Qalalaasaha Libya: Qaddafi ama Qaranka

Image

Sooyaal kooban.

Kacdoonka Carabta.

Go’aanka Qaddaafi.

Dagaal sokeeye.

Faragalin shisheeye.

Soomaalida Libya.

 

Libya waa wadan dhaca waqooyiga Afrika, kulaala badda Mediterraneanka, soodinna la leh dalalka Sudan, Masar, Chad, Niger, Tunis iyo Algeria, sida bed dhuleedkeedu u weyn yahay dadkeedu uma badna, oo waxaa lagu tiriyaa dawladda 17-aad ee ugu dhul ballaan dunida, sidoo kale waxay kulaashaa xeebta ugu dheer ee badda Mediterraneanka, dhulka intiisa badan waa lama dagaan Saxara ah, waxaa ku nool qawmiyado kala jaad ah, ayna ugu tun weyn yihiin Carabta oo ku oo gashay diin fidin, iyo Tuareg oo dadka deegaanka ahaa.

Waxaa gusmaystay Talyaaniga laga soo billaabo sanadkii 1911-kii, ilaa ay xoriyadda ka qaadato sanadkii 1951-dii, xoriyadda ka dib iyo ka horba Libya waxay ahayd boqortooyo, kowdii bishii September sanadkii 1969-kii ayey dalka la wareegeen ciidanka qalabka sida, uuna horkacayey Colonel Qaddafi, waxaan filaa dad badan in sanadkaa iyo falkaaba uu xusuus gaara ah u leeyahay, maxaa yeelay wuxuu laba bil ka horreeyey afgambigii ciidamadu kula wareegeen 21-kii October talada dalka Soomaaliya.

Qaddafi wuxuu qarameeyey ceelashii shidaalka, hantidii gaarka u lahayd boqortooyada, wuxuu colaadiyey wadamada reer galbeedka, wuxuu soo saaray aragtidiisa ku caanka ah: “Aragtisa sadaxaad ee caalamiga ah” kuna urursan buugga cagaaran, kana hadlaysa siyaasadda dhaqaalaha iyo bulshada, tan ugu horraysa wuxu ku saleeyey kulamada bulshada iyo Democracy toos ah, tan xigta oo dhaqaalaha ah wuxuu ku saleeyey hantiwadaagga, tan ugu dambaysa ee bulshada wuxuu ku qodbay qabyaaladda, waan u soo laaban qodobkan ugu dambeeya.

Hirgalinta aragtidiisa sadaxaad ee Caalamiga ah, Qaddafi wuxuu ku baxshay qarash iyo hanti badan, wuxuu u tarjumay buuggga cagaaran inta badan luqadaha dunida oo Soomaaligu ku jiro, isagoo dunida ugu bishaaraynaya dhammaadka gooni u goosadka, taa kaliya ma ahan inta badan wuxuu xiriir fiican la lahaa wadamda hantiwadaagga hirgaliyey, wada xusuusta hiilkii uu naga hiilliyey dagaalkii 1977 uuna la saftay Xabashida, wuxuu dagaal la galay Chad inta u dhaxaysay sanadihii 1973-1987, ku dhammaaday inuu dib u gurto, Qaddafi wuxuu ka badbaaday dilal qorshaynaa.

Taa kaliya ma ahan wuxuu si toos ah u taageeri jiray fallaagadii Ireland, Isagoo ogaalaasho siiyey inay joogi karaan dalka Libya, April sanadkii 1986 waxaa ciidanka hawada ee Maraykanku duqayn ba’an u gaysteen guriga Qaddaafi, wixii ka dambeeyey Teendho ayuuba dagi jiray, xitaa marka uu safarro dibadda u aado, sanadkii 1988 wuxuu maleegay qarixii lala beegsaday diyaaraddii rayidka ahayd, ee ku dul buburtay Lockerbie, ayna ku dhinteen 270 qof, markaa wixii ka dambeeyey waxaa la saaray cunaqabatayn caalaami ah, lagana qaaday sanadkii 1999, ka gadaal markuu gacangaliyey dambiilayaashii qaraxa gaystay si loo maxkamdeeyo cadaaladdana loo horgeeyo.

