AL ka gurguuree AL u guur! Q1AAD

Image

AL ka gurguuree AL u guur! Q1AAD

 
Adoon HABAARRAMIN ila AQRIIlleen qof HABAAR u hoyday lama heline, Mid DULMANSE ma halmaanin. Adoon CAAYTAMIN isha mar, illeen AF CAAYTAMA NINKIISUU KU YAALE! Adoon CARAYSNAYNAYN ilaWADAAG, illeyn CIISHOONE wax ma CAYNSHEE. Adoon CANAAD wadin ila eeg, illeen CAMAL XUMO qofka CIDAHA waa kaa saartaaye. Intaa iyo intoo kale adoon hannaan iyo hab, hub iyo haybd, caado iyo cod ka dhigan qoraalkan kooban isha ila mari.
Islaamkii dhawaangalka ahaa, ee Waddanka soo gaarsay dhammaadkii siddeetameeyadii iyo horraantii sagaashamaadkii, wixii laga dhaxlay loo wada joog. Ma xumaa ma samaa? Warcelinta aan isaga soo laabannee, bal horta ila jeexjeex aragtida, hana is dhihin marna inaan u kala eexanayo laba URUR DIIIMEED ee mid walbaa AL wato. Anoo kuu cilladayn doona, haddana, ha i dhararsan.
Laga yaabee, inaad la yaabtay, marka aan iri ISLAAM DHAWAAN GAL ah. Oo waxaan wada ognahay in DIINTA ISLAAMKU Waddanka ku fidday xilli aan dhawayn. Dadka qaar baaba qaba in farriinta diintu na soo gaartay intii SUUBBANUHU ifka joogay. haddana, maalintaa diintu timid ilaa maanta, maalmo ka murugo iyo maamuus xun maalmahan aan ku nool nahay nama soo marin. Dabcan waxaan u jeedaa dhan diimeed, ee kama hadlayo hoggaan, maamul iyo siyaasad.
Waxa dhacay aan wariyee, bal ila soco. Dunida Muslinka ee aan ka mid nahay waxaa jirtay xilli ay ka hana qaadeen wax loogu yeero afka Carabiga “AL SAXWA AL ISLAMIYA” oo ka dhigan “BARAARUG ISLAAMEED” asal ahaan wuxuu ka ahana qaaday waddamada Masar iyo Sacuudi, oo ah labada waddan ee dhoof geeya aragti diimeedyada ugu xoogga baddan Dunida Muslinka.
Dhanka Sucuudiga waxaa horjoogay Ninka loo yaqaan: Maxamed Cabdil Wahaab, oo markii dambe magac ahaan isaga loo nisbeeyey qolada loo aqoonsaday “WAHAABIYA” haba diidaan ama dhahaan magac ahaan qof loo yaqaan ma jiro. Buugaagtiisa kuwa uga caansan ee aan filayo in inta badan la wada maqlay waxaa ka mid ah “FATXUL MAJIID” kooxaha aragtidaa qaadatay waxaa nagala jooga ITIXAAD, ICTISAAM, AL SALAFIYA , AL SHABAAB IKK.
 
Asxaab kooban weeyaan
Afar iyo shan weeyaan
Albaabkooda lama galo
Ehel iyo qaraabiyo
Xigta maba u oommana!
 
Dhanka dalka Masarna waxaa hordeed ka ahaa ninka kale ee la yiraa;Xasan Al Bannaa, oo markii dambe daldalaad lagu fuliyey. Isna wuxuu keenay aragtiga ku magac baxday “IKHWAAN MUSLIMIIN” ee ay nagala joogaan kooxaha kala ah; ISLAAX, MAJMAC AL CULAMAA {AALA SHEEKH} iyo kuwan dambee la baxay DAM JADIID.
 
AALA AALA weeyaan
ASHU waa billaawoo
Waa astaan u gaaroo
Waa iridda koowaad
Waa albaab u xiranoo
Aadane ka soo galin!
 
