Duullaanka Kenya kasmo la’aan iyo karti yaraan!

Image

Duullaanka Kenya kasmo la’aan iyo karti yaraan!

Oodqaad

Bowdo rag, maalinba midbaa qaawan!” maahmaah ayey ahayd, adduunyana waa laba gallin, oo is daba maraya, guhaad iyo gacalnimo ayey u dhaxaysaa! Waxaan uga jeedaa, yaa maanka galiyey in Kenya ku soo duulayso Soomaaliya? Yaa saadaaliyey, in Kenya galayo hammiga intaa la eg? Yaa hiyiga gashtay in Kenya u soo kooraysanayso inay Soomaaliya kala qaybiso? Yaa ku fekeray in Kenya faraglin military ku samaynayso Soomaaliya?!

Weydiimuhu badan, aragtidu weecsan, fekerku nigaxan, mabda’una qalloocan, siday tahayba, Kenya waxay waddanka gudihiisa ku jirtaa in ka badan bil, gulufkan colaadeed ee Kenya ka billowday koofurta dalka, ma ahan mid nabad iyo naruuro u wada dadka dega deegaankaas, mana ahan mid ujeedkiisu u adeegayo ammaanka gobolka iyo gayiga, haba ku andacoodan iyagu sheekooyin caynkaa ah.

Inta aysan arartu ila dheeraan, Kenya in badan ayey ka caga jiidday inay Soomaaliya u soo dirto ciidamma ka mid noqda nabad ilaalinta AMISOM, iyada oo had jeer iyo jeer ku macnayn jirtay diidmadeeda, inaysan ku degdegayn faragalinta Soomaaliya, haddaba waa su’aale: maxaa is badalay, oo Kenya ku dhiirriyey inay faragalintan qaawan samayso? Loo joogaa waxa lagu macneyn doono.

Maamulka Azaania

Waxaa in dhawaala ah la hadal hayey, maamul goboleed lagu magacaabo Azaania, oo uu horboodayo Prof Gandi, oo mar noqday wasiirka gaashaandhigga, xilligii burburkana ku soo qaatay noloshiisa inteeda badan Faransiiska, muddadii uu ku noolaa Kenyana ay dawladda Faranja bixinaysay qarashaadka ku baxa. Maamulkan oo ujeedkuusu yahay in loogu adeego shisheeyaha, gaar ahaan dalalka kala ah Faransa, Norway iyo Kenya, ayna u sii dheer tahay in beeli isku ballaariso iskuna magacowda deegaanka intaa baaxaddiisu la eg tahay, ee Soomaali oo dhami wada degto.

Laga soo billaabo bishii September 2008-dii ilaa July 2011, waxaa jiray shir isdaba joog ah, oo ujeedku ahaa dhismaha maamulka Azaania, oo ka socday waddanka Kenya, uuna goobjoog ka ahaa prof Gaandi, xog muhim ah ayaa sheegaysa in prof-ku marada tuurtay, isaga oo duco iyo dardaaran ku darandoorriyey ka qaybgalayaasha shirka, dabcan halqabsigu waa beel, teegeeradu waa qabiil, ujeedku waa sadbursi, garabsigu waa shisheeye, guntu waa goobaynta gayiga Soomaali, garaadku waa gol xiran.

Dhismaha maamulka waxaa isku koobtay beel qura, waxaa la magacaabay barlamaan ka kooban 65 xildhibaan, oo dhammaan ka soo wada jeeda hal beel, deegaan ahaan ku wada abtirsada gobollada Gedo Jubbada hoose  iyo Jubbada dhexe, waxaa caasimad goboleed loo doortay degmada Bu’aale, oo ah madaxa gobolka Jubbada dhexe. Ma cadda wali ujeedka looga leexday Kismaayo, balse, laga yaabee inay tahay naasnuujin kale, ama Kismaayo oo laga weecanayo xilligan kala guurka, si aan la  isaga hor imaan.

