Image

Reerbaa beri waxaa u joogay nin madaxa looga jiro, inuu Waalan yahay waa is ogaa dadkuna waa ku ogaa “Waa is ognahay Cayna ma ahan ammaanna ma ahan”hore loo yiri.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii Waallaa ambaday, afka meeluu saaray iyo wijhadduusu qabtayna la garan waayey, hadduu maalmo maqnaa, asii aan war iyo wacaal laga heyn ayaa Tolkii oo dhami raadintiisa u wada qalabqaatay, rag iyo dumar, carruur iyo cirroole, wax la baadigoobo oo la raadsho, mar quus laga joogo ayaa la soo helay, reerkiina lagu soo gurya celiyey.

Waxaa loo sameeyey munaasabad ballaaran, oo lagu maamuusayey in dib loo soo helay, xafladdii loo dhigay ayaa waxaa ka dhacay “lama maqal iyo lama arag” waxaa is qabsaday mashxarado, alalaas, sacab, saxawan iyo jaan dhan walba isaga timid, ayna wehliso xabado kor loo ridayey iyo olol is qabsanayey, dadka dhami waxay ku jireen damaashaad iyo farxad barraalan.

Xaalka oo sidaa ah, baa ninkii Waallaa oo la yaabban waxaan dhacaya, asaanse garanayn waxa loo samanayo ogaaday in ujeedka ka dambeeyaa yahay in isaga lagu soo dhaweynayo, maadaama muddo la weysanaa ka dib uu reerka dhexjoogo, ninkii Waallaa oo qaadan waayey waxa loo samaynayo, inuusan u qalmin marka laga soo tago, sida uu isu arkay, ayuu la sii yaabay dadkii dhigayey xafladda, maadaama uu is lahaa way ku dhamaan aqli iyo aragti lababada, basle, xaqiiqsaday inaysan waxba dhaamin isaga Waalan, asagoo dareensiin raba inay isdaalinayaan oo kaliya, kuna hawllan yihiin Jinni ku xaqsay iyo tacab beel, ayuu yiri: “Maxaa la iiga alalaasayaa/mashxaradayaa, berri yaan haddana dhumayaaye!”.

Horaa loo yiri: “Waallidu waa funuun/qaybo” dhanka kale, waxaa la yiri: “Dhimir tagay dhayal kuma soo laabto” aqriste, marka aad Siyaasiga Soomaaliyeed eegto imisaad is leedahay labadan oraah waa ku dabbaqmayaan? Adoo dhan walba ka eegaya, oo aan u fiirinayn kanaa i xiga iyo kanaan necebahay toona, illeen sheekadu waxay maraysaa, meeshii laga yiri: “Waa la buuxaa la badan yahay”.

Aan u deedego ujeedka qormada, run ahaan sida wax u dhacayaan ama u dhacayeen ma ahan mid ku galinaysa niyadsami iyo naruuro soo daahirtay, dadka qaarkiise u ah waa dillaacay iyo arooryo san, ninba dhan ka eeg sina u eeg, waxaase haraya waa dhacdada dhib iyo dheef waxay reebto, halka qofku mar kale isku dayo inuu dhan kale u janjeersado, asagoo ka duulaya rajada iyo humilada, nolol aan rajo lahayn waa ifka ku geeriyoo!

 

Duub aan Caano lagu daadin

 

Geeddi socodka dawladaynta Soomaaliya madal ka dhammaa waysay, xaajo xal yeelan waysa ayaa sidaa ah, la yiri: “Nin Bukoow Boqoli kuu talisayey” haddana, madasha yaa kala roon kalana rajo badan, waxaa ugu dambeeyey middii lagu Duubay Guddoonka Baarlamaanka afarta sano ee socoto hoggaanka hayn doono, waxaana ku soo baxay mudane Jawaari.

Sadaal badan way jirtay inuu yahay mudanaha xilkan ugu cadcad, waxaase wax walba is badaleen markii Mudane Galayr oo Wareeggi 1AAD kaalinta 2AAD galay uu ka tanaasulay inuu la sii tartamo mudane Jawaari, taa oo ka dhigan inaanba doorasho dhicine ay dhacday DUUB AAN CAANO lagu daadin.