Labadii aragti ee labadaa nin kala dhaliyeen ee labadaa waddan ka kala hana qaadday, waxay saamayn xooggan ku yeesheen Dunida Muslinka. Horraantii todobaatameeyadii, sanadihii seddeetameeyadii iyo sagaashamaadkii waxaa Dunida Muslinka ka dillaacay DAACUUN SIYAASAD DIINEED ah, oo aan dhagax iyo dhir midna reebin.
Dunida Muslinka waxaa hareeyey qalalaase siyaasadeed, heer qaraxyo iyo qaarijin qaati laga istaagay. Waddamadaa waxaan ka xusi karnaa: Masar, Suuriya, Indoniseya, Aljeeriya, Tunis, Marooko IQB. Intaa waxaa sii dheeraa JIHAAD ku sheeggii waddanka Afganistaan, oo u ahaa isha ay waraabaan aragtiyada xagjirka ah. labada waddan ee Masar iyo Sucuudinauu Maraykanka gabbaad ka dhigtay, lana wadaagay jabintii Soofiyeedka. Una hirgalshay in lagu Jihaadkaana inay xaq tahay. Wixii ay ku dambaysay loo wada joog.
Waddanka [Soomaaliya] berigaa waxaa ka talinaysay Dawladdii Tanti Wadaagga ee ay hoggaanka u hayeen Ciidanka Qalabka Sida. Dabcanaragtidaa diimeed sida Waddamada kale ee aan diin wadaagga nahay ayey dalka soo gashay. Waan hubaa in sheeko ama shaahid mid aad ku heshay sida xaalku ahaa. Dawladdii Militarigu waxay gacan bir ah ku qabatay wadaaddii waday diinta soo galootiga ahayd, heer ay qaarkood dil toogasho ah ku xukuntay, kuna fulisay.
Dilkaa lagu kala aragti duwan, sida aan loogu kala aragti ahayn intii ay dhib gaysatay Dawladdii magaca Kacaanka ku suntanayd. Laga yaabee, in xilligaa aan dadka intiisa badan aragti xadidan iyo mid xarafsan midna aysan ka qaadan. Balse, dhawaanahan aragtidu hal dhan bay u ciirtay, aanse dhan kale kaa wadaajiyo, adoon igu soo degdegin.
Waxaa jira qodob qeexaya in la raaco WALIYU AMRIGA. Marka qodobkaa laga shidaal qaato raggii qaranka iyo hannaan dawladeedkii jiray ka soo horjeestay maxaa laga dhihi karaa? Mise iyagu magac Culimo ayey ku suntan yihiin oo marna qaban maayo qodobkaa miyaa? Oo waa: La jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan!
Maxaa yeelay Jabdahaba dawladdu dagaal ayey kala hor tagtay, in qabiil loogu qiilaya ma ahane, waa la wada qirsan yahay inay qaranka qalalaase ku wadeen. Haddana, lama qarin inay qaldanaayeen.
Diin ahaan marka xagga la iska dhigo, illeen dad badan oo xuurto kugula soo dul dhacaya ayaa jiree, aan ka eegno laba arrimood, oo laga yaabo mid ka mid ah inay hoos galayso isla diintaba. Waxaan isla qiraynnaa in qofkii qilaaf dhalin kara qalaalaaso siyaasadeedna abuuri kara ee qatar galin kara qaranka inay xaq tahay in dadka laga qabto. Sidee? Waa meesheeda, ee adba si uun u suurayso.
Midda kale, ee maalmuhu noo caddeeyeen waxa ay tahay, in haddii aan raggaa maalintaa go’aanka caynkaa ah lagu fuliyeen, in Dawladda Soomaaliya aysan soo gaarteen sagaashankii, ee ay ka hor dhici lahayd. Maxaan saa u leeyahay? Waa mid bannaan taal ah, maxaa yeelay, waddamadii uu ka hana qaaday Daacuun Diimeedka oo dhan midna uma xasillayn sida Soomaaliya ahayd.
Tan kale, Al shabaabta maanta na horjoogtaa, waa qatarii dawladdu ay uga hortagtay go’aan geesinimo iyo wax ku ool lahaa. Laga yaabee inaad i leedahay, oo ma dilka raggaa ayaad qiil u samaynaysa? Qiil u samayn ka sokow, adoon indha damuuqsi wadin waxaad eegtaa dhibka maanta na haysta iyo kan Dunida Muslinku soo martay ama ay marayso, ninkii maalintaa kaa horjoogsaday go’aankiisu miyuusan ahayn in dhaliil la’aan lagu dhigo, kaba sii muhimsane, haddaadan ku qanacsanayn taa, waxaan ku leeyahay maxaad u aragtaa dagaalka ka dhan ah Al shabaab? Adi ahaan haddaad u xamlan tahay aragtidooda kuma daran, ee inta aan kula midka ahayn ee aad dhanka xumaa go’aankii raagga lagu dilay aad ka tustay baan doonayaa inaan u muujiyo sooyaal uu ka indha saanbaa ama uusan ku baraarugsanayn.
Ani ahaan waxaan qabaa haddaan tallaabada dilka la qaadi lahayn, in aandalwad Soomaaliyeed cagaheedu ku sii taagnaateen. Igama ahan inaan dilka dadka ku boorrinayo. Balse, waa inaan ogaannaa qofku heerka uusan dhaafi karin iyo halka uu mudan yahay inuu ku ekaado.
Tan kale, buulka aqalkaaga ku dhaggan hadduu holcayo, ee aad aragto nin dab u soo sita kaaga, maxaad ka yeeli lahayd, ma gacnaha ayaad isa saaran lahayd, mise waad ka hortagi lahayd? Waan kula qabaa in markii damababa dawladda aan diin lagu dumin, ee qabiil iyo qabyaalad eersatay.
Islaamkii dhawaan galka ahaa waxaa laga dhaxlay arrimo anfariir leh. Waxaan qabaa inuusan jirin qof Soomaali ah oo uusan saamayn dhibkii ka dhashay. Qofba si ayuu u saameeyey. Wuxuuse si guud u saameeyeyDHAQANKII, HIDDIHII, AFKII, CAADADII, QAAB FEKERKA QOFKA SOOMAALIGA ah IWM. Dhaawaca iyo dhabarjabka ay kuwaa u gaysteen lama koobi karo.
Abtirsiimadeenniyo
Rag Abuulleenkeenii
Inta ay amuugeen
Ood saaray weeyaan.
 
