Gorgortanka Gobolaysiga iyo Goobaynta Gayiga Soomaalida

Gorgortanka Gobolaysiga iyo Goobaynta Gayiga Soomaalida!

Gumaystihii markii uu soo caga dhigay gayiga Soomaalida wuxuu u kala qoqobay reer reer iyo Qabiillo uu kala dhex dhigay soodimo aan muuqan, wuxuu ka hir galiyey oraahdii eheyd: Qaybi oo Xukun!, Iyagii ayuu isu tusay inay cadow isku yihiin si uu nabad ugu joogo carriga waa tii Maahmaah kale eheed: lafo Geeljire Iyagaa la isku Jabiyaa!, wuxuu u bidhaanshay hummaag aan muuqan iyo jin aan la bixin karin, wuxuu soo nooleeyey Colaadihii beri dhacay iyo dakanooyinkii horay loo kala galay kuna boorriyey inaysan aanada illoobin oo aar gutaan.

Intaas kuma simin kala irdhinta Soomaalida iyo kala gaynta wadartooda ee wuxuu kaloo Soomaalidii u kala gooyey ilaa shan qaybood oo markii hore ay kala maamulayeen Igiriis, Talyaanig iyo Faransiis, halgankii xoriyadda waxaa ku xoroobay saddax qaybood labana waxaa lagu kala daray Kenya iyo Etoobiya.

Waxay noqotay: isma doorin gaalkaan eryiyo daarta kii galaye, madax bannaanidii sanado ka dib mariidka sunta ayaa la isku sayriyey waxaana loo kala baxay beelbeel iyo isku bar ayaan nahay.

Wuxuu dalkii galay fawdo iyo nidaam la’aan ka dhalatay burburkii Dawladda iyo kala dirkii ciidamadii qalabka siday ee lagu amray inay ku biiraan reerohooda, waxaa la isla gaaray heerarkii ugu xumaa dagaallo aan dhammaad iyo ujeed lahayn ayaa dabada la qabtay.

Waxaa loo diriray ilaa jufo hoose wax la isu reebtay ma jirin si la isu wax yeelleeyo ama la isu dhibo!, ugu dambayn waxaa loo xuub siibtay dagaallo Diimeed iyadoo Diinta laga dhigay cunsur lagu hoojiyo dadka, waxaana meesha ka baxay Dawladdii dhexe ee Soomaali ku midowday 01 July sanadkii 1960-kii, waxaana dib u curtay goonaysi iyo gayi sheegasho.

Haddaba waxaan Qormadaan ku eegaynna jiitanka jaamaynta Gobolaynta mudada soo socotay, wixii dhaliyey iyo dhagarta ku hoos jirta qaabka lagu ogaan karo oo looga gudbi karo, Gobolaysi wuxuu billowday markii ay dhisantay Somaliland Maamulkeeda gaarka aha 18 march 199-kii ee dhammaadkii Qarnigii tagay, dhismahaan oo ka dambeeyey Burburkii Dalwaddii dhexe oo Soomaaliya iyo dagaallo iyo Qalalaasoo ka dhacay deeganadaa, ugu dambayn lagu soo gunaanaday in la unkay Maamul madax bannaan kana go’ay Jamhuuriyadda Somaliya.

Gooni-isu-taagga Somaliland wuxuu ku soo beegmay xilli uu dalkii galay mugdi ka dhashay dagaallo lagu hoobtay oo ay hor kacayeen Jabhadihii hubaysnaa ee riday Dawladda, wuxuu ku soo aaday waqti dalkii marayo xaalad kala guur ah oo ay burburtay Dawladdii aanna la dhisin Dawlad kale oo badasha ama u istaagta buuxinta booska bannaan iyo badbaadinta bani’aadamka.

Waxay ahayd tallaabo aan sidaa loo qiimayn xilligaas oo laga dhigtay dheel dheel iyo wax aan meel dheer gaarayn, sababtoo ah dadka waxaa madaxooda ka guuxayey ama ku daabacnaa awooddii Dawladda iyo xoogga ciidanka qalabka sida, taas oo ka dhigtay inaysan marnaba dhecayn gooni-isu-taag iyo madax bannaani ku fekerid!.

