Shirka Istanbul: Shakaalid NATO? Mise Shimbarayahow heesa?!

Image

Shirka Istanbul: Shakaalid NATO? Mise Shimbarayahow heesa?!

Waxaa dhawaan la soo gabagabeeyey shir ka dhacay wadanka Turkey-ga, shirkan waxaa looga hadlay arimaha Soomaaliya, waxaana ka soo qayb galay dawlado urur goboleedyo iyo qaramada midoobay, ajandaha shirka waxaa xoogga lagu saaray qodobada kale ah:Taageeridda dawladda, Maalgashiga Soomalaliya, iyo la dagaalanka Burcadbadeedda.

Inta aanan uu guda galin qodobadan, waxaan wax yar ka dhahayaa Turkey-ga iyo sidayaasaddiisa, waa dal culays siyaasadeed ku leh dunida, gaar ahaan dunida muslinka iyo dalalka qaaradda Asia, wuxuu xubin buuxda ka yahay gashaanbuurta NATO, iyo baarlamaanka midawga yurub, maamul ahaan waxaa iminka ka jira Maamul Islaami ah, in kasta oo uu qunyar socod yahay ama modern Islam. Wuxuu dadaal ugu jiraa sidi uu ugu biiri lahaa midawga yurub.

Dulmarkaa gaaban ka dib, shirku wuxuu ka dhacay caasimadda dhaqaalaha ee Istanbul, malaha waxaa magaaladaa logu qabtay, maadaama xoogga la sareyey taageerada dawladda iyo ganacsiga, oo dhammaan soo hoos galaya dhaqaalaha, shirka waxaa looga soo qayb galay si ballaan, waxaaba la dhihi karaa wuxuu ka mid yahay shirarkii Soomaali loo qabtay kuwii ugu qaybgalsyaasha badnaa, maadama ay ka soo qay galeen ku dhawaad 60 dal iyo ururro goboleedyo.

Turkey-a kuma jirin dalalka sida tooska ah u saameeya siyaasadda Soomaaliya, in kastuu qayb ka ahaa ciidamadii UNISOM ee yimid Soomaaliya hoorraantii sagaashamaadkii, haddana xilligaa wixii ka dambeeyey kuma soo noqon siyaasadda Soomaalida, xizbiga talada dalka haya ee aragtidiisu tahay Islam dartii miyey arintanu u dhacday? Mise arimo kale ayaa jira?.

In kasta oo sidii caadada ahayd ay dawladda fadqallaysani guul ku tilmaamtay gunaanadka shirka, iyada oo rajo xooggan ka qabta in la fuliyo qodabadii ka soo baxay, ayaa waxaan qormadan ku eegaynaa mawaadiicda looga dooday shirka waxa ka iman kara. Waa hubaal in shirar badan dhici doonaan oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya, martigalinta shirirkaasna-aan toosiyo hadalkee- shirarkaas waxaa lagu maalgalin doonaa dalal badan. Waxaan xoogga saaraynna sadaxda qodob ee aan kor ku soo xusnay ee kala ah: Taageeridda dawladda, maalgashiga Soomalaliya, iyo la dagaalanka Burcadbadeedda, Inaga oo qodob qodob u dul istaagi doonna.

1- Taageeridda dawladda: hubaal in shirkaan dawladda u ahaa cirbad dhiigjoogin oo kale, sidaa waxaan u leeyahay xilliga uu ku soo beegmay oo ahaa xilli dawladda ku xun, ay jireen walina jiraan khilaafaad iyo isqabqabsi gaaray meeshii ugu sarraysay, iscasilaad, xilka qaadis, xukaamad kala dirid, haddana dib u soo celin, xeelad xumo iyo xigmad la’aan, dunidu ay daawanayso ama ay la yaaban tahay, mawjaddaan miyir la’aanta ah iyadoo dawladdu dhex maquurayso ayuu shirku dhacay,, taasood mooddo inuu u ahaa gabbaad ay isku qariso, ama ay isku maaweeliso, in kasta oo aysan qarsoomayn ceebteedu!.

