Haddaan la i dooran anna waa duulay!

Image

Haddaan la i dooran anna waa duulay!

Haddii Abwaan Mustafe Shiikh Cilmi hore u yiri: “MADAXWEYNE MAR I DHAHA!” ayaan beri dhexdaa ah oo lagu waashay MADAXDOONNIMO, waxaan qoray qormo cinwaankeedu ahaa: “Anna Musharrax baan ahay!” oo aan ku qaadaadhigay sida aan ugu wada bukno MADAXNIMO. Anoo ku dhigay in dhacdaada muujinayso sida xalku nooga fog yahay.

Maanta mar kale baan ku soo laaban isla mawdiicii. Anoo meel kale ka eegaya, kuna soo qaadanaya wixii isbadalay maalintaa ilaa iminka. Anoo isla cinwaankii hore mid la xiriira soo qaadan doona, kuna xiraya sida wax ku dambeeyeen iyo intii noo been guurtay, ee aan maalintaaba ka digay,oo aan mar kale ku celin doono.

Sidii ay u soo dhawaatay xilligii doorashada, waxaa Magaalada Muqdisho ku soo batay rag lagu sheegay ama isku sheegay AQOON YAHANNO, aniguse aan HAL AQOON u baxshay, oo jaadad kala lahaa, sida PROF, DR, ENG, IWM, oo dhammaan ka wada yimid Waddanka dibaddiisa. Gaar ahaan wadamada Reer Galbeedka, sida: Maraykanka, UK, Canada, Australia iyo Scandinavianka.

Maalmo ka hor Magaalada Muqdisho meel aad cagto dhigto ma lahayn. Maantase sidaa ma ahan. Dad awalba kuma yarayn, haddaan laga qixine. Markan waxaa u dheeraa dad ujeedka ay u yimaadeen la ogaa, inta aan laga aqoonse ka sii badnayd.

Waxay ahayd markii u horraysay ee dalka ay ka dhacdo doorasho tan iyo markii KALI TALIYE Maxamed Siyaad Barre Jabhaduhu xoogga dalka uga saareen. inta kale wixii shirar dhacay mar walba meesha nalooga gacan haatiyo ayaan u hayaami jirnay. Haddaba, ajnabigu kama marnayn, la’aantiisba Xamar iyo Xalane laguma xuleen Xildhibaanno. Haddana, dhul shisheeye waa dhaantey.

Imaatinka Xamar dhadhan kalana waa lahaa, oo ABKOW QABQABLE oo dhan daaqadda ayuu ka baxay. Hadduusan ka bixinna awooddiisii waa wiiqantay. Kaliya ma ahane, xitaa WADAADADII WAALLIDA WADAY dacartoodii waa baqday oo gadmi waysay. Sidaa awgeed, gulufka waa loo dhammaa, oo meel walba ayaa la isaga yimid. Haddaba maxaa la doonayay?!

Waxaa Xamar soo buux dhaafshay AW QURBAJOOG oo dhan, magac walba ee uu lahaa ama yeelayn karay, Oo AQOON YAHAN ugu muhimsan yahay. Aniguse aan u baxshay HAL AQOON. Waxaa loo soo wada xaytay sidii MAANDEEQ qayb looga heli lahaa, qaar Ururro xalay dhalay ah ayey la soo shirtageen. Qaar kale, magac qabiil ayey Qaaroodka la soo xeragaleen. Qaar kale, xulufo xiran ayey ku soo xamaarteen. Qaarka kale, magacyo ay is dheheen waa gadmayaan ayse ku kadsoomeen ayey la yimaadeen. Ninba taagtii ama tolkii ama tabtii iga dheh. Dabcan, intaba tigaad ayaa tiir u ahayd.

Halaagga nagu dhacay, Tiiha aan ku jirno iyo tabar [habayd] la’aanta waxaa qayb ka ah inaannaan lahayn hoggaan nagu habboon ama noo hubban. Kkaliya ma ahane, waxaannaanba hayn AQOON YAHAN ARAGTI DHEER iyo ARAR wax nagu dhacsiiya.

Sida dhagaxa dadka loogu dilayo ayaa naga daacada. Mar magac qabiil, marna diin, oo labadaa wax aan ahayn ma jiraan miyaa? Hadday maya tahay waaba sida wax u socdaane, hadday haa tahay aawaye?.

