Ajnabigoo loo adeego ma Ilbaxnimaa loo arkay?!

Image

Ajnabigoo loo adeego ma Ilbaxnimaa loo arkay?!

 

Shisheeyihii shalay

 

Haddii Afrika lagu qaybsaday kulankii Barlin, hilaadintii 1884, Suuncaddihii qaybta u yeeshay dalkeena markuu soo gaaray Xeebaha ku teedsan dhulkeena, sida sooyaalka ku xisan, ee qowl, qoraal iyo qiraalba ku dhigan, soo hunguriyeyntiisa hal qaab loogama wada falcelin, haddana, isku si looma wada hirgalin, qolo dirir, diracnimo,  diidmo iyo dagaal ayey kala hortageen, qolana dabacsanaan, dar wadaajin, darmo qurxoon iyo dood jilicsan ayey ku qaabileen.

In aan isku si loo qorin loona qaramayn taariikhdaa ka sokow, oo mid laga dhaxlay KALI ISLAAMNIMO sida Alshabaab iyo waa XUJOWDAY KALI TALINIMO oo Galbeed ISKA DHIIBAY halyey loo qoray, inta kalana wax laga soo qaadin, sida: Sheekh Xasan Barsane oo Sun lagu buufiyey qol uu ku xirnaa u geeriyooday! Maalinabyse soo bixi doontaye, illeen been la dhoodhoobay meel dheer gaari maysee, waxaa dhacdada laga joogaa muddo qarni ka badan, sida culimada taariikhda dhahaan; taariikhdu way soo laalaabataaye, bal maanta eeg, ma is leedahay sidii maalintaa baa wax u dhacayaan? Kaba darane, maanta xulufo iyo isbahaysi cad baaba ka dhexeeya!

Inta aanan midda maanta taagan gudagalin, waa waajib in aan sooyaalka dib idiin kugu celsho, Ingiriiskii markuu ku hungoobay inuu helo in Soomaaliya oo xornimada gaarsiiyo, isagoo ballan qaaday inuu isu keenayo shanta Soomaali, fursaddaasna la dayacay, mar kale ayuu isugu yeeray Odayaasha Soomaali Galbeed, maadama aan Urur Siyaasadeed iyo mid xornimo doon midna ka jirin, kuna yiri ma Soomaali baan idin ku daraa, mise Itoobiya ayaad ka mid noqonaysaan? Jawaabtii waxay noqotay: “USHAADA NINKAAD KA QAADAN KARTAA LOO DHIIBTAA!” wixii laga dhaxlay ka sheekayn uma baahna.

 

Xeebta Xamar iyo xigaalada Xabashi

 

Wax maalmuhu socdaan 28-kii bishii Dicembre ee Gugii 2006dii ayaa Ciidanka Xabashidu gudaha u galeen Caasimadda Muqdisha, ka dib dagaal qaraar oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay, ee Gobolka Baay, kolkaa waxaa Madaxweyne ahaa C/laahi Yuusuf Axmed haddaba, maxaa keenay, dabadeedse maxaa dhacay?.

Maalintii C/laahi Yuusuf laga dhigay Madaxweynaha, mooshinkii ugu horreeyey ee kalfadhiga Baarlamaanka keeno wuxuu ahaa: Oggolaashaha galitaanka ciidanka dariska ah! Kalfidhigaa waxaa shir guddoominayey Shariif Sakiin, dood dheer ka dibse qorshahaa waa socon waayey, kalfadhi kale ayuu isku dayey isagoo kuwa Islii laga soo uruurshay oo Suudad loo galshay keenay fadhigii Baarlamaanka, wixii ka dhacay dinida dhan baa wada daawatay, Kuraartii Caseed ee ay Xildhibaannada Soomaaliyeed isla dhacayeeen, ee lagu sheegay: “DIMOQORAADIYAD CAYN KALE AH!”.

