MAXAA KORDHIYEY KUFSIGA?

MAXAA KORDHIYEY KUFSIGA?

 

Warbaahinta ku hadasha afka Soomaalida, beryahaan waxaa ku badan hadal haynta erayga KUFSIGA. Weydiintu waxay tahay kufsigu muxuu asal ahaan iyo macne ahaan ka taagan yahay, maxaase soo kordhiyey oo xad-dhaaf iyo aafo qaran ka dhigay?

Afarta maal adduunyo ee Somaalidu dhaqato, marka ariga loo kala saaro riyo iyo ido, loona qeybiyo lab iyo dhadig, laboodka “male” waa shan, haddiise lagu daro ragga, markaas laboodku waa lix. Marka loo kuurgalo sida ay u qooqaan lixdaas labood, waxaa loo kala saaraa: laba dhereg ku qooq, laba xilli ku qooq, laba qooq madhige. Ragga iyo farasku waa dhereg ku qooq, awrka iyo origigu waa xilli ku qooq, wanka iyo dibigu waa qooq madhige. Xishood iyo asluub wanaag darti Soomaalidii hore waa ka afgoobaadsatay soo hadalqaadka habka dhadigu u qooqo, waxayse u egtahay in dhadig iyo labood isla jaanqaadaan.

 Habka shukaansiga iyo raalligelinta saaxiibta “partner” waxaa ugu wanaagsan oo horyaalka laboodka loo aqoonsan yahay orgiga, oo waxaa laysku waafaqsan inuu xataa ragga kaga fiican yahay naajaxinta iyo raalligelinta saaxiibti. Laboodka waxaa ugu xun oo xaasid arxamdarran loo aqoonsan yahay awrka. Orgigu ugu yaraan 72 saac ayuu saaxiibti maraaciyaa oo meel walba ka salaaxaa, ugu dambeystana saaxiibti oo naajax ah oo sida malabka u macaansanee ayuu orgeeyaa. Taas beddelkeeda, awrku isaga oo aan xataa salaamin saaxiibti ayuu qoorta uga fariistaa, kadibna iyadoo cabaadeysa oo aan abasax ahayn ayuu abbaahiyaa, markaas baa la yiraah awrku hasha waa kufsaday. Habdhaqanka awrka sida ka muuqata, macne ahaan kufsigu wuxuu ka taagan yahay dhadig aan raalli ahayn oo aan guux iyo gariir iyo dareen jinsi midna lahayn oo si xoog ah loo isticmaalay. Awrka qooqan arxam la’aantiisa iyo sida uu saaxiibti u jujuubay uguna jowrfalay ayaa laga soo minguuriyey erayga kufsiga.

Xeeldheerayaasha ku taqasusay xiriirka jinsi ee ka dhexeeya laboodka iyo dhadiga waxay qirsan yihiin macaamil wanaagga orgiga iyo jujuubka awrka in farqi weyn u dhaxeeyo. Sidoo kale waxay qeexeen dhadiga inay ugu wanaagsan tahay tixsiga oo saaxiibkeed oo saaran ayey hawada sare u duushaa oo leyr qaboow iyo saxansaxo udgoon ugu raaxeysaa. Malaha raaxadaas oo kale waxaa heli kara cirbixiyeenka dayaxa dushiisa ku dega, waase hadday ka kooban yihiin lab iyo dhadig is ogol. Xeeldheereyaashu waxay kaloo xaqiijiyeen dhadiga inay ugu xun tahay dameerta oo saaxiibkeed daamanka jebisa, oo horaa loo yiri dameeruhu waxay u daaman beelayaan waa dir hakaa haro.  

