Xasuuqa dhacaya: shalay iyo maanta!

 

Xasuuqa dhacaya: shalay iyo maanta!

 

“Qatar ma ahan qaylada dheer ee xadgudbayaasha, balse, waa aamuska xun ee dadka wanaagsan!Martin Luther King, Jr (January 15, 1929 – April 4, 1968).

Ku meel gaarkii waa laga baxay! Dawlad daa’im ah baa dhalatay – aanse laga bixin, aqriste, bal sii goob qormadii ahayd: “Ku meel gaarkii ma laga baxay?!”- xildhibaanno xor ah baa la xulay, Guddoonka Baarlamaanka Mudane Prof ah baa loo doortay, madaxweyanana la mid, Ra’iiusl wasaarana sidoo kale baa la sugayaa, waxa la sugaaba waa Golaha Wasiirrada uu soo dhisi doono. Erayadan waa kuwa ugu badan ee aad dadka ka maqlayso, iyagoo yididiilo muujinaya, aqriste, bal soo goob qormadii ahayd: “Aragti gaaban iyo alalaas gundhigay!”.

Dhanka kale, Muqdisho waxaa ku soo batay falalka amni xumo, qaraxyo, dilal qorshayn, Mayd jidka la soo dhigo iyo toogasho taargad ah. Sidoo kale, waxaa sii socda baacsiga Maleeshiyaadka Alshabaab, oo firxad iyo ku jira baqa carar aan baalkaba iska eegayn.

Saa kaliya ma ahan xaalku, midda ugu xanuunka badan uguna xun baa ah: DUQAYNTA JOOGTA AH, GANTAALAHA AAN DHAMMAADKA LAHAYN, iyo XAQSUUQA AAN JOOGSIGA LAHAYN ee maalin walba ka dhaca Koofurta Soomaali, gaar ahaan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, oo ay gaystaan Ciidamda Kenya, oo dalka ku soo galay xoog, ogaan iyo oggolaasho la’aan.

Marka laga soo tago goosashada Siilaanyo sheeganayo iyo ku gooddinta Faroole, xaaladda rasmiga ah ee wadanka ka jirtaa waa: qaraxyo iyo ammaan darro, Baacsi Alshabaab Iyo Xasuuq bahalnimo ah. Midda hore, ee ammaanka ah, sidan way dhaantay maalmo ka hor, balse, kollay inuu faraha ka baxo sabab un baa jirtee waan la helaa, laga yaabee kala guurka lagu jiro inuu ka dhashay dabacsanaan iyo habacsanaan xooggan. Midda baacsiga Alshabaab, sanadkan waxay noqotay Tusbax go’ay oo kale, ee maxaa baacsiga la socda oo qorsha ah? Midda Xasuuqa waa midda aan doonayo inaan qormadan ku faaqido.

Arartaa cakarin ka dib, aan gudagalo dulucda Faalladan. Dabayaaqadii sanaddii 2006-dii ayaa wadanka waxaa soo galay Xabashi, oo taageero ka haystay Dawladdii C/laahi Yuusuf, kuna doodaaysay inay baacsanayso kooxo mintid ah oo qatar ku ah ammaanka Gobolka iyo gayigaba. 28-kii bishii December ayey Muqdisha gudaha u galeen, Iiddii Arrafaadna xeebta Liido ku layr qaateen. Halka Wadaadadii Waallida Waday ay ka lahaayeen Addis baan ku Dukanaynnaa.

Haddii Xabashi soo gashay wadankii, Wadaadadiina baqa carareen, siday dabada u rogeen ayeysan u rogaalcelin, oo dabadaa looga dhacay, taatikaday ku baxeen ayaa koobtay, orodkii waxay ku gaareen keynta Kismaayo, soo noqodba adaa sheegaya.

Maalintaa wadanka waxaa ka dillaacay dhaqdhaqaaq xooggan, oo lahaa garabyo kala duwan, balse, kuwa midaysnaa inay Xabashi ka soo horjeedaan, raggaa waxay isugu jireen Siyaasiyiin, Aqoon yahanno, Odayaal, Culumo awdiin iyo Dumar, waxaa guud ahaan dunida laga dhigay bannaan baxyo looga soo horjeeday Xabashida iyo Dawladdii C/laahi Yuusuf.

Raggaa waxaan ka xusi karaa, C/qasim Salaad Xasan Madaxweynihii Dawladda Carta, Mudane Maxamuud Axmed Nur Tarzan” Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, C/laahi Sheekh Xasan, Axmed Diiriye, Xasan Xaad, Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi, Prof Axmed Ismaaiil Samatar IQK.

Xubnahan dhammaan waxay af iyo addin uga qaybqaateen sidii Xabashi wadanka looga saari lahaa, markii Kenya soo gashay ee Xabashina dib ugu soo laabatay ilaa maanta lagama hayo falal kuwii hore la mid ah, iyada oo aan falalka arxandarro aysan ka gaddisnayn kuwii hore, haddaysanba ka sii xumayn, kana xanuun badnayn.

