Xadgudubka Kenya iyo xasuuqa umadda!

Image

Xadgudubka Kenya iyo xasuuqa umadda!

Kob walba kaliila ayaa dhacaysa, kaar iyo aadaar ayaa dhan walba is haysta, kur go’an, kalxan jaban, kab shiilan, kor dubmay, kub kala fallimay, kabiir iyo saqiir haaraamaya, duqanyn Kudhaa iyo Hoosingow, kaliya mahee, gobolladaa oo dhan Kobrooyin ayaa dul heehaabaya, kor iyo garba siman u duqeynaysa, degmooyinka xadka kulaala waaba la mariyey, kumanaan ayaa isaga qaxay, kaniini iyo dawo la’aani ku dhacday, kadinta oo biya dhex ceegaagan awgeed, kadeed aan dhammaanayn!

Darisnimo lama dhawrin, bani’aadannimo lama dhugan, dhamishadu waa wadar xabaal, dhaawaco meel walba ayuu tuban yahay, dhiigjoojin la’aan ayey u le’deen, dhecaankooda ayaa ciidda ku qubmay, dhulkana ku baxay, gaaray dhudhun iyo baac, taahooda lama dhagaysan, oo dhagaha ayaa laga furaystay, cid dhagjalaq u siinaysa ama  maqal amaahinaysa ma jirto!

Kenya waa dal aan wadaagno soohdin bad iyo berriba leh, ay ku nool yihiin Soomaali badan, oo isugu jira kuwii horay deganaa beledka lagu muransan yahay iyo kuwa gaaray burburkii dawladda ka dib, kana abauury ganacsi bilay dhaqaalaha Kenya, dabcan canshuurahaa laga qaado ganacsigaa ballaaran ayaa qayb ka ah cududda maanta Soomaali lagu baabi’nayo.

Kenya waxay gudaha wadanka soo gashay 16-kii bishii October, iyadoo ku hubaysan gawaarida gaashaaman iyo guutooyin ciidamo ah, iyadoo sheegatay inay ka hortagayso qatarta uga soo food leh Alshabaab, iclaamisayna inay wiiqi doonto awooddeeda military, hadal aan dhagaha Soomaalida ku cusbayn, ma ila xusuusataan haasihii Xabashida ee dhammaadkii 2006-kii iyo 2007-dii, iminkana dib ayaa loo soo cusbooneeyey, eeg gobolada dhexe, magaalooyinka: Beledweyn, Dhuusamreeb, Bulacle IWM.

Kenya markay gudaha Soomaaliya ku jirtay laba maalmood, ayey wafdi u dirtay Muqdisho, si qaanuunka loo waafajiyo galitaankeeda sharci darrada ah, heshiiska labada dal kuma cadda in Kenya ay gali karto gudaha Soomaaliya, ama sii joogi karto, sheekaduse waxay u eg tahay, nin xaaskaagii iyo caruurtaadii kuu daba mareeyey, ee ku weydiisanaya ogolaasho, ama nin bakhaarkaagii dhex taagan ee kaa dalbanaya galitaankiisa.

Duulaankan qaawan ee qaanuunka aan waafaqsanayn, waxaa horseed ka ah dad Soomaali ah, “ka dar oo Dibi dhal”, waxaaba hor kacaya rag sheeganaya aqoon iyo garasho, aqooneey ba’!, iyadoo lagu andacoonayo Alshabaab ayaa la tirrirayaa, ma filayo inuu jiro qof Alshabaab iga neceb! Haddana miyaa xal noqday si aan Alshabaab u baabi’inno inaan Kenya soo kaashanno? Sow Kenya kama mid ahan dalalkii shalayba taageeri jiray Alshabaab?.

Dadku garaad yaraa, miyaan sooyaalka lagu cibra qaadan? Beeli beel ma kor dagi kartaa? Haddayse kor degto imisa ayey dul degaanaa kartaa? Caqligu miyuusan shaqaynayn? Kolley Soomaalinimo walaaltinimo xididnimo iyo ood wadaagnimo waxba tari waayeene, ma waxaa dadka ka dhaadhacsan haddaad shisheeye ku daaban tahay dadka waad jujuubi kartaa, dalkana waad qabsan kartaa? Waa ogaalli’idaa.