Wuxuu gaatamo, markii fadhiga dawladda loo wareejiyey Magaalada Baydhabo, uuna la heshiiyay Shariif Sakiin ayuu mar kale qorshihii shirqoolka soo bandhigay, maalintaa qatarta kaga imaanaysa WADAADADII WAALLIDA WADAY way caddayd, oo waxay qarka u saarnaayeen magaalada xarunta u ah, fadhigii Baarlamaanka ka dib, Shariif Sakiin wuxuu sheegay in loo codeeyey soo galitaanka ciidanka dariska ah, isagoon sheegin tirada ka soo qaybgahsay fadhiga iyo sida loo kala cadeeyey.

Inta aanan ku sii dheerayn warinta wixii dhacay, mid muqaddas baan xusi lahaa, in uu jiro qaraar QORAMADA MIDOOBAY ka soo baxay, oo dawladaha dariska ah ka mamnuucaya inay faragalin ku sameeyaan wadankeenna, haddana, lama tixgalin, la yiri: “Ninna caadadi kama tagee” sidii loo doortay ayuu u doonay.

Maalintaa dad badan baan rumaysnayn in Ciidanka Xabashidu soo gali karaan Waddanka, sida inta badan na qabsatay walina na haysata waxaan aad ugu liidannaa, inaan qiimaynno waaqica aan joogno, si aan wax ugu goosanno waxna ku qaadanno, lama eegin qatarta ARGAGIXISADA dunida iyo dariska, lama eegin LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA ah ee ay wadday dawladda Maraykanka, nasiib darrase waxaan noqonnay DHIBBANAHA LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA.

C/laahi Yuusuf iyo inta Xeerneyd, sida: Cali Maxamed Geeddi, Yuusuf Azhari, Salaad Cali Jeelle, Yuusuf Maxamed Ismaaciil  “Baribari” Maxamuud Maxamed Guuleed “GacmaDheere” Xuseen Maxamuud Xuubsireed, C/Wali Gaas IQB marna maanka ma galin in awood shisheeye aan sokeeye lagu maquunin karin, sidaa waxaan u leeyahay inta wali u malaysa in raggaasi Xabashi u soo wateen in ay dawlad Soomaaliyeed u yagleeyaan, ee caadifad qaliib u difacaysa ayaa badan, balse waa: “DHURWAA HILBO KU RARO!” ninkii qaranka Soomaaliyeed Xabbad Xabashi ku soo riday iyo Xabashkii xigta u ahaa ayaa xukun Soomaali soo celinaya, qof xis qaba looma sheege, yaa loo xulayaa?!

Sidii dawladdii u dhacday, sababna u ahaayeen kooxdii Manifesto ee dhoodhoobtay shirqoolka dagaalka sokeeye, Jabhadihii wadanka soo galay oo qorshe iyo qalqaalo midna wadan iyo Rajiimkii oo xukunka isku dhajiyey magac qabiilna kusoo dagaal galay ama lagu dagaal galiyey, haddana, wali ma dhicin, in awood sheheeye la isu adeegsado aan ka ahayn taallaadabadii C/laahii Yuufuf iyo midda aan gaadaal ka sheegi doono.

Taariikhdu ma duugowdee, lagamana yaabo in la hilmaamo, kuma sii jirto marka ay la xiriirta; aayatiin, qarannimo, dadnimo, madaxbannaani iyo jiritaan, haddaba su’aahsa fudud ee meesha taal waxay tahay: ninkii intaa oo qodob iyo ka badan, ee DAD, DAL iyo DIINba ku xeeran ka tallaabsaday, ee inuu wax kama jiraan ka dhigay ka sokow, haddana, sidii Nabaddoon colaad damiye ah ama Khaliif laga diin qaato oo kale, maalintii dambe la soo istaagay WACDI SIYAASADEED ee la dhihi karo HANTAATAC IYO CALWASAAD! Qofka u qiilinaya saw kama qaldana isaga qaladka ku kacay?! Warhoow QALDANaHA HA U QIILIN!