Aqriste, bal adba xusuuso Mudane Maxamuud Axmed Nur Tarzan” wacdarihii uu ka dhigay London gugii 2007-dii Maanta waa madax, Xabashi iyo Kenya ayaa dadkii xasuuqaya wax uu ka yirina ma jirto, iska daa inuu mudaaraad dhigee, Shalay hadduu diidanaa joogitaanka Xabashida maanta muxuuu u diidi la’yahay? Taa kali kuma aha, dhammaan inta aan xusay iyo inta aanan xusin ayaa kula mid ah.

Dadkaygoow waxaa dunida naga reebay ma garanaysaan? Waa kursiga xajintiisa, beel u xaglinteeda, xoolo ururintooda iyo shisheeye xigaalayn. Dhibka ugu badan ayeyna noo keeneen, dadkayguse sidaa uma oga, uma kala soocna ninka darajo doonaya, deeq doonaya iyo ninka daacadnimo wada.

Dhanka kale, waxaa la wada xasuustaa C/laahi Sheekh Xasan oo mar halyeey ku nqoday afar eray oo uu saxaafadda ka yiri, oo ku aaddanaa in C/laahi Yuusuf qorshaynyo inuu Muqdisho ku soo duulo, isagoo Xabashi kaashanaya. C/laahi Sheekh Xasan markii Xabashidu Muqdisha soo gashey, wuxuu ka mid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee ka soo horjeestay Xabashida, haddaba, dagaalgalintiisiise maxaa xigay?.

Siduu u ahaa Xabashidiid, ayuu barqadii dambe nagu soo baxay isagoo leh: “Ethiopia waa dal aan daris nahay!” haddaa yaa moog darsnimada Xabashida? Sheekadu waxay ahayd: waxaa shir wada qaatay C/laahi Yuusuf, C/laahi Sheekh Xasan iyo Imaam Maxamuud Imaam Cumar walaalkiis, shirkaas ayaa malaha C/laahi Sheekh Xasan loo cantoobiyey, sida caadada ahna noqday: “Af wax Cunay Xishoo! kuma ekaysan xishoode, C/laahi Sheekh Xasan wuxuuba isku dayey inuu dareen shaki galiyo dadkii u heellanaa xabashi la dirirka, markaa wixii ka dambeeyey yaaba warkiisa maqlay, wuxuu u iska dhiibay Ingiriiska.

Taa maanta waa laga soo tagay, dhacdo iyo dhigaalba, sooyaalka wixii gali lahaa gale, balse, midda maanta taagan maxaa looga wada aamusan yahay? Waxaan uga jeedaa xasuuqa ka socda sanad ku dhawaad deegaannada Koofureed, gaar ahaan: Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, sidii ay Kenya u soo gashay wadanka waxaa dhacay dhawr xasuuq oo ay ku qur bexeen carruur, cirroole iyo haween, waxaana ugu dambeeyey xasuuqii ka dhacay deeegaanka Janaay Cabdalla.

Hore, duqayntii ugu xumayd waxay ka dhacday magaalada Hosingow, magaaladaa waxa ka dhacay waa xasuuq, magac kale uma hayo anigu. Waxaa la duqeeyey dad rayid ah, oo aan dagaal iyo dirir midna ku jirin, loona gaystay gumaad ka dhan ah nolosha Aadanaha.

Sidoo kale, Kenya waxay duqayn ba’an ka gaysatay magaalada Jilib, ee Gobolka Jubbada Dhexe, dadka waxyeellada ugu darani ka soo gaartay, waxaa u badnaa carruur iyo haween, waliba qoys qura ka koobnaa, duqayntaa Kenya waxay caddaysay inay Alshabaab duqaysay! Bal adba….

Sida caadada ah, ciidan walba oo wadanka ku soo xadgudba waxaa horjooga rag Soomaali ah. 1996, 97, 98 Gobolka Gedo waxaa horsocday dad deegaanka soo jeeda, 1998 Gobolka Baay waxaa hor socday dad deegaanka ka soo jeeeda. 2006, 07, 08 waxaa horsocday Dawladdii C/laahi Yuusuf uu  madaxweynaha ka ahaa. 2011, 2012 mar kale deegaanka Baay waxaa hor boodayey dadka deegaanka ah. Gobollada Dhexe waxaa horboodayey Ahlusuunna, sidoo kale, marka laga soo tago Keenyaanka ciidaan ahaan waxaa horboodaya Gaandi iyo Xasan Madoobe, oo marba magac la baxaya, Kooxda Raaskambooni iyo Maamulka Azaania.

Sida loola falgalay xadgudubkii hore ee Xabashida, loolama falgali xadgudubkan taagan ee Xabashi iyo Kenya, dunida dhan waxaa is qabsaday mudaharaadyo, ay dhigayeen Soomaalida ka caraysan xadgudubka Xabashida, waaba su’aale maanta aawaye? Miyey le’deen Soomaalidaa? Mise dan kama lahan oo waa daaleen? Aan dhan kale sheekada idinka tusee, armuu buuqii iyo sawaxankii hore ahaa, geesgalin C/laahi Yuusuf la go’doominayey? Armuu ujeedku ahaa beelaysi bugtada qalbiga iyo beegsi shakhsi?

