Madax iyo Majo isku maran!

G

Madax iyo Majo isku maran!

Yaa miyir qaboo Maas “Amaah” la weydiiyaa?!ayaa murti leedahay. Hubaal in MAANKU yahay hagaha XUBNAHA Jirka, MIYIRKUNA yahay halbeegga maanku wax ku hago. Macnaha “MIYIR lahaa MAAN leh!” Balse, MIYIRku isagoo jooga ayaan in badan MAANku shaqayn. Sababo la xirira xigmaddoo guurta, garashadoo gabaabsiya iyo gunnimo u dhalasho [DOQONNIMO] murti kale ayaa leh: “Talo kuguma noolee, Adaa ku nool”.

Haddii KU MEEL GAARKII la yiri waa laga baxay -aniguse aan qabo inaan sina looga bixin, qooraanso qormadii ahayd: “Ku meel gaarkii ma laga baxay?!”- marxaladdii kala guurka ahaydna laga gudbay, laba Shariifna ciiriinka lagu dubtay, oo midna USA isu dhiibay Deeq Waxbarashana ka helay. Waaba iga xasuusine, saw markii hore kuma habboonayn inuusan waxbarashada ka sagsaagin, mayee, inuusan ka sii jeesan? Kii kalana, uu ku dhacay walaahoow iyo warwareeg, uuna u dhexeeyo Nairobi iyo Addis Ababa. Malaha wuxuusan wali garan in ciyaartooydii siyaasadda Geeska Afrika isbadal dabiici iyo doorasho ku doorsoomeen, mise qolfoof kale ayaa u muuqata? Mid ay tahayba wali waa soo taagan yahay.

Labada Shariif ka dib, SAXALLADII ROAD MAPka marka laga reebo Mudane Faroole oo isna liqliqasho ku billaabatay, ka gadaal markuu ku xarkagay xilka Maamulka Bari intii kale kama dambayn, haddii aysanba ka sii hormarin, sida Col. Caalin oo ahaa Madaxa Maamulka Galmudug. Mudane Gaas sidoo kale. Dabcan waxaan awalba bayd samo iyo baal sinnaan ku joogin waa AHLUSUNNA, walina waa sidii, oo waa MAQANE JOOGE!

Waxaase maalmahan marna Maamulka Bari ruxa oo gilgila marna CAYMIYE isku shega, waa Mudane Gaas oo mar ahaa Wasiirka koowaad ee Xukuumaddii u dambaysay ee Dawladdii Shariif. Ayaandarro ayaa ah inuu maanta na leeyahay anaa dalka ka badbaadshay in la qabsado! Shalay isagaa u soo horkacay Keenyaanka oo Madaxweyne Shariif inta daba maray heshiis la soo galay. Kaba sii muhimsane, isagaa shalay taageersanaa Xabashi inay dalka qabsato dadkana xasuuqdo. Malaha maalintaa C/laahi Yuusuf ayaa u muuqday iyo han aan jirin. Madax iyo Mijo isku maran.

Muqdisho isqabqabsigii iyo murankii joogtada ahaa inay ka soo kabsanayso ayaad mooddaa, intaa waxaa u dheer oo kaba sii muhimsane, inay ka baxday gacanta labada GAFANE ee kala ah QABQABLE iyo WADAAD WARANLE ah. Kuwa hore sacabbooleey ayey iska noqdeen meelaha lafaysta, intii kalana Baarlamaanka ayey dirqi iyo magmagasho ku soo galeen, oo Wiishka ayaaba ku yeeri tagay “Nin sigtay ma noola!” kuwa dambe wali laaq ayey wadaan.

Xagga ammaanka baa ka muhimsane, hadduu ammaanka wax weyn iska badaleen, dhanka kalana ka soo kabsanayso diiftii daashatay iyo dirirtii la degtay, ayaa hadda wali waxaa jira daldaoollo badan oo daarin u baahan. Malaha dhibka ugu weyn baa ah inaan wali la badalin hoggaanka magaalada, halka ay inta kale isbadaleen. Maxaa yeelay wali waxaa taagan KUFSI, AFDUUB DADBAN, DILAL, QARAXYO iyo SHUFTAYN.

