Soomaaliya: Dal Dad waayey!

Image

Dabayaaqadii sanadkii 2009-ka ayaan qoray qormo aan ugu magac daray: “Somalia: Wadankii Adduunku Dayacay!”, oon ku muujiyey sida dunidu uga sii jeesatay Soomaaliya, kuna tusaaleeyey sida Soomaaliya looga dheeliyey, Anoo ku xusay faragalintii loogu magac daray:”Rajo soo celinta”, markii dambase ku idlaatay fashal iyo fiidgurasho, qormadaa oo ku salaysnayd dhacdooyin markaa si xawli ah uga socday wadanka walina taagan, ayaa aqriste farriin iiga soo celiyey yirina: “Wadankii dadkiisa dayacay”, hubaal inay ahayd aragti bisil, balaan maanta la jeexjeexo aqristaha aragtidaa.

Buug ayaa magaciisu ahaa: “Dad dad waayey iyo duni damiir beeshay”, uuna qoray: Maxamed Daahir Afrax, buuggan oo daabacaddiisu hore ay soo baxday sanadkii 2002-dii, ayaa lagu soo bandhigay shirkii Kenya ka dhacay sanadkii 2004-tii, abkay qabqable qulaantay ka yeersheen waa loo wada jeegay, shaw taasi waxay muujinaysay xogta uu buuggu xambaarsanaa, mise Xabashida ayaa sidaa fartay, siday tahayba hubaal in falcelintaasi buugga ugu filnayd maamuus, ugu yaraan inuu ku helay shacbiyadda dadweynaha.

Dumustii dawladda ka dib Burburkii dalka ka dhacay, waxaad mooddaa inaan qofna ka badbaadin, dhan walbana saameeyey, sida ku muuqata dhacdooyin maalimeedka, ama ka muuqata habdhaqan maalmeedka dadka, yaraantaydii waxaan maqli jiray araah dhahaysa: “Yuhuuddu waa Dad aan Dal lahayn, Falastiinna waa Dal aan Dad lahayn” hubaal in arartu ku baxday habdhaqanka labada umad, ee aan midna la dhalan tilmaamta lagu suntay, haddaanse isku eegno aragtidaa maanta Inaga Soomaali ah ayaa ku sifaysnayn.

Maanta xaalka dalku ku sugan yahay maarkaad eegto, waxaa kuu caddaan in oraahdaasi Anaga na qusayso, haba loo baxsho dad naga fog oon deegaan iyo duggaal midna wadaagin, haddana mar walba waxaa muhim ah iswaafaqa dabeecadaha iyo dayaca jira, isma dhaamin jaahil aqqoonyahan, kali iyo wadar, rag iyo dumar, yar iyo weyn, muruqmaal iyo maalleey, wadaad iyo waranle, beelo iyo ururro, dhammaan waxaa dubbaha loo wada qaatay sidii loo dumin lahaa dalka, bililiqadii iyo boobkii dhacay waxaa ka dhashay bernaan iyo baabnaan.

Qormadu kuma ekaan doonto tilmaam guud, waxaan isku dayeynaa inaan dadka qaarkiis magacooda xusno, sidaa darted yaan loo qaadan in dadkaa dan gaar ah laga leeyahay, sidaa waxaan u leeyahay qormada taxana ah ee: “Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey” ayaa dhaliilo iga soo gaareen, aanse ku billaabo mudane: Cali Mahdi Maxamed, oo Isagu masuul ka ahaa suntii lagu shubay xeebaha Soomaaliya walina lagu qubayo, heshiiskaas dhagareed Isaga ayaa qalinka ku duugay, xilligii uu ahaa madaxweynaha burburkii ka dib.

