Xadgudubka Xabashida shalay iyo maanta!

Image

Sooyoolku waa ma duugoobe aan doorsoomin, duniduna waa harka labadiisa gallin, marba dhinc u weecanaya, tagtadaa harta, kayd iyo bakaar quud maanna noqota, reebta wanaag ama xumaan, ka dhalata hadba sida loola falgalay joogtada, timaaddadana u ah himilo iyo hanqaltaag, ama heeryo culus iyo hanasho waa!, horumar iyo higasho dhaliso, habacsanaan iyo dibaanimo horseedda, garaad kobocsan iyo caqli gaamuray gunadda, ama maan maqan iyo moora bannaan maleegta.

Nin adduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban!”, murti ayaa na daalicin, isdhaafka maalmaha iyo miliqsanaatooda waxaa ka dhasha isjiir iyo ismaandhaaf, u xuubsiiban kara dammanaan iyo dareeen li’i, qaab socodka nolosha ayaa ah mid silloon, saacadba heer ku saaraya, samaan iyo sirba, saaxiib iyo nacab kuu samaynaya, safka hore ee xeeladaysiga ama sarka dambe ee xulashada ku galinaya, waa adduun iyo xaalkiis, waqti iyo waayihiis!

Arartaa cakarin ka dib, aan gudagalo dulucda Faallada, sanaddii 2006-dii waxaa koofurta wadanka ku faafay wadaaddo, sida dab daran qabsaday oo kale, mar qura ayaa wadankaii dhami noqday Cimaamad iyo Cigaal,Indhashareer iyo Jalbaab, taageero ballaaran ayey ka heleen bulshada qaybaheeda kala duwan, waase lagu hungoobay, sidii loogu hanjabay kacaankii 21-kii October, malaha dadku waxay aamin sanaayeen: in diintu tahay meesha qura ee badbaadadu ku jirto? La mood noqonse weyday!  

Xooggaagu hadduu hal Xor yahay wuxuu geeyaa ninuu laba Xor yahay”, maahmaah ayaa dhahaysa, wadaadadii waa is mahadiyeen, hadda ka hor ayaa nin waalan oo tuulada deggan, ayaa waxaa arkay nin kale, isaga oo qori dab ah oo holcaya gacanta ku wata, markaa ayaa ninkii ku yiri: war qoragaan dabkaa iska dhig, tuulada buushashkeeda ha ku gubine!, markaas ayaa ninkii waalnaa ku yiri: hadda ayaadba i soo xasuusiday, dabna qabadsiiyey buushashkii tuulada!

Waxaan u soo qaatay maahmaahda iyo qisada, inaan ku muujiyo sida ay u dhaqmeen wadaadadii, ma eegin waxa bulshadu ka sugaysay, ee waxay dhaar iyo dhurwaalayn ku billaabeen Ethiopia, Sheekh oran maayo, ee ila xasuusta hadalladii uu ku hadlay Yuusuf Indha Cadde: “Iidda Addis Abab ayaan ku dukunaynnaa”, ila xasuusta faataa dhuglayntii Sheekh Shariif, inta qori degta surtay ku dhaartay inay Xabashi la dagaalamayaan.

Aan uga haro intaa hadaaqii wadaadada, ka dib Xabashi iyadoo udbaheeda wadata ayey wadanka soo gashay, 28-kii bishii December ayey Muqdisha sii istaageen, aanna ka qoray qormadii ahayd: “28-ka December, Maalin Murugo & Gocosho badan”, Iiddii Arafaadna xeebta Liida ayey ku layrsanayeen!, isla maalmahaa waxaan kaloo qoray qormo magaceedu ahaa: “Cali Mahdi ma shalaybuu qaldanaa, mise maanta ayuu saxan yahay?!”, ujeedkeedu ahaa inaan iftiimiyo mawqifka Cali Mahdi, oo Shirkii Empagathi uga soo carooday Xabashi iyo qabqable ayaa iska maamulanaya, haddana noqday Soomaaligii ugu horreeyey ee qaabila Xabashida iyo xulufadeeda, shirkii Muqdshana shir guoomiye ka noqday, isu kay qaban waysay!