Magaalada Afgooye sidii looga saaray xoogagga Sharta [AL SHABAAB] wali waxaa jira dhacdoon xanuunno badan, haba ugu darraadaan KUFSIGA iyo DHACA, ayna u sii dheeryihiin QARAXYADA. Taa oo ka dhigaysa magaalo aan wali isbadal dareemin, aan ka ahayn  in Alshabaab laga saaray, oo haddaa maxay ka duwan yihiin Alshabaab kuwa yimid? Bal adba.

Dhawaanahan waxay xasarad badan ka taagneed Magaalada Marka. Ka dib markii ay isku fara saareen laba Malleeshiyo oo ka wada tirsan Ciidanka Dawladda. Markii dambana ku sigtay inuu u xuubsiibto dagaal beeleed, madaama uu loollanku dabada la galay awood qaybsiga maamul iyo ciidan. Dabcan suuragal ma ahan in marna in xal laga doono wax aan xiisada taagan daminayn. Waa Muqaddas in cabashada si masuuliyadi ku jirto loo maareeyo, xasaasiyadaha jirana xanafta laga ilaalsho.

Gobollada Baay iyo Bakool sidii Alshabaab looga saaray deegmooyin ka mid ah, wali ma saldhigan maamulladaa. Xabashidu maalinna waa ka baxdaa maalinnaa waa soo gashaa, adba waxa ay ka damacsan tahay garo.

Dhibka kale ee jira baa ah, in laba maamul oo aan is qaban karin la isku dhinac wado, mid waa kii hore, kan kalana dawladda ayaa soo magacaawday, oo kaalay Gobollada qaarna maxaa dawladdu maamul ugu soo magacaabaysaa, qaarka kalana saraakiisha kor meerka ku aada looga soo celinayaa? Bal adba is qabadsii.

Dhanka ka sii Koofurayda waxaa jooga Prof Cilmiga Digrii sare ka gaaray, ee duruus inuu dhigo ka door biday inuu dhiig sokeeye daadsho. Isagoo waliba shisheeye u soo kaxaystay. Allow Soomaaliya ayaan darridaa! Waa wadaad oo dadkuu nolosha ku duugayaa! Waa aqoon yahan oo qabyaaladda ayuu ku qaraabanayaa! Waa siyaasi oo sadbursi inuu saabeeyo ma ahane, si kale xal ku keeni waa!

Isaga waa GAANDIYE, wali waxaa u muuqda riyo dhalanteed ah, inuu hirgaliyo maamul magac iyo muuqaalba aan muunad u lahayn “Azaania” haddana waa ma quustee uma muuqdaan sooyaal duni iyo duunyo habka ay u noolaayeen. Illeen aqoon aan adiga wax kuu tarin, qof kale waxba uguma tartide! Isagii ayaaba sidaa uga arrdan aragtiye, sideebuu maamul gacan ku rimis ah ku meelmarina karaa?.

Maamulka Azaania, isaga waxba kama galin dadka ku baaba’aya dagaalka iyo duqaymaha xulufadiisa. Waxaa taa uga muhimsan inay hirgaliyaan hanka ay higsanayaan ee huwan heeryada halaagga. Kenya wali waxay waddaa xadgudubyadeedii joogtada ahaa, qiilku wali waa sidii, argagixiso la dirir, hadda wayba sharciyeysan tahay, oo waxay ka mid tahay AMISOM, ninkii AMISOM ka horyimaadana waa nadaddiid, lagu weydiin mayo maxaad uga hortimid? Maxaad ku diiddan tahay? Waa inaadan marna dhaliilin xadgudub walba oo ay sameeyaan. Madax iyo Mijo isku maran.

