Shirka London: DIYADA ka hor DUUG baa la dhiibaa!

Shirka London: DIYADA ka hor DUUG baa la dhiibaa!

 

Sidii madaxdan cusub [Guddoomiye Jawaari iyo Madaxweyne Xasan Ra’iisal Wasaare Saacid] loo caleema saaray, ayaa waxaa soo badanaya erayada ammaan la moodka ah, ee loo jeedinayo, balse, quus iyo qiyaas la’aanta ku taagan. Waxay ka billaabatay magacyada aysan lahayn ee aqooneed ee mar walba loogu yeero ama magacooda laga hormarsho, sida PROF. Taa oo meel ka dhac ku ah xeerarka qoonta iyo darajoonka waxbarashada, haddana, iyagu qaate, asii aan laga soo dhicin, la yiri: “Dhurwaagii la tag u bartay, ka dhiciya ku adag!” sida loo helayo Ugaasyo been abuur ah, Wadaaddo Kitaabgaabloowya ah, kaba darane, dadka xabbad la dhacaya, ayaa dhankan kalana loo dad badbadsay, oo magacyadii aqooneed dad aan mudan una qalmin lala jeclaaday.

Hubaal in saddax GAFANE midkood laga raystay, oo kala ah: QABQABLE, WADAAD WARANLE ah iyo Mooryaan ay iyagu dhaleen. Haddana, taa macnaheedu ma ahan in guushii hubbanayd iyo guntii la gaaray, balse, waa billow fiican. Weydiinta baase ah, billowgan yaa mudnaanteeda leh? Qofba sida uu doono ama reerkiisu jecel yihiin, kaba sii muhimsane, masuulka ay bahdwaagta yihiin, ayuu ku dhihi isaga la’aantiis waxaa ma dheceen!

Balse, xaqiiqda la iska indha saabayo baa ah, Ciidamada Afrika ee AMISOM ku magcaaban, ee leh Ugaadhiiska, Burundiga, Jabuutiyaanka, Siiralyoonka IQB haddaba, iyadoon xaiiqda iyo waaqica na horyaal laga boodin, ma talo SHARIIF, FORMAAJO, SHARMARKE iyo GAAS ayaa guushan lagu gaaray? Aan idin weydiiyee, nin walba siduu xilka u waayey ka dib yaa arkay?

SHARIIF markii u horraysay isagoo English ku qudbayna ayaa la arkay, ka dib markii uu USA isu dhiibay Deeq Waxbarashana ka helay. Waaba iga xasuusine, saw markii hore kuma habboonayn inuusan waxbarashada ka sagsaagin, mayee, inuusan ka sii jeesan, anagana waqti naga lumin?!

FORMAAJO maalintii Ra’iisul Wasaare Saacid la magacaabay maalintii xigtay ayuu Muqdisho Diyaarad ka qaatay [dhoofay], dib looma maqal cod iyo coodkiis midna, malaha wuxuu ku jiraa: “Baroor” uusan doonayn inaan dadku la maqal?.

SHARMARKE, ka dib markuu heshiis dhagareed la soo galay Maamulka Bari, oo eex iyo sad bursi ku salaysnaa,  xilkana ku badashay laba Malyuun oo Dollar ayuu maanta wuxuu laaqayaa Magaalada Kismaayo iyo arimaha Jibbooyinka. Bal adna is weydiiye, Muqdishuu ku dhashaye, maxaa Kismaayo ka yaalla? Sida dhaqangashay, caadina noqotay; “KUMA DHALAN, MANA U DHALANE” oo labadan tilmaamood midna buuxin maayo, o haddaa muxuu ka samayn? Adba garo.

Gaas ayaa maalmahan marna Maamulka Bari ruxa oo gilgila marna CAYMIYE isugu sheega. Ayaandarro ayaa ah inuu maanta na leeyahay anaa dalka [Soomaaliya] ka badbaadshay in la qabsado! Shalay isagaa u soo horkacay Keenyaanka oo Madaxweyne Shariif inta daba maray heshiis la soo galay. Kaba sii muhimsane, isagaa shalay taageersanaa Xabashi inay dalka qabsato dadkana xasuuqdo. Malaha maalintaa C/laahi Yuusuf ayaa u muuqday iyo han aan jirin.