Haddii Xabashi soo gashay wadankii, wadaadadiina baqa carareen, ayaan qoray qormadii ahayd: “Baqa cararka Maxkamadaha & Gab gabta Xukuumadda Geeddi!, siday dabada u rogeen ayeysan u rogaalcelin, oo dabadaa looga dhacay, taatiko ayaan magaalada uga baxnay ayaa hadalkoodii ku soo koobmay, orodkii waxay ku gaareen keynta Kismaayo, soo noqodba Adaa sheegaya, Shiikh Shariif isagu wuxuuba iska dhiibay xadka Kenya, maalmo hadduu daganaa hotel, masuuliyiin Maraykan ahna is arkeen, wuxuu u sii dhoofay Yemen, ayaan ka dibna wuxuu saldhig ka dhigtay Eretria, isaga iyo intii haleeshay ee habqankii Maxkamadaha.

Raggii siyaasadda sheeganayey nin walba markiisa ayuu tannaagooday, ka billow af ka noole C/qasim Salaad, wuxuu hadalkiisa ku soo uruuray C/laahi Yuusuf ayaa xilkeeda iska leh, umaba muuqan wadaadadii qarribnaa ee uu taageerada qarsoon iyo midda muuqata siinayey, maantase hadalkii wuu badalay, kuna hadlay hadal siyaasi iyo waxgarad, isagoo eedda dusha uga tuuray dawladda Shariif iyo Alshabaab, shalay muxuusan masuuliyadda u wada saarin dawladdii C/laahi Yuusuf iyo Maxkamadahii? Mise Maxkamaduhu muqaddas lama taabtaan ah ayey u ahaayeen?.

Mudane Maxamuud Axmed Nur Tarzan” gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, wacdarihii uu ka dhigay London sanadkii 2007-dii waa la wada ogaa, ee haddii maanta xabashi wadankii shex joogto muxuu ka yiri? Mar dhaw filo qormo ku saabsan Tarzan, shalay hadduu diidanaa joogitaanka Xabashi maanta muxuuu u diidi la’yahay? Dadkaygoow waxa dunida naga reebay ma garanaysaan? Waa kursiga xajintiisa, beel u xaglinteeda, xoolo ururintooda iyo shisheeye xigaalayn, dhibka ugu badan ayeyna noo keeneen, dadkayguse sidaa uma oga, uma kala soocna ninka darajo doonaya, deeq doonaya iyo ninka daacadnimo wada.

C/laahi Sheekh Xasan waxaa loogu xusuustaa xubinnimadiisii ergada hubkadhigista ee shirkii Eledoret, shirkaa oo markii dambe loo soo wareejiyey magaalada Mbagathi, laguna dhisay dawladdii C/laahi Yuusuf uu madaxda ka ahaa, wadankana  u gacan galisay xabashida, C/laahi Sheekh Xasan socdaal ayey ku wehliyeen Soomaali iyo ergo kaloo ka socotay shirka, ayey ku tageen magaalada Garoowe, haddaa maxaa dhacay?.

C/laahi Sheekh Xasan wuxuu sheegay inuu jiro qorshe dagaal oo lagu damacsanaa in lagu qabsado Muqdisho, si wada jir ahna ay shaxdaa u jeexeen xerta C/laahi Yuusuf iyo saraakiil xabashi ah!, isagoo taa ku mutay tilmaamta ah: {Wadani iyo Geesi!}, Muqdishose igu soo orod ma ahan, sidaana uma sahlana kumana gacan galayso barqo iyo dharaar, waxaan filaa in natiijadeeda la wada arkay, dagaalkii 2007-da iyo wixii dhacay, markii dambana Xabashi ku qasabtay inay isaga baxdo, iyadoo heeryo jab huwan.

C/laahi Sheekh Xasan waxaa loo taxaabay xabsiga magaalada Garoowe, markaa ayey u sii korortay shacbiyad iyo teegeero ballaaran, isagoo loo arkay halyey qaran oo loo afduubay fashilinta qorshe dagaal, mudadaa wixii ka dambeeyana wuxuu magac iyo sumcad ku dhex yeeshay dadka reer Muqdisha, hadalkiisuna qiimo iyo nuxur yeeshay, maadama loo xiray inuu shaaciyey qorshe ka dhan Muqdisha iyo dadkeeda, ayaan daraneeyey abaal laayeey!

C/laahi Sheekh Xasan markay xabashidu Muqdisha soo gashey, wuxuu ka mid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee ka soo horjeestay Xabashida, wuxuuna ahaa afhayeenka beelaha Hawiye, taa waxay ahayd fursaddii labaad ee uu C/laahi Sheekh Xasan loogu arkay halyey qaran, wuxuu ku guulaystay gaashaan kale, dagaalka xabashida oo sii xoojinaya diidmadiisii hore, hadalkiisiina ka dhigaysa run, ama dadka ku sii qancinaysa inuu ahaa: “Runlow Rabbi u soo diray!”, dagaalgalintiisaa maxaa xigay?.