Waa su’aale Soomaaliya taageero nooc ah ayey u baahan tahay? Ma taageeridda maafiyada xukunka isku maandhaafsan? Ma taageeridda musuqmaasuqayaasha hantida umadda gaajaysan? Mise waa taageeridda umadda dhibataysan ee la ildaran cudurada, gaajada, haw iyo biya la’aanta, hubaal in dadkan dambe ay u baahan yihiin taageero, qof kasta oo tageero u fidinayana la soo dhaweeyo, balse marka xaalku noqdo gaagixinta gumaadayaasha shacabka haddaa lagu tilmaamo taageero, waxay noqonaysaa qof kugu naaxiyey bahal dadqaad ah oon waxba reebayn.

Teeda kale ma noqon kartaa taageeradu, maadama Turkey ka jiro hannaan Islami ah, in la xoojiyo hannaanka Islaamiga ah ee ka hana qqaaday Soomaaliya, oo ay dawladda Turkey-gu sidaa ka damacsaneed shirka, waa arin meesha ku jiri karta, qof walba wuxuu soo dhawaystaa qofka uu is leeyahay waad la jaanqaadi kartaa, ama isku afkaar ayaad tihiin, aan bal si kale u dhahno, shirku ma wuxuu ahaa: xoojinta Islaamiyiinta? Sababta aan kor ku xusnay awgeed, kollay Turkey waa dal miisaankiisa leh.

Qodobkan gunaanadkiisu wuxuu noqonayaa, dhaqaalaha loo uruurinayo dawladda dabran, wuxuu ku fadhiistay yaboos, macnaheedu wuxuu yahay inaan wax muuqda la gala soo laaban shirka, maxaa yeelay haddii dhaqaalo uruurintiiba noqotay yaboos wax rajo ah ha sugin !, war sidaan ha dhihin, miyaad sugaysay in kaash shirka lagugu siiyo? Maya ee ma jiro dal dhahay maalin hebel ayaan bixinaynnaa, dhaqan ahaanna Soomaaliya yabooha way ka soo daashay, awalba inta soo dhacda waxaa jeebka gashan lahaa maafiyada isku fiirsata siyaasadda, marka inuu iska laalnaado ayaaba ku habboon.

2- Maalgashiga Soomaaliya: shirkan inta uusan dhicin waxaa ka horreeyey heshiis ka dhacay isla wadanka Turkey-ha, oo dhex maray ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo Turkey ah, qodobkan isna la yaabkiisa ayuu leeyhay, waa mide ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu boorinayo inay maalgashadaan Soomaalya waa kuwama? Ma kuwa ka taajiray hantida Soomaalida? Ma qalinshubatda dhuuqa dhiigga dadweynaha? Ma ina Daylaaf, Xaaf, iyo Abukar Caddaan IWM ayaa laga sugayaa inay maalgashataan Soomaaliya?

Waa la yaab run ahaantii, maxaa yeelay raggan aan kor ku xusnay dhammaan waxay ka taajireen deeqihii Soomaaliya loogu tala galay, waxaa u sii dheer inay qayb ka yihiin fawdada ka taagan dalka, qaarkood waxaaba u sii dheer inay shilin Soonaali bug ah soo daabacdeen sida Ina Daylaaf, bal ila eeg marka kuwan wadanka ay maalgashanayaan waa kee? Somaaliya horay ayey u maalgashateen, maxayse ku maalgashateen? Waxay ku maalgashateen bililiqaysiga deeqaha masaakiinta, daabicidda lacago been abuur ah, iyo ka qayb qaadashada colaadaha, waxaan wada xasuusanna Abukar Caddaan kaalinta uu ku lahaa Maxaaminta.

Talada ku saasban inay maalgashtaan Soomaaliya, ma ahan mid dhacaysee, aan mid ka duwan soo jeediyo, Anigu waxaa dhihi lahaa raggan dhafanaha ah hantidooda halla qarameeyo, maxaa yeelay ma ahan hanti ay iyagu tacbadeen, ma ahan wax ay waqti iyo qarasha midna u hureen, asal ahaanba waxaa iska lahaa umadda Soomaaliyeed, balse waa la garab mariyey markaas ayaa suuqa madaw lagu iibsaday, sidaa darteed hantidooda waa inay la wareegtaa dawladdu ayna qaramaysaa, si dadka wax luugu taro inta hartay ee nool.

