Jiftada: Ajar-diid

Jiftada: Ajar-diid!

1

“Jiftada: Ajar-diid” waxaan curiyey ka dib doorashadii ka dhacday dalka, ee ay ka horraysay xulidda Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaankaba.
Xilligaa waxaa jirtay rajo xooggan oo dadka qabeen, dalkana ka muuqatay walina ku jirta, haddana, anigu waxaan isku dayey inaan bal xakamo celiyo si aan xera taraar u dhicin. Qormooyinka kala ah: “Aragti gaaban iyo alalaas gundhigay!‏” “Maxaa dhacay?!” iyo “Maxaa astaan la’aan wada dhigay?!‏” ayey maansadu sii kaabaysaa, oo gundhiggu ahaa; inaan la degdegin, ee la hubsado waxa dhacay, siday u dheceen iyo wax sasbabay. Illeen haddii kale, waxaan laga dhaammaanayn inaan ku jirno TIIHA Siyaasadeed ee lagu waraaray.
Qaabka Maansadu waa sheeko laba qof dhex maraysa. Midi ku indhacad yahay in ISBADAL dhacay, kan kalana leeyahaywar ha degdegin, ee ka wardhawr! Warka yaanan badine, aqris wacan.

1. Awgayoow war li’idaa
2. Arladii dalkeenniyo
3. Ciiddii udgoonayd
4. Arrimaa ka jira’oo
5. Aasaas dhig wacan iyo
6. Udubbaa la taagoo
7. Ebteladii dhammaatoo
8. Aflax baa la gaaroo
9. Umaddii is raacdoo
10. Ibliiskiiba laga badi!

11. Abshiroow ma saasbaa
12. Ma “ISBADAL” ayaa dhacay?!
13. Ma aguugmay xumihii
14. Ma illownay beladii
15. Eeddii ma laga baxay
16. Xaajadu ma ugubbaa
17. Arrintaan xogteediyo
18. Asalkeeda yaa galay?!

19. Awgayoow adduunyada
20. Ayaantii timaaddaba
21. Iftiinkeedu waa guul
22. Ama olol colaadeed!
23. Bulshadii ayaan lihi
24. Maalinnimo Isniinaa
25. Unuggeed xirmaaye
26. Doorashadii asaag iyo
27. Aqoonyahan ku baratamay
28. Codayn aawadeed baa
29. Nin walbaa itaal dhigay
30. Inan baa ku soo baxay.

31. Abshiroow hubsiimiyo
32. Oraahdoo astaaniyo
33. Summad lagu aqoonsado
34. Ummad lagu aqoolaa
35. Eray fiiro li’i baxay
36. Utun iyo hurgumo iyo
37. Ableey waa ka daran yahay.

38. Siduu yiri Abwaankii
39. Hadal wuxuu ammaan yahay
40. Inta aan la oranine
41. Uurkaaga uu jiro
42. Afka goortu dhaafee
43. Dhawaaqiisu oogsamo
44. Eed laga dhaxlaayoo
45. Ama lagu inkaaraa
46. Hayska oranin weeyaan
47. Iska fiiri weeyaan
48. Inta aadan oranoo
49. Ogaal raaci weeyaan.

50. Ma ogtahay Igaarkoow
51. Alalaas durbaanliyo
52. Ololiyo ka soo kaca
53. Afgobaadsi beenoo
54. Uurka hoose aan jirin
55. Hore baan u aragnoo
56. Ugu soo hungaynnoo
57. Ammintaan cuseyb ma leh?.

58. Awgayoow wax diidmiyo
59. Iyo madax adaygnimo
60. Ama oday wax garadoo
61. Ifafaalahaa garan
62. Mid un labada ku aroor?!

63. Hadal aan ur loo bixin
64. Aragtina ku daabnayn
65. Aayar biyo aan loo liqin
66. Iney dhuunta awdaan
67. Iyo Aafaa ka dhalatee
68. Qunyar soco Igaar yahow
69. Asaraarka iga dhawr.

70. Iba bixi ujeedkoo
71. U ardaa dhig taladoo
72. U afayso Gudintoo
73. Halkaad Ood ka gooynee
74. U arrimi sidii Oday
75. Hana eedin arartoo
76. Ha ilaaqin Waayeel
77. Oday kaa gu’ weyn abid.

78. Inaad ani i maagayn
79. Kaa ahayn afduub ogi
80. Aashaa warkaagoo
81. Ashqaraarka dhacayiyo
82. Orka iyo ciyaaraha
83. Album hees ka buuxiyo
84. Afka waa ka sheegnaa
85. Arar waa u tirinnaa
86. Afarreey ka curinnaa
87. Aartikal ku tebinnaa
88. Idaacado ka sheegnaa.

89. Waxaan uga danleeyahay
90. In “ISBADAL”ku yahay eray
91. Ishu aysan qaban karin
92. Uuna maqal inagu yahay
93. Horaa lay ajarayoo
94. Asoo nuucyo badan buu
95. Aalloow na soo maray
96. Astaan Qaran ku sheeg iyo
97. Mar Kacaan ku aasnaa
98. Mar Islaam ku daabnaa
99. Intaa iyo intoo kale
100. Ayaa wali inoo dhimman!

101. Hal adaygga Odayahow
102. Waxba lagu idlayn waa!
103. Dadku waa is raacee
104. Gaar haw ugaarsane
105. Inta aan lagaa tegin
106. Eber noqon agtaaduna
107. Umaddaada soo raac!

108. Inan yahow imaad garan
109. Indhoolaha sidiisii
110. Orodkiyo xawaaraha
111. Oodaha jibaaxee
112. Irridaha ka boodaya
113. Ushiisii intuu dhigay
114. Talo xumo irdhoobee
115. Garanayn itaalkiis
116. Umaddeenan Soomaal
117. Isku nooc iney tahay
118. Asalkeedu saas yahay
119. Ayaan xumo daraaddeed
120. Uugtaal inay tahay
Igu diidi mayside
121. Ma xaajadaa irmaan ah
122. Inkirkaagu cillanaa
Maxaan kugu iraahdaa?.

123. Afar qaadka orodkiyo
124. Alalaas masharaxddiyo
125. Qosol iini daba taal
126. Utun sheeko lagu dhigay
127. Aramiyo dhibaatiyo
128. Uur ku taallo aan harin
129. Umaddii ku aarsata
130. Xumuhuun u oroddaa
131. Samahana afmeertaa
132. Anfariir ma weydee
133. Nin walbow ikhyaarkaa!
134. Maskaxdaa adeegtoo
135. U arrimisa Muruqee
136. Addimadii la laabyee
137. Ma afbay ku horumari?!

138. Ayaamaha isdaba yaal
139. Kasmo iyo ogaal iyo
140. Aragtiyey wadaanoo
141. Waa Bare Iskool iyo
142. Dugsi aadan dhiganine.

143. Alifkii qalloocdaa
144. Sahal kuma istaagoo
145. Albaqraad ka garataa
146. Eray laaxinkiisee
147. Mar haddaan abbaar jirin
148. Dhabbe lagu arooriyo
149. Aan ujeeddo lagu socon
150. Ilduuf kama dhammaatee
151. Ma abaabul baa bixin?
152. Ma amaah ayaa xiri?!

Dhammaad.

September 2012

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Advertisements

29 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s