Haddaad AMMAAN rabto: “DHIMO!”

Image

Haddaad AMMAAN rabto: “DHIMO!”

Aadanaha waxaa haga xeer iyo xukun. Iimaan iyo aqli. Akhlaaq iyo anshax. Saddax ayaase waxay yihiin horyaalka xakameeyaha Aadanaha, oo kala ah: DHAQAN, DIIN iyo QODOB. Midka hore, waxaa saldhig u ah DHAQAMADA AADANAHA ku nool dunida. kala duwanaasho xooggan ayaana ka jira. Haddana intii isku DHAQAN ahiba waa isku CAADO iyo CAMAL.

DHAQANku wuxuu ku qotomaa xeer. Yaa dajiyey? Sidee loo dajiyey? Maxaa lagu dajiyey? Waa weydiimo u baahan qoraal gaara. Sababtoo ah, xeer wuxuu dhashaa marka ay dhacaan isqabqabsi, dagaal iyo xadgudub. Si haddaba loo xalliyo ayaa xeer lagu xakameeyo dadka isku dhaqanka ah loo dejiyaa. Tusaale ahaan Odoyaasha waxaa halhays u ah inay dhahaan marka ay gar galayaan: “Xaajadu ma  UGUB baa mise waa AB laga soo gaar? Ma bar xoolaa mise waa beer?…IWM”.

Midka dhexe, waa amarro xagga Eebbe ka yimid, ayna tahay in loo fuliyo sida ay u yimaadeen. Waxaa dadka soo gaarsiiya NABI ama RASUUL. Waa farriimo dadka lagu badbaadinayo, laguna saxayo qaladaadka ku jira dhaqanka aan sare ku soo sheegnay. Maadaama uu isagu asal yahay.

Kan ugu dambeeya ee sadaxaad, wuxuu ka kooban yahay, isu gayn dhaqankii iyo diintii, oo lagu biiriyo waxyaabaha cusub, ee aan ku qeexnayn labadooda. Xeerar is badbdala ee ku dhisan hadba baahida jirta iyo sida loo nool yahay. Kaliya ma ahan, waxaa jira xeerar caalami ah, sida kuwa BADAHA, DUULIMAADKA, GANACSIGA, IWM.

Xeer kale ayaa jira, oo la yiraa: “Xeerka Kaynta” waxaa ku dhaqma xoolaha. Mid walbaa midka uu ka xoog badan yahay ayuu cunaa, haba ku qasbanaado oo daniba ha u gaysee. Maadaama uusan calaf iyo cunto ka maarmin. Haddii kalese uu dhimanayo. Haddana waxaa halkaa ka jira tacaddii aad u ballaaran.

Haddaan  dulmarka intaa ku joojiyo, aan gudogalo dulucda faallada, Geeridu waa xaq ama waaba xukun aan dhaho qof walba sugaya. Qofba maalin, sanad iyo saacad go’an ayuu leeyahay. Inuu ka hor maro ama ka dib maro lagama yaabo. Erayada lagu muujiyo inuu qofku dhintay  ayaa siyaabo kala duwan lagu sheegaa, sida: “WADNAHAA ISTAAGAY, SHIR GAARI AYUU KU DHINTAY, XABBAD BAA DISHAY, GURI BAA KU DUMAY, BIYUU KU HAFTAY, NEEFTAA KU DHEGTAY IWM” waxayse isugu soo aruurayaan hal arrin oo ah inuu qofku ruux baxay.

Laga yaabee inaad cinwaanka la yaabban tahay, ood marna is leedahay maxaa isu keenay labadan qof? Marna aad i leedahay maxaad qof Muslima aaskiisa ula xiriirinaysaa HABAR GAALA aaskeed? Labada masuul wax ay wadaagaan oo aan kuu faaqidiyo ma jiraane, isku xirka labada AAS aan kuu iba furee sadarran ila wadaag.

Margaret Thatcher waxay ay ahayd haweeynayda kaliya ee ugu horraysay uguna dambaysay sooyaalka siyaasadda dalka dalkan Britain ee Ra’iisul Wasaare noqota ilaa hadda. Waxay xilkaa haysay sanadihii u dhexeeyay 1979 ilaa 1990. Waxay ka tirtirsanayd Xisbiga Muxaafidka, ee uu ka soo jeedo Wasiirka koowaad ee David Cameron oo hadda xilkaa  ka haya.

