Gurmadka Turkiga iyo Gaabsiga Carabta

Image

Todobaadkii tagay ayaan qoray qormo magaceedu ahaa: “Dhalanrogga Carabta”, ujeedkuna ahaa iftiiminta dhibaatada Carab xaggeeda nooga timid. Waa caadadeennee, markii Carab carrabka lagu dhuftu ninbaa burura! Maqaal ayaa la iigu jawaabay, ujeedkiisa lagu saleeyey Carab nacayb! Caado ahaan, marka dhaqan xumada Yuhuudda ama qaladaadkooda la sheego, ayey ku gambadaan YUHUUD NACAYB “Anti-Semitism”, sidaa si la mid ah, marka la tilmaamo waxyeellada Carabtu ku hayso Soomaalida, waxaa la adeegsadaa hubka CARAB NACAYBKA.

Ujeedka qormadu ma ahan naqdin iyo ka dabaqaadasho. Maahmaah ayaa oranaysa: “WAXAA JIRTA GAR AAD NAQAYSO  KUGUSE NAQSAN”. Anigu iska hadli maayo, waxaan soo bandhigayaa caddaymo iyo dhacdooyin aan cidna qarin karin; “Calaacali Qorrax ma qarin karto” ee ninkii Carab difaacayow burhaantaada la imaaw, midna waa ceeb iyo gef aqooneed, in la isku qaldo dhaqanxumada Carabta iyo Luqadda Carabiga, sida uu adeegsaday ninkii maqaalka iga daba qaray.

Abaarihii ka dhacay waddanka ee saameeyey beer, bar xoolaad iyo banii’aadamkaba, waxaa dunidu uga jawaabtay siyaabo kala duwan; afgobaadsi, hadal macaan iyo haasaawo, ku ekaa afka iyo bishamaha dacalkooda. Waxaa ugu horreeya kuwaa: Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Yurub, oo aan marnaba deeq la sheego ama la shaahido midna goobta keenin. Waxaadba mooddaa inay isla meeldhigeen Alshabaab.

Dawldaha qaarna gayiga waxay ku yimaadeen gabigood, oo aan cidna ka maqnayn. Tusaaluhu waa cad yahay. Muqdisho waxaa yimid, madaxa ugu sarreeya xukuumadda Turkiga mudane Erdogan, ayna wehliyeen; dhaqaatiir, ganacsato iyo saraakiil sare oo ka tirsan xukuumaddiisa, booqdayna xeryaha qaxootiga, isagoo sheegay in baaxadda dhibaatadu ka weyn tahay middii Darfur. Ayaan darro Darfur madaxda dunida dhan wey tageen, balse, Soomaaliya cidna ma imaan, fasir ayey u baahan tahay.

Turkigu wuxuu ku deeqay macaawino mug leh, dhaqaatiir u heegan baxnaaninta bukaanka baahan, ballanna qaaday dayactirka waddooyinka iyo xarumaha dawladda, ayna billaabeen hawlgalkeeda. Macaawino sooreed kaliya kuma deeqin Turkigu, ee waxaan ka maqnayn deeqo waxbarasho iyo tacliimeed, ayaan darrase dhasha Carbeed falkay u gaysteen ardadii waxbarshada u socdaali lahayd waa loo wada joogay, qaraxaa oo lagu macnayn karo inuuba ku wajahnaa dawladda Turkiga, ahaana farriin siyaasadeed, ujeedkeeduna ahaa inuusan Soomaaliya ku soo degdegin.

Taasi Turkiga kama leexin ujeedkiisa, wuxuuba galay guluf siyaasadeed, oo uu dunida ku baraarujinayo dhibaatada gunteeda iyo in la isu garabsado. Khudbad taariikhi ah ayuu ka jeediyey Jamciyadda Qurumaha ka dhaxaysa, Isaga (Erdogan) oo sheegay in aan Soomaali lagu fiirsan dhibaatada haysata maanta, waddammada Soomaali u soo gurmaraday Turki kali ah ma ahan, waxaan la halmaami karin; Qatar iyo Kuwait, dadka qaarse dhihi doonaan saw Carab ma ahan kuwani? Sax, balse, cirbadi bad maxay ka qoyn, baaxadda dhibaatada ma dabooli karaan labadaan dal? Teeda kale, miyey wakiil ka yihiin Carab? Mise magacooda ayey ku socdeen?.