Somaliland waxay xoogga saartay sidii ay ku hir galin lahayd howsha ay gudagashay ee ah dhismo maamul oo ku lug leh guud ahaan nolosha qaybeheeda kala duwan sida: MadaxtooyoBarlamanXukuumad,BolisCiidan iyo dhammaan laamaha aan Dawlad looga maarmin intii awooddeeda ku simman ayna qaban karto, waxay ku sii haloosiday wadadaada iyadoo gaartay heer macquul ah oo lagu tilmaami karo dhabar adayg iyo ka gun gaarid gu’aan.

Waxay ku guulaysteen inay hubka ka aruurshaan maleeshiyadii ay ku soo jabhadeeyeen ee “SNM” kuna sameeyeen hub ka dhigis iyagoo u maareeyey hab ay ku dhafeen qaabaynta loo dhaqan celanayo Maleeshiyaadka, ka dib waxay dadaal u gashay inay hesho aqoonsi Caalami ah oo loo aqoon sanayo inay tahay Jamhuuriyad Madax bannaan oo ka go’day Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo irid kasta u gaaraacday sidii ay ku heli lahayd aqoonsigaas, waxaase jira Qanuun la hor geeyey golaha Ammaanka oo uu ansixiyey sheegayana inaan Soomaaliya la kala goyn, taas oo sida muuqata illaa hadda dhaqan gashay maadama aan wali Somaliland cidna u dhaga nuglaan dalab yadeeda ku aadan in la aqoonsado.

Waxaa todobo sano ka dib la dhisay Maamul Goboleedka Puntland sanaddii 1998-dii ee 01 Agosto, kase duwan qaab ahaan Maamulka Somalinad ee gooni-isu-taagay, waa Maamul goboleed aan wali si rasmi ah u caddayn inuu ka go’ay Soomaali inteeda kale, waxay eheyd labo tallaabo oo lagu guulaystay raja fiicanna laga qabay in lagu daydo, maadaama aan xeer hoosaadka Soomaali la dhaafi waayey (qabiil).

Waxaa isla haloosinkaas lala damcay iyo jaantuskaa maamulkii kofur galbeed ee ay damac sanaayeen Maamulka RRA-da, han weyni darteedna la burbaray ka dib markii ay ku soo dareen Gedo, iyo labada Jubbo, taas oo ka dhigtay midaan hirgalin fashalna ku aakhir saday.

Arimahan oo sidaa ah waxaa la soo dhisay Dawladdii Federka ahayd ee C/laahi Yuusuf madaxa ka ahaa, markaas waxaa dib usoo nooladay masruucii Gobolaysiga isagoo ka shidaal qaadanaya Fadaralnimada Dawladda, waxaa la dhisay Gal-mudug State, is qabqabsigii ka dhashay dhismihiisa iyo wixii xigay waa la ogaa.

Dhextaalka Gobolaysiga iyo maamul-u-samayntu waa Gobalka Banaadir, oo tiro ka dhowr jeer la isku dayey ina Maamul loo qarqoosho, balse gabi ahaanba ku wada guulaysan waayey, waxaa ugu caansanaa Maamulkii la damacsanaa in la dhiso 97 oo ay lunsadeen lacagtii loogu tala galay dhismaha Maamulkaa Xuseen Caydiid iyo xertii SNA.

Waxaa dhawaan magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya looga dhawaaqay sanadkan 2009 bartamihiisa Maamul Goboleed cusub oo la magac baxay: SSC-land, maamulkan oo laga dhex dillaacin doono gobolada ay isku hayaan Somalilad iyo Puntland ee Sool, Sanaag iyo Cayn, wuxuu u qaab eg yahay Jabhad ku kacsan labadaba oo ka biya diidsan sheegahsada labada Maamul ee goboladan, taas waxaa sii dheer in xibnaha ugu firfircoon ee dadaalkan wada ay horay xilal uga soo qabteen Maamulka Puntland, taageerana ka haysta qaar ka mid ah wasiirada Dowladda Sheekh Shariif.

Isla magaalada Nairobi waxaa laga wadaa dadaal isna lagu doonayo sidii Maamul loogu samayn lahaa Gobolka Banaadir, dadaalkan waxaa hurmuud ka ah: Cali Maxamed Geeddi Ra’isul wasaarihii hore ee Dawladdii C/laahi Yuusuf, Geeddi arintaan waxa ku wehliya rag kale oo ku howlan sidii gobolka Banaadir loogu samayn lahaa maamul gaar ah.

