Waqti kordhisashada Baarlamaanka: Waalida Wadarta.

Image

Baarlamaanka dawladda Islaamiga ah wuxuu ka kooban yahay 550 xildoon(xildhibaan), xilligii dawladdii dalladda qabqablayaasha ee C/laahi Yuusufna ahaa 275 xildoon “Xildhibaan”, tira kordhinta waxaa keenay awood qaybsigii shirkii Djibouti, ee dhexmaray habqankii Islaanka iyo haraadigii dawladdii Empegathi, wuxuuna noqday baarlamaanka adduunka ugu tirada badan, caadi ahaan dunida waxay leedahay laba gole, kuwani hal gole ayey ku dhaafeen dawladda adduunka ugu awoodda badan oo ah Maraykanka.

Tiradan badan ee baarlmaanka waxay ka qayb ka tahay hagardaamooyinka dawladda Djibouti Soomaali ku waddo, ila xasuusta waxaa lagu soo dhisay dawladdi sababta u ahayd dagaalka sokeeye ee koofurta, ee uu madaxd ka ahaa Cali Mahdi, loogana baaqsaday in lagu fuliyo is afgaradkii Mustaxiil, shirkii xigay waxay ku hirgalisay xeer gumeedka 4.5, ee lagu jaangooyey awood qaybsiga dawladda, midda xigtana waa tira badnayaashan lagu soo ansixiyey dalkeeda, waxaan u badaniyaa haddii dal kale lagu qaban lahaa shirkaa inaan la meelmariyeen tirada intaa la eg, balse walaaltinimada Djibouti Soomaali la garab taagan tahay waxay noqotay, inay maalinba qar ka sii tuurto.

Ani ahaan Baarlamaankan waxaan ugu yeeraa: “Tira badne Tayo Yare”, sida uu u tira badan yahay uma nacfi badna, caadi ahaan wixii badan waxaa lagu yaqaan waxtar iyo wax ku ool, isaguse siduu u batay ayuu u nuxur beelay, tira badnida waxaa dhilayey in: “Qof walba iska dhex arko, qolo walbana lagu qubo!”, lamase dhihin tirada badan qarash xaggee looga keenayaa? Mushaar xaggee looga keenayaa? Dhaqaale xaggee looga keenayaa? Dhanka kale dunida inay doc faruur waddo ma dhihin tiradan badan biil uma haynno, ee dhaqaalihii masaakiinta dhibaataysnaa loogu tala galay ayey xaaran cunayaashaa siinayaan.

Guddoonkiisa waxaa isaga dabamaray laba mudane oo aan wax qorin waxna aqrin, waa Shariif Sakiin iyo Aadan Madoobe, midka hore hargaha iyo saamaha ayuu ka ganacsan jiray, haddana wuxuu ka ganacsadaa siyaasadda qarbudka iyo qaybinta, kan dambana Xersi ayuu goyn jiray, haddana wuxuu xersiga u gooyaa xerta Xabashida, tabartaa ayeyna rabaan inay umad ku hoggaanshaan, mayalkana u qabtaan dad iyo dal, adduunoow xaalkaa ba’, jahligu kuma sinna madaxda kaliya, ee waxaa la wadaaga xubnaha kale ee baarlamaanka, dhammaan waxaa lagu soo xulay qaab qabiil iyo diimeed, waxaana soo xulay qabqable iyo odaw colaad, wax ha aqoon waa mudnaanta koowaad ee doorashada, kuwooda wax yaqaanana waa calooshood u shaqaystayaal.

Maahmaah ayaa dhahaysa: “Weel walba waxaa ka fiixa wixii ku jira”, tira badnida baarlamaanka tayo la’aantiisa ay wehliso, jahliga ay la gardhuuban yihiin ama la fatashaari weyn yihiin, hoggaan xumida haysta iyaga iyo guud ahaan Soomaaliba, waxaa ka dhashay go’aankii ay ku kordhisteen waqtiga, oo ku ekaa bisha August ee soo socota, hindisidda tallaabadan waxaa ka dambeeyey Shariif Sakiin, oo isagu xilliyadii dambe waday olole uu ku doonayey inuu mar madaxweyne noqdo, si taa uu u hirgaliyo wuxuu meelmariyey xil kordhinta baarlamaanka, si uusan meel cidla ah ugu soo dhicin berri.

