Caamul Jamaaca: Shalay iyo Maanta

Image

Gu’ wanaagsan

Geyi nabadiyo

Geedigoo dega

Guul waarta

Guulle noogu deeq

 

Hordhac

 

Hadalhaynta maalmuhu waa, isku darsoonka Alshabaab iyo Xizbibul Islaam, mayee isdhiibka Xizbiga iyo burburkiisa, si loo weyneeyo isbahaysiga labada urur argagixiso, waxaa la qabtay xaflad ku aadan arinkaa, waxayna ka dhacday beerta Sheekh Zaid ee ku taal magaalada Afgooye, ayna ka soo qaybgalay martiga isa soo dhiibay Xasan Daahir Aways, iyo xubno sare oo ka tirsan Alshabaab, uuse ka baaqsaday Ina Godane, maadaama uu il iyo aragti iska dhawr yahay.

Markaan daawaday sawirada geed qumbehee hor tubnaa, ugu horrayn waxaa i saaqday jiririco jirkayga dhan wada saaqday, Anoo farta dhexda ka qaniinaya, lehna: “Alla nimcada ay umadda ka hor taagan yihiin eega, barwaaqada beeraheenna fiirsha, haddana aysan suuralgal noo ahayn inaan ku raaxaysanno, isweydiiyeyna Bashiiroow: goorma ayaa kuugu dambaysay bayo qumbood cabto? Haddana dareenka ayaa dhan kale ii jiitay oon iri: Ar nimanku saw kuma habbooneyn inay geedaheenna noo daayaanI, geedaha Carabta u baxa ka haqab beelaan, sida Timirta, maadaama ay wax walba Carabeeyeen.

Intaa hadday maskaxda dhex qaadday, ayaan haddana xasuusta dib ugu laabtay, oo beerta Sheekh Zaid igu reebtay, waxaa durbaba ii sawirmay afar sana ka hor kulan lagu qabtay isla beerta, kulankaa waxaa joogay khudbad habaar iyo guhaadin isugu jirtana ka jeedshay madaxweyne Shariif, oo Isagu maalintaa ahaa afhayeenka Jihaadka, maantana ah afhayeenka jagahaynta, Shariif wuxuu habaar maangaabnimeed dusha uga tuuray farshaxaniistaha weyn Amin Camir, Isagoo u kuscaday bil Soonoo lagu jiray iyo Muslinnimada yirina: “Ilaahow Bisha Ramadaan fadligeeda iyo inaan nahay muslin Adiga dartaa U sooman, ninkaa calaamad ka soo ifi ”. xoolo kama qabin, ee wuxuu dhagadda habaarka ugu ganay waa: maxaad umadda ugu iftiimin xumanta la hullabanahay?!

 

Caamul Jaamaca Shalay:

 

Caamaul Jamaaca eray ahaan waa carabi, waxay ka dhigan tahay: “Gugii wadajirka”, waa sooyaal horay u dhacay, caamada iyo intaan aqoonta u lahayn tagtada Muslinku, waxay u malayn halkudhag iska baxay, ama loo doortay isbiirsiga argagaxisida, haddaba arinku sidaa ma ahan, asal ahaan geeridii nabiga ka dib, waxaa muslinka ka dhexdhashay muran ku aadan cidda madax noqonaysa, maadaama uusan Nabigu uga tagan magac iyo tilmaam qolo gaara, Isagoon la aasin ayaa loo kala saftay Muhaajiriin iyo Ansaar, inta badan Muhaajiriinta waxaa u tun weynaa Qurashaysta, haba ku jiraan beelo kale ama dadyaw aanba carab ahayn.

Rag isqabtay wax walba ka filo, qolo walbaa xukunka iyadaa is xijisay, soona bandhigtay burhaanno xoojinaya mudnaanteeda, Aayad Xadiis xigmad wixii lagu sheegay magacooda ama tilmaamtooda ayey dareerisay, waxaa kale oo isla goobtii ka dhashay fekrad labadaba ka duwan, oo soo jeedisay in xukunka loo daayo reerka Nabiga{Aalu Baydka}, lana caleemo saaro Cali bin Abi Dalib, si degdeg ah waxaa shir loogu qabtay teendhada Bani Sacida, waxaa shirkaa goobjoog ka ahaa ragga kala ah: Abubakar, Cumar, Cali iyo xer lagu qiyaasay ku dhawaad sideetameeyo qof.