Dhaqan ahaan, qofka marka xil Dhaqameed loo dhiibayo inta badan geyaga Soomaalida waxaa caado ka ah in Caano lagu daadsho, taa oo ka dhigan maraasimta iyo baratakoolladameesha ay siyaasadda uga jiraan, waa dhaar, waa ballanqaad, waa khudbo dareemaysan, waa hidde, waa ab laga soo gaar, waa isir raac, waa hayb ku dherersan sooyaalka.

Haddii dad badan Caano Niido isku daadsheen si Duub ay u noqdaan ama looga dhigo, maanta waxaan siyaasaddiina ku haynaa in DUUB AAN CAANO lagu daadin noqontay, malaha waxaa ka dhimman oo kaliya ina magacyo ka agdhaw kuwa Dhaqanka loola boxo, illeen doorasho waxaa ku lammaan loollan hufan iyo hardan sharaf lehe, ma dhicin ma lihi, balse, marka tanaasul aan jirin soo noqnoqdo dareen buu ku galinaaya.

Aqriste, aan wax yar dib ku celsho, markii Shariif Sakiin xilka laga qaaday, ee la damcay in la doorto Guddoonka cusub ee Baarlamaankawaxaa isla sida Jawaari loo tanaasulay Madoobe Nuunow, oo isna noqday DUUB AAN CAANO lagu daadin, aanse shaqayn, maadaama la cuuryaanshay, bal isu eeg, isna wuxuu ku guulaystay wareeggii 1AAD, maxaa yeelay waxaa tanaasulay dadkii la tartamayey, in la isu tanaasulo ma ahan wax xun, ee dhibka yaa ah, in marka loo baahan yahay inuusan lehin, balse, marka aan loo baahnaynse lala soo wada afbuuran yahay.

Dhanka kale, mudane jawaari waxaa lagu sheegay aqoon yahan waliba Sharciyada ku xeeldheer, bal iga labad qalad ee uu ku dhacay:

  1. Go’aanka Maxkamadda sare: Xuldhibaanno ay Maxakamadda sare go’aan ka gaartay, kuna dartay liiks Xildhibaannada, ayna dhaarisay ayuusan wali go’aan cad ka qaadan, dabcan guddiga loo saarayo waa iska xaal mastuur iyo mawqof cad ha qaadan.
  2. Guddoonka Baarlamaanka: Duubista Guddoonka Baarlamaanka ka dib, Sharci ahan waxay ahayd in Guddoonkan cusub ay Maxkamadda sare dhaariso, inta aysan wax hawl ah gudgalin qaranka u shaqo billaabin, taana ma dhicin, oo durbadiiba waxay magacaabeen Guddi Doorasho Madaxweyne.

 

Jawaari iyo Dastuurka

 

Mudane Jawaari inta aqoontiisa, waxbarashadiisa waayo aragnimadiisa iyo sooyaalkiisa laga yiri ama uu isagu ka yiri wax ku dari maayo, taa ka sokow xiisaba iima haysee, aan bal si kale wax u soo bandhigo, anoo eegaya dhacdooyin wali sii qoyan oo aan engagixin, illeen dadkeenu xusuusta aad bay ugu liitaane.

Mudane Jawaari maalmo ka hor wuxuu GUDDOOMIYAHA GUDDIGA KHUBARADADA IYO DIYAARINTA DASTUURKA QA BYO QORAALKA ah, ee meelmarintiisa loo kaashaday 850 qof oo aan ilaa iminka iyaguba garanayn waxa ay u codeeyeen iska daa inay gartaan dadka bannaanka ka joogay ama loo arkay inayba dhib ku yihiin hannaanka socda, ee lagu suntay QASWADAYAAL.

Dabcan, mudane Jawaari ma qaadayo eedda qoraalka Dastuurka, maadaama uusan isagu qorin, wuxuuse qaadayaa eedda ah inuu madax u ahaa kooxdii loo igmaday inay dib u eegis iyo sixid ku sameeyaan iyo inay dib u muraajacayeen, ee uu kala diray Wasiir Xoosh oo ka mid ahaa dawladdii dhacday, oo markii lagu adeegtay Xildhibaannimina waayey!

Mid waa biyo kama dhibcaan, in noole walbaa leeyahay xarun iyo mooro u go’an, mid loo aguugay iyo mid uu isagu samaystayba, xoolahu waxay leeyihiin xero u gaar ah, Dugaaggu wuxuu leeyahay godod uu isagu qotay, oo ka dhigan bar lagu garto iyo bidhaan lagu aqoonsado, inta Samada duusha ee Shimbir iyo Haad leh waxay leeyihiin Buulal ay iyagu waabteen, ee lagu aqoonsado, xoolaha iyo dabjoogtuna la mid, mid walba waxaa u gaar meel loo ooday iyo waab loo xiray.