Inta aanan waxqabad iyo waxgal u gudbin, waxaan jeclaan lahaa inaan wax yar ka iraahdo waxa aan uga jeeday HAL AQOON ama HAL YAQAAN. Dib u eegidda eraga waxaa igu dhaliyey inaysan jirin ama yartay qof ka turjumaya macnaha dhabta ah ee raga. Qof qoyskiisa ku ekaaday kama hadal, ee inta Soomaali dhex boodee, baan tilmaamayaa. Sidoo kale, weydiin  macnihiisa la i warsaday, ka dib markaan ku adeegsaday qormo cinwaankeedu ahaa: “Aqoon yahan Aragti ka arradan!”.

AFARREEY nin tiriyaa

ABWAAN kuma mutaystoo

HAL ABUURNA lama dhaho

CODKAR iyo AFTAHAN iyo

CURIYUU la Ehel yahay!

Maadaama eraga AQOON YAHAN yahay eray aad u dhumuc iyo mug weyn, tilmaamayana qof AQOON badan ama baaxad leh koobay. Sida eraga AFTAHAN, NABADDOON ama ABWAAN ay u tilmaamayaan sifooyin milga leh, oo aan qof walba loogu yeerin, sidaa oo kale ayaan dareemay in eraga AQOON YAHANNA aan qof walba aan la dhihin.

Taa kaliya ma ahane, madaama uu qofku waqti iyo wacaal ku baxshay waxbarasho, eraguna noqday eray hirgalay, ayaan isla eragii ka dhalaalshay eray aan ka fogayn macne iyo muunadba, si haddii eray kale loogu waco aan u dhalan DHIMAAL ka daran kan laga digiyey.

AQOON yahan la sheegiyo

INDHEER garad ma joogoo

Indhawaale maan arag

Astaamaha la qeexee

Aas-aaska laga dhigay

HAL YAQAAN iskiis iyo

HAL AQOON ha lagu daro!

Sidaa awgeed, ayaan ugu magac daray HAL AQOON ama HAL YAQAAN. Eraga hore, wuxuu tilmaamayaa in qofku wax yaqaan, balse, uusan gaarsiinayn  AQOON YAHAN. Kan xiga qudhuusu kama foga, wuxuu sheegayaa in qofku wax yaqaanno, balse, labada erayba adeegsigeedu waxay kaa dheeraynayaan in aadan  marna ku dhicin in aad qof ku tilmaamto wax uusan ahayn, adoon waxa uu yahay ka qaadayn.

Micnaha, sida HAL ABUUR walba aan ABWAAN loo dhihin, ayaan soo jeedin lahaa inaan HAL AQOON ama HAL YAQAAN kasta loo dhihin AQOON YAHAN. Aan sii jilciyee, waxaa ka dhexeeya labadan eray MACNE GUUD iyo mid GAAR, oo AQOON YAHAN walbaa waa HAL AQOON ama HAL YAQAAN balse, HAL AQOON ama HAL YAQAAN walbaa ma ahan AQOON YAHAN.        

Aan u laabto maalmihii Xamare, inta aan xafladdan weyn la isugu imaan Waddanka gees ka gees iyo guud ahaan Geeska Afrikaba waxaa ku dhufatay abaar xun iyo biyo la’aan daran oon sannado badan la arag.

Gurmadkii iman lahaa iyo Gasiinka lagu deeqi lahaaba, waxaa hor sitaagay ALSHABAAB. Eray ahaan [Alshabaab] dadka caay buu la yahay, balse, wuxuu ka mid yahay erayada la dhalanrogay sida: JAALLE, MUDANE, XILDHIBAAN IQB. Cuntadii yarayd ee Caalamku keenayna MUSUQ kama marnayn.

Haddii aan xoolo jirin, deeqdiina la hor istaagay, ama la leexsaday, marka laga reebo dhawaqyada nuxuuska ah ee aan marna baahida dabooli karin marna aanba cidna dhagaysanayn, weydiinta ugu weyn baa ah, AQOON YAHANka Soomaaliyeed, ee Xamar la ciirciiraysay maalmo ka hor, xaggee jiray? Ma hadda ayaa god laga soo foogay, mise xabsi laga soo daayey? Saw ma ahayn in uu xilka saaran guto, ee kaga aaddan dadkaa dhibaataysan?.

Maahmaah baa dhahaysa: “Mayd waxaa ugu dambeeeyey kii la sii sidee!” Waxaan uga socdaa inta aqoon lagu tilmaamo ee maalmo hore u sharraxnaa xilka madaxtinimada, imisa ayey gaarayeen? Nin walba wuxuu baxshay Toban Kun oo Dollar! Xilliga ay lacagta bixinayeen ee ay doonayeen inay u tartamaan inay maamulaan Soomaaliya waxaa NAFAQA XUMO loogu dhimanayey Gobollada Soomaaliya qaar ka mid ah.