Margaret Thatcher waxa ay isbeddel weyn ku sameysay siyaasadda dalka Britain markii ay awoodda qabsatay sanadkii 1979. Siysaaddaa oo si xooggan looga dareemay gudaha dalka Britain iyo dibaddiisa.
Waxay sameysay isbeddelo xagga siyaasadaha dhaqaalaha, oo ay ku jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay. Waxay si xoog leh u xakameysay ururada shaqaalaha, taasi oo ka dhigtay qofka loogu jecel yahay marna loogu neceb yahay siyaasiyiinta dalkeeda. Margaret Thatcher  waxay ku geeritay magaalada London 8/04/2013.

Dhimashada Margaret Thatcher waxay mar kale dib u abuurtay dooddii ku aaddanayd qof ahaanteeda iyo siyaasadihii ay hirgalisay intii ay xilka haysay. In kasta oo aannaan dhaqan iyo dhur midna u lahayn, haddana, waa uun warine, dhimashadeedii dad baa damaashaad ku bedelay. Dabcan, waa uun sida loo kala aragti duwan yehee, haddana, aaskeeda siduu noqon?.

In kasta oo Margaret Thatcher ay ka dardaaratay inaan AAS QARAN loo samayn, haddana, sida caadada ah, waxaa HAL DOORKA bulsho lagu maamuusaa sagootinno kala jaad ah, oo ay ka mid yihiin in loo qabto maamuus KUBBADEED noqon kara CUP lagu tartansiiyo kooxo dhawra ama ciyaar gallin qura lagu baratamo.

Xiriirka Kubdadda Cagta ee Dalka Igiriiska ayaa sheegay inaan Margaret Thatcher loo samayn doonin daqiiqadda aamuska ee inta aan ciyaarta la billaabin la sameeyo, si qof dhintay loogu xasuusto. Taa oo ay ku cilladeeyeen farriimo badan oo uga yimid taageerayaasha Kubbadda Cagta.

Sida loogu kala qaybsanaa siyaasaddii Dhaqaale ee ay hirgalay, intii aragtidaa si weyn uga soo horjeesatay qofba si ayuu uga hadlay. Heesaaga caanka ee Steven Patrick Morrissey, kuse caan baxay “Morrissey” kana tirsanaa KooxdiiSmiths” wuxuu ku tilmaamay: “Qof BARBARI ah, oo aan in yar oo Banii aadamnimo lahayn!” isagoo tilmaamay sida ay u qalloocneed siyaasaddii Dhaqaale ee ay hirgalisay.

Sidoo kale, Ragistaha reer Igiriis Ken Loach wuxuu isna yiri: “Si aan u sharafno aan Private ka dhigno duugteeda, Sayladda suuqana sicirka ugu hooseeya aan ku iibinnno!” isagoo xusay inay Aabbaha Koofur Afrika Nelson Rolihlahla Mandela ku tilmaamtay Argagixiso, halka ay Shaah la cabtay madax Kali taliyayaal ahaa.

Haddii iyadoo wali duugta Margaret Thatcher dhimman tahay sidaa looga hadlay, waad filan kartaa marka ay timaad wax qabadkeedii iyo waliba qaladaadkeedii siyaasadeed in aad iyo aad loogu kala aragti duwanaan doono, sida horaba loogu kaal duwanaa.

Haddii sidaa loola falgalay geerida Margaret Thatcher dhankeenna waa see? Geeridii madaxweynii hore ee Soomaailiya mudane C/laahi Yuusuf Axmed ku timid ka dib, aaskiisa waxaa loo xilsaaray GUDDI QARAN. Hubaal in dad badan u arkayeen tallaabo fiican, balse, ma u dhammaatay sida loo billaabay? Ma ku idlaatay sidii loo abaabulay?.

Iyadoo qof walba ka dharagsan yahay waxa uu ahaa Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, haddana, wuxuu ku jiray raggii wax ka maleegay INQILAABKII DHICISOOBAY ee dhacay sanadkii 1978, loona yiqiinnay “ inqilaabkii Cirro!” wuxuu ahaa qofkii u horreeyey ee qori uga soo horjeesta dalwad Soomaali. Qaraxyadii gilgilay 11-kii September sanadkii 2001-da wadanka Maraykanka, C/laahi wuxuu sheegay in degaanka loo yaqaan Shimbiraale ee ku yaal Waqooyi Bari, ay joogaan kooxo Argagixisa ah. Taa waxaa ku wehliyay wadaaygiis Xuseen Caydiid, oo waliba sii dhaafiyee sheegay in Aabihiis Gen: Caydiid uu xiriir la lahaa Alqaacida. koox wariyayaal ah oo ka socday warbaahinta dibadda iyo gudaha, ayaa socdaal ay ku tageen soo waayey xitaa Shimbirihii.

