Dastuur duran iyo Dal dayacan!

Image

Taariikhda ninba sibuu u yaqaane, waxay hayd maalin taariikhi ah. Ninba si u qaaday guul iyo guuldarree, waxay ahayd maalintii la meelmarshay Dastuurkii qabyo qoraalka ah. Indhihii eegayey ama dhagihii u taagnaa dhanka Madasha Shirka inay ku hungoobeen u badi, dhan walba marka aad ka eegto, ugu yaraan in dib loo oogi doonaba kaba soo qabo.

Dhaqan ahaan, guushu waa aabbayaal badan tahay, oo qof walba isagaa sheegtay guusha inuu dhaliyey, halka guurldarrada aan marna qofi aqlbalin, horseed ha u ahaado ama ha soo hooyee, haddana, mar walba dadka waxaa kala saara taariikhda, dhacdadanna iyada ayaa kala bixinteeda looga fadhiyaa, koldhaw iyo koldheerba maalin ay noqotaba.

Ararta ka dib, aan u daadego dulucda qormada, oo u badnaa doonta tilmaamo iyo tusaalooyin. Sidaa awgeed, waxaan ka sii cudurdaaranayaa qofkii aan igu aragti ahayn, inuusan ii ciilloon, maya, inuusan iga caroon. Ujeedku ma ahan qof iyo qabiilkali iyo koox, waxaanse farta ku fiiqi doonaa meelo badan, waana midda aan ka sii afeefanayo, illeyn waa tii la yiriye: “Hadalkaaga hortiisa afeef ayaa la dhigtaa, gurigaaga hortiisana ood”.

Guddiga Dastuurka

Ugu horrayn, tirada guddigan waxay ahaayeen markii hore soddon qof [30] markii dambase laga dhigay sagaal qof [9] oo lagu tilmaamay “khubaro” –Sir iyo caad ogayaal– oo isugu jira rag iyo dumarba sida: Caasha Kiin Faarax Ducaale, Prof jawaari, Dr Cali Siciid Faqi, Shukri Diini, Xannaan IQK.

Guddigan waxaa la magacaabay dhammaadkii shirkii Kenya lagu qabtay hilaadintii 2004-tii, waxaa lala magacaabay guddiyo gaarayaa ilaa saddax iyo toban guddi, waxaa ka mida guddiyadaa Guddi dib u heshiisiinta.

Dawladda Shariif ayaa isku dayday inay guddiga xubno ku darsato, la laaqa dhariga la karinayo, qas iyo qalalaasaba ha looga jeedee, waa ku guuldarraysatay!

Middase aan sir ahayn waa, in guddigani maalintii la aasaasay ilaa iminka uu mushaar joogta ah qaadanayey, taa kaliya ma ahan, guddigani waa ka safar badanaa madaxda dawladda, oo haddaa, yaa ka bixin jiray qarashka safarka? Maya, horta sidooda yaa biili jiray? lacagta lagu baxiyey xaggee laga keenay? Xafiiskee siin jiray? Guddigani Xafiiskoodu xaggee ku yaallay? Mise waa garab rarato Lap Top-ku dhabta u saaran yahay, walina aan gaarin iPad!

Weydiimahan waxaa nooga jawaabay Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxmaan Xoosh  oo guddiga ku eedeeyey inay lacagtii loogu talagalay Dastuurka inay Hotello ku yaal Kenya iyo Uganda ku seexdeen, haddaba, is weydiinta yaa ah, mudane Xoosh markii lacagtan la cunayey muxuu u sheegi waayey? Muxuu si laab la kac ah ugula soo booday markii ay is qabteen oo khilaaf soo kala dhexgalay ka dib? Dhanka kale, lacagaha qaraashaadka ah ee ku baxay, wasaaraddiisu miyeysan ogayn, maadaama ay soo hoos galayso miisaaniyad sanadeedka wasaaraddiisa? Xoosh waan u soo laabane, aan waydiimaha intaa ku ekeeyo.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya, in guddigan maalintii la magacaabay ilaa intii laga kala diray ay ku baxday qarash badan, aqriste lacagtu ma yaree, bal kurisga xajiso, inta aanan kuu sheegin, waa inaan kuu sii digaaye, waxaa lagu beelay beeso dhan hal Malyan oo Dallar [1Milyan$] haddaba, yaan la oran dalku muxuu sabool u yahay? Illeyn Yuubatadan ayaa wixii soo galiba u yuurartee!