Socdaalkii wafdiga Kenya ee Xamar ka dib, waxaa xaaraan qadcan ah ku tilmaamay soo galitaanka Kenya madaxweyne Shariif, balse waxaa si cara leh uga jawaabay dawladda Kenya, oo xasuusiday inay iyadu gacanteeda ku dhoodhoobtay dawladdan cayrta ah, walibana ku eedeysay Shariif inuuba Alshabaab yahay, raallina uusan ka ahayn in Alshabaab la ciribtiro, hagaag.

Damaca ku jira Kenya waa mid iska cad, muddooyinkanba waxay doonaysay inay qayb ka hesho baddeenna, baarlamaanka ayaase arrintaa gaashananka u daruuray, ka sokow, waxay doonaysaa inay hesho deegaan ood celis ah, maadaama Xabashidu ay gobollada Galgudduud, Mudug iyo Hiiraan ka dhigteen ood celis, ayey si la mid ah Kenyana doonaysaa deegaan ood celis u ah, Kenya waxay duulaan cad ku soo qaadday Soomaaliya, marmarsiyuhu waa Al-shabaab, ujeedku waa  in Soomaaliya la kala qaybsado.

Kenya dagaalka difaac ayey ku sheegtay, ama soo furasho kooxo gargaar oo lagu afduubtay xuduudka, waxay isu rogtay xasuuaq iyo gumaad! Military-ga Kenya waxay isku ballaariyeen deegaannada xuduudka ah oo dhan, Dhoobley, Beledxaawo iyo Ceelwaaq, Al-shabaabna waa cirbiyeen, oo cagta wax ka dayeen, waligoodba Soomaali ayey karbaashi yaqaanniin, malaha Kenya waaba gaal u gaashaaman.

Kenya shirkii Nairobi ka dib waxay ku  biirtay AMISOM, waxay sheegtay inay duqaynayso 10 magaalo, waa caadeqaate dabeecaddiise, dawladdu waxay dadka ugu baaqday in magaalooyinkaa laga boxo, haddaa xaggee la aadayaa? Yaase loo bannaynayaa? Nin awalba tuuladiisa qaxuuti ku ahaa, haddana ka sii qax lagu yiri, saw dhibaato jibbaaran ma ahan? Dhibku wuxuu dhacay markii la mamnuucay adeegsiga Dameeraha, oo rarashadiisu u tahay dadka reer miyga mid wax ku ool ah.

Kenya waxay hirgalisay ballanqaadkeedii, waxay duqayn ku billowday magaalooyinka Kismaayo, Hosinngow, Jilib, Af madaw, Ceelcadde iyo Baardheere, oo ka kala tirsan gobolada Jubnooyinka iyo Gedo, waxaa magaalooyinkaa duqeeyey  dayuuradaha dagaalka ee Kenya iyo kuwo aan la garanayn, duqeymahaas dhammaantood waxay ka dhaceen goobo aysan Alshabaabku ka dhaweyn, qasaaruhunu wuxuu gaaray dadka shacabka ah.

Duqayntii ugu xumayd waxay ka dhacday magaalada Hosingow, magaaladaa waxa ka dhacay waaxasuuq, magac kale uma hayo Anigu, waxaa la duqeeyey dad rayid ah, oo aan dagaal iyo dirir midna ku jirin, loona gaystay gumaad ka dhan ah nolosha Aadanaha, Jaziiradda Kudhaa iyana waa la faarujiyey, oo dadkii ka qexeen, ka dib markii duqaynta kala go’i weysay, taa kaliya ma ahan, maalin dhaweed ciidan Kenyan ah waxay galeen xerada Ifo iyo Xagardheer, kana gaysteen dhac iyo xadgudubyo foolxun.

