Shirka Garoowe: gogol shabaqa iyo gar shiilan

Image

Shirka Garoowe: gogol shabaqa iyo gar shiilan

“Labadii Laqdabo ku heshiisa Lillaahi ayey ku diriraan”, murti baa na daalicin, mid kalana waxay leedahay: “Laqdabo iyo Lillaahi meel ma wada galaan”, midda hore waa labo luggooyo isla meeldhigay, ugu dambayn inay daacadnimada ku dagaalayaan, tan dambana waa siday u kala fogyihiin qof daacada iyo qof daalline, oo aan laga yaabin inay marna kulmaan, ama kaalin wada galaan.

Hbooli al ah Nirig xalaal ah ma dhasho, shirkan Garoowe wuxuu daba socday shirkii Muqdisho, ee lagu ansixiyey waxa loo baxshay: (“roadmap”, ”Tubta Toosan”, ”ama Tubtanabadda”), isna wuxuu dabada ku hayey kulankii loogu yeeray: “Kampala accord”, ee lagu qadaanqadiyey Formaajo, loogana eexday labada Shariif, oo iyagu ah qawsaarada shisheeyaha ee xilligan.

Labadaa fadhi fitno iyadoon la falanqayn lama fahmayo fadhiga Garoowe, ugu horreyn “Kampala Accord”, wuxuu dhacay horraantii bishii June ee sanadkan, wuxuu dhexmaray labada Shariif, oo markaa qilaaf xooggan u dhexeeyey, Shariif Sakiin ayaa kordhiyey mudadii baalamaanka, dhanka kale waxaa xilka ka sii dhacayey madaxweyne Shariif, oo ay u harsanaayeen bilo qura, si khilaafkaa loo hakiyo, ku meelgaarkana loo sii xajiyo ayaa “Kampala accord” ku yimid.

Kulankii Kampala labada Shariif waxay ka soo laabteen nin walboo sanad madaxnimo ah loo jaray, oo aan ka hadal iyo dood lahayn, waxaa la horgeeyey baarlamaanka, qalinkana ku duugay oo ansixiyey, la yaab!, niman xilka iska haysta ayey u sii xalaalaynayaan, dabcan qodobbo ku jira si weyn ayaa loo dhaliilay, gaar haan kuwooda la xiriira muqaddasnimada qarannimada Soomaaliya, oo mugdi iyo maxmiyad dahsoon la galiyey, kaliya ma ahan, ee xitaa sharci ahaanta in xilka la iska kordhisado, iyadoo shisheeye lagu daaban yahay, ayaa iyana laga hadlay.

Haddii “Kampala accord” meel maray, labada Shariifna sharciyeysteen xil kordhisashada, ayaa waxaa laga daba keenay kulankii September Muqdisho ka dhacay, waxaa isugu yimid dawladda KMG ah, Maamulka Puntland, maamulka Galmudug iyo xubno ka soday urur diimeedka Ahlusunna, Mahiga ayaana mapka hayey, waxaa la isla gaaray qodobbo qabyo ahaa, oo si weyn looga muujiyey buuq iyo cabasho.

Dawladda la garay, oo waxaa la dhihi karaa Soomaali ayaa ku dhan, ee kuwan kale ee shirka ka qaybgalay labo beel iyo hal urur diimeed saw lama dhihi karo? Isla shirka Garoowana waa sidoo kale, waan ku imaad doonnaa, isla maalmahaa shirka Muqdisho lagu qabanayey, ayaa waxaa garab socday shir kale oo ay qabanqaabiyeen xubnaha isku sheega “Golaha Guurtida Hawiye”, shirkooda waxba lagama soo qaadin, bal Mahiga waaba u gooddiyey, sheegayna in tallaabo laga qaadayo.

