Baaqa Mahiga iyo Buuqa ka Dhashay.

Image

Horraantii bishii June ee sanadkii tagay ayey ahayd markii mudane Mahiga loo magacaabay ergaga UN-ka u qaabilsan arimaha Soomaaliya, magacaabistiisa waxaa la falgashay buunbuuninta heerkiisa aqooneed, iyo ka faallayn xilalka sayaasadeed ee uu soo qabtay, sida dadkeenna caadada u ah gaar ahaan kuwooda aqoonta sheegta, waxaa aad loo buunbuunshay ninkan, Isagoo laga dhigi gaaray Mahdiga xal sixir ah u keeni doono dhibaatada Soomaaliya.

Marka laga soo tago abaaraha gaajada colaadaha dagaalada iyo dhibaatooyinka guud ee Soomaaliya hareeyey, waxaa lala daba kacay sadax arimood oo kala ah:

Dawlado ku meel gaar ah: labaatanka sano ee burburka lagu jiro, shaw dalka waxaa soo maray ku dhawaad shan dawlado ku meel gaar, dhaqan ahaan iyo maskax ahaanba ku meel gaarka waxay ahayd inay ka dambayso marlaxad nagi iyo deganaansho, haddii markii hore loo baahnaa in heerka la joogo laga gudbo, loona baxshay ku meel gaar, si loo caddeeyo inaysan ahayn daa’in iyo wax waligeed sii soconaya, balse ayaandarrada Soomaalida ku habsatay ayey ka mid tehee, waaba la daa’imayey.

Shirar dib u heshiineed: sida tan hore mugdiga dad badan uga jiro, tan waxaan filaa inay tahay bannaanyaal iyo wax iska cad, shirarka la qabtay iyo sanadaha burburka lagu jiro marka aad is garabdhigto, waxaad ogaan inaysan kala badnayn oo iska daba dhaw yihiin, oo ka dhigan qiyaastii in sadaxdii sanaba mar shir la qabanayey, heer socodka shirirkan qubanaha ah waxaa loo madalsan yahay 12-ka bishan aan ku jirno, haddaba arki doonnee waxa ka soo baxa.

Ergay cusub: afartii sanee u dambaysay waxaa la soo magacaabay sadax ergay, oo uu ugu dambeyeey mudane Mahiga, haddaad gadaal sii qooraansatana qoorta unbaa ku daalaysa kaliya, waxaaba laga yaabaa inaad tirin weyso, dabcan ujeed la’aan ma ahan dhammaan qodoba aan soo xusnay, ee mid walba waxaa laga leeyahay dano gaar ah, aan isku dayno inaan fahamno, kan hore ee ku meel gaarka waa waligaa garab rarato iyo geeddi ha ka bixin, kan labaad ee shirarka dib u heshiineed waa waligaa ha ka bixin gabraarta shisheeyaha, tan ugu dambaysa ee ergay cusub waa waligaa basaas ha noo kaa dhex joogo.

Arartaa gaaban ka dib, haddaan u daadego dulucda faallada, sida aan horayba u sii saadaaliyey caadadana ahayd, maadama lagu guda jiro xilli kala guur ah, ku meel gaarkiina gabaabsi sii yahay, yaa mudane Mahiga wuxuu magaalada Nairobi kaga dhawaaqay shir, dhici doona 12-ka bishan April, in shir foodda nagu soo hayo way iska caddayd, waxaana laga garan karay noqnoqodka badan ee shariif Shirqool uu ku laablaabtay Kenya bilihii u dambeeyey, iyo kulamadii uu la qaatay Geeddi la soo gamay.

Mahiga xilkii loo soo magacaabay wuu guda galay, ujeedkii loo ergaday yuu durbadiiba daaha ka qaaday, baaquu ka diray magaalada Nairobi siyaaba kala duwan ayaa looga jawaabay, inta aan sii faahfaahin aan mid hosta ka xariiqo, nin walba howl ayuu ku guda jiraa, waxaana halhays u ah Soomaali ayaan dhibaata ka saarayaa, taa waxaa ka wada siman Soomaali iyo Shisheeye, baaqii Mahiga waxaa ka dhashay buuq iyo qaylodhaan siyaasadeed.

Haddaba ma soo jeedinta ayaa xilli aan habboonayn lagu soo beegay? Miyaa lala soo degdegay oo xilli aan mudnayn la soo saaray? Ma farsamo xumo ayaa dhacday oo si qaldan wax loo sheegay? Ma ku meel gaarka intuusan gurin yaa la soo gaagixinaa? Waxay noqotaba ujeedka xilligan loogu soo beegay shirkan ma cadda, tuhunka iyo maladuse badan, guuxii la falgalay Mahiga baaqiisa wuxu ka muujiyey dabac yar, Isagoo sheegay in shirku yahay wada tashi waa su’aale yaa lala tashan? Maxaase laga tashan?

