey qol mugdi ah, oo aan loogu codayn sida Dastuurkii Somaliland oo kale, oo maalin cad dadku u wada dareerin inay meelmeriyaan rabitaankooda, waxaaba ka sii daran inuuba isbaaro u dhiganayo wada hadalladii la filayey inay dhexmaraan dawladda KMG ah iyo maamulka Siilaanyo, eraga isbaaro iyagaa adeegsada, anna sidaa ayaan iyagu ugu adeegsaday, illeen ayaga ayuuba qabanayaaye, marka laga soo tago inuuba kuu habboon yahay.

Aqriste, “QASWADE” ma laha dhihi karaa, mudane xil qabtay ka gadaal markii si qasab ah xilka looga qaaday mudane Formaajo? Igama ahan inaan taageero gaar ah u hayo Formaajo, oo waxaaba iiga filan beentuu dadka ku tiri: “DAN SOOMAALI AYAAN U TANAASULAY” ee hadda Kampala isa sii taagay, waa meeshii xilka looga tiriyey, adigu meel lagugu ciilay ma u Cillaan saar doonan lahayd? Aanse u soo laabto weydiintee, aan waliba intaa ku ekaysan ee noqday Profka qabyaaladda, kuma sii ekayasane, ee yiri: “Dadka mucaaradaya dastuurka qabyada ah, boqolkiiba 99 maba garanayaan waxyaabaha uu qoraayo!” oo haddaa isagu ma garanayaa? Mid ayaase hubaal ah inuusan garanayn waxa uu ku hadlayo!

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, mudane lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey dilkii Wariye “Xiis”? Iska hubi eraga, ha la boodin, kuma oran isagaa dilay, ka dambeeyey ama ku eedaysan, illeen ilaa hadda cidna maba baarine, markii baaritaanku soo gaaray albaabka waardiyihiisa ayaaba la laalay, sida kuwo badan oo la mid ah loo laalay, haddana la doonayo in loo caleemo saaro Duqii ugu waxtarka badnaa, ee soo mara magaalada Muqdisho, hubaal in wax la qabtay, balse, miyey diidaysaa in xaqiiqda la ogaado?.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, mudane xil laga qaadee is xajiyey, ee Maxkamadda saree maamulka xukuntay in sharci loo raacay xil ka qaadistiisa? Ee inta Odayo isu wacday Xamar iyo meelo kale laga tagay xaal mastuur lagu gaaray; inuu xilka sii hayo, waaba yaabe, markii hore maxaa xeer iyo xugun loo samaynayey? Haddiiba aan la dhaqangalinayn.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, wadaad camaamad madaxa ku xirtay, ee Xabashi ku xiran, deegaanka kala daahay inuu maamul u sameeyo? Maalin walba u taagan raacda reeb iyo ku dhufoo ka dhaqaaq, waa Jinni ku xaqsay iyo tacab khasaaray, malaha dhacdadii Dhuusamareebna waaba qiil ay doonayeen, oo ah in marka hore deegaanka laga sifeeyo Alshabaab, oo ninka isqarxiyey miyuuba deegaanka iska soo abaabulay? Saw lama oran wuxuu ka yimid dhankaa iyo Xamar, ani isuma kay qaban.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, nin aqoon lagu tilmaamo, wata darajo aqooneed midda ugu sarraysa, haddana u xusulduubaya siduu sokeeye ku gumaadi lahaa? Dabcab dadka la laynayaa deegaanka ay ka soo jeedaan isuga uma dhalan, kumana dhalan, waaba haddii loo qiilin lahaaye, haddana Maamul gacan ku rimis ah oo “AZAANIA” uu u  baxshay ayuu dadku ku qasbayaa, dabadana waxaa ka riixaya quwado shisheeye, illeen waxaan joognaa sabankii shisheeyaha lagu wada daabnaaye.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa nin wadaad sheeganaya, ee haddana u darban laynta dad aan waxba galabsan? Mid yaan la halmaamin inuu Xabashida Saaxiib la ahaa waligiisba, ma wada xasuusateen in jabkii Maxkamadaha ka dib, isagoo dhaawac ah loo qaaday Itoobiya, ee inta la soo daweeyey oo la soo daryeelay dib loo soo celiyey, si uu hawshan wasaqda ah u fuliyo, haddaba Gardheer iyo Taf xaydan dambe yaa lagugu qaldin, Garku waa tin soo baxda, ama gaabso, xiir ama dayso, Muuse Suudi, Barre Hiiraale, iyo Gen. Moorgan yaa ka Gardheer? Haddana waad ka dharagsan tahay inay yihiin qabqablayaal dagaal, bal dhanka kalana milicso, Fidal Castro oo Hantiwadaag ah, haddana Garkiisa ma aragtay?.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa nin wadaad sheeganaya, ee maalmo ka hor soo ansixiyey Dastuur beeleed, ee inta Garoowe ka soo duulay, markuu Xamar cagaha soo dhigay, isagoon nasan, isla markii warsaxaafadeed diidmo ah soo saaray, la yaab, midka qolka madaw lagu soo ansixiyey, ee lagu garab maray xeer iyo xugun wixii dhignaa, aan la tixgalin dareenka dadka uma muuqdo, ee waxaa u muuqda midkan Soomaali oo dhan ka dhexeeya, hubaal inuu xaq u leeyahay inuu codkiisa dhiibto, balse, inuu miisaamo ayey ku habbooneed.

