Allaylehe: Maanta Saw Mari Maynno Meeshii Carabi nala Maagganayd?!

 

Allaylehe: Maanta Saw Mari Maynno Meeshii Carabi nala Maagganayd?!

 

Bulsho walba dhaqankeed, umad waliba hiddeheed, qawmiyad kasta caadadeed, qaran walibana astaantiis, luqadda iyo midabku waaba saldhigga umad lagu sooco, isku duubee waa gaar noqoshada shacab uu kaga duwan yahay shacab kale, haba isaga ekaadeen qacda hore iyo hab dhawaqa xarfaha iyo soo saaridda codka, haddna aad ayey u kala fog yihiin marka aad u si fiican ugu dhabba gasho, gaar ahaan umadaha ood wadaagta ah ama isku cirqiga ah, kuwaas waa adag tahay si aad marka hore ku kala saarto, haddaadan aqoon fiican u lahayn ama aadan ka garan luqadda iyo afka ay ku hadlayaan.

Qormada maanta waxaan kaga hadlaynnaa waxa naga soo galay dhanka Carabta, guud ahaan Aadanuhu waa isa saameeyaa, wuxuu ka kooban yahay mid la saameeyo iyo mid wax saameeya, si gaaban wuxuu yahay saameeye iyo la saameeye, qaab saamaynta iyo ujeedka ka dambeeya wuu kala gadisnaan karaa, waxayse isugu wada ururayaan qabsasho iyo maarayn, waxaase ugu xun midka ku dhaca dhaqanka hiddaha Afka iyo maanka, ee ay ka dhalato is liidid iyo is qiima tir uuna u arka qofka kale inuu ka sarreeyo ama wax dheer yahay.

Carabta mudda ayaan daris ahayn marna ay naga dhaxaysay xiriir ganacsi iyo mid aqooned, sidii Diinta Islaamku u soo gashay gayiga Soomaaliyeed waxaa yimid Carab ka soo qaxday dhulkii ay daganaayeen, taariikhdu waxay sheegtaa inay soo degeen reero ka soo cararay cadaadiskii xukunkii dawladdii Cabbaasiyiinta, waxay ka heleen soo dhawayn wacan iyo marti galin aad u wanaagsan, balse abaalkaa waxaa maanta lagu magay tarxiil iyo badda oo lagu daadsho!, dhanka kale ganacsi ayaa kala dhaxayn jiray Carabta Soomaalida, gaar ahaan waxyaabaha wax lagu udgiyo sida: Uunsiga Fooxa Beeyada IWM.

Xiriirkaas fogaa ee u dhexeeyey Carabta iyo Soomaalida waxaa ka soko maray mid dhacay xilliyadan dhaw, intii lagu guda jiray halgankii xornima doonka raggii horboodayey xiriir sidaa u muuqda lama lahayn Carabta marka laga reebo dawladda Masar, xaalku sidaa ayuu ahaa xornimadii ka dib, Carab marka la soo hadal qaado waxaa carabka lagu dhufan jiray Masar, oo arday Soomaali ah u fidin jirtay deeqo waxbarasho, ayna u joogeen ergo ka socota dawladda Masar, dal kale oo Carbeed oo la soo hadal qaado ma jirin, xitaa Yamanta xoolaha loo dhoofin jiray oo dad badan oo Soomaali ah ay deganaayeen sida Masar ugama dhex muuqan bulshada.

Arinta oo sidaa ah waxaa curtay kacaankii ciidanka oo go’aan ku qaatay in Soomaaliya lagu daro daladda dawladaha Carbeed, waase su’aale maxay Soomaali ka dhaxashay ku biiritaanka daladda dawladaha Carbeed? Si ahaan dawladdii military si fiican ayeyse uga hortagtay qorshayaasha Carabtu wateen, haba jiro mashruucii loo baxshay Carabaynta Soomaaliya ee la magac baxay: Man anta? Ana Jamac, oo buugaag loo soo daabacay, haddana ma dhaqan galin intii a jirtay dawladdii Soomaaliya, haddaba maxaa dhacay burburkii dawladda ka dib? Waa jawaabta aan ku baadi goobaynno qormada.

