Wadaad xume yaa naga waabiya!

Image

Wadaad xume yaa naga waabiya!

 

Geelleydu marka ay diriraan, ama Geelba la dhaco, ama dhib dhaco, dhimasho iyo dhaawacna ka dhasho, waxaa ku baxa ODOYAAL magacyo badan kala leh, hal xirfadse wadaaga, oo ah NABADEYN iyo XASILIN, XAAL iyo XUMAAN bixin ama qaadid ayeyna ku soo xiraan gulufkii dhacay iyo godobtii la gaystay.

Waxaa is weydiintu tahay, ODAYA DHAQAMEEDKU ma sidaa bay mal walba ugu taagan yihiin hawshoodii? Inta aanan ka warcelin, waxaan jeclaan lahaa inaan mid hoosta ka xarriiqo, waxayna tahay; in uu dhacay wax aan anigu ugu yeero DHIMAAL DHAQAN! Waxaan uga jeedaa in berigii hore ODYAASHA warkoodu waxgal ahaa, wax badan baase iska badaleen.

Mashaqada maanta taagan waxay tahay, in aanba ODAY waanadiis iyo waxsheeggiis la dhagaysanayn, waxaana ugu wacan DHAQAN GUURKA dhacay iyo DHALAN ROGGA jira, maxaa yeelay, maanta wixii laga SARRIIGAN jiray ayaa loo siqayaa dhankeeda, ogaal iyo ogaal la’aanba. Cinwaanka qormadunu wuxuu ka mid yahay qaybtaa, waana midda igu qasabtay inaan bal qormadan xarriiqo, anoo og in ay dhalin doonto gunuunuc.

Haddii aan nahay BULSHO XUKUNKOODU ku dhisan yahay XEER BEEGTI iyo XEER JAJAB, haddii HOGGAANKA ay HORYAAL u yihiin GUURTU aan ku imaan DOORASHO iyo DABAQAD DIIMEED ama mid DARAJEED, DHAQAALE iyo DHIGAALba, waxayse horseed ku yihiin DHALYO iyo DHIIG oo dhinaca ah iyo DHAQAN iyo DHUG DHEERI oo dhinaca kale ah. Midda hore, waxay tahay DHAXAL, midda dambana waxay tahay DHAAYO FURNAAN.

Arartaa ka dib, aan u gudagalo gunta qormada, Maxamed Siyaad Barre ayaa markuu ka yaabay WADAADADII ka hor yimid hannaankii dawladdiisu u hirgalisay DIB U HABAYNNO badan oo la xiriira DHAQANKA, DHAQAALAHA, DHISMO MAANEEDKA iyo DHUGMADA dadka Soomaaliyeed, ayaa waxaa laga dhaxlay eray qiimo badan oo maanta saamayntiisa la hayo, wuxuuna yahay: “WADAAD XUME!”.

Hal ku dhag maalintaa aan la dhagaysan, oo loo arkay EEBBE ka fogaasho, haddi inay caradiisu nagu dagaysana shaki kama jirin! Maxamed Siyaad wixii uu qabtay dadku waxay ka sheegaan oo kali ah qoridda AFKA, waxayse hilmaamaan mar walba, inuu gacan bira qabtay WADAADADII isku dayey inay carqaladeeyaan hannaan dawladeedka curdunka ah, in kastuu dib QABIIL iyo EEX ku duway, qarankiina eeday.

Waagaa, DUNIDA MUSLINKA waxaa aad uga socday waxa aan maanta ku nool nahay, ee ah ARGAGIXISO DIINEED iyo WADAADDO XAGJIR ah, bal dib ha loo xasuusta waxa ka dhacayey dalalka kala ah: MASAR, TURKEY, URDUN, SURIYA, ALJERIYA, MAROOKO, TUNIS IKQ, xilligaa waxaa wadamadaa ka dhacayey falal arxandarro ah, kana dhan ah noolaha, oo lagu sameeyey magac diin, anaguse aan uga SAMATA BAXNAY go’aankii dawladdii Kacaanka.

Inta aysan ila gudbin faallaynta wixii dhacay, aan duljoogsado qodob muhim ah, ee mar walba la xiriira DHAQANKII hore iyo DHAQAN GUURKA dhacay, haddii ay tahay hab DIIMEED iyo HAB HIDDEEDBA, maanta magac WADAAD inuu noqday WAD caddayn uma baahna, oo qof walba waxaa u muuqda inta magaca diin lagu dhaamay.

Balse, xaalku sidaa ma ahayn mudda yar ka hor, oo WADAADADII hore waxay caan ku ahaayeen XIGMAD, XUSHMAD iyo XILKASNIMO. XIGMAD eray iyo Aayadeedba leh, XUSHMAD loo hayo iyo mid ay dadka u hayaan. XILKASNIMO ay ku gutaan xilka saran iyo farriinta ay doonayeen inay dadka gaarsiiyaan.

