Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey! Q: 4AAD

Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey! Q: 4AAD

Qaybihii hore ee qormada waxaan ku qaadaadhignay: madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Isbihaysiga Nabadda C/laahi Sheekh Xasan, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Bal aan halkii ka sii amba qaadaynno, oon sii qodqodayna qolalka codleeyayaasha Soomaalida ka dhexbuuxa, Anagoo ka soo qaadanayna qaarkooda ugu yaabka badan. Dhammaan way ka siman yihiin laba jidlaynta, iyo inay dadka maankooda ku ciyaaraan, taasna dadka ayaa ugu wacan, haddiise la dhihi lahaa: “Habaarqabe, na dhaaf!” ilama ahan inuu heer nagu dhexgaari lahaa, haddaanse maamuus gaara, magac iyo mansab aanuu qalmin ugu darayno hubaal inuu halyey isu qaadan!

Qormadan oo taxane ah, qeybteedan Afraad waxaa noogu marti ah, mudane magacyo badan leh, magacyo Rayid ah, magacyo Ciidan iyo magacyo Diimeed. Malaha waxaa ka dhimman uun kuwa la xiriira xirfadda iyo farsamada “Professional” sida: Engineer, Doctor iyo Profeser. Magacyadan ma ahan kuwo aan anigu baxshay, ama xitaa bulshadu bixisay, ama isagaa la baxay, ama kuwo gafay baa baxshay. Magacyadan badankood waa bug (Falso) aan bayd ka jirin, sidaa awgeed waxaan ku gaabsan doonaa magaciisa rasmiga, haddii uusan isagana baddali doonin.

Mudanahan maadaama uusan magacyo miskiin ka ahayn, aan u qorno midkii horreeyey, ee ahaa: Yuusuf SiyaadIndhacadde”. Mudane Indhacadde wuxuu saaxada siyaasadda si rasmi ah ka soo muuqday dagaalkii Kismaayo ee hilaadintii 2000, oo uu horjooge ka ahaa maleeshiyaadkii ay dawladdii C/qaasim u dirtay Kismaayo, si looga caabbiyo Gen. Moorgan, garabna loo siiyo Isbahaysigii Dooxada Jubba,  ee Barre Hiiraale iyo Yuusuf Mire Maxamuud Seerar

Haddaba, inta aanan sii gudagalin arrimo badan oo xilliga ka dib dhacay, mudane Indhacadde ka hor muxuu ahaa? Inta aanse dawladdii dhexe burburin muxuu ahaa? Xil caynkee ah ayuu hayey? Mase soo qabtay xil horta? Heerkiisa aqooneed intee gaarsiisan yahay? Xagguu wax ku soo bartay? Muxuu soo bartay? Wallee weydiimuhu badan, yaase warcelin waafi ah kaa waraabinaya! Raad la’aanta kaligiis ma ahan, siyaasi ku sheegga sabada Soomaali laga saari waayey oo dhan ayaa sidaa ah.

Warar badan oo ku saabsan ayaa jira, xogta ugu muhimsan waxaa inuu ka qaybqaatay dagaalladii sokeeye ee wadanka ka dhacay.

Aqoon iyo ilbaxnimo uu kororsaday ma maqal mana arag, ee bal taa aan sidaa uga gudbo, xil inuu ka soo qabtay Dawladdii Kacaankana keydkeeda ma hayo, qofkii kara ha noo keeno, ma ahan inaan wax u oggalayn, balse, waa shaki jira kaliya, sidaa awgeed yaan xumaan loo qaadan, ama la qabyaaladayn!

Midda marag ma doontada ahi, waa kaalinta uu ku lahaa dagaalkii sokeeye, sida qayrkiisba kaalin firfircoon uga qaateen, haddii magacyada badan aan ka billaabo inta geeriyootay, Gen Caydiid, Gen Gabyoow, Col C/laahi Yuusuf, aan ku xijiyo kuwa nool, Cismaan Caato, Cabdi Qaybdiid, Cali Mahdi, Muuse Suudi, Maxamed Qanyare Afrax, Gen Moorgan, Goobaanle, Maxamed Cabdi Yuusuf, Xasan Abshir Faarax IWM,  ilaa laga soo gaaro wadaadadii waallida waday, Sheekh shariif, Janaqow, Abuurkar Caddaan, Xasan Dahir, Xasan Turki, Daahir Geelle, Abuu Mansuur, Gogane, Shangole, Cayroow iyo Prof caddaw oo geeriyooday IWM.