Aragti ahaan shirkan Garoowe, wuxuu ka mid noqonayaa shirarkii Soomaali loo qabtay kuwii ugu xumaa, sida shirkii “Soodare” ee lagu qabatay wadanka Ethiopia, maadaama kan Garoowe aysan ku dhammayn ergooyinka Soomaalida, beel, urur ama maamul beeleedyada jira, sababtoo ah kuwii ay taageerada u muujiyeen xitaa ma casuumin, sida maamulka Azaania, ee Gandi ku doonayo inuu ku xasuuqo dadka dega gobollada Jubbooyinka, gacantana u galiyo shisheeye.

Waxaa shirka ka soo gaybgalay ergo ka socotay dawladda KMG ah, oo meesha u tubatay sidii in lagu bixinayo tikidka madaxnimada “waligaa haay” la yiraa, labada Shariif oo mid dabada la haysto, xilkana laga xayuubiyey, ra’isulwasaare Gaas, wasiirro iyo xildhibaanno, maamulka marti galinaya shirka (Puntland), Galmudug oo iyana caalin ku dhag, laba marna xilka laga qaaday, qolo ka socotay Ahlusunna, iyo Mahiga iyo xertiisa (UNPOS), halka maamulka “Ximin iyo Xeeb” qaadacay, shirkana suntay inaan dan Soomaali lagu hayn, halka garab urur diimeedka Ahlusunna ka mida oon shirka ka qaybgalin Sheekh Shariif ku eedeeyey inuu dhaqaale ku baxshay inay shirka ka baaqdaan.

Shirku sidaan sare ku suntayba, wuxuu dhamaystir u ahaa kii Muqdisho, kan Muqdishana wuxuu qurxinayey kii Kampala, shirka Garoowe waxaana looga doodayey qodobadan kala ah:

– Habaynta tirada mudanayaasha Baarlamaanka.

– Dhamaystirka dastuurka qabyo qoraalka ah.
– Ka guuritaanka nidaamka ku meel gaarka ah.
– Wax ka qabashada ammaanka iyo nabadgalyada.

Labada qodob ee ammaanka iyo dastuurka, waxay ku jireen heshiiskii Gaalkacyo, ay wada galeen daawladda KMG ah iyo maamulka Puntland 23 Aguost 2009, heshiiskaa oo dhigayey qodobbo sadbursi dhaafay, damac iyo hanweyni salka la galay, sida ku qoran waraaqda wax lagu saxiixay: “HESHIIS WADA SHAQEYN OO DHEX MARAY: DAWLADDA FEDERAALKA KU MEEL GAARKA EE JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA IYO DAWLADDA PUNTLAND EE JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA”, aqriste kaba dhig inay laba dawlad yihiin, ee maxaa isku magac ka dhigay “Jamhuuriyadda Soomaaliya”, Anigu ma garan.

Sadbursigu intaa kuma sinna, hoos aan u usoo galno heshiiska, waxaa ku qoran dsida:

Qodobka 5-aad, Puntland inay shirarka quseeya danaheeda si gaar ah uga qaybgasho, qodobka 10-aad, inay qayb u hesho 25% deeqaha waxbarashada, qodobka 11-aad midaynta manhajyada waxbarashada, yaab, “aan danaysto kaligay kuguna danaysto”, si kale: “tayda Anaa iska leh taada kula lihi”, waxa iyaga soo gala sida loo maraynayo lagama hadlin, waxaase laga hadlay in laga caawiyo arimaha la xiriira horumarinta, waxbarashada, ammaanka iyo burcadbadeedda, yaab, Ani isu kay qaban waysay.

Labada kale ee habaynta baalamaanka iyo ka guuritaanka ku meel gaarka, ayaa ah labada qodob ee ku cusuub shirka Garoowe, mid ayaa xiisa gaar ah leh, waa ka guurka marxaladda ku meel gaarka ah, ninka lix bil ka hor Kampala ku soo saxiixay meel ka dhac qarannimada Soomaaliya, ma kula tahay inuu diyaar u yahay in laga gudbo marxaladda ku meel gaarka ah? Jawaabta aqristaha ayaan u daayey.