Kacdoonka Carabta:

Wixii ka dambeeyey sanadihii xoriyadda iyo bixitaankii gumaysigii caddaa, inta badan dunida sadaxaad waxaa dul habsaday madax kali taliyayaal ah, xukunka aan ka degin inay naftu ka baxdo mooyee, qaarkood waxayba xukunka uga geeriyoodeen caruurtooda, sidii inay boqortooyo tahay “Dhaxal siyaasadeed”, taa oo lagu macneeyey wacyi yarida haysata shucuubtaa iyo reer galbeedka oo qayb weyn ka qaatay sii jiritaanka nidaamyada noocaa ah, maadaama ay u fuliyaan danahooda gurracan.

Kalitalisnimadaa Carabtu qeyb weyn ayey ka qaadatay, tusaale ahaan wadanka masar 1952 ilaa iminka waxaa soo maray sadax madaxweyne, Sudan wax sidaa ah kama duwana, Tunis la mid, Libya iyada afartan iyo dhawr sano Qaddafi ayeyba afka uga xirneed, Ciraq sodomeeyo sano Saddam ayaa marba meel u jeedinayey, Kaba weyna(Maraykan) ayaa isna ku raftay, gacanka isaga warkiisa daa, waa boqortooyo ama imaarado ay iska haystaan reero qura.

17-kii December sanadkii tagay ee 2010, ayaa Mohamed buu Azizi una dhashay wadanka Tunis dab is qabadsiiyey, ka dib markii boolisku kala wareegey gaarigacan uu ku iibin jiray khudaarta jirdilna ay u gaysteen, gadoodka shaqo la’aanta kala wareegidda gaarigacakiisa iyo jirdilka loo gaystay, ciilalkaa is biirsaday ayaa sabab u ahaa is gubidda Buu Azizi, shucladduu isku qabtay ayaa ifisay kacaan ballaaran oo ka dhasha wadamada Carabta gaar ahaan wadamada waqooyiga Afrika.

Tunis waxaa muddo 23 sano ah xukumayey Bin Ali, oo markii horana xukunka kaga tuuray Habib Bourguiba, wadanka dhan waxaa isqabsaday banaanbaxyo ay horkacayaan dhalinyaro haween iyo caruur, taasoo laf dhuun gashay ku noqotay maamulka Bin Ali, lama kalimad ayuu jeediyey kuna sheegay in waxa mudaharaadaya ay yihiin argagixiso, balse 14-kii January ee sanadkan ayuu si dhuumasho ah uga cararay wadanka, isagoo iska dhiibay wadanka Sucuudiga gaar ahaan magaalada Jedda.

Ka dib markii laga taqalusay Bin Ali iyo xukunkiisii, ayaa wadanka Masar waxaa isna ka dillaacay kacaan bulshadeed oo kale, gaar ahaan 25-kii January ayaa waxaa isugu soo baxay banka Altahrer dad badan oo doonayey inay ridaan maamulka Mubarak, oo sodon sano ku dhaw xukunka hayey, waxay socdaan mudaharaadyadu wuxuu jeediyey isna laba kalimad oo sigu jiray gooddis iyo cagajuglayn, 14-ka February ee sanadkan ayuu isna isaga degay xukunka, balse sidii Bin Ali iskama dhiibin wadan kale, ee wuxuu u hulleeley magaalada Sharma Sheikh.

Sidoo kale waxaa kacdon bulsho ka dillaacay dalka Yemen, oo uu xukunka hayey Ali Abdalla Salah mudda ku dhaw sodon sano, waxaa isna ku billowday mudaharaadyo waaweyn oo gilgilay magaalloyin badan, wuxuuna sheegay inuu isbadallo samaynayo isuna soo sharaxayn doorashada dambe, ma muuqato in dadka kacdoonka wada ay dhagjaqal u siin doonaan talada Ali, haddaa maxaa dhici doona? Yemen kaliya ma ahan ee Bahrain Jordan iyo Iraq ayaa iyana ka socdaan mudaharaadyo, gaar ahaan Bahrain oo dhiig ku daatay, waxaase kacdoonka ka maqan Suriyada Bashar.

