Dhalanrogga Carabta!

Dhalanrogga Carabta!

Bulsho waliba dhaqankeed, umad waliba hiddeheed, qawmiyad kasta caadadeed, qaran walibana astaantiis, luqadda iyo midabku waaba saldhigga umad lagu sooco, “DADKU AFKA AYUU ISKU GARTAA, XOOLUHUNA URKA” isku duubee waa gaar noqoshada shacab uu kaga duwan yahay shacab kale, haba isaga ekaadaan qacda hore, hab dhawaqa xarfaha iyo soo saaridda erayada, haddana aad ayey u kala duwan yihiin, markaad u sii dhabba gasho, gaar ahaan umadaha ood wadaagta ah ama dariska ah, kuwaas oo ay adag tahay in la kala saaro marka hore, hadaad aqoon fiican loo lahayn, ama aan laga garan luqadda iyo afka ay ku hadlayaan.
Qormada maanta waxaan ku eegaynnaa waxa naga soo galay dhanka Carabta, guud ahaan Aadanuhu waa isa saameeyaa, waxayna kala yihiina: “saameeye iyo la saameeye”, ujeedka iyo qaab saamayntu kala duwan, waxayse isugu wada ururayaan “qabsasho iyo maarayn”, saamaynta waxaa ugu xun midka ku dhaca: “dhaqanka hiddaha Afka iyo maanka”, ayna ka dhalato is liidid iyo is qiima tir, loona arko qofka kale inuu kaa sarreeyo ama wax ku dheer yahay.
Darisnimida Carabta xiriirka ganacsi iyo diin wadaagga ka sokow, wadanka waxaa yimid Carab ka soo qaxday cadaadiskii maamulladii xukunka ku loolamayey, waxayna Soomaalida ka heleen soo dhawayn wacan iyo martigalin wanaagsan, waxaase abaalkaa maanta lagu magay: “tarxiil tacaddi iyo baddoo lagu daadsho!”.

 

Doodo xooggan ayaa ka taagan Carabnimda Soomaalida, waana meesha sartu ka quruntay, ayna sii xoojisay Soomaalida oo ku biirtay Jaamacadda Carabta iyo mashruucii loo baxshay Carabaynta Soomaalida ee la magac baxay: “Man anta? Ana Jamac”, oo buugaag loo soo daabacay, haddana aan dhaqangalin xilligii dawladda, haddaba maxaa dhacay burburkii dawladda ka dib? Waa jawaabta aan ku baadi goobaynno qormada.
Dalka gees-ka-gees waxaa ku faafay hay’ado Carbeed oo dhammaan wada wata magaca Islaamka, kuna magacaaban: “gargaar iyo deeq bixiyayaal”, hay’adahaas waxay wateen qorshe ka dhan ah dhaqanka afka iyo hiddaha Soomaaliyeed, qorshuhu mid qayaxan oo muuqda ma ahayn, balse waxaa laga garan karay lagana garan karaa hab dhaqankooda, waxyaabaha ay qabteen waxa ugu muhimsan maandoorinta dhalinyarada Soomaaliyeed, oo runtii ah midda ay xoogga saareen, maxaa yeelay barnaamijkooda inta badan waxaa lagu beegsaday dhalinta, iyada oo loo adeegsaday kuwo isku sheega wadaaddo iyo mashaa’ikh!
Maandoorinta dhacday ma ahan carabtu miday Soomaaliya kaliya la beegsatay, marxaladda Soomaalida ayaase iminka socota, waxaa ka horreeyey dawladaha Afghanistan, Indonesia, Turkey, Sudan Mauritania iyo Pakistan, dalalkaas muslinka ah aanse ka soo jeedin qawmiyadda Carbeed waxaa la dhadhansiiyey xanuunkii adduunka, waxaana u soo horkacay Carabta, fekerka xagjirka ah ee ay ku dhex beereen awgeed, wixii ka dhacay wadamadaa sagaashameeyadii waa la wada xusuustaa, waa isla xilliga la beerayey xididka iminka silcinaya umadda Soomaaliyeed.
Waxaan ahayn umad muslin ah, Carabtu diinta waxay ku qaateen seef iyo cabsiye, Anaguse waxaan ku qaadanay doorasho iyo dookh, Anaga iyo muslinnimada wax naga hallaysnaa ma jirin ama naga qaldanaa, hoogse wuxuu dhacday markay Carabi fara galisay dhaqankeenii, kuna dhex beertay sun ay “diin” ku sheegayaan, aanse diin shuqul ku lahayn marnaba, balse dadkeenii loogu meershay inay tahay diin naga maqneed, ayna waajib tahay inaan qaadanno.
Ila eega Soomaalaay, xagee ka dhacday gayiga aan dagannahay in mayd la waxyeelleeyo ama qabrigiisa la faago? Abid maydku maamuus ayuu lahaa, wuxuu rabo ha ahaado, maantase xushmadda waa la dooriyey, waxaa la dhihi karaa Carab ha eedayn dadkeennaa doqonno ehe!, hubaal aan caad saarnayn ninka Soomaali ah ee Carab Cigaal dheer ka aqristay mayd faag ee lafo soo bixi inuu doqon yahay!, waxaanse doonayaa inaan muujiyo xilka Carabtu ku leeyihiin murugadan taagan, maxaa yeelay maan Soomaali kama soo maaxan qabri faagiddu!
Waxaa kale oo la dhihi karaa maxaa Carabta Muslinka ah ku tusay? Maad eegtid ama wax ka sheegtid gaalada Soomaalida gaalaysiinaysa? Taas waxaan ka dhihi lahaa, ninkii gaal noqda ama diinta isaga baxa cidna waxba uma dhibin, in laga nabad galana u badi, oo uusan cidna ku qasbin isoo raac iyo diinta ka bax!