Hiddihii aloosnaa
Dhaqankii ardaagiyo
Rag ufeeyey weeyaan.
 
Ummad kale u raranoo
Unug baas abuuroo
Ibtiloowday weeyaan
Walina waa ordaayaan!
 
Soomaali haddaan nahay dabeecadda caadifadda iyo laab xaarnaanta ayaa wax walba naga dhaamaysa. Anoon ku dheeraanayn, maalintii Maxkamaduhu ka dillaaceen Muqdisho, waxaa lagu soo dhaweeyey caleemmo qoyan, cod dheer iyo cudud furan. Waa ayaan darradeennee, la isma weydiin; nimanku waa ayo? Xaggee naga soo galeen? Maxay doonayaan? IWM.
Maalintii xornimada la qaatay ilaa maantadan, dadka waxaa lagu waalay eraga “Isbadal” wax walba oo dhaca xumaan iyo samaan waxaa lagu suntaa “Isbadal”.
 
In “ISBADAL”ku yahay eray
ishu aysan qaban karin
uuna maqal inagu yahay
horaa lay ajarayoo
Asoo nuucyo badan buu
Aalloow nasoo maray
Astaan Qaran ku sheeg iyo
Mar Kacaan ku aasnaa
Mar Islaam ku daabnaa
Intaa iyo intoo kale
Ayaa wali inoo dhimman!
……
 
Maansadii: “Ajar-Diid”.
 
