Saxiixayaasha Roadmapka iyo rabitaankooda sirgaxan!

Image

Shacab walba madax u qalanta ayuu helaa!Winston Charchill ayaa yiri, noolaa (30 Novembre 1874 – 24 January 1965). Philosopher Jean-Jacques Rousseau oo noolaa (28 June 1712 – 2 July 1778)  wuxuu yiri: “Waxaan ogaaday in wax walba ku xiran yahay asal ahaan Siyaasadda, dhan koostoon u jeesannana waxaan ogaanaynaa in shacab walba aysan matali karin xukuumad aysan samayn!” murti Soomaaliyeed baa dhahaysa: AJO GUUDKA SARE IYO GUNTA HOOSE WAA ISAGA MID

Kala guurka la marayo, ku meel gaarka lagu jiray, ee laga guurayo iyo dawlad daa’im ah oo loo guuri doono, waa erayada ugu badan ee maalmahan dhagtaada ku soo dhaca, haddaba, marka marxaladdan oo kale lagu jiro, waxaa bata miliqa iyo labka, micnaha waxaa la isku qaldaa waxyaabo badan, ujeedku waa in la meelmariyo arrimo gaar ah, oo ay wataan dad gaar ah, kana leh dano gaar ah, oo aan lala wadaagayn.

Sidaa awgeed, waxay adeegsadaan waddo walba oo gaarsiinaysa dantaa, aalaaba way qalloocan tahay hilinka ay maraan iyo danta ay gaarayaan labaduba, illeen isma keenayaan dan gaar ah iyo dan guude, gaar ahaan marka midda hore la hormariyo, ee ay noqoto yoolka la tiigsanayo.

Waxaa batay shirarka isdaba joogga ah oo ay leeyihiin kuwan loogu yeero saxiixayaasha Roadmapka, ugu yaraan bishii mar bay kulmaan, wali kaligood ma kulmin, oo ka dhigan sid aysan isu aamin sanayn ama ay isu dagayaan, haddaba, waa kuwama saxiixayshan?

Madaxweyne Shariif xilka waxaa loo soo doortay muddo go’an, markuu u dhammaaday inta Kampala tagay oo Madaxweyne Museveni hoosta ka galay ayuu sanad ku soo darsaday,  ee walibana yiri cid ka hadli kartaa ma jirto, waa lama taabtaan qodobbadii aan ka keenay Kampala, kana sara mereenba Axdigii KMG ahaa.

Shariif Sakiin sidoo kale, waxaa xilka ka qaaday intii hore ugu dooratay xilkaa in ka badan, haddana laga fujin waayey, isagu garaadkiisa kuma tagin, garabna waa haystaa, waa “Gardarro garab og lagama guulaysto!” garabka wuxuu ka helayaa canaasir ka tirsan madaxda sare ee dawladda, oo iyagu raalli uga ah inuu sii hayo xilkaa iyo shisheeye uu waligiiba u ahaa kabaqaade, illeen hadduusan kalkaale u ahayn iyaba ma garab siiyeene.

Mudane Cabdiwali Gaas inuu xilka qabtay ka gadaal markii si qasab ah xilka looga qaaday mudane Formaajo ka sokow -igama ahan inaan taageero gaar ah u hayo Formaajo, oo waxaaba iiga filan beentuu dadka ku tiri: “DAN SOOMAALI AYAAN U TANAASULAY!” ee haddana Kampala isa sii taagay, waa meeshii xilka looga tiriyey, bal adigu meel lagugu ciilay ma u Cillaan saar doonan lahayd?- Aanse u soo laabto Gaase, ee waliba intaa ku ekaysane noqday Profka qabyaaladda, kuma sii ekayasane, dadkii Dastuurka mucaaraday ku tilmaamay dad aan wax garanayn! Mid ayaase hubaal ah inuusan garanayn waxa uu ku hadlayo!

Mudane Faroole isna muddo go’an ayaa xil loo doortay, markii uu dhammaystay ayuu sanad jeebkiisa ah ku darsaday, isagoo waliba u cuskaday Dastuur uu ku ansixiyey qol mugdi ah, oo aan loogu codayn sida Dastuurkii Somaliland oo kale, oo maalin cad dadku u wada dareereen inay meelmeriyaan rabitaankooda.