Aragtiyadii la isku mari waa, Aayadihii iyo ararihii la keenay wax kala saari waaye, si xal loo helo Ansaarta ayaa soo jeediyay in xukunka la qaybsado, Muhaajiriinta inay Amiirada noqdaan, iyaguna noqdaan Wasiirada, haddana Muhaajiintu waa laaleen aragtidaa, wax yar ka dib waxaa mesha ka dhashay heshiis, aan ilaa iminka la garan goorta la gaaray, sida loo gaaray, iyo ujeedka loo gaaray, haddana hirgalay lana meelmariyey.

Waxaa mar kaliya lala mubaayacooday Abubakar, ninkii u horreeyey ee gacanqaada wuxuu ahaa Cumar, waxaa taariikhdu xustaa in Cali uusan Abubakar goobtaa kula mubaayacoon, oo ka dhigan in Cali si uun u diidanaa waxa dhacay siday u dheceen iyo qaabka wax loo maareeyey intaba, dhanka kale Ansaar diidma kalama hor imaan wixii dhacay ee way u hoggaansameen, waxaa taariikhyannadu xusaan in maalintaa dhabarjabkii xagga maamulka Muslinka ku billowday oo ilaa manta hareeyey.

Afarta madaxweyne ee ka dambeeyay Nabiga, qaabka loo doortay way kala duwanaayeen, falcelinta ka dhalanata aad ayey u kala fogeed, heer dhiig ku daato doodo la xiriiri xukun toosin iyo sixid maamul, madaxdaa Abubakar ma ahane sadaxda kale waxay ku bixeen gacan kale, macnaha waxay u geeriyoodeen qaarijin loo gaystay, Cali waxaa dilay C/raxmaan ibnu Muljim, Cusmaan waxaa dilay koox ka caraysnaa xukunkiisa, Cumarna waxaa dilay Abu lu’lu’a, halka Abubakar si caadi ah u geeriyooday.

Dilkii Cusmaan ka dib, waxaa la doortay Cali, waxaase khilaaf xooggan kala horyimid Mucaawiye oo ahaa gudoomiyaha gobalka Sham{Syria, Gordon iyo phalestin ta manta}, waxaa lagu kala aragti duwanaaday sida lagu wajahayo marxaladdan adagee la taagan yahay, waxaa jiray fawdo weyn oo ay wadeen raggii Cusmaan dilay, Cali wuxuu soo jeediyey in marka hore ammaanka la sugo, kadiba loo gacan bannaanaado maxkamadaynta raggaas, Mucaawayina wuxuu ku adkaystay in marka hore raggaa cadaaladda la mariyo, ka dibna loo soo jesto sugidda Ammaanka, khilaafkii wuxuu isu badalay gacan ka hadal iyo dagaal.

Waxaa dhacay dagaallo caanka ku noqday dhiig daadis iyo xabaal badin, waxaa dagaaladaa lagu kala magacaabaa: “Sifiin, aljamal, iyo Nahrawan” waxaa safka dagaalka ka soo galay Caa’isha, oo la safneed Mucaawiya, lana sheegay inay xurgif hore u dhaxaysay Iyada iyo Cali, Cali wuxuu mudadii xukunkiisa ku dhamaystay dagaal iyo dhiig, waxaana Cali lagu xusuustaa inuu dad nool inta godod u qoday dab qabadsiiyey, shaw carada ayaa heerkaa gaarsiiday.

Markii Cali la dilay, waxaa xukunka loo doortay wiilkiisa Alxasan bin Cali, wuxuu maamulka hayey muddo dhan lix ama sided bilood, ka dib wuxuu u tanaasulay Mucaawiya, taasulka uu xukunku ugu tanaasulay Mucaawiya ayaa loo yaqaan “Caamul jamaaca”, sanadkii 41-aad ee taariikhda Hijriga, oo ku began 661-ka ee dhalashada Nabi Ciise, sidaa ayaana xukunkii ugu kali noqday Mucaawiya oo dadaal iyo dagaal dheer u soo galay gaaritaankiisa, wuxuu barasaab ka ahaa gobolka Sham ilaa xilligii Cumar, ka dibna wuxuuba noqday madaxweynaha Dawladda muslinka.