Dalka gees-ka-gees waxaa ku faafay hay’ado Carbeed oo dhammaan wada wata magaca Islaamka, kuna magacaaban deeq bixiyaal iyo gargar wadayaal, hay’adaas waxay keeneen qorsha ka dhan dhaqanka afka iyo hiddaha Soomaaliyeed, qorshuhu mid qayaxan oo muuqda ma ahayn, balse waxaa laga garan karaa hab dhaqankooda iyo waxa ay sameeyeen inta lagu guda jiroa burburka, waxyaabaha ay qabteen waxa ugu muhimsanaa maan doorinta dhalinyarada Soomaaliyeed, oo runtii ah midda ay sida adag xoogga u saareen, maxaa yeelay barnaamijyadooda inta badan waxaa lagu beegsaday dhalinta, iyada oo loo adeegsaday kuwo isku sheegay wadaaddo iyo mashaa’ikh!.

Maan doorinta dhacday ma ahan carabtu mid ay Soomaaliya kaliya la beegsatay, balse Soomaaliya waa dalka iminka ay marxaladiisu socota, waxaa kaga horreeyey dawladaha Afghanistan, Indonesia, Turkey, iyo Pakistan, dalalkaas muslinka ah balse aan ka soo jeedin qawmiyadda Carbeed waxaa la dhadhan siiyey xanuunkii adduunka, waxaana u soo horkacay Carabta, fekerka xag jirka ee ay ku dhex beereen bulshada awgeed, wixii ka dhacay wadamadaa sagaashameeyadii waa la wada xusuustaa, waa isla xilliga la beeray xididka iminka silcinaya umadda Soomaaliyeed.

Waxaan ahayn umad muslin ah waligeen intii diinta islaan jirtay, waliba iyagu diinta waxay ku qaateen seef iyo cabsiye Innagu waxaan ku qaadanay doorasho sida taariikhdu xusto, intaas muslin ayaan soo ahayn waxna hallaysnaana ma jirin ama naga qaldanaa, ayaan darrase waxay dhacday markii Carabu soo fara galisay dhaqankeennii, kuna dhex beertay waxyaabo ay ku sheegeen diin, balse aan diin shuqul kulahayn marnaba, dadkeenniise loogu meershay inay diin tahay naga maqneed, ayna waajib tahay in la qaato.

Ila eega Soomaalaay xaggee ka dhacday gayiga aan dagannahay in mayd la waxyeelleeyo ama qabrigiisa la faago? Waxaa ku kacay qolyaha carabtu ay soo tababartay, waana midda aan uga jeeda meesha foosha xun ee ay caarbi na gaarsiisay, waa la dhihi karaa Carab ha eedayn dadkeenna ayaa doqonno ehe!, waa run aan caad saarnayn ninka Soomaali ah ee Carab cigaal weyn ka aqristay mayd faag ee lafo soo bixi inuu doqon yahay, balse waxaan doonayaa inaan muujiyo xilka ay Carabtu ku leeyihiin, maxaa yeelay maan Soomaali kama soo maaxan qabri faagiddu!.

Waxaa kale oo la dhihi karaa maxaa caarbta Muslinka ah ku tusay maad egtay ama wax ka sheegtid gaalada Soomaalida gaalnimada ugu yeeraysa? Taas waxaan ka dhihi lahaa ninkii gaal noqda ama diinta isaga baxa cidna waxba uma dhibin, in laga nabad galana u badi oo uusan cidna ku qasbayn isoo raac ama diinta ka bax, haddaba qofkee dhib badan; ma qofka wuxuu samaynayo ku ekaynaya naftiisa iyo inta ku xeeran ee raalliga ah? Mise qofka naftiisana halaagaya inta kalana gaarsiinaya? Waxaa hubaal ah inuu dhib badan kan dambe waana midda aan qalinka ugu qaatay!, taas macaneedu ma ahan inaan gaalnimo dadka ugu yeerayo, in kasta oo qof walbaa ikhtiyaar leeyahay.