Mudane Indhacadde hadduu saanadduu siday iyo sahaydiiba gaarsiiyey Isbahaysiga Dooxada Jubba, Moorganna dharbaaxo lagu dhuftay, ayuu wuxuu dagay Gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan magaalada Marka, wuxuuna noqdoy Alxaaji Indhacadde, magacani wax ma idin soo xasuusinayaa? Hubaal, Alxaaji Axmed Guuleed oo ahaa madaxweynahii hore ee Jabuuti, Alxaaji Muuse Suudi Yalaxow madaxa degmada Madiina, Alxaaji Maxamed Dheerana madaxa degmada Jawhar, Alxaaji C/raxmaan Faroole, madaxa maamulka Bari.

Mudane Idhacadde, isagoo xukun aan loo xulan degaannadaa xoog ku jooga, ayaa waxaa dhashay waxaan u baxshay Wadaadadii waallida wadayMaxkamadihii” hadduu arkay in qabqablayaashii digada laga dhigay, Cabdi Qaybdiid oo u dambeeyana Xabashi dabada la galay, ayuu xeeladaystay, kuna biiray Maxkamadaha, ogoow awalba kama dheerayn, oo raad ayuu ku lahaa middii beesha.

Hadduu bahwadaag la noqday Maxkamdihii, meeshiisa ayaa loo dhaafay, dabcan, kuna mudnaa inaan laga qaadin, illeen haddii kale isku dhac ayaa imaan karaye, sidaa ayuu ku qaatay bilihii loo baxshay “Bilihii Islaanka” aniguse aan u baxshay “Bilihii baaba’a” dabcan si fiican ayaa hanti looga tabcaday bilahaa, isna waan filaa in qaybi ka soo gaartay.

Maadaama uu Maxkmadaha u qaybilsanaa arrimaha difaaca “Xogyaha dagaalka” wuxuu ahaa ninkii afka ku fashilayey Wadaadada, isagoo ka hadlaya fagaaraha (Tribun) Tiribuunka ayuu yiri: “Iiddan Arrafo waxaan ku dukanaynaa Addis Ababa” markaa waxaa aad u kacsanaa jawiga, saansan colaadeed ayaana socotay, dhanka kalana waxaa ka qulaamayey C/laahi Yuusuf iyo Geeddi, oo ay xarun u ahayd magaalada Baydhabo.

Hadduu hadalkaa jeediyey ka dib, wuxuuba u socdaalay wadanka Sucuudiga, isagoo dhahaya waan soo Xajinayaa, midda kale inta dagaal iclaamiyey ayuu wuxuu labistay dharkii nabaddaa ee midabka cad lahaa!

Haddii Maxkamadihii meesha ka baxeen, wuxuu u wareegay kooxdii awalba lafdhabarta u ahayd Maxkadamaha ee Alshabaab, wuxuu qirtay inuu isagu aasaasay Alshabaab, wuxuu aad uga soo horjeestay raggii ku shiray Asmara, kuna tlmaamay fulayo aan cadawga u babac dhigi karin, mid taageero uu uga helay dhallinyaradii la qalday dheh, kuna hungoobay Jihaad iyo Janno jeeb afar jeeble ku jira.

Waxaa xigay shirkii Jabuuti, Sheekhii Diinta dacareeyey shalay oo maanta madaxweyne ah ayaa yimid, Mudane Indhacadde sida caadada ah, wuxuu u xusul dubay siduu xil ku qaban lahaa, xukuumaddii Ina Sharmarke ayuu ka noqday Wasiiru Dawlaha Gaashaandhigga, maadaama loogu yeero Gen. Indhacadde, wuxuu saaxiib dhaw la noqday Madaxweyne Shariif, marar badan dagaal beenaad ku qaaday Alshabaab, aanse guul iyo gabogabo laga gaarin.

Haddii la riday dawladdii Ina Sharmarke, mayee, uuba tanaasulay, mudane Indhacadde wuxuu sheegay inuu isaga baxay siyaasadda, una jeestay Cibaado, Alla armay mar hore sidan ku habbooneyd, waase ayaan darroo, waa tii la yiri “Mukulaal madax Doolli kama Xajisee” iyo “Ninna caadadii kama tagee” ma isagaaba muddo ka maqnaa saaxada, taa awalba waan filayey, aqriste, haddaad aragto siyaasi ku sheeg sidaa u hadlay, waa boos raadis, ee si fiican isaga fiiri.

