Dawladda Sh. Shariif: Deyr oodan, Dood furan, iyo Dayac baahsan.

Image

Doorashadii Sheekh Shariif waxay hammi badan galisay inta diin jacaylka lagu qalday, inta damiirkooda qabiilku ku laba qarxay, iyo dunidoo rabtay qunyar socod qarax iyo miino aan wadan, alalaaskii loo sameeyey la wada ogaa, keydka sooyaalkana gashay, sida dhaqanka inoo ah lama eegin hannaankiisa, iyo heer aragtidiisa midda dhaw iyo tan fog intaba, si weyn ayaa loo soo wada dhaweeyey loogana wada maqsuuday, ninba dhan ka eeg faa’iido iyo dan gaar ahaneed intaba, sida ku cad sadarka ugu sarreeya ee qormada, haddana laba sano ka dib maxaa is badalay? Sheekh Shariif muxuu soo kordhiyey? Maxaa u qabsoomay oo u hirgaliy? Muxuuse ku fashilmay oo u qabsoomi waayey?

Waxaa hubaal ah in bilihii Maxkamaduhu (Diintu) dhib weyn dadka ku reebeen, dhinaca ammaanka, nolosha, waxbarshada, siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka, dhalyada, IWM, bilihii Maxkamadaha waxaa noo xigay xabaddii Xabashida iyo xabaalo wadareedkii, oo dabcan ay qayb ka ahaayeen isla wadaada halaaggu, sida cadse xertii C/laahi fasax muuqda u siiyeen, iyo rabitaanka dunida iyo quwadaha waaweyn, haddana xisaabtan buuxa ma dhicin, iska daa inay dhacdo xisaabi xil ma leh iyo xarigaa kuu waajibay, natiijadii ka wada dhalatayna soo marnay maantana aan taagannahay noona dhimman tahay.

Si kastaba waxaa kursiga madaxweynenimada ku fariistay Sheekh Shariif, tallaabadii kowaad wuxuu kuraastii wasiirada ku safay xertiisa, wadaad camaamaad cas madaxa ugu hagoogan tahay, xilliyadii dambana suud uga sii gudbey, sida: C/raxmaan Janaqow, Daahir Geelle, C/qaadir Cali Cumar, Prof.Ibraahim Xasan Caddaw(AUN), Axmed Cabdulaahi Waayeel(AUN), wasiirro dawlayaal ku xigeenno iyo agaasimayaal kale, oo aan halkan magacyadooda lagu soo koobi Karin, aragti ahaan in xizbigii ku guulaysta doorasho uu kuraasta xukummadda inta badan qaato ma ahan wax ku cusub siyaasadda, balse niman duur dawarsi ku jirey, dhalintana ku dagaal galiyey Diin dadban, Jihaad jilibxiran, shareeco shareeran iyo Janno Jufo, oo mar qura Djibouti soo tuurtay iima muuqato waxay ku mutaan xilalkan.

Hammigii weynaa ee ahaa in Sheekh Shariif wax badan badali doono, maadaama uu diinta garwadeen ka yahay, horayna ugu soo guulaystay gardaaddinta hannaan diimeedka, wuxuu noqday hammi jabay, waana suuragal in hammiga caynkaa ahi wali uu dad badan ku jiro, mar walbana qolyaha aan sare ku soo xusnay umbay hoos tagayaan, waxaase habboon inaan hammigan ku eegno dhugmo waaqica ku salaysan, ma beenin mise wuu rumayn, micnaha in hammigaasi hirgalay iyo inuu noqday hanjabay?

Dabcan hawl ahaan ma ahan mid fudud awsha Shariif hortaallay ama wali hortaalla, haddana waxaad duudka u ridato hinjinteeda Adiga ayaa lagaa doonayaa, dal burbursan dawlad aan jirin, moryaan iyo wadaado halaag u heellan, haddana laba sano ka dib wixii qabsoomay ayaan rabnaa inaan soo bandhigno, marka laga soo tago caqabadaha iyo culaysyada, xil ururaynta kaliya ma ahan Shariif waxa uu lugaha la galay, ee waxaaba marar badan lagu xantay inuu madaxtooyadii kaba dhigay hal urur diimeed, taana ilama ahan mid ku galin hammi, waxaan ula danleeyahay inta hammigu ku jiray ama wali ku jdambeeyo.

Khilaaf aan dhammaad lahayn ayuu sidoo kale lugaha la galay, mar Isaga iyo Sharmarke, beeso ayaa jeebka looga buuxshay, sidaana ku banneeyey kursigii, haddii kale shaw wuxuuba dhihi lahaa: “Anaa taabsaday ama tolkayga ayaan u hayaa!”, balaayo horleh oo aan siyaasadda ku jirin ayaa halkaa lagu tallaalay, sidaa wuxuu ugu soo fara bannaanaaday saaxiibkiis Shariif Sakiin, Isna waa kan dambee wuxuuba gacanta ku dhigay guddoonka baarlamaanka, waxaa madaxa la iskula galay magacaabista ra’isul wasaaraha, dabadeedna kalsooni siinta iyo cod u qaadistiisa, fartaa loo taagaa iyo footka sanduuqaa laga tirinaa.

Shariif Sakiin wuxuu dhextaal u yahay olole ballaaran oo ka dhan ah Shariif, oo lagu doonayo in xilka looga qaado, maadama uu ka dhacayo 31-ka bishan, waa sida lagu wadee, dhanka kale dawladda Shariif waxay go’doon ku tahay kuna oodan tahay eeryada madaxtooyada u ah, deegaankaa ay ku xaniban tahay waxaa ku waardiyeeya ciidanka Amisom, la’aantood maba jireen xeradoodaana loogu dhici lahaa, taa oo ah dhibka ugu weyn ee haysta dawladdiisa, si kale haddaan u dhahno waa waxqabadkeeda inta uu la eg yahay, maxaa yeelay waxayba soo dhaafi la’yihiin xeryaha ay ku oodayan yihiin, sidii qaxooti ama dad qaba cudur faafa.

