General Dhega Badan: “Maamuus kuuma quuraane MAHADSANID”

Image

General Dhega Badan: “Maamuus kuuma quuraane MAHADSANID”

 

Inta badan waxaa la igu eedeeyaa, qoraalladaydana lagu dhilaalaa inaan meel xun uun wax ka fiirsho mar walba oo aan wax qorayo, oo malaha la igu dhibsaday, haddaanba la igu nicin. Taa oo leh qiil iyo qaab marna lagu qotomin karo, marka kalana lagu qabbiro. Waa loo qiilin karaayoo dadka dhibkaa ka tan badshoo qaati ayey ka tagan yihiin xun sheegid iyo xan faafin. Waa marka kaloo waa lagu qabbiri karaa, illeen marka aan samo sheeg noqonayo waa marka aan arko samo la falayee. Haddiise wax walba ee la sameeyo ay gurracan yihiin, gadaalna ka go’an yihiin, ee aan warsho ma anaa ku eed leh, mise ninkii dhacdadaa sababay? War anagaa ebtelo aragnay!
War Soomaalida maxaa ka qaldan baa lagu leeyahay? Haddii aanba Sooyaal la sheegi karin, goorma ayey wax toosaayaan? Oo ka dhigan inaan midda taaganna laga hadli karin, illeen FIDNO WADE ayaad tahay haddaad ka hadashee, oodna ku noqon QAAB XUN WAX U SHEEGE! Aniguse waxaan leeyahay si aan wax xun loo sheegin yaan wax xun la samayn.

Arartaa ka dib, qormadan way ka duwanaan doontaa qormooyinkii aan hore u qori jiray. Waa maroo waxaan isku dayi doonaa inaan wanaag ku muujiyo, madaama xume sheeg uun la ii arkay. Marka xigtana markii u horreysay intaan qoraalka ku dhex jiray ayaan qori doonaa qoraal ammaan iyo bagaadin ah oon mudane gaar ah u jeediyo. Dabcan taana waxaa keenay wixii uu qabtaye, ee bal ila soco.

Waxaan xilka ka qaadis lagu sameeyey Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. C/kariim Yuusuf Aadan “Dhagabadan” oo labaduba laf dhabar u ahaa dagaalkii lagula jiray xagjirka iyo kuwa mayalka adag ee Alshabaab iyo inta ku abtirsata.

Xil ka qaadistaa waxaa ka dhashay dareemmo kala duwan, use badnaa sida looga wada maqsuuday shaqada ay qabteen labadan mudane. Qormada anoo Gen. Dhaga badan kaliya ku eegi doona ayaan haddana Genanka kalana ka marnayn. Kama sheekayn doono korriimadiisii, waxbarashadiisii iyo wax qabadkiisii toona, waxaanse doonayaa inaan dhawr sadar oon sooyaalka u reebo saaka yaalkana ku samriyo ku wadaajiyo.

Ugu horreyn, aan mar kale afeeftee, ha moodin inaan Gen. Dhega badan qaraabo nahay. Haayoo waaba nehee, waa Soomaalinnimo kaliya. maadaam uu yahay Aabbaha udubkii Ashabaab lagu ab jaray. Taa qaraabo waan ku nehee, waxaan ka feejinahay waa midda nacasnimada iyo naasnuujinta ah, ee dhalyo beenaadka iyo dhiig aan jirin la isugu dhiibo. Qaraabadeennuse waa mid qarannimo iyo qawmiyad ku qaabsan.

Taa ka dib, xilliga Gen. Dhaga badan loo magacabayey jagadaa sare dalku wuxuu ku jiray MUGDI. Magaalada Muqdisho badideeda waxaa gacanta ku hayey oo maamulayey mooryaanta Alshabaab iyo malleeshiyaadka caloosha u shaqaystayaasha ah ee ay beesada ku baabeen.

Taa ka sokow, guud ahaan madaxda sare ee dalka hoggaankiisa haysay waxay madaxa iyo majaha kula jireen musuqmaasuq maamul, maaliyadeed iyo maaraynba.

Mar walba waxaa taagnaa khilaaf iyo muran la xiriira awoodda madaxda dalka, kaba darene, waxaa la isku hertin jiray Shilimaadka yar ee dunidu ku deeqdo iyo Kumiyaasha ka soo xarooda Dekadda iyo Garoonka Muqdisha.