Go’aanka Qaddaafi:

Xukunkii Bin Ali iyo Mubarek markay ku dheceen kacdoon shacab ka dib, ayaa wadanka Libya waxaa isna ka billowday kacdoon kale, 17-kii February isla sanadkan ayaa magaalooyinka bari ka qarxeen kacdoonkii ballaaran, maalmo kooban ayey gacanta ku dhigeen magaalooyinkaa, Qaddafi Isagoo caraysan ayuu jeediyey kalmado kooban, wuxuu ku tilmaamay dadka kacdoonka wada inay yihiin jiirar aan qiimo lahayn, sheegayna inuu wadanka ka sifayn doono, sido kale wiilkiisa ayaa isna hadal jeediyey ku shegay in Libya aysan la mid ahayn Tunis iyo Masar, sheegayna inay dagaalamayaan inta gabar ka nooshahay.

Sida uu sheegay wiilka Qaddafi hubaal inaysan Libya ahayn Tunis ama masar, sidaa darted waxaa ka dhacay gumaad balllaaran iyo xasuuq baahsan, oo loo gaystay dhaladkii dadka u dhashay iyo ajaanbtii ka xamaalan jirtay ama daganeed, kaliya ma ahane wuxuu magaalooyinka ku duqeeyey diyaarado iyo kaarooyin gaaystay dhaawac iyo dhimadho baahsan, kaliya ma ahan wuxuu beegsaday xarumihii ay ku keydsanaayeen hubka iyo saanadaha ciidan, taasoo gaystay qaraxyo waaweyn cabsi iyo baqdinna reebay.

Kalmaddiisa labaad qaddafi wuxuu ka jeediyey banka cagaaran, Isagoo ka dhakoolay fiinka sare ee matxafka qaranka ee loo yaqaan Al saraya Alxamra, hoostiisana uu ku yaal xabsiga dadka lagu ciqaabo, sidii maalintii hore ayuu u caraysnaa, balse kalmadda ayaa ka duwaneed tii hore, Isagoo dadka ugu baaqay inay cayaaraan dhelaan wa siduu hadalka u dhigee, wuxuu sheegay inuu albaada u furayo bakhaarada hubku ay yaalliin beelahana hubaynayo, Libyana noqonayso Jaxiim iyo Naar, wuxuuna sheegay inaan dhib dhicin.

Qaddafi ninkii dhaqankiisa yaqaan, waa nin ammaan jecel doonayana in magac walba oo wanaag tilmamaya ama lgu tuhmayo loogu yeero, waa aad u qabweyn ama isla weyn, sidaa darted waa Boqorka boqorada Afrika, waa Hoggoomiye Qaddafi, waa Mufakir Qaddaafi, waa Hal abuure iyo faylasuuf, dabcan astaamaha darbiyada ku dhaganee ku tusinaya ammaantiisa ayaa ciiddaan ka badan, kollay ninkii tagay ama ku soo noolaaday Libyana waan filaa inuu taa ka dharagsan yahay, amaba ay ku naqshadaysan tahay indhihiisa iyo laabtiisa.

Ammaan jecaylka Qaddafi waxaa u dheer xukun jacaylka, wadanka markuu qabsaday wuxuu badalay wax walba oo jiray, magacyada magaalooyinka magacayada bilaha iyo qaabka loo tiriyo, dhanka diinta waxyaabo badan oo aan halkan lagu faahfaahin Karin ayaa laga sheegaa oo uu aaminsan yahay, wax walba wuxuu ka dhigay midabka cagaarka ah, darbiyada galalka buugaagta iyo hoolalka shirarka, shaw dadkana hadduu cagaar ka dhigi karo wuu cagaarayn lahaa, mase u suuragalayso.