Midda dhimista tirada baarlamaanka, awalba shaki kuma jirin inaan la xamili karin “tiro badne tayo yare”, sababno ay noogu ahaayeen labada Shariif iyo wadaadadii iimaanka la’aa ee kursigu u caddaa, haddaba isku raacidda yarayntiisa ma ahan wax weyn oo waqti iyo u baahan hawl badan, maxaa yeelay awalba waa iska caddayd inaan tiradaa la sii wadi karin, dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Shirkan aad ayaa loo buunbuuniyey, waxayba i soo xasuusiyeen berigii Maxkamadaha, oo sidaan oo kale warbaahintu ula falgashay, waxayba ka dhigeen shir lagu qabanayo magaalo aan dunida ku ool, mise sanadkan ammaan xumadii ka jirtay Puntland ayaa lagu daboolayey? Oo cabsi badan ayey ergadu qabeen? Si shuushkaa looga saaro ayaa borobogaandada ammaanka xoogga loo saaray.

Shirka Garoowe markii horaba qabsoomiddiisa shaki ayaa ku jirtay, maadama Mahiga laga soo xigtay inuu ka badalay Garoowe, balse waxay tahayba shirkii wuu dhacay, haddaa maxaa ka soo baxay? Ani ahaan wax ka soo baxay iima muuqdaan, marka laga reebo sidan hadda xusayba, ii dhehda saxaafadda la dhexdhigay iyo dhagaqabsiga dhacay, qodobada laga doodayey laba waa suuragal, labana waa calaalcal tima ka soo dhashaan, ha ila yaabin, waa odoros iyo aragti abyan.

Laba waa la hirgalin karaa, dastuurka qabyo qoraalka ah waa la dhamaystiri karaa, macnaheedu ma ahan inaan muran jirin jirina dooonin, ee in wax la xarriiqo karo ayaan uga jeedaa, kuma sii jirto siday noogu fududdahay wax qoriddu, ayse nagu adag tahay aan qornay inaan dhaqangalinno wixii aan qornay, illeen muranka hadda ayuu taagan yahay, laga billaabo xubnahan yaa magacaabay? Qodobo  aasaas u ah dawladda oo la xaglinayo (Carabaynta Soomaalida!).

Habaynta baarlamaanka iyo dhimista tiradan badan, iyana ma ahan wax adag, maxaanse markii hore yac loo dhihin? Illeen kuwani haddaan yac la dhihin ma gartaan inay ka joogsadaan wixii dhibaya shacabkee, waaba la isku raacay in laga dhigo 225 xubin, laguna soo xulo qaabkii uu jeexay C/qaasim Salaad, ee (4.5)afar iyo barka, “Anaa buuxa Adna bar ayaad tahay”.

Labada aan waxba ka suuragalayn waa ammaanka iyo ka gudbidda marxaladda kala guurka ah, ammaanku faraha ayuu ka baxay, ha ahaato Puntland iyo meelaha ay dawladdu ka taliso, mar walba ammaanka sii xumaanaya waxay qayb ka tahay maamul xumada jirta, dhanka Puntland waxaaba u sii dheer sadbursi oo hantidii maamulka dhan Faroole wiilkiisa ayuu farta ka saaray.

Qodobka la xiriira ka gudubka marxaladda ku meel gaarka ah, waa midka ugu adag, maadaama uu yahay qodob taabanaya masiirka umadda, ahna qodob aad loogu baahan yahay, laba dhinac marka laga eego, dhinaca Soomaalida oo u hamuun qabta nidaam da’aim ah, dalwad xalaal iyo hoggaan adag, dhanka dunida inay helaan kooxo ay ku shaqaystaan oo danahooda u saxiixa, maadaama aysan hadda waxba saxiixi karin, wixii ay saxiixaanna aysan qiimo sidaa ah yeelaynayn.

