Haraadigu yuusan kala harin!

Image

Haraadigu yuusan kala harin!

Haddii wali Kala guurkii lagu jiro, maadaama aan wali la dhammaystirin dhismihii  dawladnimo, maadaama aan wali la kala guran oo wali goradda la iskula jiro, lase yiri waxaa laga baxay ku meel gaarkii, sida la sheegay, aanse sidaa ahayn, aqriste, bal sii goob qormadii ahayd: “Ku meel gaarkii ma laga baxay?!”.

Haddii uu dhacay kala wareeg, dadka intiisa badanse ku tilmaameen ISBADAL, aniguse aan ku gaabsanayo kala wareeg, maadaama aan la garanayn meeshuu ka yimid, waxa sababay, cidda horseedday ama maalgalisay, maxaa yeelay beeso ayaa lagu kala baxay, cidda uu ka goys haysto ee uu ku daaban yahay, ayaan qoray qormadii ahayd: “Maxaa dhacay?!”.

Hadda waxaa loo madlan yahay dhismaha Golaha Wasiirrada, oo laga sugayo inuu soo magacaabo Mudane Shirdoon, oo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh u xushay inuu xilkaa qabto, marka laga soo tago soo dhawaynta dhiirran iyo midda dhabbacanba, waxaa mudane Shirdoon hortaal hawl aan yarayn, oo ay ugu horreyso dhismaha Golihiisa Wasiirrada, waana mid aan wax uga dhihi doono  qormada dhexdeeda.

Bartamihii bishii afraad ee sannadkan ayaan qoray qorma cinwaankeedu ahaa: “Foolal cusub iyo Faro Caddaana!” oo aan ku qoray dhawr qodob oo muhim u ah maamul walba oo ka dhismaya Soomaaliya, Gobol, Degmo iyo Tuulaba. Qormadaa waxaa wehlisay heesta: “Waa inaan dib loo arag” ee ay ku xareediyaan Kooxda Qaylodhaan erayadii Bashir M. Hersi.

Maanta oo wajigii hore ee qodabbadii qormadaa iyo heestuba hirgaleen, ayaan doonayaa in aan mar kale ku soo laabto isla mawduucii, si aan u sii xoojiyo qodobbadaas, loona dhammaystiro hannaanka geeddi socodka billowday, ilaa laga guranayo mirihii oo dhan, maadaama aan is leeyahay in maanta ay tahay maalintii la hirgalin lahaa qodob iyo qoraal, hawraar iyo hadal midkood ku jira, ee aan hoosaasin iyo haasawe midna loo hamuun qabin.

Haddii madaxda dawladda u sarraysaa aysan ku sheegganayn:

  1. 1.   Inay ka qaybqaateen dagaal sokeeye.
  2. 2.   Inay ka qaybqaateen dagaal diimeed.
  3. 3.   Inay lunsadeen hanti qaran.
  4. 4.   Inay qabyaaladiistayaal yihiin.
  5. 5.   Inay yihiin qabqablayaal.

 

Aqriste, xasuuso qodobbadan horaan u qoraye, waxaanna ku sii dari lahaa qodobbadan:

  1. in haraadigu uusan kala harin, waxaan uga jeedaa, maadaama madaxdii hore uusan qofna dib uga soo laaban, waa inaan xil loo magacaabin masuul walba oo xil hore uga soo qabtay dawladihii burburka, gaar ahaan Golaha Wasiirrada inaan lagu soo darin Wasiirradii dawladihii hore dalka u soo maray, marka laga reebo dawladdii Maxamed Siyaad Barre, isna waa inuusan ku eedaysnayn xasuuq, barakicin  iyo muqus.
  2. In mudanihii Wasiir noqda uusan Baarlamaanka xubin ka sii ahaan, oo mid ku ekaado Xildibaannimo ama Wasiirnimo, sidaa waxaan u leeyahay inaysan dhicin inuu laba Mushaar qaato [Laba canlayn] illeen beesaba looma hayee. Taa sokow, inuusan laba awood oo is dhexgalaysa isla hayn, dabcan, dunida waa ka jirtaa, oo wax diidaya ma lahan, balse, dani anaga nooguma jirto, illeen mudane isagu isu codaynayaa, is dacweyn maayee!
  3. In qofkii xil sare qabanaya, uusan mushaar iyo biil lahayn, ee ku shaqaynayo iskaa wax u qabso iyo mutadawacnimo ama Folontari, Mushaar iyo biil midna aan la siin, dabcan waa in muddo loo qabtaa middan.

Qodobkan bal aan daliil u doonee, Allaha u naxariistee, Abwaan C/qaadir XersiYamyam” baa shirkii Addis Ababa ka dhacay sanaddii 1993-dii ku maansooday sidan:

Waagii mudnaantiyo

Wasiir magac ku faanaa

Baabuur madaw iyo

Muraayadaha xiran jiray

Meelaha nacfiganale

Loo kala hor mari jiray

Maareeyana la noqon jiray

Gudbe maalmahoodii!