KUFSIGA IYO WAAYIHII MIYIGA:

Waayihii miyiga kufsigu aad buu u yaraa oo dhif iyo naadir buu ahaa, maxaa yeelay haweeneyda la kufsado waxay sababi jirtay dagaal lagu hoobto oo dhiig badani ku daato. Beesha haweenkooda la kufsado, gaar ahaan gambooleyda la qabo oo ah oori nin u dhaxday, haddaysan ka dhiidhin dhegxumada, gabdhahooda lama guursan jirin oo waa la yasi jirey. Ha-yeeshee gabadh beylaha laga helay oo meel cidlo’ ah ari la joogta ayaa marmar habaarqabe shaydaan duufsaday kufsan jirey. Gabadh la kufsaday reer miyigu xeer bey ka lahaayeen oo ganaaxa waxaa la saari jirey hadba qofkii gardaradu ku cadaato, sida qaalibka ah ninka ayaa gardarada la saari jirey, walow marmar gabadha gardarada la saari jirey. Meselan gabadha oo ku socota jidka weyn “toobiyaha toosan ee haloosiga ah” haddii la kufsado, ninka kufsaday ayaa la ganaaxi jirey, ha-yeeshee hadday jidka weyn ka leexato oo luuqa lagu kufsado ama quruxdeeda soo bandhigto oo ay gaado siman iyo naas gigtiran iyo indha cawlan oo eegmo caashaq leh ragga ku eegto, markaas gabadha ayaa gardarada la saari jirey oo waxaa lagu oran jirey adigaa si dadban ninka ugu baaqay oo macmacaanka rabay, wixii dhib soo gaareyna waxaa laga soo qaadi jirey kab-shaydaan ka faniintay iyo warankaagu ku doox. Gabadh golyee oo galmo xiiseyn darteed hadba gees dhuganee ayaa rag gidaar fadhiya ku tiri foox baa la ii soo diray dukaamadiina waa la xiray ee xagee ka doonaa, si ay u hesho wiil duceysan oo fooxa la doondoona. Nin fahmey danta iyo ulajeedada gabadha ayaa yiri “foox doon haddaad tahay dukaan furan ma weyseene, maxaa faras magaalaha ku dhigay fiidki laga seexday”. Ninka gabadh kufsaday in la ganaaxo Soomaalidu waa ka siman tahay balse heerka ganaaxa gobolladu waa kala beddelan yihiin, waxaase loo badan yahay in ninka wax kufsaday lagu xukumo inuu gabadha guursado iyo 22 ceesaamood oo ka taagan meherkii uu ferjigeeda ku banneystay.

Waxaa kaloo jiri-jirtey kufsi ciilbax ama aarsi. Laba beelood markey dagaallamaan, qolada laga guuleysto ee goobta laga yeesho, ariga mooyee ishkinta iyo fardaha waa laga dhici jirey, haweenkoodana gabadh iyo gambooleyda waa la kufsan jirey, kufsigaasi wuxuu ka dhignaa bahdil loogu quusdhabay qoladii laga adkaaday. Waa dhaqan guud oo aadamigu ka siman yahay, xasuuuso markii Ameerikaanku qabsaday Ciraaq wixii ka dhacay Xabsiga Abu-Qureyb. Haweenku waa nimco Alle ku manneystay ragga, raggii laga itaal-roonaaday in hantida laga dhaco waa caadi aadamigu isla ogol yahay.

KUFSIGA REER  MAGAALKA:

1940-yadii goortii degis magaalo la billaabay, waxaa soo kordhay kufsi iyo fisqi, waxaana soo ifbaxay kufsi ku cusub Soomaalidii miyiga kasoo guurtay, kufsi magaalo waxaa ka mid ah:

  1. Askartii loo xilsaaray ilaalinta amniga awooddii dowladnimo iyo hubkii gacantooda galay si xun bey u isticmaaleen oo haween badan bey kufsadeen. Guuldarradii dagaalkii 77 mid ka mid ah waxaa loo aaneeyaa ciidammadii Soomaalidu waxay si safmar ah u kufsadeen haweenkii ku noolaa deegaannadii ay xoreeyeen, gaar ahaan dad culumo ah oo haweenkoodii la kufsaday ayaa habaaray oo inkaartaasi waa asiibtay ciidammada Soomaalida, inkaartaas wixii ka dambeeyeyna ciidan Soomaaliyeed oo tayo iyo anshax leh waa la waayey. 1960-yadii Daraawiishtii Boliiska ilaa Koofiyad Castii Siyaad Barre sidii waxashnimada ahayd ee ciidanka dowladu haweenka u kufsaday waa ka baaxadweyn tahay wax qoraal lagu soo koobi karo, waa dembi culus oo laga galay xuquuqul iinsaanka, una baahan baaris qotadheer iyo maxkamad caadil ah.
  2. Kufsi silloon oo la yiraah “dabagur” oo sida la sheegay asalkii hore kasoo ifbaxay deegaanka Woqooyi-Bari kadibna ku faafay gobollada dhexe. Qofka sida caadiga ah u fekera in la fahamsiiyo “dabagur” way adag tahay sababtoo ah mar raalli buu ku dhacaa, marna tuuganimo buu ku dhacaa. Meselan haweeney meel daleel ah seexatay oo xaaladeedu tahay “beerka jecli – lega jecli” oo macmacaanka rabta isla markaana xishooneysa ayaa ku andacootay xalay anigoo hurda ayaa layga adeegtay oo lay “dabaguray” marna haweeney daalan oo hurdo la suuxsan “deep sleep” ayaa la dabaguraa, taasina waa kufsi silloon. Walow Macallin Shaydaan dalka wada gaarsiiyey, waayihii Soomaalidu Muslimka toosan ahayd ee xishoodku dambeeyey, kufsiga silloon ee loo yaqaan dabagur waxaa laga sheegi jirey Beledweyne ilaa Bosaaso, gobollada kalena kuma badneyn.
  3. Waxaa kaloo jiri jirtey kufsi ku siman Xamar kaliya. Gabdhihii loo yiqiin “dabagaab ama makaaryoos” ee laamiga istaagi jirey “pickup girls” ama caanka ku ahaa qoob-ka-ciyaarka caweysyada. Gabadh kasta waxay lahayd “gaashaan” macne ahaan gaashaan waa wiil dilaa ah oo gabadha jirkeeda ka ganacsataa ay magaciisa goobaha caweyska ku joogto oo shartiisa laga cabsado. Gabadhii gaashaan la’aan suuqa meereysata, koox dhallinyaro ah ayaa kufsan jirtay oo saf u geli jirtay.  
  4. Murti baa leh “wadaad iyo ooridiisa – dameer iyo ninka wada” meesha loogu xaqsoorayo Allow hayna joojin. Waa erayo culus oo ka baaraandeg u baahan. Waayihii hore waxaa dalka ka jirey wadaad isku sheeg haweenka ku indhasarcaadiya “cajir caalim salaaxay cadaabi ma taabato iyo qudba-siro oo ah guur qarsoodi ah”. Waxaa beddelay koox timir iyo dhaqaale kale ka hesha Carabta, waxay dalka ku baahiyeen guur bille “short term” la yiraah dar-Alle iyo derin oo marka gabadha johorada bigrada laga jeexo, laguna raaxaysto muddo bil ah layska furo oo lagu yiraah “naftaa ku diiday” ee macasalaamo. Somaali tiro badan “rag iyo dumar” ayaa guurka noocaan ah u aqoonsan kufsi si dadban haweenka loogu bahdilay, ha-yeeshee anigu kama garsoori karo, sababtoo ah adduunka kama jiro dhaqan laysku waafaqsan yahay oo wanaag iyo xumaan, qurux iyo fool xumo waa hadba sida bulshadu u taqaan.  

 

WAXYAABAHA KUFSIGA SOO KORDHIYEY:

Kufsiga bahalnimo ee sannadahaan gees-ka-gees geyiga ku baahay, wax la barbardhigo iyo si loo macneeyo lama yaqaan. Qowmiyadda Soomaalida haweenku waa ka badan yihiin ragga oo sida Carabta baahi haween Soomaaliya kama jirto. Guur iyo gaabsi qofba dooqiisa si sahlan buu ku heli karaa. Kufsiga cusub waxaa ku jira mugdi iyo macne shirqool xambaarsan oo si fudud aan loo fahmi karin. Wuxuu noqday camal-shaydaan laysugu faano iyo dhaqan xumo dalka lagu faafiyo. Guud ahaan maamullada dalka ka jira, dhaleeceyn iyo kufsigu waa aafo qaran ayey dhaafi-waayeen, ayaandarro marnaba ma asiibin meesha sartu ku quruntay iyo ciriqa aafada. Wabi qarka jebiyey oo fatahay biyihii dhulka maasheeyey haddii la dhuro iyadoo aan marka hore qarkii jabay la dhisin, taasi waa xoog doofaar lagu eryey iyo cudurka geela ku dhaca oo gammaanka laga daweeyey. Waxyaabaha kufsiga soo kordhiyey iyo kooxaha faafiya waa in la aqoonsado kadibna ciriqa aafada la ciribtiraa. Kaabeyaasha kufsiga iyo kooxaha hirgeliya baaris kooban oo aan ku sameeyey, natiijadii waxay noqotay sidatan:

  1. (Sababta 1aad): Daroogada dalka ku baahday “qaadka – calaqa- qamriga — xashiishka iwm”. Nin qaad raamsaday oo calaq cabay kadibna xashiish dhuuqay wuxuu la mid yahay waraabe waalan waana khasab inuu wax kufsado.
  2. (Sababta 2aad): Aflaamta anshax-xumada jinsiga “pornographic sex films” siiba telefanada muuqaalka leh “mobile with camera” ee inta badan dhallinyaradu haystaan. Baydhabo ayaa Shabaab ka joojiyey aflaamta jinsiga, kadibna shanaamadii waxaa lagu beddelay  moobayl muuqaal weyn leh oo laga soo waariday Shiinaha oo si fudud aflaamta looga daawado, dabadeed dhallinyaradii waxay yiraahdeen “hooba Shabaab diiday, Shiineysaa sheenay shanaamo yaris”.
  3. (Sababta 3aad): NGOley (Ajnebi & Soomaali) dalka ku faafiya noocyada kala duwan ee fisqiga “rape – AIDS – homosexual – lesbian etc”. 2010 Gaal Jarmal ah oo NGOleyda ka mid ah ayaa Hargeysa rag iyo dumar sida xoolaha isu fuushan filim anshax-xumo ah ka duubay. Waxay ahayd fadeexad magac-xumo u soo jeeday qowmiyadda Soomaalida. Sidoo kale Mombasa Keenya, Gaal NGOley ah ayaa eey sidii nin loo tababaray kala yimid Yurub kadib eeygii 12 gabdhood ayuu fuulay oo u galmooday, intii anshax-xumada jinsigu socotay filim ayuu ka duubay. Gaal NGOle iyo haweenkii hadda waa xiran yihiin oo baaris baa ku socota waana maxaabiis maxkamad sugeyaal ah. Fisqiga NGOleydu hadduu Soomaaliya ka sii socdo, mardhow waxaa arki doona dhaqan xumada reer Galbeedka ee loo yaqaan “Same sex marriage” guur dhexmara laba isku jinsi ah “laba dhadig ama laba labood”   
  4. (Sababta 4aad): Ciidammada AMISOM qeyb libaax bey ka qaataan faafinta fisqiga waxayna la saf yihiin NGOley, waxay kaloo si xoog leh u faafiyaan AIDS. Gabadh gaajoon oo seddax-qad ah qado la siiyey haddii lagu qaawiyey, waa nooca kufsiga ugu xun oo ku saleysan ka faa’iideysi baahi-daran iyo saboolnimo. Hadda waxaa dalka jooga carruur ku hadaaqeysay “aabbeyaasheen magacooda AMISOM ha asteyso”. Kufsiga dadban iyo fisqiga AMISOM dalka ku baahisay hadduu sii socdo shan sano oo dambe, haweenka AIDS la qaadsiiyey iyo carruurta ay dhaleen waxay noqon qabiil ballaaran oo lagu magacaabi doono “Beesha AIDS-AMISOM” heerka AIDS-kuna wuxuu gaari doonaa 20%. Inkaar-qabeyaasha indhashareerka leh ee subax walba ku kallaha xeryahooda ee ku andacooda isbitaalka AMISOM baan u soconaa, mar ciidammada shisheeye ayey u yihiin addoon galmo “sex slave”, marna bulshada ayey AIDS ku faafiyaan. Allow Soomaali ka samatabixi siriqda gumeysiga.   
  5. (Sababta 5aad): Dableyda hubeysan oo markey marqaamaan haweenka ku xooga hubka ay haystaan. Dableyda waxaa ugu daran mooryaanta u xuubsiibatay ciidan qaran oo haba yaraatee aan lahayn xishood dadnimo iyo xeer xakameeya oo ay ciqaabtiisa ka baqaan.
  6. (Sababta 6aad): Saxaafiyiin la shaqeysa NGOleyda ku andacoota inay yihiin afhayeennada “xuquuqul iinsaanka” halkii dhacdo kufsi waxay ka dhigaan 50 dhacdo, waxay buunbuuniyaan been-abuur si xishood la’aan ah loo baahiyo “sirqo 80 jir ah iyo saqiir 3 jir ah ayaa la kufsaday”
  7. (Sababta 7aad): Guuldarradii dagaalkii 77 kadib carruurtii dhalatay waxay ku garaadsadeen kuna indhafureen fowdo iyo jahawareer, dowlad la’aan iyo dad akhlaaq ahaan u burburay isla markaana “kufsi-dil-dhac” ay nolol maalmeedka ka mid yihiin. Dhallinyaradaasi waxay noqdeen dilaa-sare iyo dugaag aan waxba ka naxin, una haliilaya inay naftooda ku halligaan “tahriib-badaha-isqarxin”. Nin baa yiri abkey doolli dilow, dad nool maas u daahaa iyo Allihii ugaas diley inta kale waa u sahal. Wiil ay la fududahay inuu naftiis macne la’aan iyo si fudud u halligo “kufsi-dil-dhac” shaah la cabay kala fudud.