Waxaa midoobay dogaal ooge, -yaan eraga xumaan loo qaadan-, dantuu rabo ha u oogee, iyo imaan dagaalgalin, aanna ku baaqin waligiis, midawga wuxuu ka yimid dhanka madaniga aan dagaalka galin, haddaba Israaca iyo midawga labadii garab ee siyasadda ayaa loo garanaayaa “Gugii wadajirka”, taansulka Alxsan xilka madaxtinimo u daayey Mucaawoya ayaa loo yaqaan “Gugii wadjirka”.

Hubaal in Alxasan gartay wax Aabihii garan waayey ama uusan rabin inuu garto, oo ah in la badbaadsho dhiigga dadka walaalaha ah, gugaa waxaa sooyaalka u gashay “guga wadajirka”, waxaana Alxasan ku can baxay mideeyaha umadda, sidaana ku soo afjarmeen daagaaladii, xukunkiina u kali noqday Mucaaawiya, madaxweynana u naqoday guud ahan dawladdii muslinka, haba jireen kooxo wali mucaaradsanaa.

Ha noqdee maxaa xigay? Wuxu xukunkii ka dhigay xukun beeleed, oo waxaa maamulkii faramarooqsaday reerka bani umaya loo yaqaan, markii dambana dhisay dawladdii la oran jiray Dawladdii banii umaya, wuxuu jideeyey wax aan horay u dhicin, wuxuu xukunkii ka dhigay xukun reer iyo beel gaar u leedahay, haddana wuxuu ahaa nin xukun iyo maamul, aas-aasay dawlad dhan oo jirtay ku dhawaad laba qarni, waxaase is weydiin mudan Mucaawiya ma daacad yey ka ahayd raadinta iyo dabagalka dhiigga Cusmaan? Musuusanse uga dhiidhin dilkii Cumar? Mise wuu ku awr kacsanayey?

 

Caamul Jamaacaha maanta:

Haddaan sooyaal ahaan sidaa uga faalloonay, aan u gudagalno ragga gugan wadajiray, waa sida hadalka lo dhigee, sida raggii horaba ugu dagaalameen xukunka, ayey kuwanna ugu dagaalameen xukunka, laba middood ma dhacin, nin walba inuu goofka uu haysto ku ekaado, oo kan kale nabadgaliyo, markase qaab dawlad laga hadlayo kuma saxno, haddana si loo kala nabadgalo caqliga ayaa keenayaa, kuma sii jirto haddii layahay dhalyowadaag iyo dhaayowadaag.

Alshabaab iyo Xizbul Isalaam waxay ku kala tageen sida loo hirgalnayo shareecadooda, mayee siday xukunka ku gaari lahaayeen, markii hore waxaa lagu midaysnaa daladdii Maxkamadaha, cudud ahaan markii loo jabshay ayey kala carareen, Xasan Daahir wuxuu ku jiray kooxdii Asmaraysay, wuxuu xubin ka noqday ururka dib u xoraynta Soomaaliya, show qolyaha laga xoraynayey Alshabaabna waa ku jireen, haddana waa la is huri waayey.

Gacanta ayaa la isula tagay, xabbad ayaa la isku xasuuqay, dhabarka ayaa la iska wareemay, gaadmo iyo fool ka foolka intaba la isku dil, odaga cumrigiisa ku dhammeeyey dagaal diimeedka, waxaa la soo daristay xaalad daciiftinimo, mayee wuxuu dan u arkay inuu Alshabaab ku darmo, hadduu dagaal wax ku keeni waayey ayuu kaalinta kale u wareejiyey ku dabafaylid Alshabaab, show Xasan waxay ka taagneed meeshuu ninku ka yiri: “shaloon Tabar haayey Talo ma ahayn, Maantoo Talo haayana Tabar ma haayo”, hadi Xasan isigaa laga waayey dadkaaga dhinac ka raace, ha dhadhamiyo xanuunka dibaynta.