Khilaafka kala dhexeeya Shariif Sakiin uma muuqdo mid dhammaanaya, dhanka kale Doodaha furan ee wali aan dhammaan waxaa ka mid ah, samaynta dastuurka cusub, oo Shariif si weyn u rabo in la ansixiyo, aragti ahaanna uu qabo inaan wali waqtigu ka dhicin dawladdiisa, uuna doonayo inuu dastuurka ku qorto in xilliga dawladdiisu ka billaabanayo sanadkan, laguna xarriiqo isla dastuurka, laga yaabee inuu sadax ama shan sano uu ku meelgaarnimo ah oo cusubna hirgashado, oo ka dhigan in labadii sanee hore ay ahayd oo kali ah billow iyo oodqaad.

Saadaalinta sanadlaha ah ee wargayska East Africa Magazine, ee ay ku samayso madaxda Afrika, ayaa madaxweyne Shariif wuxuu ka galay kaalinta 48-aad, ayna ka daba mareen madax ay ka mid yihiin Albashiirka Sudan iyo Afwerqaha Eritrea, si kale haddaan u dhigno, wuxuu kaalinta afraad kaga jiraa madaxda ugu xun qaaradda Afrika, aanse halkan su’aal dhigee: xay wax ku eegeen hawlwadeenada wargaysku, marka madaxweyne dal maamula hoggaamiya dawlad xukuumad iyo ciidan, laga dabamarinayo Shariif? Mise waxay ka eegeen dhanka xoriyadda? Oo Soomaaliya ma xoriyad ayaa ka jirta.

Dhanka kale, waxaa dalka ku habsatay abaar ballaaran, oo ku baahday dalka gees-ka-gees, ayna ugu daran yihiin gobolada bartamaha iyo kuwa koofureed, kuwa hoos yimaada kooxda Alsabaab waaba ka horjoogsadeen in la gaarsiiyo mucaawano, iyagoo diiday in la gargaaro dadkaa loona fidiyo gacan lagu saacidayo, dayacaa baahsan ee dalka ka jira, haddana cirka isku sii shareeray abaaraha awgeed, ayaa horyaalla Shariif iyo dawladdiisa, waxaadse mooddaa inuu ka doorbidayo aqalka madaxtooyadiisa, ama qolka uu maxbuuska ku yahay.

Dhanka kale Formaajo wuxuu qabsaday in 100 maamlmood gudahooda wax ka badali doono ammaanka, in ka badan kala bar waa la dhaafay, waxa haray waa sodomeeyo maalmood, ee muxuu is leeyahay waa ku samayn kartaa? Mise dhoofkaan uu ku tagay USA kama soo laaban doono?, waa hadduu quus taagan yahee, Kollay ismana dhiibi doonoo waa dalkiisee, hadduuse siduu xildoonka ugu yimid uu ku jiro wuu soo noqon, ee muxuu la soo noqon? Been sheegid kalaa mise…? Waxaan filaa in masraxa siyaasadda aysan ku cusbayn ballanqaad beenaadkaa oo kale, haddana wali waa socdaa ee maqalka ugu roonaada.

Dawladda Shariif waxay ku guulaysatay oo kaliya waa, soo daabacashada lacago shilin Soomaali ah, iibisashada badda Soomaaliya, xaraashaka Domain-ka Soomaaliya ee ahaa .so, soo daabacidda baasaboor cusub, dhibkiisana uu gaaray qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka Talyaaniga, ka gadaal markii Nuurcadde heshiis la galay dawladda Talyaaniga, qeexaya in qofkuu ka dhoco sharcigii la siiyey uu ku qasban yahay inuu la yimaado baasaboorka cusub, oo cabasho weyn laga muujiyey, laaluushka iyo musuqmaasuqu waa cinwaanka dawladdda iyo astaanteeda, arimahaa iyo kuwo ayey hirgalisay ammaan iyo ceebba.

Ugu dambayn, waxaa dhici kara inta u dhexeysa 31 January ilaa bisha august laba arin middood oo kala ah, in shir dib u heshiisiineed la qabto inta aan la gaarin August, ka dhaca Djibouti Kenya ama Uganda, dib loogu soo yagleelayo dawlad ku meelgaar kale, ama August ka dib shir la qabto, yaa la dooran ma Shariif mise qof kale, taa waxaa ka jawaabaya rabitaanka caalamka, waxaanse la huri doonin waa shir dib u heshiisiineed, shaw ifafaalaha shirkaa waxaa laga garan karaa shirkii Djibouti ka dhecee aqoon yahanka lagu magac dhabay.

Dib u eeg sooyalka shirirka Soomaalida, kii Carta 2001 wuxuu ka dambeeyey kii Qaahira 1998, waxaana lagu soo doortay C/qasim Salaad, isna waxaa dhaqay kii Kenya 2004, oo lagu soo doortay C/laahi Yuusuf Axmed, isna waxaa ka dambeeyey kii lagu soo doortay Sh. Shariif 2008, isna kollay waa ku imaan socodka shirqabadka Soomaalida, mise waa midda uu ka digtoon yahay ee uu dastuurka u boobsiinayo dhamaystirkiisa, waxay ku dambaysaba waan u wada joognaa, hubaalse inaan shir dib u heshiin laga fursanayn, xal ahaan ugama jeedo, balse sida loo qabatimay awgeed.

 

January, 2011

 

Bashir M. Hersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s