Qaddafi waxaa ka go’an inuu xukunka sii hayo si walba, sidaa darted wuxuu yiri: “haddaan ahay madaxweyne waan is casili lahaa ee ma ihi, Aniga waxaan ahay qaa’id iyo hogaamiye”, bal Adiga maxaad ka fahamtay hadalkaa? Laguma rabo ee na dhaaf ninka la leeyahay, ee ku jawaabaya Aniga waxaas ma ihi ee waxaan ahay waxaas si uu u sii joogo, taas kaliya ma ahan si xukunka uu u sii hayo wuxuu adeegsan xeelad walbuu awoodo, waxaa ugu horraysa inuu dadka isku gubo iskana hor keeno, cabsi iyo sasabasho intaba, gaar ahaan ilaa iminka beesha uu ka dhashay wax hadal ah lagama hayo dagaal iyo kacdoon warkiiba daa.

Mar wax laga weydiiyey in dagaal dhacay, Qaddafi wuxuu ku jawaabay in dagaal usan jirin ee ay jiraan kaliya ixtifalaad iyo isu soo baxyo faraxado ku salaysan, nin ka been badan wali ma aragteen!, taa kaliya ma aha ee wuxuu doonayaa in adduunka ka dhaadhiciyo inaan meeshaa waxba ka dhicin, muuqaal iyo maqal ayaana yaal, ee siduu ku doonayaa in looga yeelo in arintan uu dadka ka dhaadhici, waxaane halkan ku xusuyaa in Qaddaafi jiritaankiisa ay wax badan nooga hallaabeen, uuna kow ka yahay hogaamiyayaasha faraglinta ku haya Soomaaliya, xasuusta Aake Libyiankii wadanka caanka ka noqday.

Dagaal sokeeye:

Si uu u hirgaliyo sii joogistiisa wuxuu dalka galin doonaa dagaal sokooye, wuxuu halkaa kala mid yahay Maxamed Siyaad Barre, in kasta oo markii Maxamed Siyaad Barre dhacay uu dhihi jiray Qaqddafi, in kacaankaygu barakasyan yahay waxaad ku ogaan kartaan ninkii aan isku sanad qabsannay xukunka wu dhacay Anna wali wan joogaa, Qaddaafi way kaa hoos baxday wax qumman ma jiree waa ninba maalintiisa, ee maanta ma barakaysan tahay mise waa daroogiistayaal dadka kugu kacsan sida aad sheegtay?

Maxamed Siyaad markii laga saaray Villa Soomaaliya, wuxuu soo qaaday dagaal loogu magacdaray: “Ruugcaddaagii soo rogaalceli”, kuna doonayey inuu dib ugu qabsado xukunka, sidoo kale qaddafi wuxuu iminka adegsanayaa xeeladihii shalay ee Siyaad Barre, madaama uu Maxame Siyaad masuul ka ahaa dagaalka sokeeye ee uu dalku galay, maxaa yelay hadduu iskaga dagi lahaa xukunka dhibkan ma dhecen? In la igu khilaafase laga yaabee.

Sidoo kale, Qaddafi wuxuu diyaar u yahay intuu xukunka ka degi lahaa, in Libya gasho dagaal sokeeye, taasna wuu ka dhawaajiyey wiilkiisuna wuu adkeeyey, marka uu lahaa waxaan furayaa bakhaaradka hubka, waxaan hubaynayaa shacabka iyo beelaha wax kale ma ahan, aan ka ahayn in dagaal sokeeye dhoco, madaama wadanka qaab ahaan uu ku tiirsan yahay beelo iyo qabaa’iil aan waliba is waafaqsanayn, oo aad u kala fog dhiig iyo dhalyo ahaan, isugu jira Carab Afrikan iyo amazigh, waxaa kaloo jirta kala duwanaanta xagga diinta oo ay jiraan kooxo yar oo Yuhuud ah, iyana dhibkeeda ayey leedahay oo markii hore laga raacdeeyey wadanka.

Dagaalka sokeeye waxaa soo dadajinaya arimaha ay ka midka yihiin:

-Madax adaygga Qaddaafi.