Aan bal tusaaleeyo sida CULUMADII hore ahaayeen, CULUMADII hore waxsheeggoodu kuma ekayn MASJIDKA, MAWLACA iyo XERTA dhexdooda kaliya, balse, waxay tagi jireen GOOBAHA CAWEYSKA, sida: CIRAAYAHA, DHAANTADA, WALISIQADA IWM, uma tagayn inay JAAN ka ciyaarka ka qaybgalaan, ee ujeedkoodu wuxuu ahaa, in RISAALADA RABBAANIGA ah dadka u gaarsiyaan, meel walba oo ay joogaan iyo hawl walba oo ay ku jiraan.

Sheekh Axmed Wacdiyoow, wuxuu ka mid ah yahay CULIMADAA aan isku soo xirin meel gaar ah, balse diinta gaarsiinteeda u tagay goob walba, wuxuu ka mid ahaa Culimada REER CADALE, waxaa laga reebay ERAYO dhaxagal, waxaanna ka xusi karnaa:

Jiljilcanaa jinihiinna taabtee

Jaxiimo Naar ma u joogsan doonaan?

Raran ninkii ku joogsadaa rabbeeyee

Ninkii lagu ruuracay xaad mudaysiin?!

Dhanka HALGANKII XORNIMA DOONKA Sheekh Axmed Wacdiyoow wuxuu ka yiri:

Soomaaliyaan u dagaallamaynaa

Dalkeenna ballaaran u dafacaynnaa

Kufriga soo dagay diida leenahay!

Dadka tus danahiisa aan leeyahay
Durriyaddaada dab looma aasee,
Kuwa dambaan u dariiq falaynaa!

Mar kale, isagoo isku xiraya RISAALADA DIIMEED iyo WADDINAYADDA, wuxuu yiri:

Rugta Qiyaamo minii roogsado

Rafato Naarana raar ka soo dhaco

Rabbiga weynnana raalli kaa noqon

Rasuulka Suubbanna uu ku reed maro

Illeen Risaaladiisi horaadna raacine

Haddoo raggow Qalbi waa rafaadaa!

Rajulka Kaafir ah oo rugtaan yimid

Sidii Rasuul Rabbo nooma soo dirin

Mana rabnoo naga reed bax waa niri

Haddaad ruux la gadaasho kaa roon

Reerkaad u kaashan lahaydna raagaan

Rabbiga weynnana raalli kaa noqon.

Sidoo kale, Macallin Xasan Fila Dheere oo ahaa REER AADAN YABAAL ayaa wuxuu tagay GOOB lagu SHIRAAYO, markuu dambcay inuu WACDI ka jeediyo, ayaa mid ka mid ah dadkii goobta joogay wuxuu ku yiri:

Kutub xun oo Kaboo kalaa

iyo ma keentay Koofi Macsiyeed?

Macallin Xasan Fila Dheere wuxuu ku jawaabay:

Kutub miyaa Kaboo kalaa

Korkaagu hays ku soo kudee!

Meeriska dambe, wuxuu u muuqdaa HABAAR oo kale, hase u qaadan sidaa, waa halqabsi iyo eray isa saar, imisa mar baad maqashay HOOYO leh: “DHAGAHA BEEL!” ma HOOYO ayaa ilamaheeda habaarayso? Warcelintu waa maya, CULIMADA XALAASHA ahna, kama suuragasho in qof ay doonayaan inay soo HNUUNSHAAN ay HABAARAAN! sidoo kale, waxaa la yiraa: “LAGU SII QAAD” ama “BALAAYO KUGU DHACDAY!

Haddii shalay sidaa la ahaa, maanta xaalku waa sidee? Kuma dheeraanayo, maxaa yeelay inta aan soo marnay ee aan wali ku dhex jirno ayaa nooga filan, balse, aan dhawr qodob dhigo, oo aan is leeyahay waxay sii fitiiminaysaa QATARTA jirta weynankeeda, maxaa yeelay sida loo HALLAABAY ayaa loo HALLEEYEY wax badan, oo lahaa IXTRITAAM lagana tallaabsaday wixii ANSHAX ahaa oo dhan.

Maanta Waddanka meel walba oo ka mid ah waxaa qasaya waa WADAAD, kuwa KOOFURTA fog ka dagi la’dahay waxay wataan magac diimeed, Muqdisha sidoo kale, heer ayba MADAXTOOYADII saldhigtaan, GOBOLLADA DHEXE kaba darane, BARI dhul dhan aaba ku xiran, WAQOOYI qudheeda ma caga badna, haddana, adba diin ka sug!

