Samataroow: Waligaa WAN LA WEYN ma lagu yiri?!

HIIL2

Samataroow: Waligaa WAN LA WEYN ma lagu yiri?!

Astaaq furullaah. Inaan PROF. Axmed Ismaaciil Samatar dhaho ayey ahayd. Illeyn haddii kale wuxuu dhihi doonaa: Mansabkii aan aqoontayda ku gaarana, waa la ii quuri waayey! Dhanka kale, waayahan dambe, haddaan hadalkaaga eray Carbeed ku jirin, waxa aad sheegtaba waa BAADIL. Haddaan XILDHIBAAN dhihi lahaana, isagaaba ka soo carooday, oo yiri; kama soo fasax qaadan, waana ku soo laaban doonaa qodobkane, aqriste, bal ila qabo qormada.

Qof walba oo is weydiin jiray ama aanba is weydiinba XAGGEE SOOMAALIDA LAGA HAYSTAA? Ha ku cibra qaato hadallada Prof Samatar. Waxay soo koobayaan TIIHA lagu jiro inta uu duugan yahay iyo sida uu u daaban yahay, waliba heerarka uu kala leeyahay iyo sida uu ugu kala daran yahay dadka uu hayo ama uu ku dhici karo.

In badan baan arkay qoraallo laga qoray ILAMA SAMATAR, ammaan iyo dhaliilba isugu jira, oo waliba qaarkood meelo fog la gaarsiinayey. Anigu sidaa ma samayn doono, oo waxaan isku dayi doonaa, inaan soo bandhigo dood MAANGAL ah, ma dhahayo CILMIYEYSAN, illeen CILMI asagaa PROF u ehe, oo haddaa adba PROF dood cilmiyeysan la gal, ha kugu daba gaddiyee.

Prof Samatar wuxuu ka mid yahay AQOON YAHANNO badan, oo wax ku soo bartay CANSHUURTII umadda, fursadna u helay, inay waddanka gudihiisa ka shaqeeyaan, haddiise dawladdii dhacday, qof walba wixii uu galay ama gooyey, la kala ogaa, oo dadkii waxay noqdeen; qof CINDIGA xirtay, oo ku jira: AFKIIBAA JUUQDA GABAY Qof CALOOL hadla, qof CAQLI hadla iyo qof CALEEMO saar hadla;

(1) Kan AAMUSAY laga nabadgal, asna nabadgal. Illeen afkiisa eray kama soo afuufine, isna inaan lagu afuufin ku muday. Waa fara ku tiris, oo waa yar yihiin ma la dhihi karaa? Hubaal, illeen afdheeridu waa aafoo dadkeennu uusan ogayne .

(2) Kan CALOOL hadlay, waa mid ay isugu darsoontay saddax cudur, oo kala ah:

  1. a) XUKUN DOON
  2. b) XOOLO DOON
  3. c) XIGTO DOON

Saddaxdaa oo aan u kala dhicin, marba mid ayuu ku DUKAAMAYSTAA. Micnaha hadba tii soconaysa ee suuq leh, ayuu la soo baxaa. Maalin beesha ayuu BOQOR u yahay kuna yahay. Maalin BEESO ayuu boobayaa. Maalin kalana Boorso Wasaarad ayuu bogga ku haystaa. Noloshiisii intaa ayuu ku dhammeeyey, yaa nool yaa dhintay? Xaggee la marayaa iyo xaggee loo socdaa? Midna war uma hayo.

(3) Kan CAQLI hadla, haddii uusan naadir ahayn maba jiro baan dhihi karaa. Yaanan dadka quusin iyagaaba iskood quus u taagane, aan dhaho waa tiro yar oo yar. Heer ay ku gaarsiido in shaki kaa galo inay jiraan ama la helayaba. Sida loo waayey ayaa wax badan, oo la xiriiray, loola waayey. Illeen waa qaybta wax badali lahayde.