Dhanka kale, malleeshiyada Raaskambooni ee uu hoggaamiye Kooxed Axmed Madoobe Sidii ay kismaayo ula wareegeen malleeshiyaadka uu horjoogaha u yahay Axmed Madoobe, waxaa isa soo taraya dhibka iyo dhibaataynta lagu hayo dadka deegaanka. Saa waxaan u leeyahay Kismaayo waxaa lagu dhex dilay ugu yaraan laba Ugaas, dhawr Ganacsade oo dhammaan caan ka ahaa deegaanka. Intaa waxaa sii dheer qulqulatooyina Isbaarada, dilalka, dhaca iyo amni darrda joogtada ah.

Dabcan ammaan darradu meel walba ayey ka jirtaa, caasimad iyo ciid kalaba, haddana, qof walba meesha uu madaxdeeda sheegto ama is xijiyo ama isku xajiyo ayaa lagula xisaabtamayaa. Inta la iska indha saabayana, waa midda aan marna u jirin in dib u eegis la sameeyo iyo xeerin wixii dhacay ama dhacaya. Inta saa wax noqonayaan, heeryada jabka ayaa hoy iyo hu’ noo ahaan doonta.

Marka laga soo tago:

–         In ay ku daaban yihiin CUDUD SHISHEEYE.

–         Inay isla iyaguba yihiin HARAADI WADAAD [MAXKAMADIHII].

–         In ay yihiin haraadi Qabqablayaal.

Waxaa u dheer inay magaalada Kismaayo ay joogaan Cumar C/Rashiid Ali Sharmarke adigu ma garan kartaa waxa uu ka samaynayo ee aan fidno abuur ka ahayn? Kaaga darane, shirka waxaa garbran dhammaan intii C/laahi Yuusuf gacan yarayaasha u aheed, ee leh; Yuusuf Beriberi, Azhari, Darwiish IQB. Bal kuwan Cayrta Yurub colaad ku doojinaya ila arka:

Dhanka kale, Gen. Moorgan, waxaa garabkiisa ahaa, qaar ka mid ah Dhakawyada Colaadda Soomaaliyeed ee burburka billaabay, ee kala ah Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Xasan Abshir Faarax, waxaa la yaab ah, wali inay dhexda uga jiraan colaaddan hadda dib uga soo cosboonaatay. Bal liilkan hoose sii raac:

Gaandi iyo inta ku gadaaman ma garan inaan sooyaalku gaboobin? Beeli beel ma kor dagi kartaa? Haddayse kor degto imisa ayey dul degaanaa kartaa? Caqligu miyuusan shaqaynayn? Kolley Soomaalinimo, walaaltinimo, xididnimo iyo ood wadaagnimo waxba tari waayeene, ma waxaa dadka ka dhaadhacsan haddaad shisheeye ku daaban tahay dadka waad jujuubi kartaa, dalkana waad qabsan kartaa? Waa ogaalli’idaa. Madax iyo Mijo isku maran.

Alsabaab iyadu waxay ku jirtaa firxad iyo kala carar. Waa caadadooda markay arkaan cadaw isma haystaan. Beledweyn kabta ha iga goyn ayaa ka dhacday. Gedo oo dhan way faarujiyeen, Baay iyo Bakool warkeedba ha sheegin, illeen waxay uleyn yaqaanniin waa Soomaalidee, iyagana miyeysan ku habboonayn inay joojiyaan falalka gurracan ee arxandarrada ah, ka waantoobaan gacma goynta iyo lugaha iyo gamcaha isdhaafka ay u jarayaan, oo dadkooda dhinac ka raacaan?.

Gobolka Hiiraan markii uu ka soo waaqsaday shirqoolkii Gaas Alshabaabna laga saaray, ee la keenay Ciidan Jabuuti ee ka socda AMISOM ee dadka deegaanku u baxsheen “HIIL WAALAL” ayaa waxaa jira xadgudubyo joogto u dhaca, gaar ahaan kuwa ay gaystaan Ciidanka Xabashida, oo ay ugu dambaysay, maalin dhaweed oo ay Masjid ku dhex dileen wiil dhallinyaro ah.