Odayo la Ajaray!

Marka laga soo tago doodda ka taagan Dastuurka, marka laga soo tago qodobbo badan oo ku jira ee aan marna Soomaali u cunatamin Dhaqan iyo Dawladnimaba, marka laga soo tago in la isku dayey in wax laga badalo, marka laga soo tago in uu noqday “KU QABATAY IYO QADDAR ALLE WAA LA QATAA” marka laga soo tago…

Dastuurka isagoo afka ka xiran ayaa waxaa loo shiriyey Odayaasha Dhaqanka, oo markii hore loo ballanqaaday in ay xaq u leeyihiin dib u sixidda iyo dib u eegidda Dastuurka, markiise shirkii furmay maalmihii hore lagu maaweeliyey Simminaarro iyo kulammo nabadda ku saabsan, maba la gudagalin wixii madasha loo dhigay iyo sababta goobta loo joogo.

Wax la meermeersho, Odayaashii waxaa si toos oo ah cad loogu sheegay in aysan hawl ku helayn sixidda Dastuurka, ballantii laga qaaday sidaa ku jabtay, dood dheer iyo is jiid jiid ka dib, Odayaashu waxay dhaafi waayeen Dastuurka sidiisa ku gudbiya, kuna qasbanaadeen inay sidiisaa ku dhaafaan.

Ballanqaadkii labaad ee looga baxay wuxuu noqday, in Odoyaasha lagu yiri Dastuurka waxaa dib u eegis ku samayn doono wiilasha iyo gabdhaha aad soo xuli doontaan ee 825 xubnood ah, oo lagu sheegay guddi madax bannaan iyo xubno ka masuula Ansixinta Dastuurka, sidaana lagu qanciyey Odayaashii.

Ergo af la’!

Haddii la soo xulay 825kii xubin ee looga fadhiyey inay ansixiyaan Dastuurka, waxaa loo qaybshay waraaqo xeer hoosaasin ah “Xeer hoosaad” oo lagu qoray in aysan waxba ka badali karin Dastuurka, xilkaana ay u taal baarlamaanka iman doona, ee ay iyagu xaq u leeyihiin mid qura, oo ah: in ay “Haa” ama “Maya” ku cudeeyeen. Intaa looguma ekayne, waxaa loo sheegay in Dastuurka xitaa haddii ay “Maya” ku codeeyaan in uu meel maridoono! Ceeb ka weyn ma aragtay aqriste?.

Intii lagu guda jiray 10maalin ee loo baxshay ka doodidda Dastuurka, waxaa madasha looga dooday oo kali ah arrimaha ay ka mid yihiin:

  1. AMMAANKA: In aad loo adkeeyo ammaanka ergadan ku shirsan madasha, dabcan, taa xaq bay u leeyihiin, oo magaalada wali cabsi badan baa ka jirta, haddii madaxdii dalka ugu sarraysa dhawr kol ka badaadeen qaraxyo iyo jidgal, maxaad  u malayn masaakiin laamiga laga soo qabteen xitaa war u hayn waxa uu meeshaba u joogaba?!
  2. OOMATO: In laga daboolo dhaqaalaha ku baxay, ee leh gaadiid, guryo iyo gasiin. Dhawr Oday oo qaar Abwaanno la lahaa sidaa bay ku celcelsheen, dhaqan ahaan, inaad cunto ku gorgortanto dhaqanka Soomaaliyeed waa ku ceeb! Malaha in loo gabyo ayey mudnaayeen baan filaa. Aqriste, sidee adi kula tahay?.
  3. AFAR IYO BAR: In Beelaha lo cadaaalad falo, oo aan wax lagu qaybin afar iyo bar, waxaan dhihi karaa wuxuu ahaa qodobka xalaasha ah ee la soo jeedshay, illeyn dadkan barka lagu tilmaamo sida muwaadin walba u baxsho canshuurta yay u baxshaane, oo haddaa, sidee isaga bar loo yiri, kan la midka ahna hal buuxa loo yiri? Ani iga margataye, ninkii burhaankeeda hayaa, ha noo daliiliyo!
  4. AGAASIMIDDAA SHIRKA: Midda ugu foolxumada badan yaa ahayd, isdhexyaaca meesha ka jira, ee aysan jirin nidaam, kala dambayn iyo wax kala haga, qof walba Makaroofan buu la qaaqleeyahay, isaga la maqli maayo, kan kale la maqli maayo, isna maqli maayaan, waa MAADIGAA YIRI iyo HA YAACDO!
  5. INTA AFO BAARLAMAANKA GALAYSA:  Qodobka kale ee Mahiga lala cuskaday yaa ahaa 30% Dumarka ee baarlamaanka, mar Xoosh wax laga waydiiyey in dumarka loo kordhinayo maadaama baarlamaanka la kordhiyey, haddii jawaabtu ku margatayey ayuu Mahiga cuskaday, malaha waxay ka ahayd: “Jinni ninkii keenaa baxsha!” awalba waxan la dhoodhoobay maan Soomaali kama soo maaxan, midig Soomaalina ma qorine!