Sida kuwaa loo ammaanayo, walina aysan muuqan waxa ay ku mutaysteen, ayaa kuwan cusubna lagu billaabay ammaantii, waliba iyadoon la baran, si fiicanna loo daraaseyn waxa ay qabteen ama soo kordhiyeen. Gabar baa hadda ka hor waxaa la yiri: “Naa Heblaayo; Nin baa lagu siiyey!” saa waxay tiri: “Al Xamdu Lillaahi” saa lagu yiri: “Maxaad ugu darin; Rabbil Caalamiin?” saa waxay ku warcelisay: “Markaan aqalgalo, ayaan ku dari doonaa!” oo ka dhigan marka hore aan iska arko, dhadhanso, ka dib ayaan dhaxalgalkiisa ogaan karaa.

Hadda, iyadoon taa dhicin, madaxda cusub ee dawladda ayaa lagala kordhacay ammaan, waxaase iigu darraa, kuwa ku ammaanay inaysan dagaal hurin, oo ay tahay dawlad nabadeed. Alla dadka xasuus yaraa! Dawladdii Carta ee C/qaasim, Xamar oo dhan walba Qabqable, Mooryaan, Malleeshiyo iyo Hubba ka buuxaan ayey saddax sano ku dhammaysatay iyadoon hal xabbo ridin.

Haddana, looma aayin, oo waa tii Sicir bararka iyo Maciishaddoo kor u kacda horseed u noqotay, berigeediina xaaraan ku naaxyado ay soo daabacdeen Shilin Soomaali been abuur ahaa, dabcan, iyaba lug ayey ku leheede, haddana, eraga lagu suntay wuxuu ahaa: “Cabdi Qaajo!” dawladdana waxaa loo baxshay DAWALDDA XAWAALADAHA. Sicir bararka waddanka ka dahcay, qof isu xilsaaray ma jirto, madaxweynuhu waaba diiday inay sabab u yihiin Ganacsatada, illeen Wasiirka Maaliyaddu waa XAWAALADLEE.

Aan u laabto dulucdo sare, oo yeysan ila durgin xagasho taariikhyo madoobe. Waxaa madlan kulan lagu doonayo in dib loo mideeyo Waqooyi iyo Koofur. Laba kulan ayaa hore u dhacay, mid sanadkii hore ayuu ahaa, oo ka dhacay London, kan kalana bishii ina dhaftay ayuu ka dhacay Istambuul. Haddana, saa ay tahay waxaa jira weydiimo badan oo aan cidna ka jawaabin, qaar waxaa soo bandhigay danleeyda ay qusayso, oo caadifaad qabiil ka keentay asii ah xaq aan la dafiri karin, qaarka kalana, sida caadada noo ah, maba nagu soo dhicin.

Weydiinta baa ah, horta Waqooyi iyo Koofur marna ma kala go’een? Adigu haa baad i leedahay, anna maya baan ku leeyahay. Maxaa yeelay maamul dawladeed oo la dhisay burburkii ka dib, oo aysan Wasiirro, Xildhibaanno iyo Danjirayaal ku yeelan beelaha Waqooyi daga ma jirin, Reer Koofurka intaa iyaga mansab, maal iyo magac ayey la qaybsanayeen, iyaguna… adba dhammaytiro.

Haddii ay xaq tahay in la midoobo, horta yaa midoobaya? Hase la midoobee, maxaa lagu midoobayaa? Waxaan uga jeedaa, Waqooyi iyo Koofur kala nabad roone, horta saw ma habboona inta aan lagu degdegin midawga, in Koofur si fiican loo xasiliyo? Illeen Waqooyi dhul ahaan miishiisa ka guuri maayee.

Waxaan taa uga jeedaa mar kale, in haddii wali aan la garanayn Muqdisho dhanka ay u jeeddo, kaba garo Waddooyinka saddax maalin xirane, ama dhacdadii Maxkamadda Gobolka Banaadir maalin caddeeyey lagu weeraray. Sidoo kale, Afgooye, oo boobku ka mid noqday nolol maalmeed, ha illaabin Kufisaga aan xadka lahayn. Dhanka kale, magaalada MARKA xaalkeeda ma deggana, haba laga badbadshee, haddana, waxbaa isku laban.