(4) Qaybta u dambaysa, oo ah kan CALEEMO SAAR hadla, waxaa u cad uun in xil loo dhiibo, mar walbana eegta caleemo saar iyo magac aan jirin.

Qaybtan in kasta oo kuwii hore qayb ka mid ah laga dhadhansan karo, haddana, waxaan ku kala duwi lahaa, kuwani, waxay kuwii hore ku dhaamaan waa; OGAAL iyo ARAGTI. Aragti markaan ku leeyahay, ha moodin sidii UL SIXIR ah inay gacanta ku hayaan wax weyn, balse, wax uunbaa u qoran una degsan.

Kuwani XILDOONNIMADA waxaa u wehlisa, inaysan xayraan ahayn, sida kuwii hore. Sidoo kale, waxaysan ku raadin qaabka ay ku soo marto ama lagu helo, oo midda ugu muhimsani tahay inaan BEELAYSI iyo BOOB lagu doonin, kan awood qaybsiga ee afar iyo barta, duruufta iyo mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaase sababay, qofkaan soo maraninna uusan xil helayn, hadduusan helinna aragtiyo badan la maqnaa kara.

Arartaa ka dib, waxaan daawaday qudbo Prof. Samatar jeediyey, ka dib markuu ku laabtay Maraykanka, oo uu muddaba deganaa. Qudbadaa dadka qaar waxay ku sheegeen XOG WARRAN. Dad kale, XILLI WARRAN. Dad kale, XABAD WARRAN. Dad kale, XIIQ WARRAN. Dad kale, XIS WARRAN. Dad kale, XANAAQ WARRAN. Intaa iyo inta kale, ee lagu macnayn karaba, waxaan jeclaan lahaa inaan dhawr eray ka iraa.

Ugu hurraynProf. Samatar wuxuu ka mid ahaa dadyow dhawr ah, oo Muqdisho tagay, nasiibna u yeeshay inay ka mid noqdaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu ku jiray raggii u tartamay Madaxtinimada Waddanka, kuse guuldarraystay. Markuu Maraykanka dib ugu laabtay, ayaa waxaa ka soo yeeray hadallo aan sidaa u sii buurnayn, ee aqriste, bal ila fiiri.

Inta aanan kuu furin, mid baan doonayaa inay kuu caddaato. Ninkii Xamar taga, ee haddana, kala soo laabta, dhaliil waan garan karaa, ee qofkii Xamar taga, ee kala soo laabta sidaa, maxaa loo yeeli waayey? Waxay ila tahay inuu dalbanayo, wax aan jirin, illeen magaalo aad ogtahay sida xaalkeedu yahay, waxa laga sugaa waa inay koobnaadaan.

Prof. Samatar, wuxuu madaxda ku dhaliilay, inuusan jirin qof booqday xerayaha QAXOOTIGA ee Soomaalidu ku jirto, ee ku yaalla dlka Kenya, marka isaga laga reebo. Waa qodob fiican, una baahan in la sii xoojiyo, balse, aqriste, hadalkiisa kale ila sii dhuux.

Magaalada Muqdisha wuxuu ku sheegay inay tahay xero Qaxooti. Muqdisho inay hoy u noqoto Qaxootiga Soomaaliyeed, ma ceebbaa? Sow hadd, nama lahayn xeryaha Qaxootiga in la booqdo ayey hayd? Maxaadan u booqan kuwa Xamarta aad sheegtay dhan walba ka deggan? Marka aad buugga iska mashquulinaysay, maxaadan isugu mashquulin inaad dadkaa wax u qabato, wax la wadaagto ama aad wax u kordhisaba? Ma dhicin.

Magaalada Muqdisha wuxuu ku tilmaamay XASHIISH. Marka laga soo tago eraga uu adeegsaday oo aad u liita, haddana, yaa moog taa? Magaalo 22 sano dagaal sokeeye ku jirtay iyo faragalin shisheeye, miyaad ka sugaysaa inay sida Minnesota oo kale noqoto? Anigu ma garan. Profku waxa uu Xamar ka sugayey, ee ka duwan midda uu ku soo arkay? Taa wali aniga waxbaa iigu laaban. Malaha wuxuu sugayey magaalo khiyaali ah, ee maankiisa ka dhex dhisan. Taa la waa.