Aqriste, middan si fiican iila dhuux, waxaan is leeyahay waaba midda ugu muhimsan inta aan soo xusay, “QASWADE” ma la dhihi karaa, kuwan wadanka ku soo hogaamiyey shisheeyaha? Bal wadanka gees ka gees eeg, maanta gobol aan Xabashi joogin ma lahan, Somaliland iyo Puntland iyagu qurbaanka si joogto ayey u bixin jireen, koofurta deegaannada qaar ayaa Fidaw iyo Xersi xir ahaan iyana u gayn jiray, hadda waxay maraysaa inaysanba sugan, ee ay ugu timaad meesha uu yaal, halkaana ka maamusho, kana yeesho sida ay doonto.

Haddi Xabashi kaliya ma ahane la soco, waxaa wadanka joogo Ugandhiis, sanad walba waa la soo kordhiyaa, adba garo ujeedka laga leeyahay? Burundi caasimadda la wadaaga kuwaa, Kenya oo iyadu u xilsaaran deegannadda la wadaaga xuduudka, lammaanana looga dhigay Siiralyoon, waaba iga weydiine, horta ma qoryo ayey wataan? Mise faasas iyo Godimmo? Hadday kan dambe wataan wallee waa laba jab, illeen haddaanba dhimasho la hurayn xaraarug la’aan dhimaa dhaanta saxariire. Ha moodin inaan ka tagay walaalaha Jabuuti, oo iyana iminka Hiiraan loo qaaday, si loogu daboolo Xabashida joogta.

Aqriste, inta aysan erayadooda aafaysan na qaadsiin, bal kuwaa iyo kuwa ka sii liita ee aanan xusin, eedse garan karto, oo dagaal sokeeye aan ka maqnaan, kii horana safka uga jiray, ee maanta Nabaddoon laagu yeerayo ayaa wadanka jooga, kuwaasi “QASWADE”yaal ma ahan, ee qofkii yiraa qodobkaa ayaa ila qaldan, ama aan u qalmin umadda Soomaaliyeed ama qiima tiraya qaranka Soomaaliyeed ayaa “QASWADE” ah, midse aan dhigo, inay baarlamaanka ku jiraan magac xumayaal aan muunad iyo sumcad midna dhawrin, si aan loo oran; ninkani wuxuu difaacayaa mooryaanta baarlamaanka ku jirta, aanse weydiin dhigo, sanad ka hor mooryaan ma ahayne, ma marka ay ka soo horjeesteen mashaariic gaar ah ayey noqdeen mooryaan? Aniga iima dhadhamin, maalintaad i garab joogto mudane ayaad tahay, maalintaad i garab martana mooryaan ayaad tahay!

Ugu dambayn, waxaa marag ma doonta ah, in wadanka ay ka buuxaan “QASWADE”yaal badan, oo qaab walba leh, isugu jira qaybaha bulshada oo dhan, waliba kuwooda idhuhu qabtaan, aan magac dhabo, waaOdayadaWadaadada iyo Siyaasiga, haddana waa mid aan la aqbali karin, in qofkii qalad tilmaama ama qalloocan jirta sheega in lagu qaabiyo waa “QASWADE”.

Waxaaba ka sii daran inay noqonayso jid furmay, xilligii Siyaad Barre, ninkii loo bogi waayo waxaa lagu sunti jiray “KACAAN DIID”, sooyaalka sii raac, sabankii Ina Cabdille xasanna qofkii laga heli waayo waxaa lagu oran jiray waa “XUJOWDAY” bala aqriste, erayada “WAA XUJOWDAY, KACAAN DIID iyoQASWADE” maxay ku kal duwan yihiin? iima muuqato isdhaaf ay kala jeedaan, erayo ahaan iyo macno ahaan haa, balse, ujeedka iyo gundhigga ayaa isku mid ah, oo ah qofkii aan kuu sacbin inaad sumaddo.

Aqriste, aan kuu sii ballaarsho tusaalaha si ay kuugu caddaato, madaxweyne Bush markuu Ciraaq ku duulay ayuu dunida ku yiri: “qofkaan nala jirin, waa lidkeenna” isagu waa caddaystay, kuwan iyo la midkoodse waxay ku gambadaan badanaaba erayada hoostooda, iyadoo mar walba la doonayo in lagu waxyeelleeyo, waa la oran karaa waa xeelad si aan xaal iyo xugun midna kuu qaban, balse, waa qiilin daciif ah, illeen “Hillaac biyihiisa waa caddaystaa” iyo “Xalaalna barqaa la quutaa”.

Ninka “QASWADE” ah waa ninkuu Mahiga u meerinayo wax Soomaali oo dhan dhawaq dheer ku tiri; “sida uu hadda yahay ku dooni mayno” haddana aan laga qancinayne, lana dooonayo in qasab iyo sandulle lagu aqbalsiiyo, war yaa u sheega “Qoolleey Qoorqabad biya ku cabi maysee” oo qasab waxba kuma meel marin karaane, waxaa la mid ah Sheekh Ummal oo yiri; “inta dastuurka rabta dantooda ayey ka arkeen, inta diidanna dantooda ayey ka waayeen” waaba iga su’aale wadaadkani miyuusan ka waantoobin inuu Soomaali mar walba meel uga dhoco? War qofkii yiri; qodabka Jinsiyadda, Xuduudaha wadanka, Federalka, Caasimadda, iyo inuuba ku meel gaar yahay awgiis ayaan ku diidayaa, ma dantiiisa gaarka ah ayuu ka waayey? Haa, oo markaa dantiisa gaarka ahi, waxaan u garan karaa inay tahay danta guud, qormada aan ku soo afmeero labadan murti, ee kala ah: “Maroodi Takarta ku taagan ma arkee, midda kan kale uu tilmaamaa” iyo “Hashu Geelana ma dayso, cabaadkana ma dayso!”.

 

Maajo 10 12

 

Bashir M. Hersi

 

Advertisements

11 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s