Haddaba, lacagta laga qaaday AQOON YAHAN BAASka isu gaynteeda imisa ayey noqon kartaa? Haddii la isu geeyo maxaa lagu qaban karaa? Horta lagaba qaadyee, xaggee ka baxday? Waa weydiimaha u baahan inaan is weydiino, ma ahan inay nooqdaan Erayada Prof, Ruugcaddaa, Waaya arag IWM.

Damiirka Walaaltinimo, midka Aadanenimo iyo midka Diimeed aan idin ku weydiiyee, LACAGTAA LAGU TARTAMAY miyeysan wax u qaban karin boqollaal Soomaali ah oo dhibaataysan? Saw ma dayactiri ama dhisi karto SCHOOL/DUGSI, JAAMACAD, ISBITAAL, XARUN AGOOMEED, DARYEEL WAAYEEL iwm?

Waxaa taa oo dhan ka sii muhimsan sanad ka hor waddanka waxaa ka dhacay abaaro xun, qof walbana og yahay. AQOON YAHANKAN BAAS ee iminka dhagaha nalooga dillaacshay, xaggee markaa jiray? Toban kaan Kun ma haysan miyaa? Yaa soo amaahiyey hadda?

Dunida dadka Bulshada saamaynta ku leh, wax muuqdo ayey u qabtaan, ee kuwaan waxa ay ku mudan yihiin in lagu doorto ee waa Jaamici aan ka ahayn bal ii sheega?! 

Intaa kaliya ma ahan, inta aan doorashadu dhicin, waxaa dooddii ugu kulaylayd ka dhacday DASTUURKA, walina ka taagan tahay, maadaama aan go’aan laga wada qaadan. Odayaashii Dhaqanka iyo Culumo Awdiinka la maqal, diidmo iyo talo waxay ahaataba. Aqriste, adigu ma maqashay wax la yiraa AQOON YAHAN ee Muqdisho joogay oo wax ka yiri? Haddi anigu hal qof iyo laba qof kama hadlayo, sidoo kale qof walba oo aragtidiisa ku biirshay sixidda qodobbada qaldan ee ku jira Dastuurka kama hadlayo.

Meeshii laga rabay inay dadkii siiyaan Muxaadarooyin ku saabsan waxa qaldan iyo sida loo sixi karo, yaaba warkooda maqlay, aan ka ahayn marka ay doonayeen inayn xil u qaylshaan.

Dabcan waa la dhihi karaa, ammaanka ayaa adkaa, oo haddaa ma Waardiye la’aan ayey magaalada joogeen! Ma taa baa marmarsiye u noqonaysa? Anigu ma qabo.

Wixii hore u dhacay ee tagay, gaabis iyo guluf yari ku yimid, waanba ka gaabsaday. Sidaa awgeed, labadan tusaale, waxaan u soo qaatay inay wali qoyan yihiin, ayna muujinayaan fashalka jira qaradiisu inta uu la eg yahay. Waana midda cinwaanka aan uga dhigay sida uu yahay, si aan u muujiyo dhibka inuusan ahayn kaliya sida loo dhigo mar walba.

Dunida AQOON YAHANKU wanaag walba isagaa hal abuura. Dhankeena isagaa ugu dambeeya qof ogaada. Kaba darane, badanaa isagaaba dila oo duuga. Dunida AQOON YAHANKU isagaa dhaqdhaqaaq walba horkaca. Dhankeena isagaa igu dambeeya dhaqdhaqaaq billowda, hadduusan dhaqdhaqaaqa jira dabrin. Dunida AQOON YAHANKU isagaa farfiiqa qofka mudan hoggaaminta dalka, marka laga reebo nasiibka doorashada iyo cod bixinta dadweynaha. Dhankeena, isagaa farta isku fiiqa, inta lagu fiiqana wuxuu ka dhigaa falwadayaal fawdo ma ahane aan faa’iido lahayn!

Dhawaan waxaa laga dooday sidii Baarlamaanku u qaadan lahaa bil walba SHAN KUN oo DOLLAR, in kastoo marki dambe ay kala bar saxiixdeen.

Sida la wada og yahayna, Baarlamaanka waxaa ku jira dad lagu sheego AQOON YAHANNO. Aqriste, ma aragtay qof ka mid ah oo ka hadlay arrintaa? Hadal ma ahan, go’aan muuqda ka qaatay, ee waliba caddeeyey inuu ka soo horjeedo, ee ay tahay in laga hortago?.