Carabtu maan doorinta ay ku samaysay dhalinyarada waxaad ka arki kartaa inta magaca diinta wax ku dilaysa iyaga ayaa u horreeya, waxaa la dhihi karaa dhalinyaradu markii horaba saw qabiilka qoriga uma sidin, maxaa wadaadada loogu dhaliilayaa kaligood? Yaa ku yiri laguma dhaliilin qabiilku inuu xaabo dhalinta ka dhigto, teeda kale dhalintu marka ay qabiilka qoriga u siddo waa dhaqan soo jireen ah, balse wiil qori loo dhiibay ee lagu yiri walaalkaa soo dil isaga oo u aaminsan inuu gaal yahay ayey tahay midda aan ka hadlaynno!, waana midda iminka wadanka ka taagan carabtuna ay ka masuulka tahay.

Soomaaliya qalalaasaha waxay ku jirtay mudoo ku dhaw 20 sano, wali wadaad carbeed oo ka hadlayaa miyaad maqasheen? Ama wadaaddo Carbeed oo shir isugu yimid si ay uga hadlaan xaaladda Soomaaliya? Sidii ay u aamusnaayeen markii ay masraxa soo galeen wiilashii ay soo tababareen ayey iyaguna khadka soo galeen, ila xasuustii shirkii ka dhacay wadanka isutagga Imaardka carabta bsihii aynu soo dhaafnay, ee ay hurmuudka ka ahaayeen wadaaddo carbeed oo lagu sheegay inay caan ka yihiin dunida Muslinka, waxaa kale oo shirka ka qayb galay Sh.Shariif ma wuxuu uga qayb galay wadaad ahaan mise madaxweyne ahaan?.

Wadaad Carbeed maxaa ka quseeya xaaladda Soomaaliyeed? Haddii ay umad xalaala yihiin hanaga qabtaan caruurta ay sunta usoo meersheen ee madax maray dhalinteennii, waxaa la yaab ah sidii ay aamusnaayeen ayey iminka hurdada ka soo kaceen, kama ahan Soomaali gargaara ee iminka waxaa la dajinayaa qorshaha wajiga labaad sidii marxaladda xigta loola dhaqan galin lahaa, taas waxaa daliil u ah wadaadadaaan Carbeed ee la leeyahay waa caan xagay jireen labaatankii sano ee dhibka iyo silaca ku jirtay Soomaaliya? Mise ka dib ayey shasheen? Maya ee waxay iminka khadka u soo galeen waxay ka heleen raggoodii.

Waxaa ayaan darro ah marka arinta Soomaalina wax laga waydiinayo wadaad Carbeed, taas waxay kuu muujinaysaa heerka xaalkeennu gaaray iyo siduu u qiima beelay, oo habartii cidaba wax looga waydiinayo xaalkeenna, sun carbeed hannooga ekaato inta ay balaayo noo qoosheen, sidaas waxaan u leeyahay waxaan haynnaa maanta natiijadii ka dhalatay fekerkii carbeed, qarax, isqarxin, miino-aasid, jihaad, janno, gaal, gaaloraac, xukun islaan, dawlad islaan IWM.

Ugu dambayn waxaa hubaal ah inaan maanta maraynno meeshii Carabi mudda nala maaganayd, taas waxaa filayaa sharaxaad dheeraad ah aysan u sii baahnayn, qofba walbaana uu ka dharagsan yahay, waxaase ayaan darro ah inaan wali la dareemin sunta Carabtu nagu dhex wadday ama nagu dhex waddo iminkaba, waa hubaal in wax walbaa leeyihiin wax loogu soo dugaalo, waxaa jira cudurada qaar oo ay kiciyaan dawada cudur kale, sidaas oo kale diintii dawada laga filayey waxay isu badashay cudur!, wuxuu xaal marayaa: haddii Dawo bukooto maxaa lagu Dabibaa? Dadku waa inay gartaan dhibka meesha uu ka jiro, cidda wadda iyo sida wax looga qaban karo ama looga hortagi karo!.

April, 2010

 Bashiir M. Xersi

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s