Dadku garaad yaraa, miyaan sooyaalka lagu cibra qaadan? Beeli beel ma kor dagi kartaa? Haddayse kor degto imisa ayey dul degaanaa kartaa? Caqligu miyuusan shaqaynayn? Kolley Soomaalinimo, walaaltinimo, xididnimo iyo ood wadaagnimo waxba tari waayeene, ma waxaa dadka ka dhaadhacsan haddaad shisheeye ku daaban tahay dadka waad jujuubi kartaa, dalkana waad qabsan kartaa? Waa ogaalli’idaa!

Ma ahan maamulkii ugu horreeyey ee waddanka dibaddiisa looga dhawaaqo, inta badan maamullada beryahan dambe dadka dhagaha looga wareeriyey, waxaa lagu soo yagleelaa waddanka dibaddiisa, qurbajoog habaaran oo cirka laga soo gamay ayaana madax looga dhigaa, isaga oo aan is weydiin, shalay maxaad waddanka uga carartay oo qurbaha u soo gashay, maxaadse ku soo laabanaysaa ood maamul dhisan madax ugu noqon?.

Maamulkan looga dhawaaqay Kenya, waxaa ka soo hor jeestay beelo dega gobolladaa, oo ka biya diiday magac bixinta, awood qaybsiga iyo qaab maamulka intaba, waaba su’aale: Azaania maxay ahayd? Arki doonnee meesha uu geeddiga ku furo prof-ku, iyo sida ay u dhaqan galaan himilada uu halacsanayo.

Duullaanka Kenya

Kenya waxay gudaha waddanka soo gashay, xadkana ka soo tallaabtay 16-kii  bishii October, iyada oo ku hubaysan gawaarida gaashaaman iyo guutooyin la ciirciiraya hub. Galitaankaa ka dib, Kenya waxay sheegatay inay ka hortagayso qatarta uga soo food leh Alshabaab, iclaamisayna inay wiiqi doonto awooddeeda military! Hadal aan dhagaha Soomaali ku cusbayn. Ma ila xasuusataan haasihii Xabashida ee dhammaadkii 2006-kii?!

Kenya markay gudaha Soomaaliya ku jirtay laba maalmood, ayey wafdi u dirtay Muqdisha, si qaanuunka loo waafajiyo galitaankeeda sharci darrada ah. Heshiiska labada dal kuma cadda in Kenya la siiyey oggolaasho buuxda, oo ay gudaha Soomaaliya ku gali karto, ama ku sii joogi karto, sheekaduse waxay u eg tahay, nin xaaskaagii iyo carruurtaadii kuu daba mareeyey, ee ku weydiisanaya ogolaasho, ama nin bakhaarkaagii dhex taagan, ee kaa dalbanaya galitaankiisa!

Duullaankan qaawan ee qaanuunka aan waafaqsanayn qiilkana aan lahayn, waxaa horseed ka ah dad Soomaali sheeganaya, “Ka dar oo Dibi dhal”, waxaaba hor kacaya rag sheeganaya aqoon iyo garasho, “OGAALOOW BA!” iyada oo lagu andacoonayo in Alshabaab la tirrirayo. Ma filayo inuu jiro nin iga neceb Alshabaab, haddana, miyaa xal noqday si aan Alshabaab u baabi’inno inaan Kenya soo kaashanno? Sow Kenya kama mid ahayn dalalkii shalayba taageeri jiray Alshabaab?.

Socdaalkii wafdiga Kenya ee Xamar ka dib, waxaa xaaraan qadcan ah ku tilmaamay soo galitaanka Kenya madaxweyne Shariif, isaga oo aad u cambaareeyey, balse, waxaa si cara leh uga jawaabay dawladda Kenya, oo xasuusiday inay iyadu gacanteeda ku dhoodhoobtay dawladdan cayrta ah, walibana ku eedeysay Shariif inuuba Alshabaab yahay, raallina uusan ka ahayn in Alshabaab la ciribtiro!

