Heesta: Dhir

Image

Heesta: Dhir

 

Nooluhu wuxuu ku nool yahay dhir iyo dhuuni. Midda hore, mar uu duggaashado, aqal iyo dayr ka dhisto, mar uu hargalo oo hanfida ka harsado. Marna waaba dhuuni oo cunto iyo oomato u ah, Mir, Xabag iyo Caleen lagu anfaco leh.

Waddanka siday u dhacday dawladdii dhexe, waxaa jiray qolooyin inta dhirta guba dhuxul ahaan u dhoofiya, dhibka weyn baa ah, inay u dhoofiyaan oo kaliya dalal Carbeed, oo aan oggolayn in loo iib geeyo Xoolaheena.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay iyo dawladduba waxay ka soo horjeesteen dhoofinta dhuxushana, diidmana ka muujiyeen, haddana dhag jalaq looma siin.

Jiiftadan oo aad u kooban waxay tilmaamaysaa dhibka dhirta la gubayo iyo dhoofinta dhuxusha, waxayna tiri:

 

Dhirta yaa jaroo
Dhulka xaalufshoo
Dhuxul lagu gubtiyo
Dhari daba madow
Raran iyo Dhardhaar
Dhuuni aan wax tarin
Dhamac iyo kulayl
Inta uu ka dhigo
Yaa dhoofiyoo?
Dhambaal dawladeed
Qaramada dhammaan
Axdigay dhigeen
Iska dhaga tiroo
Dhagba jalaq u siin!

Dhirta yaa jaroo
Dhulka xaalufshoo
Bii’ada dhiboo
Dhoobada holciya?
Dharaarahan socdaa

Waa dhaxal galoo
Dhacdadii timaad
Beri laga dhugtoo
Dhaabad lagu qoroo

Dhito waaye  abid

Taariikhda dhigan.

Ruuxii Dhug loow
Dhaayaha furoo
Dhakadaan qarsoon
Carro dhimatayoon
Damalkii la dhilay

Dhuyaciyo jiic

Dharkayn iyo Galool

Dhebiga iyo Qurac

Dhimbiliil inta leh

Dheecaanyo qodax

Dhamac lagu shidoo
Higlay Garas ka dheer

Dhulka lagu duboo

Jawaan dhego madoow

Laga dhaamiyoo

Dhuxul laga dhigtaa
Dheefi kuma jirtee
Dhurwaayada eryaay.

Dhuudhiga cunee
Dhuuxa kala baxoo
Geedaha dhambala
Aboorkaa dhex gala

Dheecaanka jaqa

Yaa ku dhaamoo

Way dheefsadaan

Adna dhaxal tiroo

Dhexdaan kala jartaa
Kama dhaaftid gooyn
Dhoodhoob cidlaa
Ku dhaqaaqdayoo
Dhaqsi taajirbaa
Dhaqaalana helbaa

U dhamaynaysaaa
Dhacanyoo dalkii

Dhidarraa helaye

Dhulkii baaba’yaye
Aan ku dhiirrannoo
Isku Dhaarsannoo
Joojiya dhahaay!


Muluqyada dhashiyo
Dhallintaa dambiyo
Ubad iyo Dhallaan
Maxaa loo dhigoo
Laga dhawrayaa?

 

Dhammaad.

 

07/11/2012

 

Bashiir M. Xersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s