Maalintuu C/laahi Yuusuf soo horkacay sababna u noqday Xabashi soo gala Waddanka ilaa maantan waxaa Waddanka soo galay Ciidama kala duwan sida: UGANDA, DJPOUTI, BURUNDI, KENYA, MARAYKAN, BRITISH IQM oo aan la garanayn  ama la hubin, dhammaan hal qorshe ayaa dabada ka xiiraya, marka laga soo tago qaarka dhaqaalaha iyo dhuuniga ku qaba, waana midda ah LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA, haddana, waan garan waynnay inaan gunudda naloogu soo gambado goynno!

 

Kadeedka Kismaayo iyo kaaliyayaasha Kenya

 

Xaalka oo sidaa ah, Magaalada Kismaayo ayaa ka baxday gacanta Alshabaab bisihii aan soo dhaafnay, sannad ka dib markii Ciidanka Kenya si bareer ah uga soo tallaabeen xadka Waddanka, su’aasha ugu muhimsan ee iminka na hortaal baa ah: “KISMAAYO MA LA QABTAY MISE WAA LA QABSADAY?!” in qof walba jawaab ka haysta ka sokow, qalad iyo sax waxay noqotaba, waxaa hoggaanka dalka loo fadhiyaa sida Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane jawaari yiri, in dawladda jawaab ka bixiso, wafdi dawladda ka socda in laga soo celsho magaalada Kismaayo ama Prof Dalxa iyo Gen Galaal ay dheheen in kala caddeeyo Kismaayo xaalkeeda.

Ninkii moodayey in Ciidanka Kenya u soo galeen Waddanka in ay Alshabaab meesha ka saarto wuu riyoonayaa, eraga riyo waxaan u adeegsaday, inaan xasuusta mar kale dib u celsho, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo ah Soomaali magaciisuna yahay Faarax Macallin ayaa sannad ka hor yiri: “Ma dhici doonto in mar dambe Xamar looga taliyo Kalbiwo, ninka taas ku riyonaya, waxa uu ku nool yahay qarni kale…” sida muuqata Faarax Macallin wuxuu badalay Cabdilmajiid Xuseen oouu Cali Khaliif Galayr haddaka hor saaray fadhiga loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya.

Faarax Macallin sidaa markuu lahaa wuxuu waraysi siinayey Idaacadda Al furqaan, magacaba ka garee, mar haddaad aragto wax “AL” wata, saddax tilaabo dib uga deg, maxaa yeelay Faarax Macallin wuxuu ka mid ahaa taageerayaasha kuwa sababay in ciidan shisheeye soo galo Waddanka, shalay iyo maantaba, maxaa yeelay haddaan ARGAGIXISO jiri lahayn, Xabashna ma soo hawaysteen, C/laahi Yuusufna kuma fekereen, duniduna ma taageerteen qorshahaa, haddaba, muxuu eragaa uga jeeday Faarax Macallin?

Axmed Madoobe wuxuu ku dhashay Qabri Daharre, waxaana ka taliya Xabash, haddu maamul doonayo muu iyada maamulo? Hadduu Jihaad rabana degmadaa baa uga baahaane, maxaa boorka la isugu qarinayaa? Gaandi iyo inta la midka ah, ee aan deegaanka ku dhalan ee qasaysana waa la mid, hadday Soomaali Galbeed xor ahayn, hadday NFD xor ahayn, waxna u qabanayn, ma Gobolladii xorta ahaa ayey doonayaan inay Kenya hoos geeyaan oo dib u gumeeyaan? Allow adaa faxan, ee may Qarow maalmeedka iyo qayaabka indhaha ka qaatan?!

Su’aasha ugu weyn baa ah, Alshabaab, Raaskambooni iyo Azaania maxay is dhaamaan? Midda hore si fiican baa loo yaqaan, Axmed Madoobana ha ka reebin waa iska Argagixiso la Amxaareeyee, markii dambana lagu yiri Jabhad xaq u dirir ah baad tahay, Azaania ayaa kuu soo hartay waa xukun iyo xoolo doon, dhiigga daadanaya ka door biday dallaalnimo iyo Dollar, balse, labada dambe, waxay ku midaysan yihiin Beelaysiga iyo Qabyaaladda, oo u ah shidaalka ay ku dhaqaaqaan.