Waxba yeysan ila foogaan qodobadii looga dooday madashaa, ee aan Dastuurka looga doodine, maalinnimo Arboco ah bisha August tahay 01 yaa si wadajir ah gacanta loogu taagay, waxaa goobta soo xaadiray 645 ergay oo kaliya, halka tirada guud ka ahayd 825 waxaa oggolaasho “Haa” ku codeeeyey 621 ergay “una dhiganta 96% tarada guud ahaan ergada” waxaa diidmo “Maya” ku codeeyey 13 ergay “una dhiganta 2% tarada guud ahaan ergada” Waxaa ka “Aamusay11 kaliya “una dhiganta 2% tarada guud ahaan ergada” “Meel ama wa laga maqnaadaa ama waa laga muuqdaa”.

Ma lagu qaan bixi doonaa?

Marka laga soo tago in Dastuurkii duudduub lagu qaatay, ma dhihi karo waa la ansixiyee, marka laga soo tago in Dastuurkii la diiday in wax laga badalo la aqbalay, marka laga soo tago; abaaraha, gaajada, colaadaha, dagaallada iyo dhibaatooyinka guud ee waddanka ka jira, weydiinta ugu weyn yaa ah sidan: ma laga gudbi doonaa saddaxdan arrin ee kala ah:

  1. DAWLADO KU MEEL GAAR AH: Labaatanka sano ee burburka lagu jiro, dalka waxaa soo maray ku dhawaad shan dawlado ku meel gaar, dhaqan ahaan iyo maskax ahaanba, ku meel gaarka, waxay ahayd inay ka dambayso marlaxad nagi iyo deganaansho, weydiinta madaxa daalinaysa ayaa ah: “Horta Ku meel gaar inaan ka baxno yaa dani ugu jirtaa? Ma anaga [Soomaalida] Mise Shisheeyaha [Dunida]
  2. SHIRAR DIB U HESHIINEED: Sida tan hore mugdiga dad badan uga jiro, tan waxaan filaa inay tahay bannaanyaal iyo wax iska cad.
  3. ERGAY CUSUB: Lixdii sanee u dambaysay, waxaa la soo magacaabay sadax ergay, oo uu ugu dambeeyo mudane Mahiga, haddaad gadaal sii qooraansatana qoorta ayaa ku daalaysa kaliya, waxaaba laga yaabaa inaad tirin weyso.

Eedda Ansixinta Dastuurka

Inta aan Dastuurka iyo ka sheekayntiisa aanan ka bixin, mid yaa waajib ah, in farta lagu fiiqo cidda eddan taarikhiga ah qaadaysa, ugu horrayn, waxaa la qaadaya:

  1. LIXDA SAXIIXAYAASHA AH: waxan loogu yeero “Roadmap”ka ku saxiixay, dadka qaarna ugu yeeraan LIXDA SAXAL, oo iyagu geed dheer iyo geed gaaban u fuulay sidii lagu ansixin lahaa.
  2. SI GAARA AH: eeddu waxaa si gaar ah u sii leh Mudane Faroole, oo isugu si cad u hor istaagay in wax laga badalo, dabcan, waa hubaal inuu sadbursi ka dhex arkay.
  3. MADAXDA DAWLADDA: kuwan haya xilalka ugu sarreeya Dawladda, ee kala ah: Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Ra’isul wasaare Cabdiwali Gaas iyo Mudane Shariif Sheekh Xasan Aadan Guddoomiyihii hore Baarlamaanka.
  4. EEDDA UGU WEYN: eedda ugu culus waxaa qaadaya Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxmaan Xoosh, oo isaguna cod dheer iyo cod hoose u adeegsaday sidii uu ku meel marin lahaa Dastuurkan, Sharci ahaanna Wasaaraddiisu masuulka ka tahay hirgalintiisa.

