Fekerka Diinigaa Faham Gurracan oo la Fal-galay Fawdo!

Fekerka Diinigaa Faham Gurracan oo la Fal-galay Fawdo!

Diintu waa Raxmad u soo degtay dadka. Waa aqoon Looga boxo Jahliga. Waa iftiin looga gudbo mugdiyada, waa ambo qaaddada hor-u-marka, bidhaamisada dhabbaha ilbaxnimada. Waa aruurisada samaanta. Waa kaydka anshaxa iyo hoyga dhaqanka suubban. Waa …. . Waa …, Marka laga soo tago ceebaynta iyo cillad u yeeliddeeda ama haaraan iyo haydaariddeeda kaga imaanaysa Caqliga iyo Cilmiga, ama cid gooni u colaadinaysa.

Diimuhu markoodii Hore waa erayo aan qornayn, waa erayo hadal ahaan loo meersho, balse, ka dib qaab fahamka laga qaato ayaa wuxuu isu badalaa wax ku lifaaqan oon marnaba ka go’in, ama ka soko mara ishii dhabta eheed, waxayna keentaa inay Diintu isu bedesho erayo micno la’aan ah, maadama laga soko mariyey xayndaab adag oo aa ku wareejiyeen dadkii ka ag-dhawaa imaashaha diinta, la kow saday soo dagiddeeda, ama laga soo gaaray. Qormadeedannaan waxaan ku eegaynnaa Fekerka la saaray Diinta iyo saamaynta uu ku yeesho nolosha Dadka.

Fekerka Diinigaa ee ka dhasha Qaab macnaynta iyo sida loo jaangooyo, waxaa ka dhasha in la sameeyo jaangoyn aan cidna dhaafi karin ama ka gudbi karin, maxaa yeelay, ugu horrayn Diimuhu ma yimaadan iyagoo qiran. Waxay dadka soo gaaraan iyagoo ah: hadal afeed la maqlo ama la dhagaysto. Dadka ka agdhow darka shanqadha ama jiilasha xiga ayaa u sameeya sargoyn, ku meera xayndaab iyo dayr adag! Ugu dambayn u xuub siibata inay ka mid noqoto qayb aan ka go’in, waana dhibka jira oo maanta la dhaafi la’ yahay. Bal adigu hadalladii Wadaadada Madaahibta dhinac u dhaaf iyo waxyaabo badan oo caynkaa ah.

Sooyaalka Islaamka waxaa aas-aasmay tirooyin kooxo siyaasadeed, koox walbaa waxay ku dadaashay inay libinta heshaa, sidaa darteed, ayey huwatay shaarka Diinta, waxayna samaysatay sheekooyin ay ku muujinayso inay xasan tahay. Dilkii Cisman Bin Cafaan ka dib, waxaa dhacay dagaallo lagu hoobtay oo ay isku dileen dadkii la lahaa: “Waxay noolaayeen Qarniyadii ugu Khayrka badnaa!” waxaa xigay Inay dhismeen ururro leh hannaan siyaasadeed, haddana, huwan shaar Diimeed; Khawarij, Sunna, Shica, Mu’taziliti iyo kuwo kale.

Qolo Walba Sibay u aragtay in loo wajaho xaaladda taagan, balse, nasiib darree ayaamahan dambe waxaa maqalkayga iyo araggayga ku batay adeegsiga erayga Khawarij! Waxaan filaa dadka adeegsanayaa inaysan aqoon durugsan ama  buuxda u lahayn eraga, xilliga uu baxay, waxa uu ku baxay iyo raggii garwadeenka u ahaa, waxayse ka yaqaanniin waxay ka dhaga dhageeyeen qawsaarka xerta madaxa u ah, ama ay bowsadeen, haddaba, anagoo u dhaadhacayna dulucda qormada waxaan ku muujinaynaa Fahamka Fekerka Diinigaa ee Gurracan iyo sidii u wiiqay sinnaanta, cadaaladda iyo hor-u-marka waxaanna u kala qaadaynna xibin Xibin.

-Dumarka : Haweenku waa LAF dhabarta Bulshada. Waa unuggu qoyska. Waa saldhigga Umadda, balse, fekerka Diinigaa Dumarkii wuxuu ka dhigay wax liita oon qiima lahayn, wuuba ka sii daray oo sii fogeeyey, wuxuuba sii dhaafiyey Shaydaanka. Wuxuu ka hor istaagay waxbarshadii, marka laga reebo meerisyo usii dhawaynaya xabaal-nololinta. Waxaa lagu raray Qobtol u jaag go’an hal Qaab, dadbaa waxay u baxsheen (Teendhada guurguurta ) qole kale waxay dheheen ( Ratiga hoggaanka isu haya ) qaarba waxay ugu yeeraan ( Xayndaabka Xabsiga ) aniguse waxaan leeyahay ( Mundulka Meermeera ).