Baydhabo, wali ma caga dhigan, hadda oo Xabashidii Baay iyo Bakool isaga bexeen, Alshabaab saw soo dhooban maayaan? Jubbooyinka ka hadal ma leh, inta masuul oo dawladda ka tirsan ee tagay ee waxba ka soo qaban waayey tiro ma lahan, mararka qaar SHAN Wasiir ayey ku tageen, waxaanau dambeeyey socdaalkii Saacid ee aysan waxba ka soo bixin.

Dhanka kale, mudane Faroole oo sharci darro xukunka ku  haysta ayaa madaxda Dawladdu booqdeen, aan si kale u dhehee, isagoo xaruurug ah ayey nafta ku soo celiyeen, adba ka garo erayadii uu ku billaabay hadalkiisa markuu Madaxweyne Xasan la kulmay “in badan baan idin sugaynnay” waa su’aale, haddii Faroole mudan yahay taa, saw kama dhigna inaan la tixgalin rabitaanka dadka Gobolladaa dega? Kaba muhimsane, saw meel loogama dhicin axdiga Federaalka “Beelaysiga” illeen beelihii ninkaa markii hore soo doortay, maanta waxay taagan yihiin, NA DHAAF iyo NAGA HOR LEEXO!  Haddaba muxuu ka duwan yahay hoggaamiye kooxeedyaddii shalayto Koofurta iyo Bartamaha jujuubka ku haystay? Illeen iyaba rabitaan dad iyo Rabbi ka cabsi midna kuma joogine.

Ma ahan markii ugu horreeyey ee hadallada midab takoorka iyo isir nacaybka ku salaysani Faroole ka soo yeeraan. Maamulka Bari laba mid ba waa uga baxay gobolaysi wa mide shidaal ayey qodonaysaa, wa midda labaade Dastuur ayey ansaxsatay, inay lacag soo daabacanayaan Wasiirka Maaliyadda ee maamulka ayaa sheegay, wixii iminka ka dambeeya waa Dal go’an iyo dad dhalasho leh.

Marka laga soo tago sanadka uu ku darsaday Faroole ee uu ka raad raacay Shariif, waxaa la yaab ah, inaysan sida Somaliland u caddaysan inay go’een, “Kulama joogo Kaamana maqni” waa kadeed ee bal dhan may u bataan? illeen “Bisayl iyo ciiriin wixii u dhaxeeyaa waa Yacyacoode”.

Midda ugu daran baa ah, tan ka taagan DEEGAANNADII HORE LA ISUGU ORAN JIRAYSomaliland” waxaa ka filliirmay Maamulka Khaatumo State.

Shirkii dambe ee Istanbuul buuqii ka dhashay wali waa taagan yahay. Haddaba weyndiinta koowaad ee la xiriirta wadahadallan ayaa ah, ma waxaa wada hadlaya dawlad iyo maamul? Mise waxaa wada hadalaya dawlad iyo qabiil? Illeen Maamulka Silaanyo, hadduu shalay ku doodayey inuu ka taliyo Sool, Sanaag iyo Cayn, maanta maamul dadka deegaanku doorteed ayaa ka dhisan, oo la yiraa: “Khaatumo State” ma tixgalin dookha dadka deegaankee, maalintii uu maqlay ayuu weerar ku qaaday.

Taa waxaa dheer in dhawaan lagu dhawaaqay maamullada kala ah Maakhir State iyo Awdal State oo sida Khaatumo State sheegay inaysan ka mid ahayn Maamulka Somaliland, haddaba sidee laga yeelayaa maamulladan? Illeen waa waaqic aan hore u jirinoo, hadda ku soo siyaadaye? Kaaga darane, waxayba la taagan yihiin Soomaali Weyn ayaan doonaynaa, Go’itaan iyo Gooni isu taag mid dooni maynno, hadalkoodu dhagaysi ma mudna miyaa? Yaab

Somaliland Shirkii Khaatumo 2, ee ka dhacay magaalada Taleex, aanse helin gurbaan garaacii shirkii Garoowe oo kale, laguse suntay inuu horseed u noqon doono midnimada Soomaali, ayaa markii la soo gabagabeeyey, Siilaanyo weerar ku qaaday magaalada Buuhuudle, ismaqiiq cad iyo meel dayashao la’aan. Isma weydiin maxaa soo kordhay? Mana xog waraysan, maxaa lagu heshiiyey? Waallidiisu dadka dhan ayey ka yaabisay.