Damaca ku jira Kenya waa mid iska cad, muddooyinkanba waxay doonaysay inay qayb ka hesho baddeenna, taa oo uu gaashaanka u daruuray baarlamaanku, ka sokow, waxay doonaysaa inay hesho deegaan ood celis ah, maadaama Xabashidu ay gobollada Galgudduud, Hiiraan iyo Mudug ka dhigteen ood celis, ayey si la mid ah Kenyana u doonaysaa deegaan ood celis ah.

Khilaafka madaxda dawladda

Duullaanka Kenya, wuxuu khilaaf kala dhexdhigay madaxda villa Baydhaba ee Muqdisha. Waxaa si cad uga soo horjestay Shariif, sheegayna inaan shacabka Soomaaliyeed raalli ka ahayn. Hubaal in taasi sax tahay, balse, muxuu uga jeeday hadalkiisa? Muxuu ugu soo aaddiyey waqti ay Kenya ku jirto gudaha waddanka maalmo? Muxuu u dhihi waayey markii wafdiga Kenya Xamar joogay? Weydiimahu badan, kuwo kalana gadaal ayaan ka keeni doonnaa.

Dhanka kale, waxaa isna si cad u taageeray Gass -waa caadadoodee!- isaga oo sheegay in dawladdu og tahay soo galitaanka Kenya, ayna soo dhawaynayaan qof walba oo ku gacan siinaya la dagaallanka Alshabaab! Been badanaa! Intaa kaliya kuma simin, ee wuxuu booqosho ku tagay waddanka Kenya, isaga oo kulan la qaatay madaxda Kenya, waxaase dullinimada madaxda Soomaalida kuu caddaynaya, madasha lagu qabanayey shirka jaraa’id, wuxuu soo istaagay isagoo ka arradan astaankii qaranka iyo calanka Soomaaliyeed, tanina ma ahan markii ugu horraysay ee ay dhacdo. Sidoo kale, Farmaajo ayaa isna sidaa u dhaqmay maruu booqasho ku joogay New York.

Xadgudbkii Kenya waxaa  si rasmi ah u sharciyey Gass, xanbadan ayaa jirta, xulashada dhacday xeesha la damacsan yahay iyo xarigjiidka socda, waxay noqotaba, hore ayaa C/laahi Yuusuf Xabashi u xukumiyey inay Soomaaliya soo galaan, haddana Gass ayaa u xeelinaya xadgudubka Kenya, waaba is weydiine maxay shisheeyaha ugu shiilan yihiin? Maxay mar walba dillaalnimo iyo daba dhilifnimo ugu heellan yihiin? Su’aalo jawaabo u baahan.

Haddaanse Shariif u laabto, maxay ku kala duwan yihiin Ugandiska Burundiga iyo Kenyanku? Shalay isaga ayaa lahaa waxaan ka codsanaysaa dawladaha IGAD inay naga difaacaan Alshabaab? Haddii maanta Kenya ka difaacayso Alshabaab muxuu la qulaamayaa? Mise waa: “Oohintu Orgiga ka weyn”, hubaal in arintu taa tahay, dalkan la kala goosay, ninna dhinac u jiiday, aqoon yahan, ganacsade, siyaasi, wadaad iyo nabaddoon intaba.

Faragalimmadii fashilmay

Ma ahan markii ugu horraysay ee waddanka shisheeye soo faragaliyo, mana ahan markii ugu horraysay ee cudud military lagu soo galo waddanka, mana ahan markii ugu horraysay ee dawladi ku soo xadgudubto waddanka, sababaha faragalinta iyo ujeedada duullaammada macnooyin kala lahaaye, marmarsiyooyinkuna kala gaddisnaaye, qiilal kala jaad ahan loo samee, si lagu bannaysto dhulka iyo dhiigga Soomaali.

Faragalintii ugu horraysay waxaa Soomaaliya ku sameeyey ciidamadii huwantii, ee uu hor kacayey Maraykanku horraantii sagaashamaadkii, cinwaanka faragalintuna ahaa kaalmayn iyo caawinaad, lana magac baxay “Barnaamijkii rajo soo celinta”, ayna ku wehliyeen ciidammo badan oo ka socday dunida, looguna yeerayey UNISOM.