Qof walba oo afka kala qaada, wuxuu ku hal qabsanayaa eray DIIMEED, macne iyo muunaad waxa ka mlgan inay wada yaqaanniin ilama ahan, balse, maadaama ay iska noqotay HALQABSI casriga ayey noqotay: “WIXII CUSUBBA CAALAMKAA JECEL!’ waxaad arkaysaa, Wariye, Siyaasi, Ganacsade, Dhaqtar, Aqoon yahan IQB oo ku wada billaabanaya erayo Carbeed, oo diin loo ekaysiinayo, hubaal inay tahay DHAQAN soo galooti ah, haddana, aan lagu baraarugsanayn.

Waxa dhacaya kuwooda ugu xun waxaa ka mid ah, in DHAQANKII iyo HIDDIHII la DHIMAALay, waxaana ka mid ah, qaabka loogu dhawaaqo ama loo dhigo ERAYADA CARBEED ee lagu DIIMAYSTO, iyadoo halkaa loogu soo duggaalayo in la hirgaliyo in wax badan laga badalo qaabkii wax ahaan jireen, ma wanaag baa looga jeedaa iyo wax toosin? Aniga shaki baan ka qabaa.

Waxaa marar badan lagu celcelshay erayada qaarkood dhigaalkooda, oo salka loo galinayo Carabiga sidaa baa loo qoraa, balse, dadkani waxay iska indha laabayaan amaba aysan aqoon XEERARKA AF SOOMAALIGA, maxaa yeelay af marka uu eray ka soo amaahdo af kale, wuxuu hoos geeyaa astaamaha iyo qaacidooyinka afkaa ku shaqeeyo, illeen eragu marka uu afka soo galo ayaa ugu dambeeya asalnimaduu markii hore afka kale ku lahaa.

Aan tuseeleeyee, waxaa ka mid ah sida loo dhigo erayadan: MASHAA ALLAAH, SALAAMU CALAYKUM, IWM, horta aan isla wada qirno, waxa is badalaya ma ahan eraga macinihiisa, ee waxaa baddal ku imaanayaa DHAWAQIISA iyo DHIGAALKIISA, taana waxaa u sababa, qaabka afkeenu u dhisan yahay, maxaa yeelay, AL anaga nooma ahan QODOB lagu qeexo XARAF, midda kale, afkeena QODOBKU dagaal ayuu ka raacaa, ee hore kama galo.

Sidaa awgeed, suuragal iyo wax la qaadan karo ma ahan, in DIINTII iska noqotay dar qof walba ka darsan karo, kaba darane, uu sida uu doono uga darsanayo, hoos u dhaca iyo dhimaalku wuxuu marayaa, in arrin walba diib dabada loo galsho, haddi waa wax walba, waaba yaabe, saw diintu ma ahayn RUUX iksu xirta Adoonka iyo Eebbihiis? Goorma ayey isu dabashay dayacan meel walba daadsan?.

Adoon is dhihin wuxuu hirgalinayaa oraahdii Maxamed Siyaad Barre, adba eeg sida wax u dhacayaan, maxaa yeelay inta WADAAD XUME naga dhaamay qofna nagama dhaamin, midda kale, MOORYAANKA waxaa la helayaa qof maga damiinta ama looga dacwoodo, ee WADAAD XUME yaa looga dacwoodaa, oo naga damiinta?.

Aan jilciyee, MOORYAANKU maadaama uu ka dhashay BEEL, aanna kor ku soo xusnay, in HOGGAANKU DHALYO ku xiran yahay, waxay keenaysa in MOORYAANKAA la helo qof ama qolo looga ashatakoodo, oo lagala XAALTAMO, balse, adba soo goobe, WADAAD XUME maCarabtaa looga dacwoodaa, illeen iyagaa soo dirsadee?!

Imisa carruur ah ayaa ku maqan Wadaad xume? Kaaga darane, qaarkood waxay ka keeneen Wadammo ay nabadi ka jirto, iyagoo hooyooyin badan GABLAMIYEY, marka nimankaa si kale isagama qaban karno aan ka ahayn, in dib loogu laabto DHAQANKII SUUBBANAA iyo HIDDIHII HUBBANAA, maadaama aan awalba DIIN hore u haysannay yaan dib dambe diin dacarteeda naloogu dalqamin.

Qormada waxaan ku soo afjarayaa, meeriskan ka mid ah Maanso aan dhawaan soo saari doono, oo ka hadlaysa sida wax u dhaammeen, meerisyadiina waaa kuwan:

 

Ashaan horgalaha iyo

Udub dhexaadka laga dhigay

Liibaan Adduun iyo

Mid Aakhiraba lagu xiray!

Ammuurahan la yaabka leh

Waa xaajo uguboo

Ab iyo Aabbe laga warin

Isirkeenna lagu maqal

Asaraar Carbeed iyo

URUR DIIMO sheegtoo

Ka arradan aqoonoo

Dhaqan aaba yeelayn

Aragtitooda weeyaan!

 

Dhammaad.

 

Bashiir M. Xersi

 

 

 

Advertisements

11 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s