Haweenku waxay had iyo jeer u lug xiran tahay ninka, ayna u tahay inay ka dambayso: “Qof haddaan farayo inuu qof u Sujuudo, Afada Ayaan fari lahaa Inay Saygeeda u Sujuuddo!” maadaama Diintu ku dhisan tahay hab Tiireed verticale ), sidaa darteed kol walba waxay u ahaanaysaa daba-gale aan la gaarin ama laga hor-mari karin, inaysan wax xil ah qaban karin, ay u nooshay in loo Galmoodo; Uuraysato, Dhasho, Nuujiso, iyo ka shaqayso guriga IWM.

Arimaha la xiriira Dhaxalka, Diyada, Marqaatiga , iyaga ka hadal malleh, xilligii uu soo baxay Xeerka qoyska hal mar ayaa Waddanka dhan waxaa gilgilay Gees-ka-geesna isqabsaday wax uu ugu yeeray Maxamed Siyaad Barre ( Wadaad-Xume!).

-Maamulka Dawladnimo: wuxuu fekerka Diiniga qeexayaa Qaab dhismeedka Dawladda, qodabbada looga baahan yahay qofka qabanayaa xilka ugu sarreeya, qaabka ay ula dhaqmayso Bulshada, iyo xiriirka ay la yeelanayso dibadda (Dawladaha kale), wuxuu fekerka Diinigaa caddaynaya in Maamulka Dawladda ay tahay Inay qabtaan Quraysh. Waa qabyaalad qaawan, iyo EEx cad. Waxaa maalmahaan soo batay cododka dhahaya dalka waa in laga hirgaliyaa Dawlad Islaam ah, waxay tahay in Madax Dawlad aysan noqon karin cidaan Quraysh ahayn, la yagleelo. Waxaa la Yiri: “Waxaa jirta Garaad naqayso oo kugu naqsanW haddaba, ragga oraahdaan caadaystay waa inay keenaan Carabkii maamulka Soomaali loo dhiibi lahaa, maadaama Diinti siisay ama u hibaysay kune gooni yeeshay Quraysh, haddii kale, arintiinu waa xeeladaysi iyo dan gaar ah, qaabka ay Bulshada ula dhaqmaysaa waa laba qayb; muwaadin xuquuq buuxda leh iyo mid ka hooseeya, xiriirka dibadda waa: Inay dagaal ku jirto AMA xabbad joojin, iyo Inay Jizyo qaadayso, nuxurka maamulka Dawladnimo Waa Qabyaalad Qurayshkala sarrayn Muwaadiniin iyo dagaal joogta ah maanka ku hay!

-Fulinta Xukummada Diinigaa: Wuxuu fekerka Diiniga u qotomiyey Xukunka kan ugu qallafsan, xukunka midka ugu xanuunka badan, kuna raadreeb iyo uur-ku-taallo badan, bal eeg waayahaan waxaa bataydadka loogu xad gudbayo magaca Diinta, kuma jirto xilligan ku dhaqanka shareecada ee ay ugu dambaysay: ninkii dhagaxa lagu dilay iyo dhallin yaradii xukunka gurracan lagu fuliyey.

Soomaali waligeed ayey wax kala xadi jirtay, ama wax kala dhici jirtay, taariiqdu ma xusin wali inay dhacday Gacmo goyn, Lug iyo Gacan is dhaaf Jarid, iska daa in qof nool dhagax lagu dilee! Dhacdooyinkaa waxay lid ku yihiin xeerka Soomaalida iyo dhaqankooda.

-Kala duwanaanta & WADA noolasha: Fekerka Diinigaa waa anaa Saxan xaqiiqdana haya, anaa ku jooga dhabbihii Jannada, iyo tubta toosan. Waxaa qorsha yaashiisa kuwooda ugu caansan ka mid ah: “Al walaa wal baraa!” oo ah inaad intaad osku Ururka tihiin aad jeclaato inta lalana aad necbaato, bannaanka aad ka marto, aadan wax la waadagin, wax aadan la qooshan waxna aadan ku darsan. Waa la sii adkeeyey oo waxaa la dhaqan galiyey nacayb iyo karaahiyo; “Gaalada WADDADA ku ciriiri! Bidciga ha salaaminCuntadaada yuusan Cunin qofaan Alle ka baqayn!” Xiriirka saafigaa waxaa iska leh Ururka cid kale ood siin karto malahan IWM.