Haramka ugu sarreeya wadanka guudkiisa, waa dawladda ku meel gaarka ahe, baaqa Mahiga waxay kala hortimid diidmo qayaxan, iyadoo adeegsatay codka fuuntada, labada masuul ee kala ah madaxweyne Sheekh Shariif “haye”iyo ra’isul wasaare Farmaajo “Boqolle”ayaa ka hor yimid shirka UN-ka ee mahiga garwadeenka ka yahay, sidoo kale waxaa diiday Odayaasha Beelaha Hawiye “Af aan Adin lahayn”, iyo urur diimeedka Aala Sheekh ee madaxweynaha lagu tiriyo, walibana ka qaybgalkiisa ku tilmaameen Dambi iyo macsiyo, gar daranaa wadaadadu.

diidmada qolyahan waxaa garab socota ogolaasho laga filayo dhanka Shariif Shirqool, iyo inuu xaadiro madasha shirkaas, oo Isagu si weyn khilaaf ugala dhexeeyo madaxda kale ee dalwdda, baarlamaankana xilka u kordhiyey, dabcan kaligiis ma ahan, ee xubnaha caadaqaatayaasha iyo calooshood u shaqaystayaasha iyana way tagayaan, iyo intii xil u bugaty oo dhan, aysanna meesha ka maqnayn dadka la doonayo inay ku meel gaarka sii hayaan.

Diidmada qaxayan ee labadaa masuul ku diideen shirka Nairobi, waxay dhaxalsiisay in magacyo horay loogu daalay laguna hungoobay mar labaad lagu sunto, waxaa isla markiiba is qabsaday sawaxanka ku salaysan halyey, aanse kala qaadnee labadooda keebaa halyey ah? Mise magaca way isla wataan? Aragti ahaan waa la dhihi karaa fikradda midkood ayaa soo jeediyey, hadday isla soo wada jeediyeen kuma darin, sidaa darted waa in midkood guusha la siiyaa, mise waa sheekadii ahayd guushu waa Aabayaal badan tahay.

Anoo wali sii daba socda in la kala qaado, aan bal dul istaago nin walba habdhaqankiisa, Sheekh Shariif “haye” isrogroggiisa iyo diin dacareedkiisa waa la wada ogyahay, daakhilka madaxtooyada siduu u galayna damqasho daaye maydka dariiqyada lagu jiido ayuuba isku daabacay, ninka caynkaa ah warkiisana laga wada dharagsan yahay ilama ahan in halyey lagu tilmaamo, go’aan siyaasadeed ee uu qaatay awgeed, miyaad moogtihiin in ujeedkiisu yahay yaan xilka lagaa qaadin ee uusan ahayn Soomaali u danay? Waxaan la yaabaa dadkeenna waxa indha tiray!

Mudane formaajo “Boqolle” maalintuu yimid ilaa hadda isna waxaa naloo sawiray badbaadiye maamul yaqaan ah, wasaarado kooban gadaalse ka barakoobay, ma Bariis ama Ganlay dab la saaraa? Hawl hufan iyo hannaan dabacsan ku caan ah, waxaanse rabaa inaan halkaan xasuusiyo kuwa dhahaya waa maamul yaqaan, ma wada xusuusataan socdaalkiisa New York, ninkii summad la’aan iska hadaafay ee astaamo dawlado kale iyo ururo marti u noqday, miyaa maanta nalaga dhaadhicinayaa waa halyey, HALYEYNIMOOY XAAL QAADO.

Midse aan halkan ku caddeeyo, waa tii la yiri: “Gaal dil Gartiisana Siiye”, Anoon taageero xuurtaysan iyo mid laga fiirsaday midna u hayn labadooda, yaan haddana leeyahay go’aanka ay qaateen waa tallaabo ugub ku ah siyaasadda Soomaalida, ugub markaan leeyahay ugama jeedo inay warsaxaafadeed diidmo ah soo saareen, ee wuxuu ugub ku noqon marka aysan ka qaybgalin shirkaa, oo diidmadooda ku adkaystaan, haddii kale laba codleeyayaashu waa noo buuxaan boosna wuu u bannaan yahay, haddaysanba ku jirin kaalmaha hore, martina u noqon doonaan cinwaanka taxanaha ah ee: “Labo Codleyn: Caado Soomaali cadibatey”.