Mudane Caalin waxaa xilka qaaday baarlamaanka maamulka Galmudug State, dabadeedna  is xajiyey, ee Maxkamadda saree maamulka xukuntay in sharci loo raacay xil ka qaadistiisa, ee inta Odayo isu wacday Xamar iyo meelo kale ka kala tagay xaal mastuur lagu gaaray; inuu xilka sii hayo, waaba yaabe, markii hore maxaa xeer iyo xugun loo samaynayey? Haddiiba aan la dhaqangalinayn.

Wadaaddo Camaamadaysan oo Xabashi ku xiran, deegaanka kala daahay inay maamul u sameeyaan, maalin walba u taagan raacda reeb iyo ku dhufoo ka dhaqaaq, saw ma ahan Jinni ku xaqsay iyo tacab khasaaray?, haddana u jeestay inay dagaal la galaan isla ciidan ka tirsan maleeyshiyada DKMG ah ee goballada dhexe. Iyagana ma jiro, Hogaan Rasmiya oo lagu yaqaan, waxay leeyihiin ugu yaraan shan Guddoomiye, Soomoow, Cabduqaadir Macalin Nuur, Xeefoow, iyo Aw libaax oo Hadda dig soo yiri.

Haddaba, saxiixayaashu waa kuwaa aan soo xusnay, mid walbana sheegnay waxa uu yahay iyo sida uu yahay, haddana, marka laga soo tago inay xukunka xaaraan ku wada haystaan, marka laga soo tago inaysan cidna matalin, marka laga soo tago inaysan hoggaamin karin bulshadan, marka laga soo tago inaysan xilkasnimo lahayn, marka laga soo tago inaysan doorasho ku joogin, marka laga soo tago inaysan xukun goyn karin, marka laga soo tago inay adeegayaal yihiin, marka laga soo tago inay xaaraan ku naaxyo yihiin, marka laga soo tago…

Intaa iyo inta aanan xusin marka laga soo tago, waxay dadka ku madax xanuujiyeen khilaafkooda aan dhammaadka lahayn, ee aan lahayn hakad iyo joogsi maalin walbana taagan, sidii loo saxiixay qorshahan loogu yeero “Roadmap” waxaa dhawr kol la qabtay shirar ay isugu yimaadeen ka kala dhacay gudaha dalka iyo dibaddiisa, mid aan is marin waa iyo muran ka taagnayn ma jirin, hadba in koox shirka isaga baxdo yaa dhici jirtay, markay soo carara baaba’do ama laga caratiro ayeyna shirka dib ugu soo laaban jirtay.

Shirkan ugu dambeeyey ee ka dhacay Nairobi ee madaxweyne Shariif isaga baxayse wuxuu ahaa kii ugu liitay dhanka ajandaha ama aragti soo jeedinta marka la eego, munaafaqad ay soo maleegeen sadaxda mudane ee kala ah: C/raxmaan Faroole, Shariif Sakiin iyo Cabdiwali Gaas ayaa madasha la keenay, mid walba midda kale way ka xumeed, marka laga eego dhan walba.

Midda aan maanka gali karin, ee aan marna la qaadin karini waa sida ay uga soo maaxatay, hadday ka soo maaxatana uu la soo shirtagay in mudane Faroole uu isagu soo xulo xildhibaanno beel uusan u dhalan! Marka laga soo tago in beel ay leedahay Odayaal iyo siyaasiyiin matala, haddana, ma ahan markii u horraysay ee mudane Faroole qorshahan gurracan uu la soo galofariisto, waase haddii riyo walbaa hirgalayso!

Sida aan mudane Faroole loogu faragalin soo xulidda Odayada Bari ee ka qaybgala shirkan Muqdisho ka socda, miyuu garan waayey inuusan faraha la galin soo xulidda xunbo beel kale ku matali doona baarlamaanka, waxaa la yiri: “Nin waalan Tolkii baa u miyi rqabee!” qof ama cid mudane Faroole ceshata ma la waayey? Marka laga soo tago dhaleecaynta kaga iman karta odayaasha iyo siyaasiinta uu soo damcay inuu u qoondeeyo mudanayaasha ay baarlamaanka ka helayaan iyo inta maanka fayoobi hagayo! Saw ma ahan isku qaad boos aan u bannaanayn?!