Yaanan la halmaamin muumalka isna la magac baxayXiman iyo Xeeb, oo isna ka dhisan deegaanno ka tirsan gobolada Galguduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya, dhismihiisu wuxuu ku beegnaa horraantii sanaddii 2008-eeda.

Maamuladii la dhisay waxay noqdeen qaar lagu guulaystay sida: Somaliland oo madax bannaani sheegatay iyo Puntland oo wali xerada ku jirta, balse caga jiid billowday iyo caga juglayn! iyo qaar lagu guul darraystay sida:maamulkii lala damacsanaa Gobolka Banadir oo ilaa haddana la qorshaynayo, Maamulkii RRA-du u rabtay Golada koofureed iyo wixii ka rogan Baay.

Guud ahaan Maamuladaan wadanka gees-ka-gees lagu unkayo waxaa hormuud ka ah dad isku hayb ah ama ku wada abtirsada hal beel, taasi waxay yaraynaysaa isjiid jiidka badan ee dhici lahaa horraanta dhismaha, balse ma hor istaagayso inay dhacaan khilaafyo isu badala gacan hadal iyo dagaal, xasuuso markii xilku u dhamaday C/laahi yuusuf ee la doortay Cade muuse C/laahi Gaalkacyo intuu daba gashtay ayuu dib ugu soo jabhadeeyey maamulkii dhisnii, ismari waaga ka taagan Somaliladnna cidna kama qarsoono iyo hardanka loo wada tafxaytay ee dhammadkiisa aan la garanayn!.

Qaab dhismeedyada maamul gobleedyadaan waxay ka siman yihiin inay sii dhidbeen dhiillooyinkii qabiilka, maxaa yeelay waxay ka wada siman yihiin inay hal beel ku aruursan tahay, xitaa ay dhacdo mararka qaar in beel la deegan ah aan maamulka wax laga wadaajin!, taasina waxay muujinaysaa sida ay u sii xoojiyeen qabyaaladda iyo kala qoqobnaanta.

Goobaynta gayiga Soomaalida waxaa loogu soo xaluushay xal raadin iyo in la doonayo sidii loo xasilin lahaa goboladaas, iyadoon la illoobin in Qabiilku uu yahay mar walba furaha iyo usha sixirka ee riixda wixii ka hor imaan kara qorshahaa, dhismayaasha la sameeyey ma noqon kuwo lagu nasto oo looga boxo dhibaatooyinkii jiray bal iska daa in lagu halmaamo wixii dhacay sanadaha colaadaha, waxay sii xoojiyeen kala qaybsanaanta iyo kala qoqobnaanta.

Maamuladii la dhisay waxay dadaal u galeen hanti aruursi iyo inay kaydsadaan dhaqaalaha shacabka, musuqa iyo isdaba marintu waa asnaanta maamulka, siyaasad xumada iyo eexdu waa salka uu ku taagan yahay maamulku, taas oo sii kala irdhisay shacabka oo markii horaba aan is haysan, haddaba su’aashu waxay tahay: maadaama aysan Maamuladani haqab tirin shacabkii ayse u sii kordhiyeen dhibaato, maxaaa loogu sii hoobanayaa oo kuwo kale loo yagleelayaa?!.

Waxaan filayaa jawaabtu inay sahlan tahay oo laba dhinac ka imaanayso, waa midda koowaade ay tahay xil jecli iyo madaxtinimo raadin, iyo midda labaad oo ah beeso urursi iyo in nin walbaa wato kiishad faaruqa oo uu rabo inuu buuxsho, balaan idin wayddiiye Galmudug state maxaa yaalla oo ragga dhisay ay ka damacsanaayeen? Ximan iyo Xeeb maxaa ku duugan oo lagu xishay? Aan ka ahayn in la dhoho Madaxweynaha Galmudus State, dhanka kale eeg dhibaatada dhaqaale ee ka taagan Puntland iyo sida loogu talax tagay Canshuuraadka laga qaado Bushada.

Ugu dambayn sida loo gooba goobeeyey Somali waa miday iydu raalli ka tahay, sababtoo ah qawsaarkii qorsho qaldan la yimaadaba wuxuu helayaa qolyo u qaylisa!, gayiga Somalida sida loo googooyey oo gabollo looga dhigay waa miday iyadu masuul ka tahay, haddii guul laga keenayo kuwa mudada dhisnaa ayaa laga arki lahaa.

November, 2009

Bashiir M. Xersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s