Dal Dayacan

Aqriste, middan si fiican iila dhuux, waana meesha sartu ka quruntay ee ugu muhimsan inta aan soo xusay, eeg kuwan waddanka ku soo hoggaaminaya shisheeyaha, waddanka gees ka gees eeg maanta gobol aan Xabashi joogin ma lahan, Somaliland iyo Puntland iyagu qurbaanka si joogto ayey u bixin jireen, koofurta deegaannada qaar ayaa Fiddow iyo Xersi xir ahaan iyana u gayn jiray, hadda waxay maraysaa inaysanba sugan, ee ay ugu timaad meesha uu yaal, halkaana ka maamusho, kana yeesho sida ay doonto.

Haddi Xabashi kaliya ma ahane la soco, waxaa waddanka joogo Ugandhiis, sanad walba waa la soo kordhiyaa, adba garo ujeedka laga leeyahay! Burundi caasimadda la wadaaga kuwaa, Kenya oo iyadu u xilsaaran deegannadda la wadaaga xuduudka, lammaanana looga dhigay Seraliyoon, waaba iga weydiine, horta ma qoryo ayey wataan? Mise Faasas iyo Godimmo? Hadday kan dambe wataan Wallee waa laba jab, illeyn haddaanba dhimasho la hurayn xaraarug la’aan dhimaa dhaanta saxariire. Ha moodin inaan ka tagay walaalaha Djibouti, oo iyana iminka Hiiraan loo qaaday, si loogu daboolo Xabashida joogta.

Maantana waxay maraysaa in Bolis Afrikaan ah la keeno waddanka, gaar ahaan kuwo ka socda Koofur Afrika iyo Nigeria, si ay ka hawlgalaan Saldhigyada Boliska, oo Oobbiga, Dacwadda iyo Ashtakada waxaa kaa qoraya nin Askari Afrikaan ah, ayaandarro ka weyn miyaa jirtaa taa? Haddii ciidanka Militari la yiri waxay baacsanayaan Alshaabaab, kuwan Boliska ahna ma dumarka ayey baacsan doonaan? Hadda ayey Xabashidii Kufsi ka billaabeen dalka sida Baladweyn iyo meelo kale, madax ku sheegguna waxay ku muransan yihiin Xildhibaannada anaa soo xulaya iyo anaa soo xulaya DAL DAYACANOOW yaa ku leh? DAL DAD WAAYEY iga dheh!

Gunaanad

Ugu dambayn, Kampala accord, Roadmap, Odayo qabsan, Ergo gadan, madax musuq, maal quban, qaran laalan, ka sokow, ma waxaad naga gadaysaan; DALTUUR baa la ansixiyey? Kaba dhige yaa dani ugu jirtaa? Ma Qabiillada Soomaaliyeed? Ma Qawlaysatada qaranka Soomaaliyeed kala qaaraysa? Ma Qurbajoogta aan qaabka lahayn? Mise Dawladaha aan dariska nahay?

Midda ay noqtaba iyo inta xigsan karta ee la isku tirayn karo, waxaa hubaal ah in qaranka Soomaali sii nuxuusayo, haddana, Gaas dhagoolaha iyo inta wax ma garatada ah, sida loo hireeyo waa la adeegsaday, kuma sii jirto haddaad u tilmaamayso wax iyaga ka maqan ee ay tabayaan.

War iyo dhammaan, waxaa madlan doorasho, ka horse waa in la isla gartaa sida loo soo xulayo xubanaha Xildhibaanna, weydiinta yaa ah; Yaa la dooran? Yaa is dooran? Maxaa lagu dooran? Maxaa la isku dooran? Sidee la isku dooran? Maxaa dammaanad oo jira, kan la dooranayo iyo kan wax dooranayaba? Midda ugu muhimsan yaaba ah: horta doorasho ma dhacaysaa?.

Isu gayn waa weydiimo maqan, hadde maxaad ka filan warcalintoodana, haddiiba su’aalihiiba maqan yihiin, waa wax jawaabo ah ha filan! Arki doonnee duulkaan daltuurrada ah meesha ay Soomaali ku furaan!

August, 2012

Bashiir. M. Xersi

Advertisements

6 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s