Eraga XASHIISH ee Profku adeegsaday iyo muuqaalka uu Magaalada Muqdisho ka baxshay, waxay ka liidataa, midda uu ka bixin lahaa Wiil ku dhashay UK, ee Abkiis iyo Aabayaashiis afar fac aan waligood tagin Waddanka bannaankiisa, ee mar qura la geeyey Xamar. Haddii loo sheego in Waddankan dagaallo la degeen, kuma timaameen tilmaamtaa uu ku suntay Prof Samatar. Aqriste, adba isu eeg labada tusaale.

Midda aan cinwaanka qormada uga dhigay baa ah, in Porfku ka cawday in la dareen siiyey “Reer Waqooyinnimo” gaar ahaan intii uu tartanka ku jiray iyo ka dibba. Balse, midda aan ka oranayo waa: Samataroow: Waligaa WAN LA WEYN ma lagu yiri?! Micnaha sida laguu yiri REER WAQOOYI baa inta KOOFUR ka timid loo yiraa WAN LA WEYN, waliba Waddanka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Anigu DOODAA uma ihi Reer Koofur, balse, eraga uu dhibsaday Profku yaananba dhib u arag. Illeen labadaa eray baa meesha taal, mid uunbaana lagu dhihi lahaaye, waliba Prof. adiga waxaa kuu sii dheer, inaad ka soo jeeddo deegaanno sheegtay inay Soomaali ka goosteen, adigu inaadan raalli ka ahayn waad sheegtay, haddana, Prof. is aamminaaddii dhammaatay.

Waxaan uga jeedaa, labadii GOOF isla degannadeyd ama BARRIN wadaagtay ayaan dabka kala qaadan, ee adoon Gabilleey tagi karin, haddii lagu yiri, xoogaa naga lug dambeedi, ma ceebbaa ku jaban? Midda kale, marka aad leedahay wax aan kala sheekaysto aan waayey, macnaheedu waxay tahay inaan lagaa diideen, ee malaha aad weysay qof aad isku aragti tihiin ama aad adigu si aan habboonayn u soo bandhigtay aragtidaada.

Midda kale, Muqdisho yaanba wax lagaa dhagaysane, ugu yaraan waa ku soo dhawaysay, ee bal magaaladii aad ku dhalatay bal intaa ka soo hel, ee aan aragno haddii wax is badalayaan iyo haddii kale. Illeen soo dhawayntaaba meel walba lagama helee.

Midda musuqmaaqusa Baarlamaanka, taa cidna caad kama saarnayn, oo waxay ahayd bannaan yaal. Adigu waxaadba gashay Baarlamaanka, ee waxaa la hayaa rag aanba galin Baarlamaanka, ayna hor istaagtay, kaliya inuusan bixin laashuushkaa iyo ii dhiibta aad sheegayso. Midda kale, sawta dunidu soo bandhigtay ma ahan ceebtaa ku aaddan maaraynta maalka.

Waddanka Talyaaniga oo ku jira siddeeda Waddan ee ku hormaray dhanka Warshadaha, ahna waddanka saddaxaad ee ugu dhaqaalo badan Qaaradda Yurub, dhanka tirsiga Musuqmaasuqa wuxuu ka galay kaalinta 71-aad. Haddii Talyaani kaalintaa ku jiro, Soomaali oo sida ay tahay aan ognahay, ilamahan inay tahay wax lagula yaabo, waase hubaal inuusan ahayn dhaqan habboon. Aqriste, maxaad ka dhihi lahayd?.