Sida maalmuhu caddayn doonaan, haddaan laga hortagin waxaa hubaal ah inay dhaafayso eray qof yiri iyo aragti uu soo jeedshay, maxaa yeelay waxaa imaanaysa in deegaanno, degmooyin iyo gobollo Soomaaliyeed hoos tagaan Kenya, micnaha arrintu waxaa ku xiran QARANNIMADA SOOMAALIYEED.

Inta aanan hadal kugu harqin, aqriste, dad badan baa weydiin ka keena, maxaa looga hadlayaa oo kaliya ciidanka Kenya, oo aan looga hadlin kuwa kale ee Waddanka jooga? Jawaabtu waa sahlan tahay, balse, ku aqri qabli nadiif ah iyo qanac siysaadeed, qabiilka iyo qurraafaadka beeshana xagga iska dhig.

Sida  ay ku kala duwan yihiin bal aan dhawr eray ka dhaho:

  1. 1.   Ciidanka Kenya waxay Waddanka ku soo galeen oggolaasha la’aan iyo waliba ogaal la’aan, haddaba, ma kula tahay: Nin aqalkaagii kuu daba mareeyey inuu xaaskaaga kuu ilaalinayo?!
  2. Ciidanka Kenya kama mid ahayn AMISOM, oo dood siyaasadeed iyo cadaadis dheer ka dib ayey aqbashay inay ka mid noqoto, Madaxweyne Shariif maalintii koowaadba diidmo ayuu kala horyimid soo galitaanka Kenya, balse, waxaa ka hoos kacay C/Wali Gaas oo waliba heshiis la soo galay, maanta dawladdan cusub waxaa looga fadhiyaa, midnimo iyo maan qura inay ku wada shaqeeyaan, sida mudane Jawaari Xildhibaannada ka dalbaday.
  3. Ciidanka Xabashidu maalinta ay soo  galeen waxaa dalbatay Dawlad Soomaaliyeed si ay u taageerto ciidankeeda tabarta daran, ha is dhihin ninku wuu kala hadlayaa, dhacdada sheegiddeeda iyo dhibka sheeggiisu yuusan isaga kaa darmin, kor dhibkii baan ku sheegay, halkanna waa dhacdadii.
  4. Kenya dawlad Soomaaliyeed oo dhalato dooni mayso, bal adba dib u xusuuso fadhigii Caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhacay Muqdisha Kenya waa ka baaqatay, Madaxweyne Shariifna waxay ku eedaysay qarax ka dhacay Hotel uu shir jaraa’id ku qabanayey Wasiirkooda Arrimaha Dibadda.
  5. Ciidanka Kenya waqti xaadirkan la joogo kama mid han AMISOM, maadaama waqtigii sannadka ahaa ee loo qabtay uu ka dhacay, marka waa in xoogga la saaraa sidii Waddanka looga saari lahaa, lana adeegsado waddooyin nabadeed, sida: dibadbaxyo nabadeed, galaangal siyaasadeed iyo warfaafinta dunida, hadda Kenya waxaa laga goostay maalgalintii ciidanka Badda, inta kalana waa lagu dari karaa, ee dadaal ayey rabtaa.
  6. Kenya waxay dabada ku wadataa qolo gaar ah, sida la isu wato iyo cidda la wataba, waqti aan dheerayn baa la kala ogaan daannaaye, Kenya dhexdhexaad kama ahan mana ka noqon karto deegaanka, maadaaama ay jiraan hadallada aan kor ku soo xusnay oo kale.

Ugu dambayn, Dadku garaad yaraa, miyaan sooyaalka lagu cibra qaadan? Beeli beel ma dul dagi kartaa? Haddayse kor degto imisa ayey dul degaanaa kartaa? Caqligu miyuusan shaqaynayn? Kolley Soomaalinimo, walaaltinimo, xididnimo iyo ood wadaagnimo waxba tari waayeene, ma waxaa dadka ka dhaadhacsan haddaad shisheeye ku daaban tahay dadka waad jujuubi kartaa, dalkana waad qabsan kartaa? Waa ogaal li’idaa.

 

Bashiir M. Xersi

 

Advertisements

2 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s