 

Waxa timid marxalad adag

Oo maamul sare iyo

Ninka madax u ciilqaba

Masuuliyadu qaadiyo

Kow dhaar la mariyaa

Tahay miiskii soo gado

Musuqana dil baa tahay

Mushaar ma lihid shaqaduna

Maqrib iyo ilaa subax

Ilaa qaranka maydkaa

Lagu hubiyo meel wacan

Halkaaseey maraysaa.

Haddii aan mushaar la’aan la joogi karin waa in la cayimaa mushaarka qofkii xil sare qabanaya, maxaa yeelay xaddidka lacagaha soo gala madaxdan waxay xakamayn kartaa isdaba marin iyo musuqmaaq inuu dhaco, kaba si muhimsane, waxaa lagula xisaabtami karaa dakhliga soo gala, oo laguna qaadi karaa xisaabi xil ma leh.

  1. In la kala qaado xilka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, micnaha in laba qof loo kala magacaabo, maadaama ay xallin karto gunuunac hoose oo iman kara ama jiraba.
  2. In mudane Tarzan uu ku ekaado Xildhibaannimadiisa, maadaama laga codsaday inuu labada jago mid ku koobnaado, gaar ahaan loo qabtay in bil gudeheed uu ku hor yimaado Baarlamaanka si loo dhaarsho, uuna u wareejiyo xilka uu hayo ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisha.
  3. In la baddalo Maareeyaha Dekadda Muqdisho iyo Maraayaha Garoonka Aadan Cadde, maxaa yeelay xilalkan marka laga soo tago inay xasaasi yihiin, waa ilaha ugu muhimsan ee dawladda dhaqaale ka soo galo, sidaa awgeed, waa in loo xulaa rag hufan oo aan ka soo qaybqaadan maamulladii hore ee musuqu daashaday.
  4. In xilalka laga qaado dhammaad saraakiisha ugu sarraysa ee ciidaanka iyo nabad sugidda, marka laga reeno Gen. Dhaga badan, Abbaaduuliyaha Ciidan Qaabka Qaranka, oo aan la’aantiis guushaan la gaareen.
  5. In la baddalo Guddoomiyaha Maxkamadda sare, dabcan ma sharcibaa mise ma ma ahan? Waa arrin kale, ujeedku waa inaysan kala harin hoggaankii hore, ee nala haray halkanna na soo gaarsiiyey.

Ugu dambayn, isu gaynta qodobbadab yaa isugu soo aruuraya cinwaanka qormada, ee ah: “Haraadigu yuusan kala harin” maadaama ay sii xaqiijinayso in aan la kala reebin kuwii musuqa iyo murrugmaarugta ku mashaqeeyey dalkan iyo dadkan.

Halka “Foolal cusub iyo Faro Caddaana” furfurkeedu yahay sidan: foolalka cusubi waxay daaqadda ka saarayeen kuwii sanadaha silica siyaasadda hoggaanka u hayey, faro caddiduna, waxay meesha ka bixiyeen dhamman xaaraan ku naaxyada, iyo xinjirro daadiyayaasha!

Qormada waxaan ku soo afmeerayaa heestii: “Waa inaan dib loo arag” ee ay ku xareediyaan Kooxda Qaylodhaan, erayadii Bashir M. Hersi, iyadoo qoraal, maqal iyo muuqaal ah, si aad u daawto heesta oo muuqaal ah liilkan hoose sii raac:

http://www.youtube.com/watch?v=oIsBl3FcgXI

heesta oo qoraal ahna waa tan:

Waa inaan dib loo arag”

 

Qabqablihii dagaalkiyo

Dirirtiyo shaqaaqada

Shacabkeena dilayee

Darxumada na haysiyo

Dulligana nasoo baday

 

Waa inaan dib loo arag

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow inaga jira.

 

Dadka kuwii qalaayee

Ka been sheegay diintee

Damiir laawayaashiyo

Dadqalkiyo Dhurwaagii

Ina dagay markii hore

 

Waa inaan dib loo arag

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow inaga jira.

 

Xaaraan mid daaqoo

Dan yarta iyo Agoonta

Ku dibbiray xaqoodii

Deeqdooda leexsada

Ganacsiga danleeyda

 

Waa inaan dib loo arag

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow inaga jira.

 

Doorkii horreetiyo

Kuwa Dowladihii hore

Dalka maamulkiisa

Darajiyo xil soo maray

Ee dumiyey daaraha

 

Waa inaan dib loo arag

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow inaga jira.

 

Xil ninkii u duubane

Dibitaatinimo raba

Iyo duqa magaalada

Doonayaa jagadoow

Duunyo kuuma haynee

 

Deeq inuusan naga rabin

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow ogsoonoow.

 

Dhammaad.

 

Bashiir M. Xersi

Advertisements

10 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s