Faroole oo Farta lagu wada fiiqay! Q: 2AAD

Image

Aqriste/ato, inta aadan qormada aqrin, fadlan bal daawo muuqaalkan ku jira liilkan hoose, si aad u ogaato qodobbo dhawr ah, dabadeed qaabka aad doonto u qaado. Daawasho wacan.

http://blip.tv/somaliswiss/faroole-halka-uu-dhigay-puntland-5860208

Haddaan qeybtii hore ee qormada ku qaabiyey dulxaadin, Faroole iyo faquuqa, Faroole iyo Fidnada “Amniga” ayaan qaybtan ku eegayaa qodobbo kale, anigoo marba dhinac ka eegi doona sidaan horayba u ballan qaaday, haddaba qeybtii kale oo billaabatay waa tane, aqris wanaagsan.

Faroole iyo Tcsida Meles

Hoggaankii siyaasadda dalka Ethiopia oo muddo ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaal wadanka Bilgam ayaa la iclaanshay inuu geeriyooday, dad badan ayaase qaba in Meles mar hore geeriyooday, ee intaa la qarinayey, haddana sidii la wada filanayey madax ku sheegga Soomalida ninba si ayuu uga hadlay.

Xaqiiqda biya kama dhibcaanka ah yaa ah, in xer badan ay gablan noqdeen, waxaad ka garan kartaa erayada tacsida lagu maldahay ee ilaa iminka ka soo baxay kuwan isku sheega madaxda Soomaalida, dhammaan waxay isku raaceen in Meles ahaa Geesi, bal aan halkan su’aal dul dhigee, Geesi ma wuxuu ku noqday inuu Soomaali xasuuqay? Ani ma garan, aqriste, adigu ma garanaysaa?

Gablanka gabbalku u dumay ee geerida Meles gabbaadku u jabay, waxaa soo food saari doonta arrimo badan oo wax ka qabasho u baahan, dabcan maamulka Addis wuxuu sheegay inaan siyaasadda Xabashida ee Soomaali ku aaddan waxba iska badalayn, taa oo ahayd sidii la wada filanayey, maadaama ay markii horaba qorshe gurracan gashay.

Tacsida maldahan waxaa ku hormaray Madaxweyne Shariif, oo xusay inay mar isku dhacsanaayeen, balse, xilliyadii dambe ay isku aragti ayaaheen, dabcan, waa markuu tiisa ka helay, oo haddaa mid kale maxaa uga dan ah? Ninkii danlaawe ah yaa dano kale isku mashquuliyee, inta sharraxan isaga ayaa ugu rajo dhaw, in dib loo soo doortana iskama dhacayso, ee waa miduu ka shaqeeyey Melesna qayb ku lahaa.

Waxaa sidoo ale tacsida maldahan diray mudane Siilaanyo, isagoo sheegay inuu Geesi ahaa, una tacsiyeeyey shacabka Ethiopia.

Intii tacsidan maldahan lagu jiray, ee laga wada dhawrayey madax ku sheegga Soomaalida, Allaylehe mudane baa tacsi rasmi ah oo kal iyo lab ah u diray, dad badan way filanayeen, balse inta ay ku noqotay fajaciso waxaan dhihi lahaa bal sooyaalka dib u eega, dhacdooyinkana soo xusuusta.

Mudane Faroole wuxuu isa sii taagay xarun lagu sheegay Qunsuliyad, dad badanse ay u arkaan xarun dadka laga dhoofiyo, markuu xaruntaa tagay ayuu ku hadaaqay erayo lagu yaqyaqsadee, aqriste, adoon la yaabin wuxuu yiri: “Senawi kaliya Ethiopia kama dhiman! Wuxuu ka dhintay guud ahaan Shucuubta Afrika iyo Soomaalida! Anagana waa naga dhintay!”