Sidoo kale, dhawaan waxaa loo soo magacaabay Maamul uu Madaxweynuhu ku saxiixan yahay. Su’aasha baa ah, Gobollada qaarna maxaa Maamul Madaxweynaha ugu soo magacaabayaa, qaar kalana xarga ku celis u yihiin? Tan waxaa la wadaaga Gobollada Gedo iyo Galguduud.

Galguduud xarunta xerta Xabashida ee Ahlusunna. Amxaaro hubkii ugu badnaa ee ay dalka la soo gasho marka laga soo tago 2007-dii, waxay la gashay gobolkaa. Haddana, qof ayaa wuxuu doonayaa inuu kaa gado Wadaadadu Alshabaab ayey la dagaalayaan? Oo Alshaabab miyaan Amxaar la’aantiis lala dagaali karin? Ceebta ugu darani waa marka ay dheheen maamul ayaan dhisaynaa, kollay garaadkooda kama soo maaxane Xabashida ayaa u meerisay?.

Dhibka jira ayaa ah in gobolkaa ay ka dhisan yihiin ugu yaraan toboneeyo maamul. Qaar waa magac u yaal, qaarna waa shaqeeyaan. Tuulo walba iyo tagoog walibaa waxay tacbatay Taaj u gaara ah. Balse, in ugxanta la uruuriyo ee mid laga dhigo waa Calaacal tima ka soo baxaan, ha sugin micnaha. Madax iyo Mijo isku maran.

Galmudug, doorashdii ka dib, waxaa madaxa isla galay Caalin, oo ahaa madixii hore ee maamulka, Cabdi Qaybdiid iyo Maxamuud Tima kala Jeex. Wixii madaxa la iskula jiraba, waxaaa iminka madax ka ah Qaybdiid.

Magaalada Gaalkacyo waxaa dhawanahan ka dhacayey afduub labada dhinac ee ay magaaladu u kala qyabsan tahay. Mid yaan la iska indha saabin, in labada dhinac ay kala deggan yihiin laba beelood, ee sheeka maamullada jiraa yeysan sabab u noqon isku dhac laba beelood, illeen wuxu dawlado ma ahane. Dhanka kale, adoo og in tallabadaada ay ka dhalan karto falcelin sidaa u xooggan, saw kama habboona in arrinta loo wajaho qaab ka duwan. Micnaha dambiilaha in loo gacan galiyo hadba beesha uu ka dhashay lagulana xisaabtamo.

Aqriste, ma ogtahay in ay tahay magaalada kaliya ee waddanka ku taal ee leh laba Buuba dageen? Inta Gaalkacyo kala qaybsan tahay dalwad Soomaali ha sugin. Madax iyo Mijo isku maran.

Magaalada Cadaado waxaa ka dhisan maamul la yiraa Ximan iyo Xeeb, dhawaan waxaa ka dhici doona doorasho, ee aan bal wada sugno qofka ku soo baxa iyo sida ay noqoto siyaasaddiisa ku aaddan midaynta Maamullada Gobollada Dhexe.

Maamulka Bari, maamulkii marti soorka iyo marti wanaajinta, shirkii Garoowe ayaan dhaliillo yar ka qoray, waaba la ogaa wixii dhacay. Waxaasne doonayaa inaan dadka xusuusiyo marka maamul la dhaliilo, yaan la isku qarin qabiil iyo isbaaro. Meesha xaal marayo ma wanaasgana, ha ahaato dadka reer Bari ama dadka ka soo qaxay qaxarka Alshabaab, Amisom iyo abaaraha ku duftay deegaannada koofureed, balse dadka qaarkii waxaa uma muuqdaan.