Siduu u ahaa Xabashidiid, ayuu barqadii dambe nagu soo baxay isagoo leh: “Ethiopia waa dal aan daris nahay!”, haddaa yaa moog darsnimada Xabashida? Sheekadu waxay ahayd: waxaa shir wada qaatay C/laahi Yuusuf, C/laahi Sheekh Xasan iyo Imaam Maxamuud Imaam Cumar walaalkiis, shirkaas ayaa malaha C/laahi Sheekh Xasan loogu cantoobiyey, sida caadada ahna noqdayAf wax Cunay Xishoo!”, kuma ekaysan xishoode, C/laahi Sheekh Xasan wuxuuba isku dayey inuu dareen shaki galiyo dadkii u heellanaa xabashi la dirirka, markaa wixii ka dambeeyey yaaba warkiisa maqlay, wuxuu u guuray Ingiriiska.

Wiilka siyaasadda ku cusub, ee beri dhexdaa ah la qadaanqadiyey, ayaa isna hadal qiimo yeelan kara ku hadlay, waa mudane Formaajo, in kastoo aanan illoobi karin beentuu afka labada daan u buuxiyey ee uu lahaa: “DAN SOOMAALI AYAAN XILKA UGA DAGAY!”, haddana hadalkiisii ku aadanaa soo galitaanka xabashida mid meel dhigid mudan dheh, waa hadduusan is rogi doonin, ha ila yaabine aaminaadda ayaa igu yar, sida wax u dhacayaan awgeed, waana tii la yiri: “in la is aamino inaan la is aaminin ayaa ka roon”.

Sida loola falgalay xadgudubkii hore ee xabashida, loolama falgali xadgudubkan taagan, dunida dhan waxaa is qabsaday mudaharaadyo, ay dhigayeen Soomaalida ka caraysan xadgudubka Xabashida, waaba su’aale maanta aawaye? Miyey le’deen Soomaalidaa? Mise dan kama lahan oo waa daaleen? Aan dhan kale sheekada idinka tuso, armuu buuqii iyo sawaxankii hore ahaa, geesgalin C/laahi Yuusuf la go’doominayey? Armuu ujeedku ahaa beelaysi bugtada qalbiga iyo beegsi shakhsi?

Waa iga weydiin kaliya, hubaal inaan dadka dhami u wada xuurtaysnayn arintaa, balse shaki ayaa ku galaya marka aad eegto sida wax u dheceen iyo sida wax yihiin maanta, sida labada dhacdo u kala fog tahay ayaana keenayana dareenka caynkaa ah, waxay noqotaba, dareenkii shalay ma jiro, hadalku waa kooban yahay, kalaamku waa afar eray, war lagama hayo ilaa hadda Axmed Diiriye, Xaad iyo qolyaha ku qaraabta magaca guurtida beelaha Hawiye, Xabashida waxaaba uga daran markaan nin la yiraa Mahiga.

Kooxda Galguduud ee Ahlusunna sheegata, iyagu maba hadli karaan oo waa dhal Amxaaro, meesha ay ka soo gashayna waaba xadkooda, su’aal: yaa daran Amxaarada iyo Alshabaab? Hubaal in maangaabyadu kuugu jawaabayaan Alshabaab!, Soomaalaay caadifadleey, waligaa wax ma garatid, Alshabaab inay dhib ku hayso umadda lama mooga, balse ma moogtihiin dhibka Xabashida? Oo Alshabaabta qudheeda qayb ka noqon karto? Geedka jirriddiisa iyo wajaantiisa keebaa xanuun badan? Ama keebaa adag oo ku haboon goyn?.

Soomaaliya waa dhibbanaha cudurka loogu yeero la dagaalanka argagixisada, shalay Xabashi ayaa sidaa ku soo gashay wadanka, maanta ku soo gambanaysa, Kenyaaba ka dartay oo taagan waa inaan dabar goynna, su’aal xaggay jireen intaan la daalaa dhacaynnay dhibka argagixisada? Maxay markaa noogu gacan siin waayeen cirib tirkooda? Dadkowgow waa inaad garataan meerisyada jaban ee hadalka, haddii kale waxba noo cayman maayaan.

