Kismaayo: Kenya iyo Kadeedka Soomaali ku soo wajahan!

Image

Kismaayo: Kenya iyo Kadeedka Soomaali ku soo wajahan!

Lix bilaa laga joogaa maalintii ay galeen Ciidanka Kenya gudaha Magaalada Kismaayo. Sidoo kale, sannad iyo bar ayey ku sii socotaa, ayaankii Keenyaanku ku soo xadgudbeen ciidda iyo calanka Soomaaliyeed. Labadaa maalinba siyaabo kala duwan ayaa looga kala hadlay. Alalaas iyo jadbo, mar beel ku baabnaa, marna beeso ku bullaamayey. Dhanka kale, aragti iyo arar ku qottontay Soomaalinimo, Walaaltinimo iyo Xididnimo, ay ka sii wada muhimsan tahay Oodwadaagnimo. Haddaba, aan war yar kuu tabshee, ila wadaag qoraalkan.

Xanuunka Qaniinyadu marka ay kaa badato, wax walba waad muhataa si lagaaga fujiyo. Alshabaab dhibkii ay umadda ku haysay, ayaa waxay keentay marar badan in loo qayladhaansado qolo aan ka dhib yarayn, haddii aysan ka qandaraas weynayn. Illeen waxay ka dhigan tahay dhugma la’aanta na haysee.

Sidii ay kismaayo ula wareegeen malleeshiyaadka uu horjoogaha u yahay Axmed Madoobe, waxaa isa soo taraya dhibka iyo dhibaataynta lagu hayo dadka deegaanka. Saa waxaan u leeyahay kismaayo waxaa lagu dhex dilay ugu yaraan laba Ugaas, dhawr Ganacsade oo dhammaan caan ka ahaa deegaanka. Intaa waxaa sii dheer qulqulatooyina Isbaarada, dilalka, dhaca iyo amni darrda joogtada ah.

Dabcan ammaan darradu meel walba ayey ka jirtaa, caasimad iyo ciid kalaba, haddana, qof walba meesha uu madaxdeeda sheegto ama is xijiyo ama isku xajiyo ayaa lagula xisaabtamayaa. Inta la iska indha saabayana, waa midda aan marna u jirin in dib u eegis la sameeyo iyo xeerin wixii dhacay ama dhacaya. Intaa saa wax noqonayaanna, heeryada jabka ayaa hoy iyo hu’ noo ahaan doonta.

Aan ku laabto qormadee, Kadeedka Kismaayo isagoon la billaaban Malleeshiyada Axmed Madoobe, ayaa haddana kuwani kuwii hore waxay uga duwan yihiin:

– In ay ku daaban yihiin CUDUD SHISHEEYE, oo dabcan amar iyo maamulba ay u hoos tagaan, hannaanka lagu hagayo iyo hilinka la marinayo deegaankaa. Ma ahan inaan anigu hafrayo, balse, Keenyanku ma qarin taa, oo marka laga reebo Shirarka joogtada ah ee ay Nairobi  ugu qabataan, Keenyaanku cudud ciidan ayey ku joogaan Kismaayo.

– Inay isla iyaguba yihiin HARAADI WADAAD [ARGAGIXISO]. Malaha saa markaan ku leeyahay waad la yaabee baan filaa? Adoon ila yaabin Axmed Madoobe waa Wadaad ka mid ahaa Halaagwadayaashii Maxkamadaha. Ma wada xasuusannaa in isagoo dhawaac ah Xabashidu Gobolka Godey u qaadday, ee markii ay soo dawaysay dib noogu soo celisay, si uu kalkaaliye ugu ahaado. Haddana, wuxuuba ku darsaday Keenyaankii, oo malaha ay Qandaraaskan u soo xireen kuwa Soomaali Keenyaanka ah, ee uu ugu horreeyo Faarax Macallin, Oo siyaasaddiisa gurracan awgeed ku waayey Kursigii Baarlamaanka.