Ma ahan markii ugu horreeyey ee hadallada midab takoorka iyo isir nacaybka ku salaysani Faroole ka soo yeeraan, maamulkaa rag yaa isu daba maray, qaylo sidaa u weyn kama jirin dhanka reer koofurka, C/laahi Yuusf iyo Cadde Muuse. Faroole siduu xilka u qabtay wuxuu u soo jeestay maasaakiintaa aan hoy iyo hargal midna haysan. Maruu yiraa waa inay is diiwaan galisayaan, iyo maruu yiraa argagixisadu waa reer koofur. Waaba yaabe ninku miyuusan xishoonayn? Sida muuqata mayee saw ma habboona in laga digtoonaado godobta ninkani beerayo.

Maamulka Bari laba mid ba waa uga baxay gobolaysi wa mide shidaal ayey qodonaysaa, wa midda labaade dastuur ayey ansaxsatay, wixii iminka ka dambeeya waa Dal go’an iyo dad dhalasho leh.

Marka laga soo tago sanadka uu ku darsaday Faroole ee uu ka raad raacay Shariif, waxaa la yaab ah, inaysan sida Somaliland u caddaysan inay go’een, “Kulama joogo Kaamana maqni” waa kadeed ee bal dhan may u bataan, illeen Bisayl iyo ciiriin wixii u dhaxeeyaa waa Yacyacoode”. Madax iyo Mijo isku maran.

Somaliland Shirkii Khaatumo 2, ee ka dhacay magaalada Taleex, aanse helin gurbaan garaacii shirkii Garoowe oo kale, laguse suntay inuu horseed u noqon doono midnimada Soomaali, ayaa markii la soo gabagabeeyey, Siilaanyo weerar ku qaaday magaalada Buuhuudle, ismaqiiq cad iyo meel dayashao la’aan. Isma weydiin maxaa soo kordhay? Mana xog waraysan, maxaa lagu heshiiyey? Wallidiisu dadka dhan ayey ka yaabisay.

Siilaanyo oo markii horaba ku hawllanaa garaadyo xirid, isku shaandhayn Wasiirro, midkaan xil ka qaad ee kan u dhiib, magacaabid gudoomiye gobol, degmo iyo tuulo, ayaa shirka Khaatumo 2 lagu go’aamiyey maamul goboleed, saskii uu ka qaaday waaba la ogaa, wali wuxuu ku jiraa shoog, malaha wuxuu islahaa SSC ma dhisan karaan maamul ka madax bannaan Somaliland iyo Puntland?.

Way fiicnaan lahayd inuu caqligu shaqeeyo, garashada la adeegsado, goobaynta iyagaa billaabee, haddii laga gobolaystay maxaa guhaadda keenay? Maxaa wiil Soomaali u go’ayaa? Maxaa hooyo Soomaali u gablami? Maxaa afo Soomaali Asay gambo u qaadi? Dadku waa xidid, xigaalo, walaalo, daris iyo ood wadaagemiyeysan habboonayn, inaan la kala dilin?.

Sanadkii hore London waxaa la qabtay shir ay isugu yimaadeen masuuliyeen ka socday Waqooyi iyo Koofur. Kii xigay wuxuu ka dhacay Istanbuul, buuqii ka dhashay wali waa taagan yahay. Haddaba weyndiinta koowaad ee la xiriirta wadahadallan ayaa ah, ma waxaa wada hadlaya dawlad iyo maamul? Mise waxaa wada hadalaya dawlad iyo qabiil? Illeen Maamulka Silaanyo, hadduu shalay ku doodayey inuu ka taliyo Sool, Sanaan iyo Cayn, maanta maamul dadka deegaanku doorteed ayaa ka dhisan, oo la yiraa: “Khaatumo State” ma tixgalin dookha dadka deegaankee, maalintii uu maqlay ayuu weerar ku qaaday.