Sax inuu Shucuubta Afrika ka dhintay, maadaama uu ahaa hoggaamiye Afrikaan ah, waliba madaxna ka ahaa wadan ay ku taal xarunta Wadammada Afrika, balse, su’aasha ugu horraysa yaa ah: muxuu Soomaali u raaciyey? Marka hore; isagu ma ahan madaxweyne Soomaali, oo kuma hadli karo magaca Umadda Soomaaliyeed? Midda xigta yaa ah; muxuu uga jeeday markuu lagaa “Anagana waa naga dhintay?!” Anaga ma maamul ahaan buu u hadlayey mise…? Midda kale sida eraga uu adeegsaday wuu is xijiyey sidii qof ka tirsan oo kale, ee sidee uga tirsanaa? Dabcan xiriir waa ka dhexeeyey, balse, ma keenaya inuu dhaho anaga ayuu naga dhintay? Sidaa oo kale, waxaa u hadli kara dadka xigtada la ah ama ay isku hayb yihiin dhalasho iyo qowmiyad!

Mudane Faroole intaa kuma ekaysan ee wuxuu dirsaday qayloshaan, isagoo yiri: “Waxaan ugu baaqeynaa Raysul wasaare xigeenka hadda xafiiskii la wareegay iyo ragga kale ee la shaqeynaya inay raacaan dhibbihii uu jeexay Senawi!” su’aasha kale yaa ah; midane Faroole cabsida iyo baqdinta haysaa fara weynaa? Waxaaba ka sii daran walwalka la soo darsay, wallee taa in lala wadaago, ee uusan kali ku ahayn.

Siilyaanyo oo Waqooyi jooga, Faroole oo Bari jooga, Shariif oo Xamar jooga, Ahlusunna oo Gobollada dhexe joogta iyo kuwa Baydhabo giddigood way ka naxeen geerida cadowga Soomaaliya, oo markii horaba soo korsatay dabadeedse ku caasiyey ee Meles.

 

Faroole iyo Fedaralka

Fedaral, hab iyo hannaan ahaanba, waxaa isku haga dadka saddax hayb midkood leh;

  1. Inay kala qaymiyado yihiin.
  2. Inay dhul baaxad weyn ku nool yihiin.
  3. In loollan lagu yareeyo, si uusan u sii ballaaran.

Qodbadan sare ku saxan intaba Soomaali midna kama jiraan, midda dambe ayaa la dhihi karaa, iyana ma dhicin, Rajiim ayaa la riday, dabadeedna reero reero ayaa la isu riiqay, ee wali loollan awoodda ku saabsan ma dhicin, aan ka ahayn sadbursi.

Qaab dawladeedka Soomaali, waxaa Fedaralka ku soo biiriyey Maamulka Bari, gaar ahaan xilligii C/laahi Yuusuf madaxa ka ahaa, shirkii Kenya ee 2004-tii, shaw maanta haddii la weydiin lahaa, inuu xalka si kale u tilmaami lahaa ayey u badan tahay, ma ahan in aragtidiisii wax iska badaleen, ee inaan Fedaral xal ahayn awgeed, wixii xilligaa ka dambeeyey, hadaaqa eragan wuxuu noqday hal hayska Maamulkaa, aadba mooddo inaan la’aantiis wax horumar ah la gaari karin, kaalinna la buuxin karin.

Wax waqtigu socdaba, maanta waxaan joognaa marxalad kale, waxaa maalmo ka dhimman yihiin doorashooyin la moodka aan la garanayn meesha ay na gayn doonaan  ee leh Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynahaba, marka Faderalka laga soo tago waxaa loo dabran yahay afar iyo bar, waa balaayo oo aan lagu gudbin, Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan iyo  Madaxweyne Geelle madaxooda Allaha ka shubo.

Waxaa Muqdisho ku shiray Odayo Dhaqameedyo, isugu jira xalaal iyo xaaraan, run iyo feeg [faalso] qaar la dejiyey daaro waasaca oo qurxoon, qaarna giddaafado lagu xareeyey, daryeel iyo daymo la’aani dilootay, waxaa laga sugayey, inay Dastuurkii qabyo qoraalka ah isha mariyaan ama loo aqriyo, waase laga diiday inay aragti ku biiriyaan, waxaase loo oggolaaday inay soo xulaan ergo ku dhawaad kun ka kooban, oo la yiri waxay ansixnayaan Dastuurka, si loo soo xulo Baarlamaanka dambe, iyana waa la daba marshay Dastuurkii, haa ugu cudeeya baa si cad loo yiri.