Waxaa xusid mudan dawladda Iiraan, ayaan darraduse waa markaan dul istaagay maqaal ku soo baxay mareegta Alshahid, ee qoraagu ku leeyahay waa in la iska jiraa dawladda Iiraan, maxaa yeelay, waxay faafinee MABDA’A SHIICIGA! Walaalayaalow waaba su’aale: nin baahan maxay u kala dhaamaan SUNNO iyo SHIICO? Wuxuu dalab u diray qoraagu dalwadaha Sunniga ee waaweyn, inay ka hortagaan arintaas. Su’aal kale: keebaa qatar ah: naf qurbaxaysa mise naf Shiici nqonaysa?!

Aan u laabto waxqabadka Turkiga. Waxay qaadday ardadii dhaawucu ka soo gaaray qarixii halaagga ahaa, ee sidaan tilmaamnay loola dan lahaa iyaga. Tallaabadan oo noqonaysa geesinnimo weyn, maadaama aysan saamayn ku yeelan dhacdadaa. Dhanka siyaasadeed wali waxaa socda dadaalkii ay ku doonaysay in la keeno Soomaaliya ciidamo ka socda ama u badan waddammada Muslinka, si loogu badalo ciidanka Afrikaanka ah, ee UNISOM, dawladda Soomaaliya maxayse kaga jawaabtay qorshaha dawladda Turkiga?.

Dawladda Soomaaliya ma soo dhaweyn qorshaha Turkigu waddo, waxayba ku dhaqaaqeen falal liddi ku ah ama loo qaadan karo inay fashilnayo qorshahaas, waxay ka mid noqdeen dawladihii ka dareeray khudbadda madaxweyne Najaad, uu ka jeedinayey Jamciyadda Qurumaha ka dhexeysa, waaba su’aale ma Yurub iyo Maraykan ayaa la yiraa? Mise wakiil ayey ka yihiin? Teeda kale, Iiraan waxayba ku jirtay dawladaha gargaarka Soomaaliya safka hore uga jiree, ma xaqbaa in madasha looga koco? Ama loogu abaal gudo sidaan?!

Haddii Turki sidaa noogu soo gurmaday, Carab maxaan ka guddoonnay? Ugu horrayn waxaan ku dhex jirnaa sabanka xerta Carabta. Macnaheedu ma ahan in dhibaatada Soomaali soo billaabatay 2006-dii, sida dad badan qiil dhaliileed ka dhigaan, marka Carab iyo dhasheeda la muujiyo waxa ay Soomaali ku hayaan, sida ninka maqaalka iga daba qoray uu qeexay, marka laga reebo labada dal ee aan horay u tilmaamay ee Qatar iyo Kuwait, inta kale Carab waxba nagama soo gaarin.

Ninkii Soomaali ah ee Carab isu arka ama isu aaminsan isaga yeelkadiiye, inta Soomaalinnimadu la weyn tahay kuna weyn tahay yaan la sillayn? Yuusan mawduuca ila galin Carabnimada Soomaalida ee uu naga deeqay Abwaan C/qaadir XersiYamam” Allaha u naxariiste:

Afrikada madaw iyo

Oromada aan wada naal

Ma intaan illoobaan

Abuu Haashim galayaa?

 

Waxayse dhabtu tahay, in waxa maanta ka dhacaya Soomaaliya, aanay Soomaali dhaqan iyo dhur midna u lahayn, miyaan isku diidaynnaa inay diin Carbeedka xaggeeda ka yimaadeen? Ninkii diiddan yeelkiise, danteennuse kuma jirto in diin ku sheeg shacabkeenna lagu danneeyo, deeqdii loo keeni lahaana looga hor istaago, waa meeshaan ka iri:

Ninka diinta sheegtee

Dadkiisana dilaayee

Dalka olol ku shidayee

Daaraha gubaayee

Dakadaha xiraayee

Shisheeyaha dillaal u ah

Dar Allee muxuu yahay?!

 

Ardadii dorraatee

Dhiiggood la daadshee

Xinjirtood da’aysee

Jidka daadsanaayeen

Dabku uu ka ololayey

Ninka diin ku sheegaa

Dar Allee muxuu yahay?!

 

Ninka diinta sheegtee

Dumarkiyo carruurtiyo

Marrastiyo ducufada

Dabacsani tusaynoo

Duqowdana dhibaayee

Safka hore dagaalkiyo

Naaraha u daabuli

Dar Allee muxuu yahay?!