Siilaanyo oo markii horaba ku hawllanaa Garaadyo xirid, isku shaandhayn Wasiirro, midkaan xil ka qaad ee kan u dhiib, magacaabid Guddoomiye Gobol, Degmo iyo Tuulo, ayaa shirka Khaatumo 2 lagu go’aamiyey Maamul Goboleed, saskii uu ka qaaday waaba la ogaa, wali wuxuu ku jiraa shoog, malaha wuxuu islahaa SSC ma dhisan karaan maamul ka madax bannaan Somaliland iyo Puntland?.

Way fiicnaan lahayd inuu caqligu shaqeeyo, garashada la adeegsado, goobaynta iyagaa billaabee, haddii laga gobolaystay maxaa guhaadda keenay? Maxaa wiil Soomaali u go’ayaa? Maxaa hooyo Soomaali u gablami? Maxaa afo Soomaali Asay gambo u qaadi? Dadku waa xidid, xigaalo, walaalo, daris iyo ood wadaage, miyeysan habboonayn, inaan la kala dilin?.

Haddaan inyar u laabto cinwaanka qormada, sida caadada ah, markii qofi ku dhintay gacan kale, KAS iyo KAMA’ miday noqotaba, waa ta la yiraa: “Dhib hadduu dhaco, Dhabbaqo meel beeshaye” waxaa ka wada xaajooda Odayaasha labada dhinac, ee dhibbanaha iyo dhibgaystuhu ka soo kala jeedaan.

Sida dhaqanka iyo caadada ah, inta aan MAGTA oo Boqol Halaad oo Geel ah la bixin, waxaa la sii hormarshaa wax loo yaqaan DUUG, oo ah qarashaad loogu tagalay in lagu daboolo wixii ku bixi laaa duugta, xabaasha iyo aaska, dabcan hadday wax ka soo hari karaanna, loogu dhigo Alla bari ama Sab qofba sida uu yaqaan.

Hormarinta duugta xigmad baa ku jirta ah, in la kasbado dareenka dadka uu qofku ka dhintay lana soo jiito, maadaama loo muujiyey in si degdeg ah gacan iyo hiil loogu siiyey sidii ay ku aasi lahaayeen maydka. Laga yaabee, inay dhawr maalin ka dib la baxsho maadaama aysan waqti go’an lahayn, balse, mar walba waa gacanqabsi aan laga maarmin, dadkana isu soo dhaweynaysa.

Tan kale ee laga dheehan karaa waa in xeerbeegtii dajisay, ay xoogga saareen in marna aysan dadku ku kala dhiman ama ku kala tagin qadaf dhacay oo dhimasho ama dhaawac keeni kara, ee ku talagal iyo la’aanba ku imaan kara. Maxaa yeelay noolaha ayaaba ka samaysan FAL socda, falkaa ayaa noqon kara mid dhiillo dhaliya ama isu soo dhawaasho.

Sidaa awgeed, Madaxweyne Xasan inta uusan xusulduub u galin MIDNIMO, oo ah wax MUQADDAS ah, saw ma habboona inuu xoogga saaro sidii uu Caasimadda nabad buuxda uga dhalin lahaa? Ila xasuuso falkii amni xumo kii ugu darraa, ee saacadaha lagu qabsaday Maxkamadda, ee soddomeeyo qof ku qur bexeen, ilama ahan inay iska dhacday, haddii aysan hoosaasin iyo hawl fududayn ka halin madax ka tirsan nabadsugidda. Haddana, isbadal la sheego ma muuqdo.

Sidoo kale, saw ma habboona mudane Madaxweyne in aad xoogga saarto Koofurta ugu yaraan sidii looga saari lahaa xoogagga Shar wadyaasha ee Alshabaab? Maxaa yeelay wax aad la shirta tagtaa meesha ma yaalliin aan ka ahayn in aad tahay MADAXWEYNAHA SIYAASADDA BEELAHA SOOMAALIYEED marka taa laga eego Waqooyiba waa ku jirtaa, balse, marka dhanka ammaanka, dhaqaalaha, dhigaalka iyo waxbarshada ay timaad, waxaan filaa in la kala baxayo.

Taa kaliya ma ahan, Mudane Madaxweyne adiga laguguma soo dooran FEDERAL, ee waxaa lagugu soo dortay AFAR iyo BAR, taa yaa igu diidi kara? Maxaa yeelay dad badan ayaa ku qaldama oo dhaha, waxaa lagu soo doortay FEDERAL iyo Dastuur. Ma ahan saa, ee hannaaka Dawladnimo ee Soomaaliya, ayaa la isla qaatay inuu noqdo FEDERAL ee ma ahan in Madaxweynaha FEDERAL lagu soo doortay.