Arrimahaan waxay ka soo jorjeedaan kala duwanaanshaha, kala jaadnimada, iyo inaysan jirin qof qof ku sidkan. Waxay qarraraysaa WADA noolasha lagu WADA naaloonayo Nabad, Ixtiraam , iskaashi, WADAJiR. Waxay horseed u tahay tafaraaruq, kala qoqob, iyo kala fogayn. Qof walbaa subuu u fekeraa, sibuu wax u arkaa, hab gooni ah ayuu nolosha u maareeyaa, wax gooniya ayuu tixgalin Gaara siiyaa, sidaa ayey noqonaysaa inay dhalato midabyo caynba cayn ah, oo noloshu ku astaysan tahay, una ah bilicsami iyo qurux bilaysa, balse, fekerka Diinigaa waa kali noole waa: aniga iyo Eber!

-Carabaynta Dhaqanka iyo Afka: Fekerka Diinigaa ee dhawaan galka ah, wuxuu soo dhoofiyey horayna u soo jallaabtay dhaqankii Carabta iyo Afkoodii, isku dayo hore oo noocaan ah way jireen, balse, waa lagu Guul darraystay. Bal eeg shirkii Carta waxaa Afka rasmiga ah ee Dalka laga dhigay Soomaali iyo Carabi, maadaama ay shirka Carta qayb ku lahaayeen Urur Diimeedka Al-islaax. Bal yaa Carabi ku hadlaya oo Soomaaliya jooga ma xerta Laqbada mise qolaa lagu RAALI galinayey?

Waxaad arkaysaa dhallin yaro badan oo Carabaha ayaan joogay oo ku dhahaysa Af Carabiga ayaa afkeena rasmiga ah! Eeg Idaacadaha qaar waxay leeyihiin war ku Baxa Carabi, waa su’aale yey u tabiyaan warkaas? Illeen Markii horaba waxay ahaayeen FM-yo aan meel dheer gaarayn. Eeg iskuullada aan tiro koobka lahayn, ee dhabbe iyo wadiiqo kasta ku yaaL, ee Qaab Carbeedkaa, dhanka dhaqanka waa: waa Jalbaab Mudulka Meermeera ), Indha shareer , is dhex galka Bulshada (ragga iyo dumarka), duub cas Cimaamad ), Qamiis Cad ,Cigaal , iyo faysha gaaban ama xaydan , waxaa tix galinteeda leh qodobka is  dhex galka bulshada, sababtoo ah, waa qodob sisilloon uga qayb qaatay hor-u-mar la’aanta nolosha. Soomaali waxaa ku fool Leh dhalan rog dhan Kasta taabanaya. Soomaalidii hore rag iyo haween wax kala xiran ma jirin, bulshadu way Isku dhafneed, wayna iskaashan jirtay, haddase waa: Ajnabi baan kala nahay walaal, ee iga joog!

-Fanka iyo Suugaanta: Waa dareenka Bulshada. Waa muujinta bilicda Umadda. Waa kaydka dhaqanka iyo hiddaha. Waa dabeecaddii oo qoran, sidaa ay tahay wuxuu fekerka Diiniga ka dhigay fankii iyo suugaantii Camal Shaydaan. Waxay u sawireen ama u muujiyeen inuu yahay waxyi Ibliis. Wali ma dhagaysateen cododka Shimbiraha, Cododka biyaha qulqulaya ee waadiga ama Togga dhex shabaaxinaya? Iyo hab dhawaqa kala gaddisan ee dabaylaha iyo laydha? Fanku wuxuu muujiyaa ilbaxnimada Bulshada, halka suugaantu tahay kaydka dareenka Umadda.

Fekerka Diinigaa isagoo fahamyadaa gurracan ay ku dheehan yihiin, ee ka fog sahalka iyo fudaydaka, ayuu wuxuu la fal galay fawdo iyo jaantaa rogonta dalka ku baahday. Waxay taasi u sahashay inuu si fudud ku fido, walibana siyaabihiisii ​​ugu foosha xumaa loo dhaqan galiyo. Fekerka Diniga ee Dalka ka jiraa ma ahan mid xaqiijinaya himilada bulshada, am ahan mid keenaya hor-u-kac. Ma ahan mid la jaanqaadi kara casriga dunidu gaadhay. Ma ahan mid bulshadu uga gudbi karto dhibka ay ku jirto, haddaba, fekerka Diinigaa ee Dalka ku Fiday waa Faham Gurracan oo la fal Galay Fowdo, intaas ayaan ku soo gaabnaynnaa qoramdii, iyadoo aan la soo koobi karin habka gurracan ee fekerka Diiniga.

June, 2009

Bashiir M. Xersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s