Hadday halyeynimadan ku muteen qaadacaadda shirka, maxaa qabqablayaashii qaadacay shirkii Carta iyana loo siinwaayey billadda halyeynimada? Hadday ku muteen halyeynimada qaadacadda shirka, maxaa kooxdii ku hartay Asmara loo siin waayey billadda halyeynimada? Hadday halyeynimada ku muteen qaadacadda shirka, maxaa loo siin waayey mudane Cali mahdi oo qaadacay shirkii Kenya ee 2004-tii? Weydiimuhu dhammaan maayaan ee aan ka soo haro, waxaanse ugu celcelinayaa inaan indha ku garaadleey la noqon, maalin walba waxa taagan kaliya aan wax lagu qaadan.

Uur ku baalle ma ihi oo laabtooda ma jeexin, balse Ujeedka diidmadooda waxaan dhihi karaa waa booscelis iyo kursi ilaashi, macnaha waxay u diidayaan inay ka qaybgalaan shirkaa inay waayaan kuraasta ay maanta ku fadhiyaan, haddiise ay dhici lahayd in loo dammaanad qaado inaan cidna ku haysan jagooyinkooda hubaal inay halhaleel ku tagi lahaayeen shirka, waliba iyagoo ku xadraynaya: mudanoow Mahigoow, Mahdigii Umaddoow, ku maqalnoo ajiibanaye, maxaan kuu qabannaa?

Ila eega sodaalka Formaajo “Boqolle” uu ku joogo Kenya, ee lagu sheegay martiqaad uu ka helay dhiggiisa Kenyaanka ah, waa sida hadalka loo dhigee ama la doonayo inaan u qaadannee, haddii xaalku sidaa yahay waxaa na kala saaraysa madasha oon sidaa u sii fogayn, haddiise dareenka aaan qabo jiro maxaa dadka loo marin habaabinayaa? Kolley “War jiraa Cakaaruu imaane”, maxaase beenta loo beegayaa aan meel dheer gaarayn? Ma garan ujeedka laga leeyahay.

Shirka waxaa isu taagay inay ka qabgalayaan maamul goboleedyada iyo Ahlusunna, in kasta oo ka qaybgalkiisu aysan waxba soo kordhinayn, haddana waxaa la yaab leh waxa qaday wadaadadii xadrada fidawga iyo Tusbaxa, maray xabashi u cararaan iyo maray Kenya u xusulduubaan, miyey xal ku gooyeen? Ayaan darradaya qayb ka mid ah dheh, maamul beeleedyada gobolada ka dhisan intooda badan iyagu awalba xabashi ayey gacansaar fiican la lahaayeen.

Mahiga wuxuu ku adkaystay inaan shirku baaqanayn, dawladduna waxay ku adkaysatay inaysan ka qaybgalayn, laba mudac oo la isku taagay dheh, kanse jabi doona waan arki doonnaa, waxaaba taa sii dheer in Farmaajo “Boqolle”(boqol maalmood) uu hay’adaha qaramada midoobay ku faray inay uga soo guuraan Kenya boqol casho gudahood, micnaha inay ka qaybgalaan shir iska daaye, waa in xafiisyada qaramada midoobay leedahay ee arimaha Soomaaliya ka shaqeeyaa ay u soo guuraan Muqdisha.

Waxaan la yabaa labadan nin, mid maxaa boqolka maalmood tusay? Maalintii xilka loo dhaarshay wuxuu qabsaday boqol maalmood, inuu ammaanka ku sugayo, waa dhammaadeen ayaan ka dib haddana boqol kale ayuu qabsaday, haddana waa dhammaadeen, dagaalkii u dambeyey wuxuu qabsaday boqol kale, inay dhammaanayso ma shaki ayaa idin kaga jira, haddana wuxuu UN-ka u qabtay boqol maalmood, marka “Boqolle” iga dheh, Sheekh Shriifna wuxuu ku sasay dharka askarta, inta badan wuxuu soo muuqdaa isagoo tuute askareed gashan, waxaan ka baqayaa inuu habeenkiina ku seexdo, markii iigu yaabka badnayd waa markuu waraaqahaa aqoonsiga ka guddoomayey safiirka India, wuxu ku qaabilay dharkii askarta.

Ugu dambayn, iyo gabagabada faallada, waxaan kusoo afmeerayaa hadal adaygga dawladda iyo Mahiga keebaa hirgalaya? Midi waa caddahay in ninkii kaa xoog badani wax badan uu qabsan karo inta aad jalowga ku jirto, haddana yoonku maruu nuxur dhaliyaa, mise waa meeshii laga yiri: “Allow laba Dibi isku Jaan qaad oo mid noo Jabi aan Jiljilannee”, hubaal inaan midna xal Soomaali u wadin, balse dad badan ay midda magaca Soomaali wadata dhankeeda u janjeersan, iyagoo ka dugaashanaya magaca iyo muunadda.

 

April, 2011.

 

Bashiir M. Xersi 

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s