Waqti kordhisashada baarlamaanka: waalida wadarta wax aan ahayn laguma tilmaamo uma hayo, hubaal inaysan ahayn wax lala yaabo, inaysan ahayn filan waa, inaysan ahayn wax lala amakaago, inaysan ahayn wax la qaadan waayo, sababtoo ah Shariif Sakiin sida uu wax u waday maalmahan waa u ekeed inuu ceebtaan oo kale ku dhaqaaqayo, tan kale ma yahay horta nin sarriigta ama is dhawra? Dhanka kale codaynta waxaa ka soo qaybgalay tiradii ugu badnayd abid, buuq sawaxan iyo isqabqabsi midna ma dhicin, feer iyo haraati warkeedba daa, oo kuu muujinaysa sida ay ugu hamuun qabaan inay xilka sii hayaan, doqonimose awal shaar sharci ayeyba huwanaayeen haddase waa iska xooreen.

Waalida wadarta hadda ma billaaban, waxayse soo socotay muddo, waxay qayb ka tahay mashruuca lagu hirgaliyey Djibouti, maxaa yeelay waalli ka weyn ma jirto in awood qaybsiga siyaasadeed lagu saleeyo beelaysi, iyo tirida badan ee xubnaha baarlamaanka, waallidaa sidaan looga dhiilloon ayaan kanna looga dhiilloon doonin, laga yaabeese in kan hore qiil loo yeelo, maadaama Soomaalida dhan qabiil la wada bugto, kan damabana la igu raaco inay waalli tahay, aanse runta isu sheegnee maxay ku kula duwan yihiin labada waalli?

Waalida wadarta kuma sinna taa kaliya, ila eega wadaadada diinta darajo adduun ku raadinaya, Islaamkii 2006-dii soo galay muqdisha iyo hareeraheeda maxaa laga dhaxlay? Maxaa ka dhashay? Saw waalli wadareed ma ahayn falalkii diin ku sheegga ahaa ee wadaada? Ma wada yaqiin sateen in diintii shalay daarta xukunka loogu dugaalayey? Xildhibaannimo iyo xaraan cunnimo dhanka kuwa dawladda ku biiray, dil dad nool duugid iyo barakacin kuwa wali shaar diimeedka wata, dhammaan marka aad isku soo duubto waxay kuu muujinee waalida wadarta, iyo sida loogu wada xusul duubayo xilqabashada iyo sii xajinteeda.

Go’aankii baarlamaanku ku kordhistay waqtiga, waxaa ka dhashay qaylodhaan ka timid gudaha iyo dibadda dalka, waxaa si cad u dhaliilay wadamada Maraykanka Ingiriiska, Faransiiska, Noeway, Talyaaniga, Qaramada midoobay, midawga Afrika iyo urur goboleedka IGAD, si gaar ah ergaga gaarka ah ee qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa isaguna si cad u diiday xil kordhisashada wadarta waallida, dawladahaa iyo ururadaa waxay hoosta ka xarriiqeen in go’aankii baarlamaanku xilka ku kordhistay uu ahaa go’aan gurracan, oo aan u danayn dalka iyo dalka, waa siday hadalka u dhigeene, aan weydiin dhigo kalane: tira badnidiisa maxay wax uga dhihi la’yihiin tolow?

Sidoo kale waxaa gaashaanka u daruuray maamulka Puntland, oo ku tilmamay sharcidarro iyo garabmarid axdiga ku meel gaarka ah, maadaaama maalmahaan la waday qoshe Faroole uu ku doonayey inuu madaxweyne noqdo, lagana yaabo in tallaabada kordhinta waqtiga baarlamaanka ay wax ka badasho dheelitirka garbyada baarlamaanka, dhankooda waxaa iyana diidmo kala horyimid Golaha Odayaasha Beelaha Hawiye “Af ka noolayaal”, kuma sinna beelaha ee dariiqada Ahlusunna bahdawaagta dawladda “Xerta Xabashida xilligan” ayaa iyaguna dhankooda ka mucaaraday go’aanka.

La yaabka ma ahan falka siduu u dhacay, ee waxaa iga sii yaabshay mudane ka hadlay oo yiri: “Go’aanka baarlamaanka cid ka hadli kartaa ma jirto, waa hay’adda ugu sarraysa ee sharci dajinta”, sax in baarlamaanku yahay hay’adda sharci dajinta ee ugu sarraysa dalka, sax inuu yahay golaha shacabka ee xeerarka iyo qawaaniinta lagu ansixoyo, sax inuu yahay hay’ad sumacad iyo muumuus mudan, mudanahanse yaa xaq u siiyey inuu dadka afka ka wada qabto, uuna yiraa go’aanka baarlamaanka lagama hadli karo, ma qaladkeenna yaan laga hadlinbaa? Mise waa maba qaldanno? Miday tahayba inay waalli tahay ma ila aragtaan? Oo aanan cinwaanka faalladu iska bixin.