Inta aan madasha shirka la iman ayaa buuq billowday, dhan walba; Koofur, Bari iyo Waqooyi, waxaa laga wada cabtay in suuqa madaw lagu keenayo Odoyaasha, waxay noqdaanba la keen, waxaa durbadiiba la ansixiyey in qofkii dastuurka ka horyimaada loo aqoon sanayo “QASWADE!” waxaa si laab la kac u ah u tageereey madaxda dawladda KMG ah, Gaas ayaa calanwade u ahaa, wuxuuna sheegay qofkii dastuurka diidaa inuu isbaaro u dhiganayo, kuma ekaysan afxumadaa kaliyee, wuxuu ku daray, inta dastuurka diiddan inaysan 99% aqrin waxa ku qoran, malaha isaga ayaan ka warqabin waxa uu kuu hadlayo! Shariif, isagoo xamlan oo laga dhex hadlayo ayuu yiri, dastuurka waa diidnay lama aqbalayo!

Haddii intaasi dhacday, si lama filaan ah, waxaa warqad u diray mudane Faroole, kuna sheegay inuu dastuurka qaadacay, ayna tahay in shir la isugu yimaado Kenya ama Ethiopia, xasuuso, xeerku wuxuu ahaa qofkii diida dastuurka inuu nabaddiid yahay! Gaas ayaa ugu hormaray, kuna tilmaamay diidmada Faroole mid u gaar ah, oo dadka kale ee diiddan  inay u gaar noqoto, maxaa reebaya? Faroole waa u gaar, inta kalana waa ka gaar, ani ma garan, ee qofkii gartay ha noo garaadiyo.

Wasiirka Dastuurka mudane Xoosh, ee markii lagu danaystay ee laga gaaray ujeedkii laga lahaa xitaa Xildhibaannimo waayey ayaa si daacadnimo leh u hadlay yirina hadalka faroole ma filanayn! Waligaa kadis iyo filanwaa wax kaaga soo hor baxa ma aragtay? Afku ma ku kala tagay, ee eray ma kari waysay? Sidaa ayaa qabsatay Wasiir Xoosh, Shariif waa aamusay, isagu maba ka hadlo arrimahan oo kale, isna ma ka reebban tahay, oo waxyaabaha gaarka ah kama hadlo? Mise maba karo, oo kartideed maba lahan? Miday tahayba,  aamus iyo hadal waxaa u dhexeeya, waa sulux iyo sabaalin, aqriste, munaafaqad ma la dhihi karaa? Eray ahaan, ma ahan diin ahaan.

Faroole diidmo iyo cabasho shisheeye kuma ekaysan, shisheeye u baaqa kali kuma ahan, ee waa meeshuu Cigaal Shidaad ka yiri: “Waa la buuxaa, waa la badan yahay” waaba iga weydiine, saw lama lahayn, Garoowe ayaa xarun shirar isu badashay, maxaa keenay inuu mudane Faroole soo hadal qaadi waayo? Ma halmaamin baan filaaye, mise maadaama uu cabashadaba u gudbiyey shisheeyaha, waa in shisheeyuhuna gogosha dhigaa, kaliya ma ahane, waa inayba go’aamiyaan waxa ka soo bixi doona, si aan u dhicin in cabashadii meel cidla ah ku dhacday.

Mudane Faroole diidmo iyo cabasho ka dib, wuxuu u gudbay fal, wuxuu shirka ku armay inay ka baxaan ergadii uu u soo dirsaday, haddaba, ma la dhihi karaa, waa ergo Faroole? Kaaga sii darane, waaba ka bexeen shirkii, madal Odayo Soomaali ku dhan yihiin, ayey ku banneeyeen, waaba iga su’aale, madal shir ee la isaga dareeraa dhaqanku muxuu ka qabaa?.

Fedaralkii Faroole wuxuu noqday, “KAYGA ANAA ISKA LEH, KAAGA KULA LIHI” oo hadduu dastuur ansaxday, muxuu u carqaladaynayaa midka Soomaaliweyn? Wixii ka qaldan ama ka dhimman iyaga ayaa turxaan bixinayee, “Kaama tagin kulamana joogo waaye” sow ma mooddid in Somaliland qodobkan ku dhaanto? Oo iyadu bannaanka ayeyba joogtaa, waliba diyaar u tahay in la wada xaajoodo, waa tii la yiri: “Wada hadlaa heshiiyee”.