Hoggaan aan haybad lahayn, hadar iyo hadal uun ku hawllan iyo halaag wadayaal aan hooyooyinku u nixin ayuu ku soo aaday xil qabashada Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Dhega badan sidii uu xilkaa u qabtay waxaa isbadal laga dareemay Hoggaanka Ciidanka, gaar ahaan kuwooda qalabka sida, ee ku hawllan la dagaallanka Argagixisada.

Adaygga shaqada Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Dhega badan muranka madaxda iyo maatoa cunka kaliya ma ahan, ee waxaa taa ka darnaa, in dhammaan Hay’adaha Dawladda, ee leh shaqaale jaad walba ay yeelan kara iyo Ciidanka noocyadiisa kala duwan inay ku milnaayeen oo ku dhex jireen xubno ka tirsanaa ama gacan saar iyo wada shaqayn la lehaa Alshabaabta uu halganka kula jiro Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Dhega badan. Taasoo sii adkaysay shaqadiisa.

Horaa loo yiri: “Geesi ma xirmee” hadal iyo hawl miday tahaybee, Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Dhaga badanGartu Alleey taqaane” waa ka soo dhalaalay shaqadii loo xilsaaray ee uu qoorta u ritay.

Dad badan yaa qaba in Alshabaab looga gacan sara maray kaliya awoodda AMISOM. Taa oo aan dhihi karo waxay ka fog tahay waaqica iyo sida wax yihiin. Hubaal in AMISOM kaalin mug leh ka qaateen. Haddana, Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Dhega badan iyo ciidankiisa la’aantood miyaa inta maanta hirgashay la suuragalin lahaa? Jawaabtu waa maya, ee Soomaaliyeey aan qof walba inta uu qabtay u sheegno kana run sheegno.

Marxaladda adag ee lagu jiray, kala qaybsanaanta mar walba dhex taallay madaxda dawladda, Ashabaab oo xafiis walba oo dawladda xubno ku leheed, ciidanka oo aan mushaar joogta ah qaadan jirin, hubka iyo rasaasta oo ku yiraa, mararka qaarkoodna ka go’ayey, Anigu waxaan qabaa, ninkii aan intaa u dhutine dhabar adayg ku dhammaystay shaqadiisa inuu mudan yahay in si gaar ah loo xuso.

Taa kaliya ma ahan. Soomaalida qofkii meel loo magacaabo isagaa isa siiya, wuxuuna isku dayaa inuu meelo kale lugaha iyo faraha la galo, haddusan madaxa iyo majahaba wada galin “Anaa taabsaday!” Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Dhega badan wuxuu ku koobnaa shaqadiisa ciidan. Marna ma dhexgalin Maamulka Wasaaradda Gaashaandhigga iska daa kuwa kalee xariir shaqo la yeelan karta sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Taa badalkeed, isaga ayaa shaqadiisa mar walba faraglin lagu hayey. Waxaan ka xusi karaa ragga uu aad uga cawday ama ka sheegtay intuu xilkaa hayey Mudane Gaas oo mar ahaa Wasiirka koowaad ee Xukuumaddii u dambaysay Dawladdii Shariif. Ayaandarro ayaa ah inuu maanta na leeyahay anaa dalka ka badbaadshay in la qabsado. Shalay isagaa u soo horkacay Keenyaanka markuu diiday Shariifna inta daba maray heshiis la soo galay. Kaba sii muhimsane, isagaa shalay taageersanaa Xabashisu inay dalka qabsato, malaha maalintaa C/laahi Yuusuf ayaa u muuqday iyo han aan jirin.

Gen. Dhega badan ayaa u dulqaadan waayey qaabxumada mudane Gaas, oo ka gilgishay gardarradiisa qaawan ka dib markii Gen. Dhega badan ka warhelay soddon Askar ah oo loo qaadi rabay Tababbar, oo uusan Gen. Dhega badan  waxba ka ogayn, loona qaadi rabay wadanka Jabuuti, lana yiri waxaa ogaa mudane Gaas.

Gen. Dhaga badan ayaa is hortaagay ciidankaa la qaadi rabay, kuna amray in la geeyo xarunta dambi baarista, si su’aalo loo weydiiyo. Waaba iga su’aale, mudane ciidan si gaar u tababaranaya, qas ka weyn miyey jirtaa? Walibana waddo sharci darro ah u maraya.

Gen. Dhega badan meesha ay isku qabteen Gaas taa kaliya ma ahan, ee waxay isku maandhaafeen qaabka loo soo xulayo odayada beesha uu ka soo jeedo Gen. Dhega bdan, oo mudane Gaas soo faragaliyey, bal aqriste qas ka qweyn miyaad haysaa, in mudane Gaas uu faraha la galo, beel uusan u dhalan, qaabka loo xulayo odayadooda? Haddana waxay doonayaan inay naga dhaadhiciyaan waxaa jira Qaswadayaal kale.