Waxaa intaa dhan isku fuuqsaday taageerada golaha Farmaajo siiyeen go’aanka waalida, kal fadhi ay isugu yimaadeen golaha Farmaajo ayaa lagu taageeray go’aanka waalida ee baarlamaanku gaaray, sidaana waxay ku noqonaysaa jihada kaliya ee taageertay go’aanka waalida, haddaba maxay u taageereen? Ma iyana waxay doonayaan inay sadax sano ku darsadaan? Mise sallaxaad kaloo qarsoon ayey kaga jeedeen? Micnaha taageerada waxay ugu dhawaanayaan Shariif Sakiin, miday noqotaba waalida wadarta iga dheh iyana, waxaanse dhihi lahaa dadkii Farmaajo u jadbaysnaa eegaa meshuu wax dhigay.

Waalida wadarta baarlamaanka waxay noo muujin dhaqan qardajeexa Soomaali ka hirgalay, heerkan hirigta ahna soo gaarsiiyey, inaan xeer iyo axdi la tixgalin ha qalloocnaado ama ha toosnaadee, kolley ninkaan tixgalin mid qalloocan ilama ahan inuu ilaalinayo mid toosan, oo dhaqan ahaan kan qumman ayaa dhib badan, ilaalintiisuna u baahan tahay dhabar adayg iyo sabar badan, firxadka iyo kala dambayn la’aantantan wax lagu tilmaamo lama yaqaan, waa in afka erayo cusub lagu soo biiriyaa, si loogu baxsho dhaqamada caykan oo kale ah.

Markuu laashunka lahaa: “Nin Dooran Doorta xaw Dhahdeen Dadkana Xaw Danbaajiseen”, wuxuu diidanaa in dadka la daaliyo, oo loo dareeriyo nin si walba u dooran doorashadiis, shaw kuwani waxayba dhaqangaliyeen talada laashinkaa, oo waxay jojiyeen dhaqaalo ku baxa shir la qabto iyo ergo la soo daadgureeyo, iyagoon qofna daalin dhaqaalana ka bixin ayey xilka kordhisteen, aanse si kale u wareejiyee ha korshistaan ma xumee, baarlamaanku horta ma ku salaysan yahay awood qaybsiga beelaha? Maya, waxaa ka buuxa wadaaddo ku soo galay Diin, haddaba kuwaa waa in xalgaara loo helaa.

Waaliada wadarta ee baarlamaanka waa ceebta nolasha, waa foolxumada sabanka, waa qaabdarrada qarniga, waa qaladkii qaladka, waa iinta unugxumada, waxa dhacay waxay xaqiijinaysaa sida loo bahaloobay, waliba aan looga sarriigayn in la sameeyey wax qaldan, balaan dabcinno oo aan eegno nimanka wanaaggooda, wax ma qaban maxaa loo leeyahay habeen iyo maalin maba nastaane, waxay u soo jeedaan wax u qabashada umadda Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan waxay isla dhacaan kuraas iyo budad, waxay isu adegsadaan iyo feer iyo faralaab.

Baarlamaanku wax weyn ayuu Soomaali u qabtay, sida uu u yahay hay’adda ugu sarraysa ee sharcidajinta, ayuu Soomaali u jideeyey in qof walbaa xeer iska dajisan karo, waliba mudda xil hayntiisa uu ku darsan karo, sharcigaa wanaagsan ayeyba noo dajiyeen noona hirgaliyeen, ee maxaa loo yeehay wax ma qaban ama wax qabtaan, waxay qabtaan waxaa ugu muhimsan mooshinnada ay ka doodaan oo ay saldhig u tahay, yaa qarash badan wata oo loo codeeya, hadduusanba qarash wadan lama soo bandhigaba in la xusaastaana waa dambi, taa waxaa kuu caddayn codayntii u dambaysay.

Xubnaha baarlamaanku waxay aad ugu faradhuudhuuban yihiin dhisidda turxaan bixinta iyo soo diyaarinta mooshinnada lagu rido madaxda dawladda, waxay ku xeeldheer yihiin habaynta qorshayaasha lagu majaxaabinayo masuul dawladda ka tirsan, waxaana shidaal u ah caleenta cagaaran(qaadka) ee canka lagu kuuso, shilmaad dhawra oo loo sheego ama shanta laga galiyo si ay shanta berri u taagaan!, waxay xarfaan ku yihiin dawarsiga shisheeyaha, waxaan laga weyn safaaradaha dawladaha dunida ee ku yaal dalalka dariska nala ah, iyagoo quud darraynaya in la siiyo dal ku gal ay iibsadaan.