Haddii la yiri Dastuurkii waa la meelmarshay, haddii a yiri waxaa la soo xulay Xildhibaanno, ayuu Faroole mar kale afka furtay, wuxuuna ku guddooyey haddii laba arrin midkood dhacaan inay ka tashan doonaan Soomaali, labadaa arrin waxay kala tahay:

  1. In aan la dooran madax Federal diid ah: aragti ahaan wali ma cadda waxa Federalku yahay, marka laga soot ago midka dunidu ku dhaqanto, ama lagu daraasadeeyo Culuumta Siyaasadda ee leh hannaan iyo shuruuc u gaar ah, hadalkan marka la sii eego, waxaa lagu macnayn karaa, Faroole inuu baqdin ka qabo inuu waayo naasnuujinta hadda maamulka beesha Bari ku qabto dawladda dhexe, ee aysan ku qabin beelaha kale ee Soomaaliyeed, illeen qofkii la doorto loo eegi maayo inuu beel u xaglin doonee, waxaa loo eegayaa inuu dalkaan samata bixiyo dadkaanna badbaadshee.
  2. Xildhibaannada inaan lagu soo darin Qabqablayaashii: middan dhadhan gaar ah bay lahayd, marka Faroole sida gaarka ugu codeeyey, ku lahaa waa kuwii na soo qixiyey ee naga soo raacdaystay hantideeda iyo guryaheena, horta mid waxaa hubaal in Soomaali aan qixin ama la qixin uusan jirin, haddana, taa  ka sokow, Faroole shaqsi ahaan hantida ka maqan ee laga qixiyey maa dawladda u sheegto iyo maamullada jira? Midda ka sii muhimsan yaaba ah, inta ku lug lahayd qixii ugu horreeyey ee ka dhacay wadanka wax ka nool yaaba iska yar, oo haddana wali ku sii dhexjira hannaanka siyaasadda, marka laga reebo rag Faroole u yaqaan NABADDOONNO, sida: Maxamed Cabdi Yuusuf, Yuusuf Cumar Al-Azhari,Yuusuf Cusmaan Baribari, Gen. Moorgan, Xasan Abshir Faarax, Gen. Maxamed Darwiish, Cabdullaahi Cali Cumar, wiilka uu dhalay C/aahi ahaana qasnajiga Madaxtooyada Axmed Cabdullaahi Yuusuf, Cabdullaahi Dheere, Joocaar IQK badan. Aqriste, bal liinkan hoose sii raac si aad u daawato muuqal ay jiraan qaar ka mid ah magacyadan aan xusay:

http://www.youtube.com/watch?v=5Dae00I_qtQ

Midse waa muran la’ in qof qabqable u qiilinaya uusan jirin, haddaan ujeed gaar ah laga lahayn, dhanka kale, Faroole inuu isagu hanti dhacay, oo xoolo badan lunsaday waxaa caddeeyey dunida, oo waa marag ma doonto, la yiri: “Isma oge Islaan laa!”.

Aragti mudane Faroole uu soo jeediyey ee ah inuu Soomaali weyn ka tashanayo, midda ugu horraysa ayaa ah maamulka uu u hadlay marka laga soo tago reer Bari ma la qabaan aragtidaan? hadday haa tahay,  run ahaan waxaan filaa in dad badan oo Soomaali ah ay soo dhawayn doonaan, haddayse maya tahay, waxaan sugnaaba waa waxgaradka Bari oo arrintaan Faroole ku gaar yeela, haddii kale waxay noqon: “Shibi waa raalli

Ugu dambayn, haddii Faroole Calan gaar ah samaystay, hadduu Dastuur gaar ah samaysatay, hadduu Baarlamaan iyo Wasiirro leeyahay, hadduu Lacag inuu soo samaynayo sheegay, hadduu haddana horudhac ahaan u sheegay inuu Soomaali ka tashanayo, waaba yaabe, muxuu kaloo sugayaa, muu iclaasnho inuu goostay? Mise sadbursiga ayuusan ka tagi Karin? Aqriste, bal liilkan hoose sii raac si aad u dhagaysto hadalladii Mudane Faroole:

http://somaliswisstv.com/2012/08/19/faroole-oo-sheegay-in-soomaaliya-ay-ka-goayaan-haddii-madaxda-sare-ee-dalka-loo-doorto-dad-puntland-diid-ah/

Fisha qaybta xigta ee qormada

Bashir M. Hersi

 

Advertisements

4 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s