Awalbaysan wax qabane, ma waxay kari waayeen inay eray uun wax ku sheegaan? Ma waxay kari waayeen inay dadka u sheegaan waxa jira iyo wax dhacaya? Ma waxay ka kari waayeen inay afka uun ka sheegaan sida arrimo badan oo isku miliqsan xal loogu heli karo? Allow adaa faxan.

Waxey Soomaalidu tiraahdaa: “DOQONEEY IL KU XUUBLEEY AF KU XUNBAALEEY!” Ama “ISHAAN MEEL DHEER WAX KA ARAGEEY DHAC!” Ma waxey saadaalin waayeen ama oddorosi waayeen waxa dhici karo ama doorashada iney ku guuleysan karaan iyo in kale?

Shirib ayaa ahaa:

Aadan Yabaal u soo aroor, Abaalna kuuma erganee!

Hadda waxay dhahayaan rag tashadaa na heley! Aqooneey xaal qaado.

Haddii madaxweyne la doortay, Wasiirkii koowaadna la soo magacaabay, maalintii xigtay, qaar baa diyaaradda sii saarnaa, anigu kuu magacaabi maayee, adba dib u xasuuso. Qaar kalana kama dambayn, haddii Wasiirradiiba laga dhigay Toban, nin walba ee isku qanciyey Wasiirrada ayaad soo galaysaa, wuu niyad jabay, haddii la xulayna waaga ayaa ku baryey. Way garan waayeen intuu gartay nin GEELLEEY ah oo CEEL u soo ARORAY, ee yiri: “GEED MAGAALIYO MAANYO HOOSTEED, MAAD UMA IMAAN, MAAD UMA IMAAN!

Daniba tiriye, hadda waxaa loo soo wada dhoof yahay qurbihii laga yimid, oo haddii ay beri dhexdaa ah ahayd, kontomeeyo wada sharraxan oo aan anigu qoray qormo ahayd: “Anna Musharrax baan ahay!” maanta waxaan joognaa: “Anna waan dhoofay” oo haddaa shalay maxay soo dooneen? Aan ka ahayn xil iyo xukun, oo aan marna looga jeedin in loogu daneeyo ummad iyo arlo.

Aqriste, saw xaalku ma ahan, meeshii hal abuurka ka yiri:

Sii hadoodilan

Soo hadoodilan

Harga maran sida

Habaarna u dheer!

Nin walba waxaa sugaya Tagisgii ama dukaankii uu soo dayacay. Illeen meesha magaca lagu yimid bug buu ahaaye, la yiri: “Lama huraan waa Cayska Jiilaal” marka intii madax doonka ahayd nin walba hawshii uu soo qabyeey ayaa sugaysa.

Hadday shalay soo dheefeen, hadday is sharraxeen, hadday waxba keeni weeyaan, waa rag caadadiisee, waxay maraysaa, inay mar kale sii dhoofaan, oo haddaa maalin walba dhoof miyaa lagu jirayaa iyo sii soco ama soo soco. Waxey ku habboonayd inay is ku sharaxaan magaca ah; “DHOOF YAQAAN” illeyn waa kii halqabsugu ahaa: “Ninba wuxuu bartoo berga show billaabayaa!Allow adaa faxan.

Inan yahaw Abaalkii

Uu dadkaagu kuu galay

Isku duubni lagu falay

ISKUULLADA dhammaan

Nin walboow iskaa iyo

U tar loogu dhax dhigay

Ku Abaabi ubadkoo

Aqoon biiri lagu waday.

 

Tarbiyadda ISLAAMKIYO

Asluubta iyo DHAQANKIYO

IJTIMAACA noloshiyo

EDUCATION Lagu barey.

 

Aaway Aayatiinkii

Ubaxii ay beereen

Araggana u roonaa

Anfacay ka sugayeen?

 

Adigaa irdheeyoo

Uubato danleey iyo

YEEY iyo ABEESIYO

ABRIS uga darraaday.

 

INKAAR qabe inaad tahay

Aan lagu aflixin abid

Iintaadu badan tahay

Agagaas inaad tahay

Ama aad ABOOR tahay

Igu diidi mayside

Umaddan maxaad tari

Ama maanta ugu taal
HAL AQOONNA ugu tahay?

Dhammaad.

F.G: Mardhaw fisha qormo kale ku saabsan isla mawduuca oo aan doc kale ka joogsan doono. Dhanka kale, Meerisyada aan ku soo qaatay qormada, waxay ka mid yihiin maanso dhawaan aan soo bandhigi doono.

Bashiir M. Xersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s