Berigaa Maxkamadaha anigu waxaan lahaa war raggu waa raggii Dagaalkii Buundadii Araare, ee Kismaayo ka qaybqaatay, dagaalkii Boosaaso ee Gobolka Bari iyo kii Gobolka Gedo. ISBADAL ma wadaane sheeekadoodii ayey dib u soo celin rabaana naga jira.
Yaaba dhagaystay? Laga yaabee in la ii arkayey nin waalan ama caalam kale ku nool. Halka qaar badan ii arkayeen cadaw aan rabin in wadaadadu dalka xukumaan ama diin Islaam la isku xukumo. Wixiise laga dhaxlay maanta ayey na wada horyeelliin.
Maalmihi Maxkamadaha oo aan qorayey qormooyin digniino iyo dardaaran warin isugu jira, oo ay ka mid yihiin; “QABSATAYE MA QARAMAYN KARTAA?!” ayaa nin aad u taageersanaa ku iri: “Ma la waayey Wadaad Diinta Islaamka Dhaqankeena noogu fasira, maxaa maalin walba Dariiqad Sheekh ama Urur Carbeed naloogu soo dhoofinayaa?” wuxuu igu yiri: “Mar kale igu celi?”. Haddaan ugu celshay, buu igu yiri: “Waligay ma maqal”. Waxaan ku iri: “Haddaba maqale, bal maankaaga gali”.
Waxaad maanka ku haysaa, sooyaalka burburka marka laga hadlayo inuu leeyahay laba marxaladood oo aad u kala fog, kalana ah: 1990-2006 iyo 2006 ilaa inta si rasmi ah Al shabaab cudud ahaan looga sifayn doona dalka. Maxaa yeelay qasaaraha dhacay labadaa xilli, ee leh dhib, dhaawac, dhimasho, dhismo iyo dhaqaale burburray, qaxa aan tiraynta lahayn waxaa badan kun iyo kow jeer kan dhacay 2006 iyo ka dib. Sababtu maxay tahay? Adba bal jawaab u yeel.
Sooyaal kugu daalin maayee, wixii dhacay ama dhacaya, marka kanbeenaalaha siyaasi ku sheegga ah iyo qabqablaha dagaal oogaha laga soo tago, waxaa xanuun badnaa raadka ay reebeen Wadaadda Waallida Waday. Maanta qof walba indhihiisa ku aragye, wadaad dambe miyaa lagu kadsoomayaa iyo qof ku doodaya XARIGGA ALLE iyadoon la qabsan waxba hagaagi maayaan?.
Haddii Xabashi Maxkamadihii xabbad indhaha ka galisay, ee ay kaynta u kala carareen, waxaa fud soo yiri, oo awalba Qamiiska ugu jirayAlshabaab. Adba kaalay maaro iyo tab u hel. Haddii rag ka mid ah siyaasad wadaag la noqdeen dawladdii C/laahi Yuusuf, wali waxaa nalagu hagayey nidaamkii ASHA [AALA SHEEKH]. Haddii 20012 maamul cusub yimid, wali waxaa na daba taal ASHII [DAM JADIID] AMA [ISLAAX-IKHWAAN MUSLIMIIN]. In kasta oo raggan cusubi ku leeyihiin anagu kama mid nihin ama kama mid noqonba. Haddana saw ma ahan AL KA QAADO AL U DHIIBO. Middase isu kay qaban waysay ee aan qaadan waayey ba ahMaamulka Machadka SIMAD dibna JAAMACAD laga dhigay, sida ay halkaa ku joogeen iyo midda ay maanta doonayaan inay naga gadaan? Mid waa diidi karaan in magaca la doono aan loogu yeerin, balse, inaysan aragtiIKHWAAN MUSLIMIIN wadan taa ma filayo inay naga dhaadhin karaan, illeen waa anoo ku iraa Cadceedi ma jirto
Fisha qaybta xigta ee qormada. Dhanka kale, Meerisyada aan ku soo qaatay qormada, waxay ka mid yihiin maanso dhawaan aan soo bandhigi doono.
 
 
Bashiir M. Xersi
Advertisements

8 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s