Tan waxay dib ii xasuusin su’aal kale oo ah, horta Ku meel gaarkii ma laga baxay?! Dad badan baa qaba in laga baxay, aniguse maya. Sida dadkan loo qalday, ee loogu maladahay Diin Daraysan, sida Dhaqankii iyo Hiddihii looga dhigay dibaadnimo iyo wax ka hor imaanaya ilbaxnimada, sida dadkan Beelo iyo Qabyaalad loogu kala xiray, sida dadkan Xaaraan ku naaxyo u kala iibsadeen, sidaa si la mid ah baa loo soo qabadsiiyey erayo aan jirin, oo aan waaqica la xiriirin, aan kuu tusaaleyo aqriste, ee bal sadarran sii dhugo: Maxaa yeelay marka aad eegto sida ay wax u dheceen iyo waxa dhacayaba, waxaa kuu soo baxaya inaan laga bixin KU MEEL GAARKII, waxaanna u cusknayaa dhacdoonkan kala ah:

1.      Dastuurka si ku meel gaar ah baa loo ansixiyey: markii ballantu ahayd in laga wada hadlo, la diid, Odayadiina la dabamari, kuwii gacanta u tagana lagu raad tiray.

2.      Dastuurka si ku meel gaar ah baa loogu dhaqmi doonaa: haddii Dastuurka si ku  meel gaar ah loo meelmarshay, si ku meel gaar ahna afarta sano ee soo socota loogu sii dhaqmayo, sidee nalooga dhaadhicinayaa, waxaa dhammaaday KU MEEL GAARKII oo laga baxay, saw ma ahan indha sarcaadis iyo indha carrayn?! “Cidi yey ku garan waaye, Ciira isku qari weeye, u casee indhaha weeye”

3.      Xulidda Xildhibaannada: intii dawlado ku meel gaar ah la soo dhisay, Xildhibaannada waxaa soo xuli jiray Odayaasha Dhaqanka, wali ma dhicin in shacab soo doorto ama xitaa lagu saleeyo si hufnaani ku jirto, ee mar walba waxaa lagu soo daraa kuwii umadda dhibay ee dalkaan halaagga u horseeday Wadaad iyo Waranle, xildhibaannadanna sida kuwii hore waxaa soo xulay Odayaal.

4.      Awood qaybsiga Qabiillada: wali waxaa la dabbaqayaa hannaankii gurracnaa ee ku SALAYSNAA KALA SARRAYNTA SILLOON, bal Xildhibaan awalba beel matalayey, ee haddana la yiri beel hebel adaa ka fiican, maxaad ka filan? Ayna u sii dheer tahay inaan waligii khayr lagu arag, wanaagna lagu sheegin.

Taa waxaa ka sii daran, sidee ku dhacday, in Maamulka Siilaanyo oo si joogta ah weerarro aan kala joogsi lahayn ku haya deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn looga dhigo inuu matalo deegannadaa? Kaba muhimsane, haddayba iyagii la taagan yihiin ninkaa iyo inta ku aragtida ah nama matalaan, sidee ku dhacday in magacooda iyo deegaankooda wax lagu siiyo Siilaanyo?.

Hadallada macmalka iyo gacan ku rimiska ah ee fadhi ku dirirrada lagu yiqiinnay dadku iska soo qaatay waxaa ka mid ah Xildhibaan Cali Khaliif Galayr, oo dhawaan booqashadii Xasan Sheekh ee Maraykanka soo xigtay in Madaxweynuhu diiddan yahay Maamulka Jubbooyinka. Horta waa su’aale isagu ma hoggaanka Khaatumaa? Mise Jubbooyinkana inuu nuddeeda wax ka xiro ayuu doonayaa? Miyuusan xasuusan isagoo ciirsi la’ taagan in Madaxweyne Sheekh Shariif gacan gobeed u fidiyay, iyadoo waliba ay ka soo horjeedeed inta badan Wasiirrada Xukuumaddii Gaas iyo iyo Gaas qushiisuba?.