 

 

 

 

 

Waxba yaan gocashadu ila gudbine aan qoraalka soo gunaanado. Magaalo gabowday ayaa guddi Injineero ah loo xilsaaray inay kasoo talo bixiyaan “in lagu sii noolaan karo iyo in kale”. Baaris muddo dheer qaadatay kadib waxay duqii magaalada u soo gudbiyeen warbixin ka kooban seddax eray oo ah “magaalada hallaga guuro”.  Seddaxda eray een bulshada u soo gudbinaa waxay yihiin, “wixii dhiiglahow kaca” oo ka dhiidhiya dhegxumada. Soomaalida silica iyo saranseerku la degay waa inay si degdeg ah ugu tallaabsato laba ficil oo maanta muhiim ah:

  1. Haweenku waa nugul iyo ilmadow xaq u leh in sharaftooda iyo qiyamkooda la difaaco. Sidaas awgeed habaarqabihii wax kufsada waa dugaag mudan in bulshada laga qabto ee waa in si dedeg ah loo deldelo, meydkiisana aan la aasin muddo seddax ayaamood. Ciqaabta kufsiga waa in lagu dabaqo shareecada islaamka oo marnaba aan lagu xallin xeer-dhaqan odayaal dejiyeen.
  2. Mar baa haweenku yihiin horror magac-xumo iyo musiibo kale bulshada u soo hooya. Sidaas awgeed haweenka xadgudbay ee ka baxay xayndaabka anshaxa suuban iyo ku dhaqanka shareecada waa in xakame bir ah lagu giijiyo oo la tirtiro naaneysta xun ee haweenka Soomaaliyeed lagu suntay “cheap clean and hot cake”. Ninkii aan muxaramaadkiisa fisqiga ka reebin waa DAYUUS,  xadiis Nabi Muxamed scws ka sugnaaday wuxuu qeexayaa DAYUUS ma uriyo jannada udugeeda. Soomaaliyeey hadafkeennu ha ahaado joojinta kufsiga haweenka lagu kadeeday iyo xaqiijinta karaamadooda. Soomaaliyeey hadafkeennu ha ahaado in gacan bir ah lagu qabto inkaar-qabeyaasha indhashareerka leh ee aafada AIDS faafiya isla markaana sumcad xumada u soo hooyey haybadii haweenka Soomaaliyeed ee beri ahaan jirey horyaalka xishoodka iyo dhowrsoonaanta.  Wa Billaahi Towfiiq

 

 

 

Abdulkadir Osman “Aroma”

Shirwac55@hotmail.com    

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s