Intaa waxaa u sii dheeraa xasuuqii 2007-2008 ka dhacay magaalada Muqdisho, ee uu isagu u soo kaxaystay Malleeshiyadii Xabashida. War iyo dhammaanba in wax badan laga dhaho isagaa naga kaafiyey, ka dib markii uu yiri: “Waxaan ahay ninkii u horreeyey ee xabbad rida”.

Madaxweyne Shariif waxyaabaha looga yaabay waxaa ka mid ahaa inuu doonayey inuu Salaad kasta bixiyo, uuna IMAAM noqdo. Buufiska uu qabay inuu IMAAM noqdo, isla markii uu  Madaxtooyada Madaxa soo galiyey, shaqadii uu qabtay ee ugu horraysay waxay ahayd inuu MASJID ka dhexdhistay. Dabcan Salaadahana cidi ugama imaan jirin, mararka qaarna wacdi booje ah kama marna, oo uu dadka ku baabo.

Sida ku cad sawir laga soo qaaday Janaasadii lagu dukanayey Madaxweyne C/laahi Yuusuf, waxaa salaadda bixiyey Madaxweyne Shariif, oo isagu sida dhaqanka u ah doonaya inuu wax walba safka hore uga jiro, Jabhadnimo sida C/laahi Yuusuf, Jananimo sida Indhacadde, Profnimo sida Gaandi.

Safka xigay madaxweyne Shariif, waliba ku aaddanaa dhabarkiisa, waxaa taagnaa Mahige, oo sida sawirka ku cad gacanta bidixi u korraysay, taa oo ah xeer ka baxsan Salaadda ay fartay diintu. Haddaba, su’aasha ayaa ah: Mahiga ma Muslimaa mise ma ahan? Ani ahaan waxba iigama xirna, hubaal inaysan dad badanna waxba uga xirnayn. Balse, dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ma suuragalbaa in Janaaso Muslin uu safka hor ka taagnaado nimaan Muslin ahayn?! Waliba aan si qumman isu qaabin, aqriste bal liilkan hoose daawa. http://blip.tv/somaliswiss/mahiga-miyuu-muslimay-6049869

Aqriste bal adoon caadifadaysnayn ka feker dhacdada, hubaal inay wax badan daahfur u tahay ama ay dad badan u noqon doonto baraarug.

Ila wada xasuusta ergagii ka socday Qaramada Midoobay xilligii Maxkadaha mudane François Lomseny Fall. Wuxuu la dukan jiray wadaadada, mudanahaa iyo Mahiga ma isku midbaa? Xagga xilka hubaale, haddana inuu siyaabaha qaar iyo safafka qaar soo galo miyeysan ahayn in yac laga yiraa? Yaase ka dhahaya?

Midse aan kaa qanciyo, aqriste, waxaa jira wadammo badan oo ay wada dagaan dadyow kala diimo  duwan, markii qof sare ka dhinto, maamuuska iyo ambabixinta waxaa iska leh dadka ay isku diinta yihiin,  waxaana la isugu wada yimaadaa xabaasha oo ay dhammaan ka soo wada qaybgalaan, oo mar walba hagidda iyo hawraarta ay gacanta ugu jirto dadka ay isku diin yihiin.

Haddii uusan diin laawe ahayn, oo ballantu noqonayso guriga laga qaado ilaa xabaasha, ama uusan dhihin maydkayga ha la gubo, oo salaanta iyo tacsidu ku ekaanayso gurigiisa.

Dhacdadaasi dhaqan iyo diin midna laguma tixgalin, waxaase la sameeyey wixii la doono. Waxaanse doonayaa inaan arrin kale halkan ku muujiyo, Shariif saw kuma dukan ninkii uu shalay gaalaysiinayey? Saw uma ducayn illeen Saalaadda guud ahaan iyo Janaasada gaar ahaan ayaaba intaa ehe, ninkii uu shalay gaal waaye lahaa? Haddaba, miyey suuragal tahay in maalinna waa gaal inuu dadka ku dhoho, maalinna uu salaad ku dukado?.