Suntaa dhibaatada ay u gaysan deegaanka bii’ada iyo noolaha(dadka iyo xayawaanka) waan filaa inay tahay mid la wada dareemi karo, haddana si xilkasnimo iyo xishoodnimo la’aan ah ayuu ugu dhaqaaqay falkaa, laguma faquuqin inuu dadka sumeeyey ee waaba lala saftay, qabiil ahaan ayuu ku helay taageero iyo tikniko, isla kuwa tagoognimada ugu tabarucay ayuu dhibku taabanayaa, waxgarad la’aanta Soomaali haysta ayey qayb ka tahay loomase garan sidaa.

Kaligii ma ahan ee liisku wuu dheeryahay, qabqablayaasha u adeega xabashida ee hubka ka soo qaata, si ay u laayaan dad aan waxba galabsan ama u burburiya hanti tacabkeeda lagu daalay, sida: Muuse Suudi, Maxamed Dheere, Cumar Finish, Maxamed Qanyare, …. iyo guud ahaan bahdii Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, dhammaan waxay ku midays naayeen kaalidda Xabashida, si kale haddaan u dhoho waa xerta Xabashida.

C/laahi Yuusuf Isagu waxuuu koobka ku qaaday laynta dadka, ninba dhan u badi waayoo, wixii qabqable wadanka soo maray nin ku gaara layn shacab la waa, halkan yaanan illoobin saaxiibkiis Geeddi la soo gamay, malaha kan dambe ayaaba uga dheereeyey guhaadka caynkaa ah, wuxuu yahayba waxaa ayaandarro ah inay wali jiraan daduu shirshirinayo oo u xeraysan, waxaaba ka sii daran inuu wali rajo ka qabo inuu Soomaaliya dib u xukumo, way dhici kartaa oo dadkeenna ayaan aqaan, xildhibaan calooshi u shaqaystaa shilimaad la siiyo diidi maayo, waxmagarad qabiil ku taageeana waayi maayo.

Qabqalayaashu badan, aanse dhanka madaniyiinta bal jalleecno gaar ahaan siyaasiyiinta, mid walba wuxuu wataa qandi aan buuxsamin, ayba u sii dheer tahay dhabarjabin qorshe walba oo nabadeed, wax tar la’aan waxaa ku caan baxay C/qaasim Salaad Xasan “Xerameerte”, wuxuu horseed u ahaa sicirbarkii “Cabdi gaajo” loogu baxshay, walina aan dhammaan xilli uu dhammaanayana aan la garanayn, mooraduu ootay ayuu ka dhex qayliyaa wali, xigmad iyo xeelad la’aan, shisheeye eedayn ayuu hadalkiisa ku soo ururshay, malaha wuxuu cuqdad u qabaa dunida qaarkeed, balse kuwii kaashka kumanaanka ah siiyeyna ma la collaysan yahay?

Ganacsata xaaraan ku naaxayaasha ah, gafane iyo dhiig jaqayaasha ah, ee dalka keena dawo iyo cunta dhacday, dabeedna dadka lacag qaali ah kaga sii iibiya, waa laba dhib waa maroo nafci ma iibin, waa marka labaade qarsh ayey ayey ku bedesheen, labada marbana waa dhib, daris ku noolayaal aan diirnaxa lahayn dheh, hal kii shilin inuu shilimaad u dhalo ayey rabaan, waxaaba ka sii daran qaarkood hantidii umadda ayey isaga ganacsadaan, ayna u sii dheer tahay inayba qayb ka yihiin colaaddan looa caal waayey, iyagoo waliba gargaarka dhibbnayaasha suuqyada ku iibsada.

Ururada diimiga ah sida: Alshabaab iyo Ahlusunna laba waji oo hal lacagi leedahay dheh, midka hore wuxuu ku xiran yahay ururweynaha Alqaacidda, mana la gambado oo si cad ayuu u sheegaa, kan xiga wuxuu qandiga ugu jiraa Xabashi, wuxuuna ka mid yahay warqadaha ay ku ciyaari doonta marxaladaha soo socda, maadaama ay iyadu dhistay maalgalisay hubaysana, masuulna ka ahayd shirkii Addis Ababa, dabcan fulintiisa iyo dabajooggiisana xil ka saran yahay.