 

Ninka Diinta sheegtee

Dadka ay abaartiyo

Gaajada iyo diiftiyo

Asqadu ay la daristee

Dunidu ay gargaar iyo

Deeqo ay u keeneen

intuu diiday keligii

Danbi weeye oranaa

Dar Allee muxuu yahay?!

  

Ninka darajo doonaya

Ee diin gabbaadsada

Dariiqeeda weeciya

Ujeedkeeda daahira

Dugsiga iyo Quraankii

Been iyo dacar iyo

Xaglo daacin ku badalay

Dar Allee muxuu yahay?!

Silsiladda Deelleyda

Qarniga 21-aad

Maansada “Duban”.

 

Deeqdii hore ee Carabtu waxay ahayd; walaalkaa dil Jannaad galaysaa! Tan xilligan abaartana waxay noqotay; dalka macaawico lama keeni karo! Asalna uu ahaa; walaalka qarxi Jannaad galaysaa! Maya, waxayba ku dhaqaaqeen inay inta dawladda garab maraan Alshabaab raashin u gudbiyaan, sida ay sheegeen sirdoonka dawladdu, shakhsiyaadkii u geeyey raashinka Alshabaab waxay ka soo dageen Garoonka Aadan Cadde, waxay huwanayeen magac hay’ado Carbeed, waxaan sheegayey ma soo bexeen horta? Gaar ahaan qormadii todobaadkii hore aan ku caddeeyey.

Laba shay Carab nagama qabtaan, waa mide; in dhallinyaradii ay sun diimeed u meersheen, anagoo qaatir ka taagan qaraxooda iyo qorigooda, inay noogu daraan inay magac hay’ad Islaami ah haddana horteenna ugu gargaaraan! Waxaan filayaa in kuwii ka dambeeyey falkaa cadaaladda la hor keeno, hay’addii fulisayna tallaabo sharciga waafaqsan la marsiiyo, kuwa caynkaa ahna laga mamnuuco waddanka gudihiisa, si weynna looga foojignaado hay’adaha magaca diinta ku yimaada, maxaa yeelay, diintoodu waa dabargoynta dadkeenna.

Gabagabadii, Maahmaah ayaa dhahaysa: “LIBAAX NIN GANAY IYO GALLADAY KALA OG”, haddaba Soomaali u kala soocan ninkii gargaaray iyo ninkii gumaaday, waxaanse dhihi kuwa Carabta u heellan, in taariikhdu dhigmayso, waddankuna burburkan uusan ku sii jireyn, ee maad sida isu dhaantaan, maalin walba diini gabbaad idiin noqon mayso, dadku wuu gartay inaan diini meesha oollin.

F.G: Qormadu waxay ahayd inay soo baxdo maalintii dhulgariirku ku dhuftay waddanka Turkiga, dib waxaan ugu dhigay inaan la wadaago dhibaatada baaxadda leh ee ku habsatay, aanna filayo inay Soomaali badan ila wadaagaan dareenkaa.

November, 2011.

Bashiir M. Xersi

Advertisements

7 Comments

  1. waxaad ka hadashay fikradada sxb marka hore tan labaad waxaa kaa muuqata inaad naceeb fog u qabto carbta am dalalka carabta waxaad soo qortay oo dhan badankood waa sax lkn waxaa jirta wax yaabo aad ka badbadisay teeda kle carab dhibta nooma keenin ee inaga ayaa gacma hen ku keensanay ma ahn inaad sii u fakirto way jiraan waxa aad sheegayso lkn waa tuhun ma ahn wax sax ah ma cadayn sax ah lagu hayo carab hal wax ayaan abaal ugu hayaa shaygaas waa wax walba ay bixinayaan waxa ay ku bixiyaan magac somaliyeed iyo calankaas kuma bixiyan mamul gobolled ma gaciise teeda kle wll wax aadan hubin oo tuhun ah ma ahn inaad qof muslim ah dusha oga tuurto tee dakle tuhunku waa hal dal ma labo dal oo carbata ka mid ah lkn inaad intaas oo dal o carabta ka mid ah inaad ak lagadayso ma ahn wll waxaan kugula talin lahaa wll markaad wax qorayso adoo cadifaysan ha qorin kana fiirso waxa aad qorayso aad ayaan kuu salaamayaa thanks

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s