Midda kale, Profku markuu jagadii uu doonayey waayey, ayuu sheekadii dhan ka dhigay in la qabyaaladeeyey! Waa wax caqliga ka weyn in qabyaalad uu ku wareegaysto markii la dooran waayey.

Maslax Maxamed Siyaad wuxuu Jabuuti kula tartamey Sh. Shariif oo codad aad u badan ayuu heley, doorashadii danbana codad kuwii hore ka yar ayuu helay, lagamana hayo inuu yiri waa la qabyaaladeeyey doorashada. Prof.Cadullaahi Axmed Caddow waa la mid oo labo goor ayuu ahaa ninka labaad, haddana, doorashadii dambe codad badan ma helin, mana gunuunicn.

Midda dhaqanka la xiriita, Prof. magaalo 22 sano ITIXAAD DACWATU SHAARIC iyo MUXAADARO ku dhex hayey, 8 sano ALSHABAAB xoog ku haystay, dhaqanka aad ka sugee waa kee? Mid CARBEED hubaal, ee mid Soomaali ugu imaan maysid. Marka aad leedahay waxaan waayey meel lagu Baraanburayo iyo in dumarka meel ku xiran yihiin, saw ma ogid in la yiri: DUMARKA CODKOODU waa XAARAAN? Dhanka heesaha, saw ma ogid in heesaha la mamnuucay, oo la diiday in idaacadaha laga sii daayo?.

Dhanka kale, Prof waddanka sidaan uga qaxnay ayaa loogu soo qulqulayey, haddi raggaasi qaybtooda ayey qalqaalsanayeen ee uma imaan Qurbaan iyo Qaloon.

Waxaad dhaliil jeedisaba, haddaadan Madaxweyne Xasanna ku darin waad caymataa, igama ahan inaan nasteexo gaar ah u hayo Xasan, ee ugu yaraan inuusan fara jafjafan baan ka wadaa, oo uu dib u laaban doono. Mid baanse doonayaa inaan Profka weydiiyo, marka laga soo tago in wax lagaa dhagaysan waayey, maxaad ugu dhabar adaygi waysay?.

Saw ma ogid, ummad baddalkeedu inuusan sahlayn, maalin iyo dhawrna qaadanayn, sidaa awgeed, lagaaga baahnaa adoon soo niyad jabin inaad inta guntiga dhuuqsato, ee marada xanjeerato aad meel walba wajiga ku diirto, illleen adaa soo doontee, meeshaad joogtay cidna kaama soo qasbine. Hubaal inaad gaari lahayd yoolkaaga.

Dhanka shaqo la’aanta, profku wuxuu sheegay in dhallinyaradu aysan shaqayn70% waaqiyaas sax ah, oo aan qofna diidi karinbalse, waddanka aad ka timid ee Maraykanka ee dunida ugu dhaqaalo badan, dhallinyarada aan shaqayn waa 10% Midawga Yurub 10,6% waddanka Grecia 58% Spania 55% Portogallo 36% Italia 36%. Waddamadii warshadaha lahaa iyo dhaqaalaha xooggan ayaan ka sarraynaa 30% markaa ma wax nalagu cowryaa mise waa wax lagu caynsho? Prof-ka ayey u taal.

Dhanka kale, sanadkii hore Xafiiska Tirakoobka Maraynka “United States Census Bureau” ayaa soo saaray waddamada ugu saboolsan dunida, kuna sheegay: 1.Haiti 2. Guinea Equatoriale 3. Zimbabwe 4. Congo (Repubblica democratica) 5. Swaziland 7. Madagascar 9. Sierra Leone 10. São Tomé e Príncipe. Soomaaliya laguma darin, oo iyadu waxay ku jirtaa dawladaha fashilmaye.