Hadduu garan waayey mudane Gaas inuusan galin meel aan loo dirsan, iskuna qaadin meel aan u qummanayn, ayaa waxaa si toos ah ugu jawaabay Gen. Dhagabadan oo yiri: “Ma waxaad tahay Kaabo Qabiil Soomaliyed? Mise Ra’isal Wasaare Soomaaliyeed?” siina raaciyey: “C/weli Gaas waa Professor Qabyaalada ku Qalinjabiyay!”.

Yeysan qormadu ila baxsane aan ka bayro taaye. Geesinnimida Gen. Dhega badan  ma ahan mid u baahan caddaymo iyo baaris. Kaliya waxaad u baahan tahay inaad dib u eegto marxaladda uu ka shaqanayey, xaalka siduu ahaa iyo hadalladiisii. Halqabsigiisa cajiibka ahaa ayaa ereygan “JID iyo JIHA DIID!” marka uu doonayo inuu tilmaamo Alshabaab iyo argagixisada.

Ugu dambayn, aan toos erayo kooban u iraahdo Gen. Dhega badan. Anoo cinwaanka qormada cusmaya MUDANE MAAMUUS KUUMA QUURAAANE MHADSANID.

Anigu weedhaa eray aan ku daro ma hayo, qofkii hayaa hana wadaajiyo, illeen waan u baahannehee. Malaha waxaan eray u helayn ayaa ah dareenka oo jiq is iri iyo afka oo aan doonayn inuu arar badan sheego.

Waxaan doonayaa inaan arrin muhim ah soo jeediyo, oo marna nacasnimadeenna muujinaysa marna xasadnimadeenna muujinaysa. Marka hore waa inaannaan qofka sida uu mudan yahay maqaam iyo magacba aannaan ku maamuusin. Marka kale waa inaannaanba u quurin inta uu mudan yahay. Taa waxay keenaysaa in mar walba magac gaad iyo mid aan jirin wax laga dhigo.

Dhanka kale, had jeer iyo jeer waxaad maqashaa “HALYEEY” dabcan ay ku lammaansan tahay waddani. Badanaa kuwa lagu timaamo magacyadaa mid mudan iska daaye, xitaa mid u soo dhaw kuma jiro. Horaa loo yiri “Nimaan shaqaynsan Shaah waa ka xaaraane” maxaa mar walba kuwan jaan magacyada loogu hullaabaa? Anigu ma garan. Waase hubaal inay ka turjumayso qabyonimo na haysata.

Haddii mudnaanta la siiyo kuwa aan jirin inta mudan ayaa gabaysa. Maanta qof naga mudan maamuus waan haynneeye, ee weydiinta yaa ah, sidee loo maamuusi karaa? Anigu waxaan qabaa siyaabahan soo socda inay lagama maarmaan tahay in la raaco. Gaar ahaan waxaan u soo jeedinayaa Madaxda Dawladda, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyayaasha xilka kala wareegay. Waxayna kala yihiin:

–      In Mushaar joogta ah oo Hawlgabnimo loo qoro.

–      In Ilaaladiisa aan laga kala dirin ama kuwo kale loogu badalo.

–      In Abaalmarin la guddoonsiiyo, sida: BILLADDA GEESINNIMADA iwm.

–      In wax lagu xasuusto loo sameeyo, sida: in Waddo lagu magacaabo. Xarun Ciidan loogu magac daro. Goob Fagaaro ah loo baxsho. Machad Ciidanku wax barto IWM.

Intaa iyo intaa la midka ah waxay wax ka tarayaan inay dhiirraglin u noqdaan qof walba oo doonaya inuu wax u qabto umaddan, si uusan isu dhihin, awalba kuwaan waxba kama dheefaysine, maxaad uga dhabar jabaysaa? Taa oo ah mid taagan dad badanna hortaal.

Marka waa in taa maankooda laga saaro, lana tuso, in qofkii wax qabata ee mudan maamuus inaan laga hagrayn.

Haddii kale maalin aan loo baahnayn ayaa la dhihi doonaa, hebel halyeey ayuu ahaa iyo nin qiimo badan. Malaha waxay hirgalinayaa “Haddaad ammaan rabto Dhimo!” Illeen waa tii heesti ahayd.

 

Ifka laysu turaaye

Iilka laysma gargaaro!”

 

Bashiir M. Xersi

 

Advertisements

7 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s