Haddii C/laahi Yuusuf sidaa loo maamuusay, oo waliba Shariif isagoon waxba hubsan uu la soo booday waxaan ugu magac daraynaa GAROONKA GAALKACYO, waaba la ogaa wixii ka dhecee, aqriste maamuuska maydka aan mudnayn ma halkaa ayey ku moosantay? Maya Wallee. Dhawaan waxaa geeriyooday Xasan Max’ed Nuur “Shaar Guduud AUN” Maydkiisa waxaa la keenay Muqdisho oo Jaanaso lagula dukaday. Waxaana lagu aasay Magaalada Baydhaba. Isna waxaa loogu magac daray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhaba. Bal adba.

Dhanka kale, waxaa iyana jira guux hoose oo sheegaya in Garoonka Magalada Jawhar loogu magac dari doono Maxamed Dheere AUN, oo isna la ogaa beladuu dhigay iyo dhibkuu gaystay. Haddana, isaga horaaba loo maamuusay, beri ay xirtay dawladdu, wixii shirar cambaarayn is qabsaday dunida oo dhan waa la ogaa. Waa KII KU CIILAY U CIIDAMI! Soomaali unbaa laga hayaa taa.

Maalin dhaweyd waxaa socdaal booqosho ku taay Magaalada Garba haarreey Mudane Saacid Wasiirka Koowaad ee Dawladda Xasan Sheekh. Meelihii uu booqday waxaa ka mid ahaa Qabrigii Madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaasad Barre. Dabcan deegaanka uu joogo iyo dhalyo ahaanba gartaye, saw xaglinu kuma jirto? Maxaan uga jeeda?.

Waxaan uga jeedaa Magaalada xarunta u ahayd bilaha uu Wasiirka koowaad yahay waa Muqdishee waxaa ku duugan laba Madaxweyne [Aadan Cabdulle Cismaan 1908-08/06/2007 iyo C/Rashiid Sharmarke .15/10/1969] oo si xalaal ah Baarlamaanku u doorteen. Halka Siyaad Barre maamulka uu xukun marooqsaday. Kama muhimsane, Siyaasad Barre saw ma aha AABBAHA DHIBKA SOOMAALIYA? Illeen isagaa saddax arrin mid uun samayn waaye.

1-      Inuu xilka si nabad ah uga dego, illeen isaga looma wakiilane, dhaxalna uma heline.

2-      Markii Jabhaduhu soo galeen Caasimadda Muqdisho inuusan daagal kala hortagin, ee sida Mingiste ugu duulay diyaarad ma qaadane, ee wuxuu la soo jeestay Madfac, oo ilaa hadda wali dhacaya. Taana waxay dhashay waxa aan maanta duljoognee.

3-      Inuu dagaal beeleedkii ka qaybqaatay, aqriste, adba xasuuso oraahdii ahayd “RUUG CADDAAGII SOO ROGAAL CELI!” maxaa yeelay wajiga dagaalku markii dambe yeeshay qayb ayuu ka ahaa.

Ugu dambayn. Shariif middii aan dhihi lahaa, waxaan ku iri qormadii ahayd“Imaamnimada Shariif iyo Allaahu akbarta Mahiga!” balse, haddii sida inoo wada muuqata umadaha kale uga cadgoostaan hoggaamiyooda haddii ay qallooc ku tabanayaan, ka warrama haddii DAGAAL OOGE walba oo Soomaali ah markuu dhinto magaciisa nalagu sii dhex waariyo? Waa NAXDINTu yeysan ku deyn. NABARKU yuusan bogsan. NARUURO ha u bixin. NAGI ha arkin. NABADNA ha ku noolaan!

Mid baanse leeyahay Soomaalida. Sida Maydka dushiisa loo wada sinnaa, la ahaa garbo aan gan is dheerayn, ayaa loo baahan yahay in wax loo qaybsado, aan marna nalagu sii dhaqin  4.5 iyo waxa la midka ah. Dadku waa dhammaystiran yahay ma jiro qof dhimman ama beel qabyo ah. Dhanka kale, xilka aan u dhiibanno qof noo dhawra dhaqanka iyo diinta. Haddii kale, maalin walba waxaa lagu jiraynaa waxbaa dhaamman ama kala dhantaalan.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s