Dhanka kale, marka uu hadal suuqeedka la imaanayo, oo waliba quseeya gobol aan ahayn kii uu xaarxaartay, saw lama dhihi karo waxa ka keenay ka baxsan dhaleecayn Xasan Sheakh ama tilmaamid qaladkiis? Illeen hadday qusayn lahayd Khaatumo waaba loo qiilin lahaaye, oo la dhihi lahaa: Haa Odaygu meel kale ayaa wax laga tusay, madaama uu harjad adag ku jiro una dhexeeyo lama maamul oo aan jiritaanka Khaatumo doonayn.

Malaha Xildhibaan Galayr wuxuu illoobay, in Sheekh Shariif shirkii ugu dambeeyey ee LIXDA SAXAL ee ka dhacay Nairobi uu uga baxay si uu u soo dhiciyo in xulidda Xildhibaannimada Khaatumo ka soo galaya Baarlamaanka uusan afka u dhigan Faroole, oo horor ku ahaa arrintaa. Sidoo kale, maalintii la dhisay Khaatumo gogoshii u horraysay waxaa loo dhigay deegaanka Cadaado ee maamulka Ximan iyo Xeeb. Sida maalintaa loo turxaan baxshay, saw ma ahayn inuu Odaynimo uga qaybqaato sidii loo xallin lahaa Jubbooyinkana? Hubaal inaan reer Khaatumo la qabin aragtidaa, haddana, waxaa habboon inaan dadka lagu kala gayn been abuur.

David Cameron waa hubaa inuu mid ogyahay, aanse filayo inuu is moodsiinayo, oo ah dhibka Soomaaliya ku raagay ee la degay inay qayb qeyn ku leeyihiin. Taa awgeed, Saafarad ku sheegga Xamar ka furan ma xarun Jaasuuseed baa? Ma xarun gargaar baa? Inta ku faraxsan iyo inta ka didsanba, ee Soomaalida ah, waxay isku waaafqsan yihiin, in Ingriis khayer uusan soo wadin, oo waxaay wada leeyihiin: “ALLAW SHARTII NA DHINAC MARI!”

Midi waa muqaddas in la xuso, shalay Soomaali iyo Afrikoo dhan caddaan baa kala qaybsaday, [Shirkii Berlin sanadkii 1884] David Cameron Awoowgii ayaa ugu horreeyey, kaba xune, Awoowgii isagaa haddana abuuray Soomaali Galbeed iyo NFD, dabcan siyaasad xumadeenna kama marna tan dambe, shalay Xabashi iyo C/laahi Yuusuf iyagaa gacan iyo Gamuun siinayey, awalba Seefaf iyo Godimmo ayey noo haysteen, wixii ka dhacay waa la ogaa, ee lahaa khaasaro naf iyo maalba ah.

Maanta David Cameron muxuu rabaa? Inta aan ku jiri lahayn jahawareer siyaasadeed iyo indha sarcaadin saw kama habboona in MAXMIYADDA MALDAHAN si toos ah bannaanka loo soo dhigo? Waxaan uga jeedaa Waqooyi heerkan waxaa soo gaarsiiyey garashadooda, balse, kama marnayn gacan qabad iyo saacidaad dhaqaale iyo aqoonba ee caddaan oo ay ugu horreeyaan Ingiriiska. Haddaba, maxaa isbadalay waaye su’aashu? Maalmaha ayaan ka garan doonnaa.

Ugu dambayn. Aan soo gaabshee, nuxurka qormadu waa; yaan masuul qura lala jeclaan neecaawda nabadeed iyo naruurada yar ee lagu nagaaday. In Midnimada laga hormarsho xasilinta Koofurta, oo ay Muqdisho ugu horreyso. In mudane Faroole uusan metelin deegannada Waqooyi Beri, illeen sanad sharci darro ah ayuu ku darsadaye. In mudane Siilaanyo uusan meteli karin Gobollada Waqooyi, ee ay ka midka yihiin; Maakhir State, Awdal State iyo Khaatumo State, waliba waa in cadaadis lagu saaraa inuu joojiyo weerarrada kuu hayo dadka deegaannadaa.

In David Cameron iyo inta la gayfan, ee caddaan iyo madaw leh gaar laga hayo, maxaa yeelayt hadda waxaa soo baxaya in DHUL BADEEDKII lagu soo gaabshay 12 MAYL, halka uu markii hore gaaray ilaa 200 MAYL.  Allaw aday ku leedahay iyo Allow ada faxan, iga dheh.

 

Bashiir M. Xersi

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s