Taa waxaa dheer in dhawaan lagu dhawaaqay maamullada kala ah Maakhir State iyo Awdal State oo sida Khaatumo State sheegay inaysan ka mid ahayn Maamulka Somaliland, haddaba sidee laga yeelayaa maamulladan? Illeen waaa waaqic aan hore u jirinoo, hadda ku soo siyaadaye? Kaaga darane, waxayba la taagan yihiin Soomaali Weyn ayaan doonaynaa, Go’itaan iyo Gooni isu taag mid dooni maynno, hadalkoodu dhagaysi ma mudna miyaa? Yaab

Safarkan iyo socodkan omoska badan, ee aan ku soo qaatay dhulkii, waxaa iiga soo baxay sida dadku u bahaloobay, ee looga fogaaday Dhaqankii suubbaanaa, ee lahaa, SARRIIGTA, YAXYAXA, XISHOODKA, TANAASULKA, QADDARINTA, WADAAGGA, BERRI U NOOLAASHADA [waxaa lagu badalay HADDA U NOOLAASHO] WADAJIR, XISHMAD, …. bal adba sii wad.

Waxaa iiga soo baxay magacan ah DHIMAAL DHAQAN, ee ka yimid DHALANROGGA iyo DHAQANGUURKA dhacay iyo WADAADDADII oo noqday kuwa DHAAN RAACAY iyo kuwa DHAQAN DHAWAANGAL ah la yimid, oo DIIN ka dhigay. DACARTII ay qoosheen dadka markii ay wada gaartay, maanta iyagiina ayaa GACAN ku GAMBAD ah. “God sireed ha Qodin, haddaad Qoddana ha dheerayn, ku dhici doontide, ma ogide!” dhagartay nala rabeen iyaguna ha nala dhadhanshaan.

Intaa aan ka sheekeeyey, ee TUULO, DEGMO iyo GOBOL leh, xasaradi ha ka taagnaato ama yeysan ka taagnaane, waxay ka midaysan yihiin, waa in xaajadu mar walba dabada la galayso BEEL, QABIIL ama REER. Haddana, waxaad moodda inaan wali la garan taa.

Waa maroo xallinta khilaafaadka QABQABLE, QASWADE, XAARAAN KU NAAXYADA, PROF DAGAAL OOGE ah ama WADAAD DHIIGYA CAB ayaa had iyo jeer TALADA laga goobaa. Waa marka labaade, mar walba oo beesha laga tallaabsado, waxaa sii kordha, laba laabma is faham la’aanta, guuxa colaadeed iyo sii kala fogaashaha. Bal adba u fiirso sida xaalku yahay maalmahan.

Saw nalama gudboona inta Siyaasi bug iyo been wada aan ku baad iyo biyo beeli lahayn, in beelaha wada daga ee dariska iyo ood wadaagga ah iyagu wada hadlaan? Saw ma qummana in in aan dib loo sii kala fogayn dadka? Saw ma aha inaan dib loo horin colaado damay? Saw ma habboona in wax lagu qaato waqtiga waxna laga barto waayaha? Saw waajib inaguma ahan inaan wax ka baranno maalmaha, gaar ahaan dagaalladii sokeeye, eenba wali dhammaan? Hadba hore u sii wad weydiimaha.

Aqriste, xaalka wadanku waa sidaaye maxaad ka garatay? Ha moodin inaan hilmaamay magacyada faraha badan ee la leeyahay waa Axsaab, ma moogi inay yihiin magac u yeel oo xitaa lama dhihi karo magac u yaal, sidaa awgeed magacaad doonto la baxe, waxaa muhim ah wax qabadkaaga iyo wax tarkaaga.

Ugu dambayn, Cawrala Cilmi Qurac [AUN] oo noolayd Qarnigii tagay horraantiisa qiyaas ahaan, ahaydna qof aad u xigmad badnayd, aadna looga yaqaannay deegaanka Gobollada Dhexe ayaa laga reebay xigmaddan. Bal u fiirsoo, inta Soomaali qasee, ama sida ay u qasantayba, qodobbada ay meerisyadan miidda ah ku sheegtay ayey ku qodban yihiin, ee bal adba wax ka baxsan car ka soo hol, waxayna tiri:

Haddan shayb talada loo dayn

Shugle naaga laga qaban

Oon shanshada hilibka loo badin

Oon Shiikh durista laga dayn

Oo shar ninkeeda lagu gubin

Adduun shay ba’ay ka soo qaad!

Bashiir M. Hersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s