Waxaa afka furtay nin maalmahanba gurbaanka u garaacayey gantaalaha Kenya, mudane Faarax Macalin, oo ah Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, oo ciidanka police-ka ku eedeeyey inay dhac iyo jirdil ka gaysteen xerada Ifo iyo Xagadheer, oo ay ku jiraan xaqooti Soomaali ah, caddeeeyeyna in ciidanku tacaddi ka fuliyeen xeryaha qaxootiga, oo waaba su’aale: muxuu uga hadli la’yahay kuwa ay ku leyanayaa Hoosingow, Kudhaa, Ceelcadde IWM? Mise waxaa la xumaatay in xasuuqu ka dhacay gudaha wadanka Kenay?.

Faarax Macallin wuxuu codsaday in baaritaanno la sameeyo, sheegayna inuusan ka haridoonin ciidankii falkaa fuliyey, inta laga horkeenayo cadaaladda, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanno, wuxuu si cad u sheegay in Soomaalida si joogta ah loo bartilmaameedsado, oo yaa moog taa? Malaha isaga ayaaa hadda ku baraarugay, haddadan waxaa xabsiyada Kenya ku jira Soomaali boqollaal gaaraya, oo aan wax dambi ah gaysan, aan ka ahayn inay Soomaali yihiin!

Faarax Macalin waa mudane laga soo doorto Dhadhaab, ila eeg waxa uu lahaa maalmo ka hor, isagoo waraysi siiyey idacadda Alfurqaan: “Ma dhici doonto in mar dambe Xamar looga taliyo Kalbiwo, ninka taas ku riyonaya, waxa uu ku nool yahay qarni kale…, isaga oo difaacay duulaanka Kenya ku qaadday Soomaaliya, malaha maamulka Azaania ayuu irid u sii furayey, mardhow filo qormada taxana ah ee “Labo Codayn: Caado Soomaali Cadibatey!” qayb isaga ku saabsan.

Hadda kenya dilkii waaba ka dallacday, waxay billowday inay dadka nolosha dab ku qabadsiido, dhaqan cusub, ma ahan mid Afrikaan iyo mid cawaan midna, waase dhacdo ku cusub sida wax ku socdaan, ujeedku laga leeyahay waxay u baahan tahay in la baaro, maxaa yeelay dilka ayaaba falxun ah, haddana inaad dab ku naf bixiso qofka waa ka sii xun tahay.

Kenya si ay dab ku gubista ay u sii xaqiijiso, waxay duqayn ba’an ka gaysatay magaalada Jilib, ee gobolka Jubbada dhexe, dadka waxyeellada ugu darani ka soo gaartay, ayaa u badnaa caruur iyo haween, waliba qoys qura ka koobnaa, waa cadeedee Kenya waxay sheegtay inay Alshbaab duqaysay, markii Kismaayo wax laga weydiinaya, wuxuu sheegtay inaysan Kismaayo hawaysan karin, hubaal.

Ma ahan markii ugu horraysay ee wadanka shisheeye ku soo duulo, markii u damabaysana ma noqon doonto, mana ahan markii ugu horraysay ee cudud military lagu soo galo wadanka, mana ahan markii ugu horraysay ee dawladi ku soo xadgudubto wadanka, sababaha faragalinta iyo ujeedada duulaanka macnooyin kala lahaaye, marmarsiyooyinkuna kala gadisnaaye, qiilal kala jaad ahan loo samee, si lagu bannaysto dhulka iyo dhiigga Soomaali.

Faragalintii ugu horraysay waxaa sameeyey ciidamadii huwantii, cinwaanka faragalintuna ahaa kaalmayn iyo caawinaad, lana magac baxay “Barnaamijkii rajo soo celinta”, hoostagayey magaca UNISOM, sanado ka dib, dabayaaqadii gugii 2006-kii, ayaa Xabashiduna soo gashay Soomaaliya, iyadoo ku doodaysa inay baacsanayso argagixiso, xagjir iyo mintid, taas oon ku sii saadliyey qormadii magaceedu ahaa, “Qabsataye ma Qaramayn kartaa?”, (oo Wadaadada waallida waday ku socotay), Xabashidoo taageero ballaaran ka haysatay dawladda Maraykanka iyo Xerta C/laahi Yuusuf.