Wadaadada qayb ka mid ah waxay ku mashquulsan yihiin nijaaso iyo naasnuujinta dadka waaweyn, qaar kale waxay ku mashquulsan yihiin laynta dadka iyo cuuryaaminta dhallinyarada, qaar kale waxay ku mashquulsan yihiin siday qayb uga heli lahaayeen kuraasta xukuumadda, qayb kale waxay ku mashquulsan yihiin siyaaro iyo xadro, oo waxa dhacayaba war uma hayaan, shaw caalam kale ayey ku nool yihiin, qaar kale waxay ku mashquulsan yihiin dhalanraggo dhallinta iyo dhaayotirkooda, qaar kale waxay ku mashquulsan yihiin argagixiso ururin iyo siday arlada ugu aasi lahaayeen.

Iskuulaadka macaahidda iyo jaamacaadka waxbarshada waxaa hogaanka u haya rag ku xiran Carabta, ubadkana ku anqariya sunta Carabta, natiijadeedana maanta la hayo oo ah isqarxin iyo ismiidaamin, goobaha waxbarashada waxaa taakuleeyo wadamada Carabta, ujeedku ma ahan jacayl ay Soomaali u qabaan ee waa beerista miro waxyeello, ninkuu shaki uga jiro ha eego wadaada dhallaanrogga iyo dhallinta halaagga, waxay ku wada arooraan xerta Carabtee hiliq ka tiri sunta Carabta.

Beryahaan waxaa ku soo badanaya gayiga Soomaalida dawlad beeleedyada, oodba mooddo in beeshaan dawlad lahayn aysan noolaan Karin, Somaliland, Puntland, SSCland, Galmudug state, Ximan iyo xeeb, Hiranland, Waax iyo waadi oo dhisan, banadirlanad, jubbalanad, Bay iyo Bakoolland Gedoland oo jidka ku soo jira, iyo dabcan kuwo kaloo la filan karo aanse hadda magac ahaan u jirin, goobayntaan waxay ka turjumaysaa dadnimaxumada jirta intay gaarsiisan tahay, iyo inay qayb ka tahay mashruuca kala googoynta gayiga Soomaalida, beelaha mar dagaal marna degmayn.

Wariyayaal beel u gayfan iyo warbaahin qabyaaladaysan ayaa dadka hoojisay, waxay u dhisan yihiin fidno abuurid ama kicin colaad, qalinkii xoriyaddu wuxuu noqday qori xeeladaysan, qabiil iyo qabyaalad u qiildaya, Colaad huriyaashu badan, mid af ku afuufa (wariye, fannaan iyo murtimaal) mid aake ku holciyoo nafta u hura (efenteri iyo sacabooleeyey) iyo mid hanti ku harqiya(hantiile).

Qorbajoog qabow iyo qoraxi dhuuxood dhex qaadday, ayaa ka mid ah dadka in la xuso mudan, dad badan waxay rumaysan yihiin inay qayb weyn ka yihiin dhibaatada Soomaaliya, bal dib u eeg inta goor ee Walad Abdalla waraaq u qoray iyaga kaliya, dalka gudahiisa dadka jooga maxay dheer yihiin? Ma xasuusataan isagoo shacabka Soomaaliyeed wali waraaq u qoray? Waxaa lagu macneeyey farriimaha isdaba joogga ahaa ee ku wajahnaa qurbojoogta, inay yihiin qaablaawayaal quluub Soomaalinimo ka quwaaxday, mar walba u qiildaya qarribka quwadaha waaweyn u qoolayaan dalka.

Qabqable aan qalin qaadan la garay, wadaad madaxa cimaamadi ugu xiran tohoo xerow xelqojooga ahna la garay, ee miyaad filayseen in aqoonyahan sheegatada falalka qaarkood ka suuragali lahaa? Waxaan uga jeedaa sawiradii maalmahaan lagu soo bandhigay qalabka warbaahinta, ee muujinayey Farmoojood moodda arday argagaxan oo imtixaan afka ah(oral) laga qaadayo, ama agoon reer uusan garanyn loo gaynayo, wuu baal qoynaa barbaradaba ma eegin, ninku ma iska soo soofay markuu xilka soo doontay mise sir qarsoon ayuu u yimid?