Marka siyaasadda iyo maamuka loo yimaado, ma jiro dal aan xarun iyo magaalo madax lahayn marka laga reebo Soomaaliya, hore way u lahayd, balse, maanta ma lahan, waxaa magaalo madax la’aan dhigay kooxdii ku jirtay Guddiga Datuurka iyo Guddigii loo xilsaaray inay dib u eegaan, ee mudane Jawaari madaxa u ahaa, Odaga aqoonta daadshay oo waayo aragnimo madaxu la caddaaday ma wuxuu garan waayey in wadanka aan Caasimad la’aan la dhigin? Ma wuxuu garan waayey in dibba ha looga doodee wadanka xuduntiisa la qoro? Ma wuxuu garan waayey in haba la isaga yimaadee uu wadanka xaruntiisa qoro? Ma wuxuu garan waayey hadhawba ha laga reebee inuu wadanka magaalo madaxdiisa qoro?! Wallee wuxuu mudane Jawaari soo wado iyo wabigu kala wayn!

Aqoontooda lagu ammaanayaa hadday u oggolaatay inay soo qaadaan Dastuur aan Caaasimad lahayn, waxay ka dhigan tahay QOF aan WADNE lahayn, waxay ka dhigan tahay GURI aan SAQAF lahayn, waxay ka dhigan tahay XOOLO aan MOORO lahayn, waxay ka dhigan tahay XOOLO aan SUMMAD lahayn, waxay ka dhigan tahay HAAD aan BUUL lahayn, waxay ka dhigan lama kalo xigo iyo nuxurba ma lahan, waxay ka dhigan yahay ……

 

Maal maqan

 

Dhanka kale, midda aan sirta ahayni waa, in Guddigayada Dastuurkan maalintii la aasaasay ilaa iminka uu mushaar joogta ah qaadanayey, waxay dhisnaayeen muddo ku dhaw seddeed sano, intaa ay dhisnnaayeen waxaa ku baxay adduun aad u badan, qarash aan la xisaabi karin iyo hanti ciiddaan ka badan, iskama lihi taa, waase mid cad, tuhunku waa jiray, waxaase ka marqaati ka kacay Wasiir Xoosh, oo dabcan is hayn kari waayey ka dib markii khilaafku xoogaystay.

Taa kaliya ma ahan, Guddiyadani way ka safar badnaayeen madaxda dawladda, oo haddaa, yaa ka bixin jiray qarashka safarkooda? Maya, horta sidooda yaa biili jiray? lacagta ku baxaysay xaggee ka imaan jirtay? Xafiiskee siin jiray? Guddiyani Xafiiskoodu xaggee ku yaallay? Mise waa garab rarato Lap Top-ku Dhabta u saaran yahay, walina aan gaarin iPad!

Weydiimahan waxaa nooga jawaabay Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxmaan Xoosh   oo gaar ahaan Guddiga Dastuurka ku eedeeyey inay lacagtii loogu talagalay Dastuurka Hotel-lo ku yaal Kenya iyo Uganda ku seexdeen, haddaba, is weydiinta yaa ah, mudane Xoosh markii lacagtan la cunayey muxuu u sheegi waayey? Muxuu si laab la kac ah ugula soo booday markii ay is qabteen oo khilaaf soo kala dhexgalay ka dib? Dhanka kale, lacagaha qaraashaadka ah ee ku baxay, wasaaraddiisu miyeysan ogayn, maadaama ay soo hoos galayso miisaaniyad sanadeedka wasaaraddiisa?.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya, in Guddiyadan maalintii la magacaabay ilaa intii laga kala diray ay ku baxday qarash badan, aqriste lacagtu ma yaree, bal kurisga xajiso, inta aanan kuu sheegin, waa inaan kuu sii digaaye, waxaa lagu beelay beeso dhan Soddon Milyan Dallar [30Milyan$]haddaba, yaan la oran dalku muxuu Sabool u yahay? Illeen Yuubatadan ayaa wixii soo galiba u yuurartee!