Midda marna iga nixisay marna iga yaabisay baa ah, mar Pfofku ka hadlayey dhallaanka iyo dhimashada, ayuu sheegay in labaduba badan yihiin. Isagoo eray aan mudnayn ku sheegay ilmaha. Markaasna waa la wada qoslay. Waxa lagu qoslay ma garane, yaan daba QAAWNAAN ku soo korin? Malaha inta qososhay iyo isaga waxaa loo galin jiray XAFAAAYAD? Isma dhihin, oo haddaa maxaa dhallaanka Soomaaliyeed loogu ceebaynayaa wax aysan dambi ku lahayn, kaaga darane la soo wada maray?.

Isagoo sii wato ayuu wuxuu tusaale u soo qaatay waddamada Maraykanka iyo Yurub in dhimashadu yartahay oo dadku gaaraan ilaa siddeetan sano. Halka dhankeenna dhimashadu tahay aad uga hoosayso sanad kontamaad. Taa waa sax, mase is waydiiyey Profku in waddammada uu sheegay kontan sano ka hora ay sida aan maanta nahay ahaayen dhanka dhimashada? Hadduu is weydiiyey muxuu isugu jawaabay? Isaga lee waaye.

Hadal malaha faan u ekaa faan ama tookh, ayuu ku sheegay, in uusan ka soo fasax qaadan hoggaanka Baarlamaanka. Taa oo ka dhigan inuu jabshay ballaantii iyo dhaartii uu dusha u ritay, kuna damaanad qaaday inuu si hufan u fulin doono. Taa ka sokow, haba qaldamee, hadduu qaladkiisii u sheegayo sidii isagoon qaladba galin, saw dhib hor leh ma ahan? Kaba sii darane, haddi Profyadii sidan u dhaqmayaan, maxaad ka filan kartaa qabqablaha, mooryaanka iyo beeneelaha? Anigu ma garan. Qudubkii Prof Samatar oo dhammaystiran: Mahaan ka Muuqso.

Dhanka kale, berigii caddaanka Soomaaliya imaanayeen ayey la yaabeen Soomaalida, oo Kaneecada ka shidata dhir la gubay, maadaama Kaneecadu aysan u adkaysan karin urka qiiqa, oo tiraa cudurka DUUMADA waxaa sababa KANEECADA, markaa caddaanku waxay lahaayeen dadkan waa dad waalan, dibbaase laga xaqiijieyey cilmi ahaan.

Sidoo kale, ilma xambaarashada, qaabka aan anagu u xambaaranno daraasado dhawaanahan la soo bandhigay, ayaa lagu caddeeyey inay qayb lixaad leh ka qaadanayso qaab socodka ilmaha iyo luga toosnaantiisa, dabcan, ayna ka hortagayso cudur walba oo keeni kara. Sidoo kale, cudurka FURUQA marka uu xoolaha ku dhaco, ee neefku u dhinto ayaa Soomaalidu gubi jirtay, taa oo iyana dhawaan si cilmi ah loo xajiinayey, inay qayb ka tahay dabarjarka cudurka si uusan ugu faafin dad iyo duunyaba.

Uma soo qaadan tusaalooyinkan inaan leeyahay Soomaali baa cilmi daadisay, balse, wixii shalay la ahaa ma ahan in loo illoobi waxa jira iyo dadyowga kale sida ay yihiin.

Ugu dambayn. In wax qaldan yihiin lama mooga, haddana, waxaa la yiri: “Majo dhiiqo, midba maraa la siibaaye” inta hadda la gaarayba saw naruuro ma ahan, aan shalay la haysan? Maxaa la isu indha tirayaa? Saw ma habboona mar walba inaan tallaabada laga dheerayn hadba tabarta la leeyahay? Miyaan marna laga gudbayn wax jira ma aha iyo waxba ma yaallaan?

Bashiir M. Xersi

Advertisements

19 Comments

  1. Bashiir,M. Xersi, maqaalkaan ama this article.. waad ku fashilantay. anigu,, prof. Samatar waadhiilsanahay.. lakiin,, maqaalkaaga, waa qoraay ahaan iyo garaad ahaan iyo dhexdhexaadnimo waad ku fashilantay.. Thanks

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s