Sida ku cad inta heshiis ee ay wada saxiixdeen kuwan lagu sheego Saxiixayaaha Roadmapka, dhammaan waxaa ku wada xusan in aysan shuqul ku lahayn soo xulidda xildhibaannada baarlamaanka, oo si taa loo baajo waxaa loo igmaday Odayadan ku shirsan Xamar, ee la daba marshay Ansixinta Dastuurka, haddana looga fadhiyo inay dhawaan soo bandhigaan magacyada xubnaha baarlamaanka, haddana, iyadoo caddaymahaa iyo heshiisyadaasi jiraan, ayuu mudane Faroole doonayaa intuu soo dhaafay xulidda xildhibaannada beeshiisa oo uusan xaq u lahayn marka la eego heshiisyadaa hore, inuu soo xulo xildhibaanno beel kale, aqriste, ma ila amakaaktay?!

Maamulka uu mudane Faroole hoggaansho waxaa unkay Odayo dhaqameedyo, waxaana hoggaansho siyaasiyiin, sidaa si la mid ah, Maamulka Khaatumo State waxaa unkay Odayaasha deegaanka, waxaana hoggaansha siyaasiyiin, haddaba miyeysan habboonayn inaan la gacan dhaafin rabitaanka bulshada Khaatumo State, aanna lagu xadgudbin dareenka dadka deegaankaa deggan, ee marna aan raalli ka ahayn in mudane Faroole uu wax u qaybsho, oo waaba yaabe, miyeysan u qaybsan karin siday shalay maamulkaba u dhisteen?!

Haddii mudane Faroole xaq iyo xilba u leeyahay inuu soo xulo xubnaha xildhibaannada Maamulka Khaatumo State, Odaydan ku shirsan Muqdisho mudada labada bil ka badan, ee la daba marshay Ansixinta Dastuurkan lagu daba dhaggan yahay, ee walina u fadhiya inay soo xulaan xubnaha baarlamaanka beel walba u meteli doonta, haddii ayadoon intaa la eegayn mudane Faroole soo xuli karo maxaa Odayaasha waqtiga looga luminayaa, looguna suntayaa xil aysan hayn?.

Haddii intii heshiis hore loo wada galay ay caddaynayaan in Saxiixayaaha Roadmapka aysan ku lug yeelan karin soo xulidda baarlamaanka, haddii la yiri qofkii ka hor yimaada qorshaha Roadmapka waxaa loo aqoon sanayaa QASWADE, saw isla Saxiixayaashii si toos ah uma jabin qodobbo ka midka ah Roadmapka, dabadeedna noqon maayaan isla ayagu QASWADAYAAL?.

Lixda Saxiixayaal waxaa ka mid ah, culumada Tusbaxlayda AHLUSUNNA, shirarakii hore u dhacay waxaa u meteli jiray C/qaadir Macallin Nuur, shirkan waxaa joogay mudane magaciisa lagu sheegay Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf “Aw Libaax” waa markii ugu horraysay ee shirka Saxiixayaasha ka qaybgalo, haddaba, su’aasha yaa ah, xaggee ka soo galay shirka? Yuu ka sacday? Maya, aan saxee, yuu la socday, oo shirka keensaday? Mudanahan shirka lagu soo kordhiyey waxay muujinaysaa sida loo jabshay qorshaha Roadmapka, sida caadadu ahaydna wadaadada Camaamadaysan waxay ahaayeen goobjoog aan la garwaydiin!

Mudane Cabdiwali Gaas ilaa iminka wuxuu kala garan la’yahay danta beeli mudnaan siin karto iyo danta umadda Soomaaliyeed, waa maroo ma ahan markii ugu horraysay ee uu si dadban ama si toos ah u garabsiiyo mudane Faroole gaar ahaan mawqif la xiriira Maamulka Khaatumo State, waa marka labaade, wuxuu kala garan la’ yahay xilka inuusan u hayn Faroole, wakiil iyo ergana ka ahayn Maamulka Bari, ee uu xulka u hayo umadda Soomaaliyeed, bal sii goob qormadii ahayd: “Gardarrada Gaas oo laga wada gilgishay!”.

Midda kale ee maadda ah marna maaweelada ahi waa soo jeedinta Shariif Sakiin, marka laga soo tago aqoodarrada uu madaxweynenimo ku doonayo, waxaa muuqata inuu aqli iyo aragtina ka arradan yahay, marka ay ayaan noqoto waa gaarkeede, aqriste, bal adba eeg, oo maani aragtida hoos ku qoran  sida ay ku suuragalayso ama qofi ku aqbali karo, oo bal ii sheeg sida ay aqli saliim ah uga soo fuli karto? Marka laga soo tago damaca xaddhaafka ah iyo danaystenimada.