Wax yar ka dib, wuxuu soo nooleeyey Ururkii Xisbil Islaan ee baqtiyey, sheegayna inuu garab ka yahay, malaha meel uu cuskado oo kale ayuu garan waayey, maadaama uusan Alshabaab ku laaban karin, xilna ka waayey Xukuumadii Formaajo, waa tii la yiri: “Nin daad qaaday Xunbo cuskaye”.

Mudane Indhacadde, mar waxaa lagu xiray wadanka Uganda, waliba isagoo ah Wasiiru Dawlaha Gaashaandhigga, habeen ayuu baryey Xabsiga, inay cashir u noqoto ayey ahayd, mase dhicin, kaliya ma ahan, marar kale waxaa su’aalo lagu weydiiyey Xarunta AMISOM ku leedahay Buubaa Dageenka Aadan Cadde, iyana waxba uma noqon, kumana cibro qaadan, masuul Soomaaliyeed oo Ajnabi wadanka gudihiisa ku baarayo, haddana aan waxba u arag, dhiigga ayaa la miirtay, waxay yaqanniin kaliya sida marrasta loo gumaado.

Ma xishoonin, aqoon la’aantiisana ma qarin, waxaan duljoogsaday, isagoo leh: “Waligay Aala Sheekh ma maqal!” hubaal inuu dad badan oo sidiisa oo kale ah u hadlay, balse, dadkaasi waxay ku dhaameen iyagu maqal la’aantooda ceeb ugama dhigin Urur Diimeedkaas, balse, isagu wuxuu ku ceebeeyeey inuusanba maqal! Oo haddaa inta uu maqlay iyo inta uusan maqal kuweebaa badan? Si kale aan u dhaho, inta uu aqoon u leedahay iyo inta uusan aqoon u lahayn yaa badan?.

Anoo qormada gunaanaday, ayaan dul istaagay dood dhexmartay  mudane Indhacadde iyo Xildhibaan Maxamad Cali Cismaan “Diinsoor” oo ku saabsanayd Ammaanka iyo Ciidamada Shisheeye, mudane Indhacadde wuxuu ammaanay Ciidamada Itoobiya iyo Kenya, wuxuu hadalkiisa ku billaabay sidan: “Bismilaahi Wa Kafaa. Xildhibaankan wuu qaldan yahay, xaqna uma laha inuu eedeeyo ciidamada Itoobiya iyo Kenya, oo ah ciidamo walaalaheen ah! Oo noo soo gurmaday, maad adiga wax qabsatid? Intaad ciidamada walaalaheen ah wax ka sheegaysid!”.

Lama yaabbani, oo haddii sarriigtu kaa guurtay, adiga iyo yaxyax laga wareegtee, mudane Indhacadde, wax ka yar laba todobaad ayuu kala hadlay,  mar Dastuurka mucaaraday, marna taageeray, kuma ekaysane, wuxuuba eedayn u jeediyey dadka ka soo horjeeda, qofku haddaan erayaduu dhahayo dhagtiisu maqlayn waa dhib, waana midda haysta laba codleeyayaasha Soomaaliyeed, moog iyo ogaalba waxay ku hadlaan dhagtoodu ma maqasho,

Dhurwaa labada ciyood mid daa

Ugu dambayn, mudane Indhacadde wuxuu yahay aan erayadan ku soo kobo. Waxaa lagu xasuustaa inuu si weyn uga soo horjeedi jiray Ciidamada Itoobiya, uuna u yaqaanay Dowladdii C/laahi Yuusuf gaalo, oo dalka soo galisay Ciidamo gaalo, tan kali kuma ahan, wadaad xume oo dhan ayaa la qabay. Wuxuu sheegtay inuu AlShabaab aasaasay AlQaacidana ka tirsan yahay, qaybtii uu ku lahaa dagaalka sokeeyna ku dar. Anigu intii aan dhihi lahaaba, waxaan u daynayaa aqristaha, sida aan is iri iigama bannaan boose, aqriste, adiguba qiimayso.

July, 2012 

Fisha qaybta xigta oo qormada.

September, 2012

Bashir M. Hersi

Advertisements

2 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s