Waa iga weydiin kaliya, hubaal inaan dadka dhami u wada xuurtaysnayn arintaa, balse, shaki ayaa ku galaya marka aad is garabdhigto sida wax u dheceen iyo sida ay wax yihiin maanta, sida labada dhacdo u kala fog tahay ayaana keenayana dareenka caynkaa ah, waxay noqotaba, dareenkii shalay ma jiro, hadalku waa kooban yahay, kalaamku waa afar eray.

Soomaaliya waa dhibbanaha cudurka loogu yeero LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA, shalay Xabashi ayaa sidaa ku soo gashay wadanka, maantana ku soo gambanaysa, Kenyaaba ka dartay oo taagan waa inaan dabar goynna, aan su’aal duldhigee: xaggay jirtay intaan la daalaa dhacaynnay dhibka argagixisada? Maxay markaa noogu gacan siin waayeen ciribtirkooda? Dadkowgow waa inaad garataan meerisyada jaban ee hadalka, haddii kale waxba noo cayman maayaan.

Duullaanka Kenya wuxuu ku soo beegmay xilli umadda Soomaaliyeed la ildaranayd abaaro, Kenya gacan kama gaysan, aan ka ahayn duqayn iyo dil, Madaxdii Dawladda ee xilligaa markuu dhacayey xasuuqa Hoosingow way shirsanaayeen, erayna kama dhihin, wixii iyaga u darnaa ayey ka doodeen, danna kama galin dadka Kenya ay duqaynayso, hadday markii horaba ogolaashaha siiyeen, hadda maxay ka qoban karaan ayaaba la is weydiin karaa?.

Hadda kuwan cusub ee la doortana wali eray lagama hayo, iyadoo uu dhacay xasuuqii ugu darnee ee deegaanka Jannaay Cabdalla, baaris iyo dabagal iska daaye, xitaa ma cambaarayn, Alla maxaa shalay manta u ekaysiiyey? Kuwii laga guulaystay iyo kuwii guulaystay maxa isku dhaqan ka dhigay? Saw lama lahayn isbadal baa dhacay? Mise eraga wax dhaafsiisan markii horaba ma dhicin? Oo haddaa sidee loo sugaa wax ka gaddisan? Abl adba.
Shibta Madaxda Soomaalida, shanqar la’aanta dunida, shabaaxa diyaaradaha Kenya iyo qaylada shacabku kala sheelan. Midi wuxuu eeganayaa dantiisa, siduu kursiga dabada ugu sii hayn lahaa. Midna dabargo’a Soomaalida waa ka indha damuuqsaday. Midka kale, isaga ayaaba fulinaya, oo waa ku farayaraysanayaa, waxaana u muuqda afar wiil oo afka duubatay, naguna qancinayaa inuu qaflan baabayn ku qabanayo. Kan ugu dambeeya qayladiisa xitaa ma maqli karo, illeen waxaa dhaga tiray guuxa diyaaradaha iyo madaafiicda ay daryaaminayaan.
Haddaan si kale u dhaho, waa duullaan aan damaq lahayn, dawlad aan damiir lahayn, duni aan dood furayn iyo dad dabargo’aya. Hubaal inay kaaf iyo kala dheeri tahay, ee ma jiraa qof dadkaa wax u qaban kara, oo ka joojiya duqaynta cadaawadda leh? Arrintu waxay ku dhammaato waan u joognaa.

Gunaanadka qormada, intii shalay ku diidday Xabashida diin qabiil ama wadani, maantana Kenya iyo isla Xabashida ayaa looga fadhiyaa inay isla sidii oo kale u diidaan, waa in codkodooda la maqlaa, maxaa yeelay shalay iyo maanta waxba isma badalin, haddaysan arrin kale qarsoonayn, iyana waqtiga iyo waayaha ayaa bannaanka soo dhigi doona, haddaan wadanka maanta loo istaagin, wallee berri isma haysan doono, danaha dawladaha shisheeye si xawli ah ayey u fulayaan, nacastuna waa nagu badatay.

Dadka waxaan ka dareemayaa dabacsanaan dheeraad ah, marka loo eego sida xaalku ahaa sanado ka hor iyo siduu maanta yahay, mise waa Muqdisho ha yimaadeenee sug, oo ah marka ay Muqdisho yimaadaan ayey dadku kacayaan, inta ka horraysa nuuxsan maayaan, ma garan sheekada caynkaa ah, maxay ku kala duwan yihiin Kalabayr, Kismaayo iyo Muqdisha? Intuba waa dhul ay Soomaali leedahay, kii lagu soo xadgudbaa waa kiisa kale.

 

September, 2012

 

Bashir M. Hersi

 

 

Advertisements

4 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s