– In ay yihiin haraadi Qabqablayaal. Taa waxaan uga jeedaa, waxaan wada xasuusannaa, dhawaan markii la xulayey Xildhibaannada, waxaa cod dheer iyo si cad loo wada yiri yaan lagu soo darin Qabqablayaashii dagaalka. Taa oo buuq badan dhalisay. Halka dadka qaarkii marna gunuuneceen marna gocosho aan jirin sheegteen. Sida Mudane Faroole. Weydiinta baa ah, haddii raggaa maalintaa lagu diidayey inay maalin dagaal oogayaal ahaayeen, sidee suuragal ku tahay in qolo u soo taagan qabyaalad cad, kala qoqob qeexan, qaran xaraashid iyo qabiillo qabbirid in aan marna laga digin dhibka ay soo wadaan.

Qodobbadaa waxaa sii dheer, in ka qaybgalayaasha shirka ay ka mid yihiin rag dhiiggoodu qabyaaladda ku shaqeeyo. Waxaa ka mid ah Cumar C/Rashiid Ali Sharmarke, oo Muqdisho ku dhashay, bal aqrista adi ma ii sheegi kartaa waxa uu Kismaayo ka qabanayo, aan ka ahayn qabyaaladda lafaha ka gashay? Malaha, lacagtii labada Malyan ee la lahaa Kursiga ayuu dhaafsaday ayuu doonayaa inuu colaad ku huriyo! Dib u xasuuso heshiis beeleedkii uu galay Mudane Faroole ee Gaalkacyo ka dhacay.

Sidoo kale waxaa jooga Gaandi, oo loollan adag kula jiray Mooryaanta Raaskambooni, balse, markii dambe safka dambe galay. Kali kuma ahan maqaawiirta dagaal hurinta, ee waxaa jooga  rag kale oo arrintaa caan ku ah, haddaba, Soomaaliyeey, maamulka dhulka loo yaqaan Jamhuuriyadda Soomaaliya, haddii uu ku ekaado inta ku dhalatay sidee idin la tahay aragtidaa? Qofkii ku noolaanaya ma sheegin, bal xil qabasho ay ka horrayso inuu ku dhashay dhulka loo yaqaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Inta aan warku ila dheeraan waxaan jeclaan lahaa in aan xasuusta dib ugu laabto, maalintii wadanku galay is riiqa beeleed, Kismaayo waxay ka mid ahayd magaalooyinka uu aadka u saameeyey, lagama aqoon hoyaad iyo hargal, wax un baa is raacdaysanayey, marna ma dhicin in lagu wada noolaado, kaaga darane, mar walba waxaa dhibka horseed u ahaa, soo galooti Gobollo iyo Deeganno kale ka yimid, oo aan ku dhalan una dhalan, eraga ka ralli ka ahaada.

Bal adba dib u xasuuso, horraantii shagaashamaadkii ilaa 2004, ee uu horkacayey mudanaha Nabaddoonka lagu sheego maanta ee Gen. Moorgan, waxaa garabkiisa ahaa, qaar ka mid ah Dhakawyada Colaadda Soomaaliyeed ee xilliyadii burburka, ee kala ah Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Xasan Abshir Faarax, waxaa la yaab ah, wali inay dhexda uga jiraan colaaddan hadda dib uga soo cosboonaatay. Bal liilkan hoose sii raac:

http://www.youtube.com/watch?v=5Dae00I_qtQ&feature=player_embedded

Kaaga darane, shirka waxaa garbran dhammaan intii C/laahi Yuusuf gacan yarayaasha u aheed, ee leh; Yuusuf Beriberi, Azhari, Darwiish IQB, kuwaa meel ay isugu tageen inuusan khayr ka soo socon waa muuqataaye, miyeysan habboonayn in si kale arrinta loo galo? Talo ahaan waxay ku fiicnaa lahayd in dawladdu ay aragti kale soo bandhigto, maadaama ay wadahadal wax ku qaadan waayeen, qodobbadaanna lagu dhaqmo:

–          in loo aqoonsado Qaswadayaal

–          in la xannibo safarrada ay dibadda ku tagaan, iyadoo lala kaashanayo Qaramada Midoobay, Ururka Midawga Afrika iyo dawladaha naf iyo maalba u huray in Soomaaliya xasilooni laga hirgalsho.