Ugu dambayn, Shirkii Garoowe wuu qabsoomay, madaxna ka soo qaybgashay, Soomaali badanse la moos, oo iyaga inay jiraanba lagama soo qaadin, waaba su’aale, Soomaali ma beelaha Puntlad iyo Galmudgbaa? Soomaali ma dawladda KMG iyo Ahlusunnaa? Madaama laga wada hadlayo awood qaybsiga, arimo la xiriir masiirka umadda iyo wax ka qabashada ammaanka.

Gobolada Woqoowe (Somaliland) Banadir, Hiiraan, labada Shabeelle, labada Jubba, Gedo, Baay iyo Bakool waa la quursaday, sidoo kale waxaa laga tagay maamull ka jira wadanka sida: Mareeg state, labada Hiiraan ka jira, Galguduud stete, Jubbaland, Maamulka Azaania IWM, ujeedku ma ahan inaan taageero gaar ah u hayo goobaynta dalka, balse maadaama ay magac maamul wataan dhamaan, maxaa shirka looga qadiyey? In midna martigaliyo shirka kuwana aan lagu casuumin waa eex.

Faallada waxaan ku soo afmeerayaa, tix abwaan C/aadir Xersi (Yamyam AUN) ka jeediyey shirkii Addis Ababa, sanaddii 1993-dii, tixdaa ood is leedahay waxay kahadlaysaa manta iyo shrika Garoowe iyo kuwa la midka ah, ee ila dhuux murtidan qiimaha badan, Abwaanku wuxuu yiri:

 

Ma dadbaa ma geedaa

Ma noolaa ma dhagaxbaa

Waxa iga hormuuqdaa?

 

Ma ragbaa ma dumarbaa

Ma mijaa ma madaxbaa

Ma wax magac qabiil iyo

Matalaaya ururraa?

 

Waji murugo qarisoo

Mashaqooyinkii dhacay

Ka madluunsan ma arkee?

 

Maskaxdiyo aqoontii

Miyey soo hilmaameen?

 

Moogayaal war moogaa

Wax ma oga miyaa wali?

Laxaw soo mirkacay iyo

Dareenkoodu maqaanaa!

 

Maqalka iyo araggii

Maskaxaha u tabin jiray

Meerisyada dhacdada iyo

Unugyadii miyaa maqan?

 

Ma hurdaan ma tooseen

Mise maalmihii tagay

Wax abaauran maahayn?!

 

Ma ergaa ma guurtaa

Maxaa laga garnaqayaa?!

 

Indheergarad ma jooga

Mise waayo araggii

Masriifkii carruurtiyo

Dantiibuu ku maqan yahay?

 

Halgankiyo midnimadiyo

Raggii calanka soo muday

Aan baroorannee maye?

 

Mataanaynta qarankiyo

Haddii magacii naga lumay

Maxay nolosho noo tahay

Kolley mawdku waa gare

Nafta maysku aasnaa?

 

Haddaan weynay maan iyo

Aqli noo maqoorada

Ma inaan gob nahaybaan

Martidiyo shisheeyaha

Masawira niraahnaa?

 

Nin waliba maraad lehe

Inaw qoys maciin bido

Majarihii xorriyadduna

Ka habaabo marinkii

Maangaabnimaa lehe

Marna mays tiraahdeen

Hanta labada kii mudan?

 

Waagii mudnaantiyo

Wasiir magac ku faanaa

Baabuur madaw iyo

Muraayadaha xiran jiray

Meelaha nacfiganale

Loo kala hor mari jiray

Maareeyana la noqon jiray

Gudbe maalmahoodii!

 

Waxa timid marxalad adag

Oo maamul sare iyo

Ninka madax u ciilqaba

Masuuliyadu qaadiyo

Kow dhaar la mariyaa

Tahay miiski soo gado

Musuqana dil baa tahay

Mushaar ma lihid shaqaduna

Maqrib ilaa subax

Ilaa qaranka maydkaa

Lagu hubiyo mee wacan

Halkaaseey maraysaa.

 

December  2011

 

Bashir M. Hersi

 

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s