Isdhiibidda aan daahu sarnayn, ama ku darsoonka haddii hadalka loo qurxiyo xerta Xasan, ama la midoobidda Alshabaab sida Xizbiga doorbidayaan, ama Alshabaab ugu ceebqarinayso, waxaa loo ekeesiiyey “Gugii Wadajirka”, ee dhaxmaray Alxasan iyo Mucaawiya, waa iga weydiine ma u egyahay? Dhihi mayo ma loo ekaynsiin karaa? Maxaa yeelay wax walboo niyaddu jeceshay ma hirgalaan, haddaan weydiimaha sii badiyo, xaggay isaga egyihiin? Waa hadday isku egyihiine, dhankay ku kala duwan yihiin? Iyana waa hadday kala duwan yihiin.

Aragti ahaan iima muuqato isu ekaan sidaa u sii buuran, midse waa hubaal, in wadaadada halaaggu had iyo jeer doonayaan in wax walba dabada u galiyaan Nabi iyo Saxaabi, ujeedkoodu waa awrkacsi, marin habaabin caamo iyo dawakhinteed, haddana cidi isma weydiiso ama dib uma jalleecdo sooyaalka, caqli xumoow ba’, aragti la’aaneey indha beel dheh.

Run ahaan in wadaadada halaaggu yihiin horror dhan walba ah, dhaqan, hidde, dhaqaale iyo diin intaba, haddaanse u laabano jawaabta weydiinta, isu ekaansho sidaa ahi ma muuqdo, maxaa yeelay gugii horoo tagay waxaa wadajirka sameeyey, nin tanaasulay oo madani ah, una tanaasulay dagaalwade-yaan xumaan loo qaadan-show xukun kaliya ayaa u muuqday, haddaan marka weydiinta aan dhan kale u dhigo, yaa tanaasulay yaase loo tanaasulay? In la is muquunshay waa muuqataaye, maxaa sooyaalka looga been abuurayaa?

 

Gunaanad

 

Xasan Daahir xertiisu waxay isu dhiibeen Alshabaab, si guusha alshabaab u muujiso waa tan la qabtay xafladdan ballaaran, xaadirna uu ka ahaa Xasan si loo xaqiijiyo lagana hadalsiisay, Xasan si ceebtiisa si uu u qariyo ayuu “Guga wadajirka” u qaatay, Alshabaana si ay caamada u sii suuxiso ayey hal ku dhaggaa ugu raacday, Xasan waa ku gambanayey guga wadajirka, Alshabaabna galliin ayuu ahaa, waxaanse shaki ku jirin inay foolxumo kul midoobeen, sooyaal wanaasganna uusan u hormin, timaadana ay wajixumo ku soo wajahayso.

Guga wadajirku wuxuu nabadeeyey umad, wuxuu dhisay dawlad iyo qaran, beelba ha ku qotomee, wuxuu dhidibada u taagay boqortooyo, wuxuu aas-aas u ahaa Imperatoyitaddii Muslinka, wuxuu udub u noqday quwad dunida saamayn ku yeelatay, balse kan Alshabaab muxuu horseedi doonaa? Muxuu u soo jiidi doonaa Umadda Soomaaliyeed? Maxaa xigi doona wadajirkooda? Hubaal in wax badan oo dhaqan u ah ehelada aragagixisadu aysan ku soo jiidanayn, dareenka qofka caadiga ahana gali karin, haddana marxalad cusub ma u billaaban doontaa wadajir beenaadkaa ka dib? Waayaha ayaa noo kala caddayn doona.

Ugu dambayn waxaa qormada ku soo afmeerayaa, heesta macaan ee ku luqeeyo boqorka codka Maxamed Sulaymaan Tubeen, hal ku dhaggeeduna yahay “Sanad”, Anoo xusuusta ku haya gugan Alshaab iyo Xizbul Islaam, ha ka reebin kaan ka sheekaynnay, waxaaba ka sii wada muhimsan sanadkan cusub ee 2011, heestiina waa tan:

 

Waan heesayayee

Sanad waliba hoodiyo

Hawl iyo dhibaatiyo

Wuxuu hadimo leeyahay

Waa laga helaayo

Hadhow lagu xasuustaaa

Kii noo hagaagee

Noqo loo hanweyn yahay.

 

January, 2011

 

Bashir M. Hersi

Advertisements

7 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s