–          In maamulka aan laga qaybgalin qof ka soo qaybqaatay dagaalkii sokeeye, walina qori dabada ku haysta, ee u taagan inuu dariska isku diro.

Dadku garaad yaraa, miyaan sooyaalka lagu cibra qaadan? Beeli beel ma kor dagi kartaa? Haddayse kor degto imisa ayey dul degaanaa kartaa? Caqligu miyuusan shaqaynayn? Kolley Soomaalinimo, walaaltinimo, xididnimo iyo ood wadaagnimo waxba tari waayeene, ma waxaa dadka ka dhaadhacsan haddaad shisheeye ku daaban tahay dadka waad jujuubi kartaa, dalkana waad qabsan kartaa? Waa ogaal li’idaa.

Marka laga soo tago damaca beel gaar ah ku jira kara, marka laga soo tago damaca koox gaar ah ku jira kara, marka laga soo tago damaca qolo gaar ah ku jiri kara, saw ayaan darro ma ahan haddii wali gurmad beeleed la dirayo, iskama lihi hadalkan, ee bar dhawra waxa dhacaya, maxaa yeelay Jubbooyinka marxaladda ay gashay, ka duwan kuwii hore, oo waxaa isu bahaystay laba dammaaci oo aan waxba hambaynayn, mid walbaana midka kale kaga dhuunisan yahay anfac iyo alaabba. Bal liilkan hoose sii raac:

http://www.youtube.com/watch?v=1Yu_3Cf6VCw

Axmed Madoobe wuxuu ku dhashay Qabri Daharre, waxaana ka taliya Xabash, haddu maamul doonayo muu iyada maamulo? Hadduu Jihaad rabana degmadaa baa uga baahaane, maxaa boorka la isugu qarinayaa? Gaandi iyo inta la midka ah, ee aan deegaanka ku dhalan ee qasaysana waa la mid, hadday Soomaali Galbeed xor ahayn, hadday NFD xor ahayn, waxna u qabanayn, ma Gobolladii xorta ahaa ayey doonayaan inay Kenya hoos geeyaan oo dib u gumeeyaan? Allow adaa faxan, ee may Qarow maalmeedka iyo qayaabka indhaha ka qaataan?!
Su’aasha ugu weyn baa ah, Alshabaab, Raaskambooni iyo Azaania maxay is dhaamaan? Midda hore si fiican baa loo yaqaan, Axmed Madoobana ha ka reebin waa iska Argagixiso la Amxaareeyee, markii dambana lagu yiri Jabhad xaq u dirir ah baad tahay, Azaania ayaa kuu soo hartay waa xukun iyo xoolo doon, dhiigga daadanaya ka door biday dallaalnimo iyo Dollar, balse, labada dambe, waxay ku midaysan yihiin Beelaysiga iyo Qabyaaladda, oo u ah shidaalka ay ku dhaqaaqaan.
Sida maalmuhu caddayn doonaan, haddaan laga hortagin waxaa hubaal ah inay dhaafayso eray qof yiri iyo aragti uu soo jeedshay, maxaa yeelay waxaa imaanaysa in deegaanno, degmooyin iyo gobollo Soomaaliyeed hoos tagaan Kenya, micnaha arrintu waxaa ku xiran QARANNIMADA SOOMAALIYEED.

Bashiir M. Xersi

 

Advertisements

11 Comments

  1. mahadsanid bashir hirsi maadaama aad soo bandhigtey mu’aamard iyo xaqiiqooyin jira kuwaaso dad badan oo Somaliyed ka qarsoon iyo qodobka ugu weyn ee ah halista kusoo fool leh qarannimada. Simaliya lkn waxaan muran iyo hadal ka taagneyn in dhul ballaardiga kenya uusan sii socon doonin dalkaan dad buu leeyahay mustaqbalka dhow waxbaa kala caddaan doonaa bal aan aragno dadka doonaya in kismayo ay ka dhigi karaan GAARISADA cusub wallee maxaa soo jeedka lagu riyoonayaa

  2. MAHDSANID BASHIIR WAAD DUL DHIGTAY WAXAANA MACQUUL AH IN UUSAN MARKAA KU BARAARUG SANAYN IN UU DHAHAYO MAANTA WAAN GO’AYNAA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s