 

Haddaba yaa dhib badan: qofka waxa uu samaynayo ku ekaynaya naftiisa iyo inta ku xeeran ee raaliga ka ah? Mise qofka naftiisa halligaya inta kalana gaarsiinaya? hubaal inuu daran yahay kan dambe, waana midda aan sadaradan u qorayo qalinkana u qaatay!, taas macaneedu ma ahan inaan gaalnimo dadka ugu yeerayo, qof walbase isaga ayaa ikhtiyaar leh.
maandoorinta Carabtu dhalinyarada ku samaysay waxay ku cudday, inay ugu horreeyaan inta magaca diinta wax ku disha, waxaase la dhihi karaa: dhalinyaradu markii horaba qabiilka ayey qoriga u wadeen, ee  maxaa wadaadada loogu dhaliilayaa kaligood? Sax, yaase ku yiri laguma dhaliilin qabiilku inuu xaabo ka dhigto dhalinta, teeda kale dhalintu markay qabiilka qoriga u siddo dhiigga dadka ma bannaysto, waana ogyihiin inay qalad galayaan, waxaase ka xoog badiya ciriqa qabyaaladda, haddaba qori u qaadidda qabiilka waa dhaqan soo jireen ah, balse wiil qori loo dhiibay ee lagu yiri walaalkaa soo dil, Isagoo aaminsan inuu gaal yahay ayaan ka hadlaynnaa!, waana midda iminka wadanka ka taagan ee Carabtu masuulka ka tahay.
Sanadaha burburka Carabi waxay noo duugtay sun ay ku macnaysay diin, aanan ka dheefin wax aan waxyeello ahayn: qarax, isqarxin, miino-aasid, jihaad, janno, gaal, gaaloraac, xukun islaan, dawlad islaan IWM, wiil dhalo xiiran oo dhakada qayd cas ugu xiran yahay, Aayado iyo Axadiith uusan ujeedkooda iyo ka jeedkooda garanayn daliilinaya, ee go’aansaday inuu isqarxiyo naftiisana halaago dadna sii jallaafto, ayaa ah midda Carabi nala rabtay aanna maanta haynno.

 

Dhaliisha Carabta kaliya ma lahan,  ee  wadaad xume iyo qof walboo taageeray Wadaadadii halaagga ayaa la wadaaga, niyadsami iyo wanaag jacaylba ha ahaato, maxaa yeelay waxa umadda qarxinaya qudha ka goynaya gamcaha iyo lugaha jaraya waa dhashii wadaadada iyo dhacaankoodii, maanta iyo shalay wax sidaa ah kuma kala duwana, malaha falalkii xumaa ee ay wadaadadu ka caajiseen ayey dhalintu dhamaystirayaan, oo wadaad xume goys dambeed ayuu ka dhoolla caddaynayaa, Carabtuna qosol ayaa qaaxadu la caddaatay.

 

Eeg sida maanta loo nacay Alshabaab, iyo sida loo marxabbeeyey Maxkmadaha, maxay ku kala duwan yihiin? Kan dambe ma helin waqti uu ku fuliyo falalka xun xun, oo noqday Tuke Caano helay ee kas darro isaga daadshay, kan horana wuxuu noqday nin waqtigiisa si fiican uga faa’iidaystay, intuu dhibi karo dhibay, wuxuu qasi karo qasay, ee dadow maan dhinac iska dhigno laab la kaca iyo wixii cusub caalamkaa jecel!

 

Ugu dambayn waxaa hubaal ah inaan maanta maraynno meeshii Carabi mudda nala maaganayd, waxaase ayaan darro ah inaan wali la dareemin sunta Carabta, oon wali wada suuxsanahay, hubaal in wax walbaa leeyihiin wax loogu soo dugaalo, waxaa jira cudurro ay kiciyaan dawada cudurro kale, sidaa oo kale diintii dawada laga filayey ayaa isu badashay cudur!, wuxuu xaal marayaa: “haddii Dawo bukooto maxaa lagu Dabibaa?”, ama meeshuu Marx ka yiri: “Diimuhu waa dhibka umadaha” , haddaba dadku waa inay gartaan dhibka meesha uu ka jiro iyo cidda wadda, si loo badbaadsho dhulka dhaqanka iyo dhallaanka.

October, 2011
Bashir M. Hersi

Advertisements

7 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s