Aragtidu waa sidan: “Marka hore madaxweyna ha la doorto!” musharraxna waan ahay- sii baadi goob qormadii ahayd: “Anna Musharrax baan ahay!”- waana tartamayaa, haddaan ku guulaysto waan saan rabay, haddaan guuldarraysto haddana waxaan u tartamayaa guddoonka baarlamaanka.

Waxa waaye labada yaanan mid weynin, oo ka dhigan dhan walba aan ka miisto, haddaan kan waayo aan kan kale helo, si kale, waa “HAL DHAGAX LABA SHIMBIR KU DIL!” sidoo kale waxay la mid tahay: “LUDDA JECLI LAFTA JECLI!” aragtidan Shariif Sakiin haddii gabar Foodleey ah wax ka dheh la dhihi lahaa, tolow maxay ku jawaabi lahayd?!

Waxaa la yiri: “CAQLIGAAGOO BATA MACRIFADAADUU YAREEYAA!” malaha meesha CAQLIGA laga yiri, waxay ku habboonayd in DAMAC laga yiraa, illeen qof caqli lehi, marna kama dhalanayso in caqligiisu macrifadiisa yareeyee, inuu sii badayo ma ahane, haddii caqliguusu batana kumaba sii jirto.

Mudane Caalin in xanuusan yahay marka laga soo tago, inuu bukaan socod yahay marka laga soo tago, inuu qalliin Beerka ah maalmo ka hor galay marka laga soo tago, inuu Istibaal hadda ka soo baxay marka laga soo tago, xaaladdiisa caafimaad, ee si cad looga dheehan karo sawir wadareedkii laga qaaday shirka marka laga soot ago, marka laga soo tagoo…

Mudane caalin waxaa u dhammaaday xilkii uu ka hayey maamulka Galmudug State, sidii horeba uu uga dhaga adaygay codayntii baarlamaanka iyo go’aankii Maxkamadda sare, ayuu haddana mar kale ku gacan sayray labadaba, oo dhawaan baarlamaanka doortay Cabdi Xasan CawaaleQaybdiid” Maxkamadda sarana ansixixay.

Ugu dambayn, damaca beelaysan iyo sadbursiga qabyaaladaysan, hanqaltaagga aflabadi ah iyo rabitaannada sirgaxan, waxay muujinayaan sida ay fog tahay dawlad Soomaali yeelato, mid xunba ha ahaatee, maadaama la yiri: “DAWLAD XUMI DAWLAD BAY DHAANTAA!” oo xitaa mid xun aan la helayn, inta sidan loo dhaqmayo.

Aqriste, bal adba suuree, qaabka ay noqon doonta Dawladda daa’imka ah ee loo gudbi doono ku meel gaarka ka dib? Inta wax walba laga hormarinayo damac beel iyo qorshe qabiil, han qof iyo dan shaqsi, ee danta guud aan dan laga ahayn, Wallee inaan dawlad iyo maamulba hirgalayn, ee maa labada mid la doortoo.

Faallada waxaan ku soo afmeerayaa, tix Abwaan C/aadir Xersi (Yamyam) (AUN) ka jeediyey shirkii Addis Ababa, hilaadintii 1993-dii, tixdaa ood is leedahay waxay ka hadlaysaa manta iyo shir walba oo Soomaali ku saabsan, ee bal ila dhuuxa murtidan qiimaha badan, Abwaanku wuxuu yiri:

Ma wax magac qabiil iyo

Matalaaya ururraa?!

…………………………………..

Mataanaynta Qarankiyo

Haddii magacii naga lumay

Maxay nolosho noo tahay

Kolley Mawdku waa gare

Nafta maysku aasnaa?!

 

Haddaan weynay maan iyo

Aqli noo maqoorada

Ma inaan gob nahaybaan

Martidiyo shisheeyaha

Masawira niraahnaa?!

 

Nin walibaa maraad lehe

Inaw Qoys maciin bido

Majarihii xorriyadduna

Ka habaabo marinkii

Maangaabnimaa lehe

Marna mays tiraahdeen

Hanta labada kii mudan?!

……………………………

August, 2012

Bashir M. Hersi

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s