Haddaba, aqriste, Mudane Jawaari waa kaas, ma mudan yahay in loo mashxarado? Ma mudan yahay in loo alalaaso? Ma mudan yahay in rajada intaa la eg laga fisho? Ma mudan yahay in loo arko inuu dhaamo Shariif sakiin? Dabcan xagga aqoonta ugama jeedee xagga aqoosha baan ka wadaa, la yiri: “Aqool xumo Abaar ka daran!” sida loo nacay Shariif Sakiin ma keenaysaa in aan dadka la iska baandhayn? Waa meeshii Odagu wiilkiisa ka yiri: “Ha lagaa badshee, ma iska baandhaysay?!” oo ka warceinayey wiilkiisa oo ku yiri: “Aabbe Turubkii waa la iga badshay!

Nin aan saaxiib nahay baan ku iri; ninkan maxaad uga mashxaradaysaa? Markaa buu iigu jawaabay; Shariif Sakiin ha na dhaafo, Waraabana ha yamaado hadduu rabee! Malaha wuxuu Waraabaha u soo dhawaystay waa in xalaal lagu sheegay, aqriste, bal sii goob qormadii ahayd: “Umaloow: Waraabaha maxaa xiga?!”.

Dadka waxay ka joogtaa heer aan wax la kala soocayn, saw maahmaahdu ma ahayn: “haddii la Dhimaa Dhareerka waa la iska duwaa!” dabcan in marxalad adag la marayo, ind dadku daalay, diif badanina hayso, waa jirtaa, qofnana ma mooga, balse, laab la kacan iyo hubsiimo la’aantani saw ma ahan midda halka aan joogno ka dhigtay? Miyaan maalmaha wax lagu qaadan? Maalin walba ma waxaan ku jiranyaa; kan Allaha na dhaafiyo, maalmo ka dib isla kii ashtako laga hayey?

 

Gunaanad

 

Ugu dambayn, miyeysan nagu fillaan inta aan soo mashxaradnay? Murti baa dhahaysa: “Nimaan waxa soo scoda garan, waxa jooga(Socda)na ma garto!” sow kama fogo haddii sooyaalkii la hilmaamay, oo ma noqonayso: “Illawsho dhawaa ma Umulaa!” Aqriste, dib u xasuuso, Jabhadkii wadanka Jabshaha la soo galay, anagaa ku soo dhawaynay alalaas iyo masharaxad, Qabqablaha anaga ayaa qaab u yeelnay, kana dhignay wax uusan ahayn, Wadaadka anagaa waallida ku garab siinnay, Prof iyo Dr Qabyaaladda beegaya anagaa u qiillinay.Waa halkuu Abwaan Maxamed Ibraahin WarsameHadraawi” ka yiri Gabaygii “Gudgude”:

 

Gar ma qaatayaashiyo dadkaa, beera ruux gudhan’e,

Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo,

Markuu dhaawac gaystaba haddii, loo gargarateeyo,

Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya,

Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol xaadho,

Kaligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye

 

Haddaba, sow ma ahayn in marka hore laga fiirsado waxa loo sacab tumayo nuxur iyo hadaf ahaanba, asal iyo ujeed, iyadoo lagu eegayo il qooraadan oo ka dhigan Sooyaalka, mid hogan oo eegaysa waxa jira ee socda iyo mid qumman oo togan oo eegaysa aayaha iyo dambada loo aroorayo, caadifadda iyo laab la kaca xad ha lahaadaan, taageerada sal ha lahaato, garab galku ha garaysnaado(gar ha ku qodbanaado), caqligu ha shaqeeyo, dhug ha la lahaado iyo fiiro dheer! Aqriste, bal sii goob qormadii ahayd: “Soomaali: is ma dhaanto iyo dhasheed

Aqriste bal eeg Shiribkan ay is dhaafsadeen dhawrkan Laashin, ee soo koobaya qormada:

 

Marna Qabiil, marna Qaliif, inta kale qolfoof miyaa?

Marna Jabhad, marna Jaamici, inta kale ma Jaariyaa?

Marna Qabqable, marna Quwaax, inta kale Qabbaan miyaa?

Marna Itoobiyaan, marna AMISOM, inta kale Others miyaa?

Marna Wahaabi, marna Wadaad, inta kale Waddac miyaa?

Marna Baroof, marna Burcad, inta kale ma Baadilaa?

 

Bashir. M. Hersi