-Dhismaha golaha sare, ee looga dhawaaqay bariga wadaka, iyadoon wali wadanka dhan gadacnta ku dhigin, ood mooddo in lagu degdegay, sidii dawladdii Manefesto oo kale.

-Qabaa’illada oo aan isfaham dhex oollin, oo qaab ahaan uu wadanku ku qotomo.

-Dunida oo billaydaw hawsheedii qaybi oo xun.

Ani ahaanse waxaa Libya iiga muuqda muuqaal aan soo marnay haddaan nahay Soomaali, waxaan daawanaya sidii ay u dhacday dawladdii Soomaaliya, qaab ahaan oo Libya iyana isla wadadii ku socota, taa kaliya ma ahan qaabka xitaa loo maareeyey dhibka, Manafesta Sulux iyo wixii la midka ahaa, qorshihii ay sameeyeen ayey la mid tahy golahan looga dhawaqay Benghazi.

Soomaaliya waxay Libya kala mid tahay, in Libya aysan ka jirin Axzaab siyaasadeed, qabaa’ilna u kala qaybsan yihiin, uusan jirin nidaam siyaasi ah oo wadanka hagi doono marxaladda kala guurka, sidoo kale waxaad arkaysaa maalmahan dhalinyaro gacanta ku dhigay hubka noocyadiisa kala duwan, da’duudu aysan ka weynayn labaatan jirro, taasoo kugu abuuraysa baqdin, kaliya ma aha ee waxaan soo xasuustay oraahdii ahayd: “Askari walba ha ku biro qabiilkiisa”, in kasta oo aan si cad loo dhihin waxay ka muuqata sida loo dhaqmayo iyo nolol maalmeedka.

Faragalin shisheeye:

Sida uu sheegay wiilka qaddaafi Libya lama mid ahan Tunis iyo Maser, oo kala mid ma ahan dhanka hannaanka siyaasadda oo axzaab siyaasadeed kama jiraan, kala mid ma ahan dhanka dhaqaalaha oo Libya waxaa ceegaaga shidaal iyo gaz adduunku danaynayo, kala mid ma ahan dhanka qaab dhismeedka bulshada, oo Libya waxay ku dhisan yahay qabaa’il, hubaal in dalalka Carabta dhan qabaa’ilku, balse sida ay uga jiraan ayaa kala duwan, sidaa darted qalaalasahan taagan wuxuu kenayaa inay timaaddo faragalin shisheeyey, gaar ahaan wadamada reer galbeedka.

Maxaa yeelay wadamaadaa shidaal badan sooma saaraan, mana doonayaan in shidaalku ku qaaliyooba, taa kaliya ma ahan yurub waxaa ku furmaya albaabka tahriibka oo ay laba sano ka nasatay, iyo waliba kooxo islaamiyiina oo xagjira inay u tallaabaan wadamada Yurub, si looga hortago arimahaa oo dhan ayey qasab tahay in faragalin ay ku sameeyaan reer galbeedku Libya, haddiise Libya ahaan lahayd sida wadamada qaar, hubaal inaysan yeelateen ihtimaamkan ay maanta ka heshay dunida.

Faragalinta reer galbedka isla markii waxaa laga muujiyey cabasho, waxaa digniin diray golaaha looga dhawaaqay Benghazi, oo shegay inaysan doonayn in faragalin lagu sameeyo wadankooda, sidoo kale waxaa isna ka hadlay madaxweynaha dalka Turkey-ga, oo sheegay in faragalin ay reer galbeedka ku sameeyaan Libya, ay keeni karto sii kala fogaasho dhex marta wadamada Muslinka iyo reer galbeedka, wuxuuna xusuusiyey dakanadii Iraq iyo Afganistan inay wali tagan tahay, oo aysan habboonayn in boog kale la dillaaciyo, su’aashu waxay tahay yaa dhagaysn doona xigmaddaan?