Madaxweyne Shariif isaga xaalkiisu waa sidee? Maxkamadihii ka dib, maxaa la soo gudboonaaday? Muxuu maleegay oo meelmariyey? Maxaa laga sugayaa hadda iyo wixii ka dambeeya? Ismaqiiq badan ka dib, wadaadkii Islaamka wuxuu aqbalay awood qaybsi uu la galay dawladdii C\laahi Yuusuf, fikrad fiican, aan ku tilmaamay qormo magaceedu ahaa: “Shirkii Asmara maxaa ka soo baxay?”, aanna ku soo gunaanaday erayadan: “Xabaddii waa bilaabatay sdia laga iclaanshay Asmara, balse waxaan waydiin lahaa ragga iclaanshay Xabadda ma Asmara ayey Xabadda ka ridayaan?, mise sida Xasan Turki ayey howdka kaynta iyo toonta dhexdeeda ku dhuumaalaysanayaan? Waxaa habboon inaan dhalinyarada la qatalin lana marin habaabin, oon loo jeexin hilin ay ku hoobanayaan kuna baaba’ayaan, maxa yeelay dhalinyaradu waaa mustaqbalka dalka dadka, iyadoon lagu beer laxawsanayn erayo macaan oo soo jiidanayana dareenkooda.”

Hadduu madaxweyne noqday maxaa dhacay? Amxaaraduu shalay caynayey ee lahaa waa gaalo ayuu afcad ugu yeertay, waa tii la yiri: “Afkii ba’ay yiri toobay wuu karaa!”, aqriste is qabadsii Adigu, Ani isu kay qaban waysoo madaxu igu daalye? “Alif wax ma leh iyo wuxuu leeyahay” sheekhaa laga hayaa, filo mardhow qormada taxana ah ee labo codleyn, qayb isaga ku saabsan.

Codsi arintu dhaaftay, Kenya iyadoo qulqulaysa ayey wadanka soo gashay, cid ogayd ma jirto, haddii la ogaana waxa ahayd munaafaqad qarsooneed, waxaa la yaab ah, wadaadku ma wax buusan fahmayn? Mise dan iyo qushi kama lahan waxa dhacaya? Wafdiga Kenya markay Xamar la joogeen hadal lagama maqal, markay soo taageen ayuu tannaagooday, ka dibna gaabsaday, kala hadalka waaba ku ogayne ma wuxuu is leeyahay dadku wax ma fahmaan?.

Kenya kaliya ma ahan, Xabashi ayaa iyana soo gashay wadanka, siduu u aamusnaa ayuu daacday ku lahaa:Itoobiya iyadu ma dooneyso in ay Soomaaliya dib ugu soo laabato, waayo wax badan baa is badalay, laakin ma diideyno in ay na caawiyaan walaalaheen Itoobiya!”, miyaa lagu qoslaa? Mise lala yaabaa? Shariif oo dhayaha Walaaleheen Itoobiya, dad badan ayaa ugu qiilaya muxuu qaban karaa? Hubaal inuu wax qaban karo, ha isaga dhex boxo kuwa wadanka xaraashayaa, taa miyuusan qaban karin? Ha ku darsoomo umadda xalaasha ah ee wadanka ka yuraynaya waraabaha, hadduusan taasna samayn karin, saw ma ahan inuu ujeed kale wato”Meel ama waa Muuqdaa ama waa laga Maqnaadaa”.

Gunaanadka faallada, intii shalay ku diidday Xabashida diin qabiil ama wadani, maanta ayaa looga fadhiyaa sidii oo kale, waa in codkodooda la maqlaa, maxaa yeelay shalay iyo maanta waxba isma badalin, haddaysan arin kale qarsoonayn, iyana waqtiga iyo waayaha ayaa bannaanka soo dhigi doona, haddaan wadanka maanta loo istaagin, wallee berri isma haysan doono, danaha dawladaha shisheeye si xawli ah ayey u fulayaan, nacastuna waa nagu badatay.

Dadka waxaan ka dareemayaa dabacsanaan dheeraad ah, marka loo eego sida xaalku ahaa sanado ka hor iyo siduu maanta yahay, mise waa Muqdisho ha yimaadeenee sug, oo ah marka ay Muqdisho yimaadaan ayey dadku kacayaan, inta ka horraysa nuuxsan maayaan, ma garan sheekada caynkaa ah, maxay ku kala duwan yihiin Kalabayr iyo Muqdisha? Labaduba waa dhul ay Soomaali leedahay, kii lagu soo xadgudbaa waa kiisa kale.

Ugu dambayn, kala garta gunnimo iyo gobnimo, kala garta qabiil iyo qaran, kala garta diin iyo diimaysi, kala garta xukun doone iyo xoreeye, kala garta caadifad iyo dhab, kala garta xigto iyo xaasid, kaal garta gacal iyo guhaad wade, kala garta gabbaadka iyo goobaynta.

 

Bashir M. Hersi

 

Advertisements

3 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s