Ugu dambayn, jahliga hoggaan xumida iyo tira badnida oo isbiirsaday, waxaa ka dhashay jid iyo jiha la’aan, waxaa ka dhashay dhuuni raacyo iyo dabqaaqamayaal, aan aqoon wax aan ka ahayn beeso bashqad ku jirta, dhibka weyni wuxuu dhacay markuu hoggaanka baarlamaanku noqdey hoog soomaali ku habsaday, maxaa yeelay Shariif Sakiin isaga ayaa Aabbe u ah isku dhexyaacaan ka taagan baarlamaanka, maadaama uu xoogaa beesa ah urursaday, uuna doonayo siduu ku noqon lahaa madaxweyne.

Is biirsiga sadaxdan waxay dhaawacweyn u gaysteen hannaanka sharci dajinta Soomaalida, waxaa la wada rumaysan yahay inaysanba wali wax sharci ah dajin, aan ka ahayn miday wax ku duminayaan ama wax ku yeelayaan, iyadoo dhibkaa lagu qabo ayey maanta ku darsadeen xil kororsi, waa “ka Dar oo Dibi dhal”, xilkan qabsannay mana ka dagaynno inta aan ka gaaraynno ujeedkeenna, dabcan waxaa ku hoos lammaansan in Soomaali oo dhan la qabsaday, awal miyaan la haysan yaa la is weydiin karaa? Hubaal balse tani ka duwan kuwii hore, una dheer tahay qabsiga kale inuu ku yimid xoog iyo hub, kanse sharci ayaa lagu sheegayaa.

Baarlamaanka waalida dhaqaalaha waxaa ku gargaara WFP, su’aashu waxay tahay shalay qaladka tira badnida iyagaa ku biilayee go’aankan gurracan ka dib biilku ma sii socon doonaa? Hadday dhacdo Soomaalaay ogaada in sheekadu tahay qasku ha socdo, nin walba wuxuu doonayo ha sameeyo taageero ma weynayee, ee inta damiirka lahaaw kaca oo ka dhiidhiya waallidan laga yaabo inay taageero dhaqaale hesho, hoogga Sharif Sakiin dalka u horseedayo ha laga hortago, kaligiis ma ahan ee inta isaga la midka ah sida: Faroole, Siilaanyo, Godane, Shangole, Xasan Dahir, Rooboow IWM.

Waxaan ku soo afmeerayaa faallada meerisyo ka mid ah Heestii kooxda “Qayladhaan” ee hal ku dhaggeedu ahaa: “Xildhibaanimooy xaal qaado”, waana ku wan:

 

Xildhibaanimooy xaal qaado
Xushmad baa lagaa doonayaa
Haddaad xildhibaan tahaye
Xeerkood ilaalisaa haboon
Iyo xumaha ood diiddo
Qaaraan xilkaba qaadi karin
Yaab baa la soo xulaye.
 
Xildhibaanimooy xaal qaado
 
Xeebaha kuwii iibsadoo
Waliba xuurstaysan
Ayaa xilka gaar naga hayoo
xeerna kuu qabane
Dadka Kuwii xasuuqaa ku jira
Kuwii xumaan dhigaye
Xabaddoo dhacaysay rabaan
Xoolo booliyehe.
 
Xildhibaanimooy xaal qaado
 
Amisom bay xayndaab ugu jiraan
Xerayodoo oodan
Xabbaduhu waxay dilaan
Maalintii maato xoog darane
Xinjiraha shacabkay daadiyaan
Kuna xashaashaane
Xaafad quray kuwada nool yihiin
Xamartii weyneyde.
 
Xildhibaanimooy xaal qaado
 
Xafafka nabarada qarsoon
Xanafta noo laaban
Xaalufka iyagaa noogu wacan
Xiisadaha taagan
Xaquuqul Adankay jabshaan
Xeer ma dhawraane
Xurmo malaha ruuxii dad yahaw
Xaaraan ku naaxaaye.
 
Xildhibaanimooy xaal qaado
 
Illaa ay laaluush xaabsadaan
Xukun ma gooyaane
Xarbigu inuu sii socday daanayaan
Tan iyo xiixaaye
Xaqir bay naga dhigahayaan
Annagoo dawlad xoog badana.
 
Baarlamaan xoraan doonaynaa
Xiisa loo qabaan doonaynaa
Xaq inaad leedihiin dadweynow
Xukunku ha ogaado
Xaafadaha ka soo wada boxoo
Sheegta xubintiinna
Oo xamaasada kacshoo
Xiisa ololeeya
Ilaa aad xaqiinnii heshaan
Yaan la xagaldaacin.
 
Xildhibaanimoow xaal qaado..

 

Dhammaad.

 

February, 2011

 

Bashir M. Hersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s