Faragalinta inay billaabatay waxaa daliil kuugu ah, dadkan lagu qabtay magaalada Benghazi ee u dhashay wadanka Britain, oo ilaa hadda aan la garanyn waxa ay yihiin, waxaase loo badinayaa inay yihiin jawaasis iyo sirdoon wadanka ku soo galay si sharci darro ah, in kastoo wadanka xuduudihiisu iska furan yihiin, haddana deg degga intaa la eg wuxuu kuu muujinaya hawsha socota baaxaddeeda inta ay la eg tahay.

Maalmahaan waxaa lagu hawlan yahay sidii loo samayn lahaa, dhul ka caagan diyaaradaha ka amar qaata Qaddafi, qorshahaan waxaa wada dawladaha Britain iyo Franca, sidoo kale waxaa gaashaanbuurta NATO wadaan qorshe faragalin military ah, cabsi badanse laga qabo, maadaama wali ay lugaha kula jiraan dhiiqada Afghanistan, xalna aysan ka keenin mudda 8 sano ku dhaw, taas kaliya ma ahan ee Maraykanku wuxuu ka caga jiidayaa faragalintaa, waxaase dabada ka riixaya Midawga Yurub.

Soomaalida Libya:

Dad badan ayaa filaya ama aamisan in Soomalida Libya joogta ay yihiin Tahriibayaal kaliya, sidaa ma ahan xaalku, waxay isugu jiraan Arday wax barata wadanka, waxaan ka xusi karaa arday Master u timid oo ka socotay Jaamacadda Muqdisho, oo ilaa iminka ku sugan gudaha Libya, sidoo kale waxaa jir xirfadley ka shaqaysata wadanka,, qaarkood u shaqeeyaan shirakaha shidaalka qoda, waxaa kaloo jira qoysas ay dalwadda Libya magangalyo siisay xilli laga soo musaafirinayey dalka Sucuudiga, ujeedkuna ahaa xurguf kala dhexesay sucuudiga, ee uma soo dhawayn jacayl uu Soomaali u qabo, inta soo hartay ayaa ah Tahriibayaal ku gu’doomay Libya ka gadal markii la joojiyey doomihii lagu soo bixi jiray.

Qaybahaa kala duwan ee aan soo sheegnay, dhammaan maanta waxay qarka u saaran yihiin qatar weyn, maxaa yeelay dagaalada Libya ka dillaacay ma ahan mid lagu kala soocayo Arday shaqaale iyo marti, haddaad madaw tahay waxaaba ku beegsanaya labada qoloba, kooxda Qaddafi waxay kugu qasbayaan inaad xabadda u riddo ood dadka u layso, qolyaha kalana waxay kugu dilayaan il iyo aragti, Iyagoo aaminsan in qof kasta oo madow uu dagaalka ku jiro, waxaa taa ka sii wada muhimsan caqliyadda shacabka Libya oo aan dadka madoobi qiimo ka lahayn agtooda, tan waxaa ogaan kara ninkii ku soo dhex noolaaday ama soo maray.

Maraan la xiriiray sargaal ka shaqeeya safaaradda Soomaalidu ku leedahay Tripoli, wuxuu ii sheegay inay qayldhaan u direen dawladda Soomaalida, Jaamacadda Carabta iyo hay’adaha UN-ka, si dadkan xal loogu helo, walina ay jawaab sugayaal yihiin, hubaal in dadkaa maanta u baahan yihiin gacan weyn oo loo fidiyo dawlad iyo shacabba, maxaa yeelay meesha ay joogaan waa meel aad qatar u ah, dhan walba marka laga eego.

Ugu dambayn, dadka dhibkani haysto wax looma qaban, marka laga reebo hadallo kuturi kuteen ah oo maeegrayada qaarkood lagu daabacay, sal iyo raadna aan lahayn, isugu jira hadallo been abuur ah iyo ballanqaadyo aan jirin, sidaa darted waxaa habboon in dadka caynkaa u dhaqmaya ay ka waantoobaan arintaa, oo aysan dadka wadnaha farta ku haya aysan walwal kale ku sii abuurin.

 

March, 2011.

 

Bashiir M. Xersi 

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s