Hubaal in geeljiruhu uusan raacayn Geel aan summad lahayn, maxaa yeelay wax walba waxay u baahan yihiin wax ka sooca walxaha kale, waxlaha aan muuqan waxaa lagu soocaa: qeexiddaa, walxaha muuqdana waxaa lagu soocaa: magaca tilmaamta iyo astaanta, sidaa darted qawsaarku xoolaha uu soofinayo waa inuu u yeeshaa astaan u gaar ah oon lala wadaagin, si aan loogu qabsan muranna looga galin xoolihiisa, haddaa Farmoojo geeljirana ma ka garashao gaabshay? Hubaal in geeljiruhu uusan waxba ka qoon hannaan dawlad iyo maamul, haddana uusan yeelayn xoolahaaga astaan la’aan daaqsin gee.

Farmaajo wuxuu qaaday record-ka habqanka iyo yaacsanaanta, waxaan la yaabanaa Sheekh Shariif markuu ka qaybgalayo shirraka, waxaanse lahaa wuxuu ku cusub yahay hannaanka siyaasadda iyo seeraheeda hoose, waxaanse qaadan waayey siduu u dhaqmay ninkii aqoon yahanka lagu sheegay, aqoontadii ma sidaan ayey noqotay? Aqooneey xaal qaado!, mise waa qorshe uu ogaa oo fulintiisa New York u tagay, markii horana uba yimid, hadday taasi jirto dhaliisha aan si kale u dhigo, waa dhagarqabee umadda dhayatirayee hallaga gaaro oo gees halla galiyo inta uusan ku gaamurin, haddii kale hadhaw lama siiba karo ama kicintiisa ayaa qarash ku baxayaa sidii Ina Sharmarke.

Alshabaab waxaa in badan lagu eedeeyey inay astantii qaranka meel uga dhacday, oo ku badashay calal madaw oo aan la garanayn meeluu ka yimid, Alshabaab waaba caddaystay inaysan shuqul ku lahayn astaan Soomaalinimo iyo aayaheeda toona, waxaase la yaab leh marka masuulka ugu sarreeya xukuumadda shir ka qaybgalayo ee kulamada ka soo muuqdo isagoon astaan lahayn, garabkiisana uu yaallo astaan dal ama urur kale, tolow tan maxaa lagu tilmaami karaa? Jawaabta aan idiin daayo.

Warku yuusan ila dheeraan, dulucda qormaduna ila durgine, tusaalooyinka aan soo sheegay markaad eegto ee isugu jira dad iyo dhacdooyin, waxaad garan in cinwaanka qormadu uusan iska dhalan, ahaynna Soomaali iska dhaliiloo eed u jeedi kaliya, balse uu ku qotomo xaqiiqooyin biyo kama dhibcaan ah, sida loo doorsoomay ayaa dalkiina dad la’aan u noqday, la kala roonaa waa, sida gibilka la isaga egyahay ayaa gudahana la isaga ekaaday, waxaan uga jeedaa: diirkii iyo damiirkii ayaa isku mid noqday.

Ugu dambayn Soomaaliya Dal Dad waayey dheh, ma yahay dal dad weyn kara? Maya, khayraadka badda dhex cegagaa, xeebtaa dhiririka badan ee ku meeran dalka, xoolo cayn walba leh, duurjoog dabjoog iyo ugaar, beeraha la beertiyo berrin mira ka baxaan, cimilada wanaagsan ee aan kulayl iyo qabow daran midna lahayn, buuro ceeryaamo badan iyo bannaan gawaana aan lahayn, sidaa oo ay tahay haddana wuxuu noqday dal dad waayey, dadkiisaase dayacay ee miyuu mudan yahay in la dayaco?

 

January, 2011

 

Bashir M. Hersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s