3- la dagaalanka Burcadbadeedda: waa arin sanadihii dambe ku soo biirtay mushkiladaha Soomaaliya, waxay qayb ka noqotay baaska is biirsaday ee Soomaali baabi’naya, wuxuu udub dhexeed u ahaa kalfadhiyo badan oo ka dhacay Qaramada midoobay iyo shirar lagu qabtay wadamo kale, wuxuu sidoo kale heegada kaga jiray shirkan Istanbul, in kasta oo aan qodobada sare lagu darin haddana waa qodob xanaftiisa wata, ma ahan mid qarsoomaya, waa tii hore loo yiri: “Xaglo Geel wax Guntiga la Galiyaa ka weyn!”.

burcadbadeedda dhibka ay ku hayaan maraakiibta iyo doomaha maraya badaha Soomaaliya waa mid muuqata, heer ay gaartay in dalalka qaar Soomaalida ku nool lagu dacaayadeenyo magacaas!, shirka Istanbul ujeedka ugu muhimsan ee loo qabtay wuxuu ahaa xal u helidda burcadbadeedda, sheekada nuxurkeeda ayaa wuxuu yahay, sidii kaalin mug leh ay u heli lahaayeen ciidamada ka socda NATO, iyada oo Turkey-gu dallaal ka noqonayo, ama loo xilsaarayo hawlgalinta ciidamadaas.

Arintan si fiican ugama dhex muqan shirka, waa mid loogu tala galay inaan bannaanka la soo dhigin, balse looga wada hadlo daaha gadaashiisa, qarinta ama gaabinta arinta midna ma ahan mid wax ka badalaysa qatarteeda, balse waa hubaal inay dhib badan ku hayso dunida, taasna waa midda ay shirarkan isdaba joogga ah uga qabanayaan, ujeedka ma ahan sidii Soomaali loo taageeri lahaa, ee waa sidii loo ilaalin lahaa maraakiibta sida dharci darada ah uga kalluumaysata xeebaha Soomaaliya, walibana qashinka iyo sunta ku shuba.

Sida xaalku u muuqdo dallaalnimda Turkey-ga, waxaa u sahli doona wadaada madaxtooyada, madaama uu yahay dal Muslin ah uuna ka arimiyo urur Muslin ah, islafalgalkan waxa ka dhalan doona lama garanayo, balse waxaa hubaal ah inuu noqon doono mid Turkey-gu ka faa’iido.

Dhanka kale shirka waxaa looga hadlay sidii ay kaalin ku heli lahayd Qaramada Midoobay, iyada oo waliba awood u yeelanaysa inay heshiis la gasho maraakiibta ka kalluumaysta xeebaha Soomaaliya, shalay waxay ahayd heshiis is afgarad oo dhex maray dawladda iyo Kenya, oo lagu bixiyey berri iyo bad Soomaaliyeed, maanta waa mdaxwareegin iyo fara ka galin badda Soomaaliya qaramada midoobay  la yaab !, berrina maxaa xigi doona ?.

Shirku wuxuu iska noqon karaa oo kale Shimbira yahow heesa, ma dhaafsanaan doono raashinka la cunay erayada lagu dhahay madashada iyo kulamadii dhacay, malaha midda mudnaanta lahi waxay noqon kartaa sawirro xasuuseedka la wada galay ama gaarka loo galay!, taas oo ah mid meesha ku jirta, maxaa yeelay waxaan ka hadlaynnaa sheeko iyo shir aan wax natiijo ah ka soo bixin!.

Ugu dambayn waxaan ku soo gaabinayaa, shir ka qayb galkiis waxba soo kordhin maayo, mushkiladna xallin maayo, gaar ahaan khilaafaadka aan jihada lahayn ee dhex yaalla madax isku sheegga dawladda, sidaa darteed waxaan dhihi lahaa: haddii aad wax qaban wayseen dadka kale fursad siiya, ku dadaala sidii uu isbedel ku dhici, ma ahan isbadalku wasiir iska casilid gudoomoyenimo isu sharixid, taas waxay sii murjinasyaa xaalka horayba u murugsanaa!.

May, 2010

Bashiir M. Xersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s