Faragalinta huwantu waxay kuwa kale uga duwanayd, go’aanka faragalinta lagalama tashan Soomaali, oo waxaa talada qaatay dunida, iyaga oo dhahaya waa inaan gargarnaa Soomaali, oo markaa ay ka taagnayd abaaro ba’an, ayna u wehlisay dawladdii dhexe oo markaa burburtay, waxayse ugu dambayn ku idlaatay fashil, ka dib markii iska hor imaad dhex maray taageerayaashii Gen. Caydiid iyo qaybo ka mid ah UNISOM.

Sanado ka dib, dabayaaqadii gugii 2006-kii, ayaa Xabashiduna soo gashay Soomaaliya, iyada oo ku doodaysa inay baacsanayso argagixiso, xagjir iyo mintid, taas oon ku sii saadliyey qormadii magaceedu ahaa, “Qabsataye ma Qaramayn kartaa?”, Xabashida oo markaa iyada taageero ballaaran ka haysatay dawladda Maraykanka iyo Xerta C/laahi Yuusuf.

Dagaal dheer oo khasaare badan gaystay ka dib, Xabashi way isaga huleeshay Soomaaliya, iyada oo huwan jabkii qarniga, dabcan jabku kaligeed ma gaarine, Soomaalina dhinaceeda ayuu ku gaaray, waxayse noqotay casharkii labaad ee loo dhigo dawlad ku soo xadgudubta Soomaaliya, iyada oo la wada xasuusto, ceebtii Maraykanka ka raacday sanadkii 1993-dii, ayaa Xabashina is maqiqeedii kala kulantay hoog.

Iminka waxaa waddanka duullaan ku soo qaaday Kenya, Maraykan oo ah quwada dunida ugu xoog badan ayaa waxbka ka keeni waayey, ee ma Kenya ayaa wax ka keenaysa? Teeda kale Xabashi oo ka dagaal yahansan Kenya kana awood weyn ayaa wax keeni weysay, ee ma kula tahay in Kenya wax ka keenayso? Dhanka kale, kaynta iyo toonta gobolladaa, miyey tahay in sahal guul looga gaarayo? waxay noqoto waan u wada joognaa.

Gunaanad

Duullaanka Kenya wuxuu ku soo aaday xilli umadda Soomaaliyeed la ildaran tahay abaaaro waddanka dhan wada gaaray, sida muuqata Kenya kama mid ahan waddammada gargaarka u fidiyey Soomaaliya, oo u baahan cunto cabitaan iyo dawo, taas badalkeed waxay ugu deeqeen xabbad iyo madaafiic, bal is weydii akhriste: Soomaali ma waxay u baahan tahay hub iyo madfac mise raashin iyo quudin? Haddaa muxuuse noqon farqiga u dhexeeya Kenya iyo Alshabaab?.

Madaxda dawladdu kama damqan Dacdarrada ku haysata Soomaali meel kasta oo ay dunida ka joogaan, meshii xoogga ay saari lahaayeen inay dadka gargaaraan, ayey u soo kordhiyeen qax hor Alle ah, shaar kasta oo ay huwato Kenya kama guul keenayso duullaankeedan ugubka ah, sasabtu waa  caddahay, qaab dhismeedka dhulka, xoogagga ka soo horjeeda, ma ahan Alshabaab kaliya, iyo damaca shisheeyaha oo mawqifkoodu kala duwan yahay.

Aan ku soo xiro faallada, safarkii Sharif ku tagay Kenya, ma is leedahay wuu mira dhaliyey? Maadaama la sheegay in Kenya ka mid noqonayso AMISOM, mise waa idha sarcaadis iyo qiiq isku qarin, hadday tan hore noqoto, hubaal in madaxweyne Musafeni lug xooggan ku leeyahay, haddayse tan dambe noqoyo, hubaal in Gaas meesha raadkiisa ka qoyan yahay, waxay ku dhammaato waan u wada joognaa.

November, 2011.

Bashiir M. Xersi

Advertisements

2 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s