Dagaal khasaare badan gaystay ka dib, Xabashi way isaga huleeshay Soomaaliya, iyadoo huwan jabkii qarniga, dabcan jabku kaligeed ma gaarine, Soomaalina dhinaceeda ayuu ku gaaray, waxayse noqotay casharkii labaad ee loo dhigo dawlad ku soo xadgudubta Soomaaliya, iyada oo la wada xasuusto, ceebtii Maraykanka ka raacday sanadkii 1993-dii, ayaa Xabashina is maqiqeedii kala kulantay hoog.

Iminka waxaa wadanka duulaan ku soo qaadday Kenya, Maraykan oo ah quwadda dunida ugu xoog badan ayaa wax ka keeni waayey, ee ma Kenyan ayaa wax ka keenaysa? Teeda kale Xabashi oo ka dagaal yahansan Kenya kana awood weyn ayaa wax keeni weysay, ee ma kula tahay in Kenya wax ka keenayso? Dhanka kale kaynta iyo toonta gobolladaa miyey tahay in sahal guul looga gaarayo? Waxay karaan aragnay, waa duqaynta marrasta iyo dumarka.

Ugu dambayn, Duulaanka Kenya wuxuu ku soo beegmay xilli umadda Soomaaliyeed la ildaran tahay abaaro, Kenya kama mid ahan wadamada gargaarka u fidiyey Soomaaliya, malaha ayadaaba gargaar u baahan!, deeqihii mucaawino waxay  noogu badashay duqaymo iyo madaafiic, bal is weydii akhriste: Soomaali ma waxay u baahan tahay hub iyo madfac mise raashin iyo quudin? Haddaa muxuu noqon farqiga u dhexeeya Kenya iyo Alshabaab?

Madaxda dawladdu kama damqato dacdarrada dadka Soomaali, meeshii ay xoogga saari lahaayeen inay dadka gargaaraan, ayey u soo kordhiyeen qax hor leh, iyagoo madax sheeganaya oo ku shirsan Garoowe ayaa Hoosingow la duqeeyey, Kudhaa laga qaxay, eray ma ka maqasheen? Wixii u darnaa ayey ka doodeen, danna kama galin dadka Kenya ay duqaynayso, hadday markii horaba ogolaashaha siiyeen, hadda maxay ka qoban karaan ayaaba la is weydiin karaa?

Balse si kastoo loo maldaho duulaankan Kenya ee ugubka ah, guul kuma dhammaanayo, sababtu waa  caddahay, qaab dhismeedka dhulka, xoogagga ka soo horjeeda, ma ahan Alshabaab kaliya, iyo damaca shisheeyaha oo mawqifkoodu kala duwan yahay.

Aan ku soo xiro faallada, shibta madaxda Soomaalida, shanqar la’aanta dunida, shabaaxa diyaaradaha Kenya, iyo qaylada shacabku kala sheedan, midi wuxuu eeganayaa dantiisa, siduu kursiga dabada ugu sii hayn lahaa, midna dabargo’a Soomaalida waa ka indga damuuqsaday, midi kale isaga ayaaba fulinaya, oo waa ku farayaraysanayaa, waxaana u muuqda afar wiil oo afka duubatay, naguna qancinayaa inuu qaflan baabayn ku qabanayo, kan ugu dambeeya qayladiisa xitaa ma maqli karo, illeen waxaa dhaga tiray guuxa diyaaradaha iyo madaafiicda ay daryaaminayaan.

Haddaan si kale u dhoho, waa duullaan aan damaq lahayn, dawlad aan damiir lahayn, duni aan dood furayn iyo dad dabargo’aya, hubaal inay kaaf iyo kala dheeri tahay, ee ma jiraa qof dadkaa wax u qaban kara, oo ka joojiya duqaynta cadaawadda leh, arrintu waxay ku dhammaato waan u joognaa.

Jan 2012

Bashir M. Hersi

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s