Maansada: “AL”

Image

Maansada: “AL

Imisaad aragtay Dukaan, Shirkad, Dusgi, Machad, Jaamacad ama qof ku magacaaban magac ay hore uga jirto “AL/ال” Carabi ah? Waa filaa inay badan yihiin. Haddaba, Ma is weydiisay, meesha ay naga soo gashay, waxa keenay, cidda ay astaan u tahay iyo waxa lagu garto?.

Marka laga soo tago inaannaan dhaqan iyo dhur midna u lahayn, haddana, waa saban xumada jirtee, doodda ayaa mar walba dabada la gasha, gabbaadna ka dhigata: “Carabigu waa luqadda  Muslimiinta!” yaa ka dhigay? Sidee ku noqday? Goormee noqday? Muxuu ku noqday? Aawayse anaga luqaddeennii? Intaaba qof jawaab waafi ah kaa siinaya arki maysid.

Haddana, waxaannaan isla diiddanayn, in sheekada “AL/ال”  ay tahay dhaqan dhawaangal ah, oo hadda, sidee qof soomaali ah luqad ugu noqday, hadduu dhawr sano jir yahay, illeen dadkaygu intaa oo qurni ayey afkooda ku hadli jireene?.

Waxba yaanan ku dheeraan dooddee, maansadan waxay suurad kooban ka bixinaysaa: ASHA cidda dhashay, astaamaha lagu aqoonsado, waxyeellada iyo dhibaatoonka ay u gaystaan dhaqan, hidde, af iyo asluubba. Yaanan war idin ku daaline, aqris wanaagsan.

ASHAan ALIF billowgiyo

UDUB dhexaadka laga dhigay

Liibaan ADDUUN iyo

Mid AAKHIRABA lagu xiray!

AMMUURAHAN la yaabka leh

Waa XAAJO uguboo

AB iyo AABBE laga warin

ISIRKEENNA lagu maqal!

Asaraar CARBEED iyo

URUR DIIMO sheegtoo

Ka ARRADAN aqoonoo

DHAQAN aaba yeelayn

ARAGTIDOODA weeyaan!

ASHAHAADO beenoo

AFKA laga yiraahdoo

UURKA aanan jirinoo

Dadka lagu UGAARTOO

UBAD lagu gumaadoo

AYEEYIYO cirrooliyo

Marrastiyo AWOOWABA

Aan loo ARXAMAHAYN

ASLUUBTOODA weeyaan!

ASXAAB kooban weeyaan

AFAR iyo SHAN weeyaan

ALBAABKOODA lama galo

Ehel iyo QARAABIYO

XIGTA maba u oommana!

AALA AALA weeyaan

ASHU waw billaaboo

Waa ASTAAN u gaaroo

Waa IRRIDDA koowaad

Waa ALBAAB u xiranoo

AADANE ka soo galin!

AKHII iyo UKHTII iyo

IKHWA baanu nahayoo

ILAAH baa sidaa yiri

ASLAYNKAY ku qoran tahay

AF GOBAADSI beeniyo

Idil UUR MARIIDLEY

Isku soo ABBAARAAN!

Is weydii DADWEYNOOW

Inta kale ARDAAL iyo

Uskag iyo FUSAAQ iyo

Ma INKAAR qabyaalbaa?!

Isla WEYNI aan jirin

Iyagaa YAQAANNO

ASAL gaara sheegtoo

Bidci iyo IBLIIS iyo

QURAAFIGA uraayeey

Inta kale ku shaagan.

ISLAANIMO u gaareey

ARLADEENNII keeneen

ARDADII ku beereen

ISKUULLADII hannaankiyo

AFKII lagu yaqaanniyo

ERAYGIYO oraahdii

Udubkeeda SUUGAAN

Ka IRDHEEYE idilkood

Asalkiiba DOORIYE

UMMAD kale waxoodey

ASKUN uga dhigeenoo

Ku ASLEEN aqoontii

Afkii bey CARBEEYEEN!

ABTIRSIIMAdeenniyo

Rag ABUULLANkeennii

Inta ay AMUUGEEN

OOD saaray weeyaan

HIDDIHII ALOOSNAA

DHAQANKII ARDAAGIYO

Rag UFEEYEY weeyaan

Ummad kale u RARANOO

UNUG baas abuuroo

IBTILOODAY weeyaan

Walina waa ORDAAYAAN!

Dadkii waa AFDUUBEEN

AFTI waa u DIIDEEN

ARAG waa ka DUUBEN

MAQAL waa ka AWDEEN

ADDIN waa ka LAABEEN

URTII kaba ilaasheen

NEECOOW UDGOON iyo

AARIYA ka DHAWREEN

OODEEY u JIIDEEN

Ka XIREEN albaabkii

ASQEY nagu abuureen.

AL haddaadan wadanoo

ABUU kuu laqbo ahayn

UMMU laguugu yeereyn

Arrinkaaga ma OGGOLA

ISHEY kugu gubaayaan

ADI kuuma jeedaan

Waaba lagu INKIRAYAA

AGAGAARRAdoodiyo

IJTIMAACyadoodana

ARKI maysid weligaa!

DEEQIhii AGOONtiyo

KAALMAdiiba urursade

MUCAAWANadii iibsade

AQAL baaxad weyn iyo

SAKAD iyo ARDAA iyo

DABAQYEY asteeysteen!

Inta kale CARSHAAN iyo

AQALLEEY ku noolyiin

AROOR iyo GALBEEDKII

Ma HARGALAAN AYAANTII

HABEEN iyo ALLAYLKII

INDHA isuma geeyaan

UFO iyo DABAYLiyo

ONKOD iyo HILLAAC iyo

ROOBAB aanan ka OKORAN!

Iskaashiyo MIDNIMO iyo

Isku DUUBNI diidoo

Inaan kala IRDHAWNOO

Kala OODO xirannoo

Kala OOGO noqonnoo

IFTIINkeenu DAMO’oo

ILAYS aannaan SHIDANOO

Awood aannan helinoo

EBER aynu noqonnaa

TALO lagu idleeyee

Soomaaliyey AYAANKAA

Idinkiyo AL weeyaan!

Haddii aad AFGOOYIYO

XAMAR aaggageediyo

AF MADAW xoraysay

ALSHABAAB ka saartay

Intay AAYAD leexsheen

XADIIS ay aguugeen

AQLIYADA ay awdeen

ABTAR ay ka yeeleen

AAFO ay ku BEEREEN

Ayaamiyo GU’yaal iyo

SAACAD kuma ogaatide

Soomaaliyey AYAANKAA

Idinkiyo AL weeyaan!

Dhammaad.

26/10/2012

Bashiir M. Xersi

Advertisements

13 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s