Lacagta la Daabacayo Xaggee laga Hirgalinayaa?!

images.jpeg

Lacagta la Daabacayo Xaggee laga Hirgalinayaa?!

Faafin; jennaayo, 2010

Maalmahan waxaa in badan la hadal hayaa lacago shilin Soomaali ah oo Dawladda Sh. Shariif ay damacsan tahay inay soo daabacdo, iyada oo lagu soo daabico doono waddanka Suudaan oo la siiyey qandaraaska lagac samaynta. Waxaa ka dhashay buuq, barbaryaac iyo kala hadal ka yimid dhanka masuuliyiinta dawladda, haddaba qormadan waxaan ku eegaynnaa lacagtaa waxay dalka u soo kordhin karto khasaaro iyo faa’iido.

Ugu horrayn dawladda Sh. Shariif kama tiliso dhul ka baxsan barta ay ay dadka qaar ugu yeeraan: “DEGAANKA CAGAARAN”, iyaga ka matalaya goobta ay maraykanka iyo xulufadiisa ka deggan yihiin waddanka Ciraaq. Deganka cagaaran wuxuu noqonayaa Villa Somalia, garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo dekadda magaalada Muqdisha, waxa ka baxsan waxay noqonayaa wax ay ka arrimiyaan Alshabaab, waana inta badan ee magaalada Muqdisha iyo qaybo gacanta ugu jirta Xizbul Islam, wixii ka soo hara waa Alle ku leh iyo ciddii ku hormarta ee qasbata!.

Dawladda Sh. Shiriif muuqaal degaaneedka gudaha waxay ku go’doonsan tahay kilow mitirro aan badnayn, balse marka aad dibadda eegto waxay haysataa taageero aad u ballaaran taasna waxaa mahaddeeda iska leh kabaweyne (Maraykanka), taageeradaa u uu fidiyey dawladda Sh. Shariif waxay ku mudatay in inta badan dalalka caalamku ay siyaabo kala duwan u taageeraan, mid dhaqaalo yabooha mid ciidan tababar ballan qaada mid ku biira la dagaallanka burcadbadeedda iyo mid marti galiya bukaanka dawladda ee ku dhaacwama ​​qaraxyada iyo dagaallada kala duwan ee dhaca.

Dhismaha maamul ee ka jira magaalada Muqdisha waa baddal joogta ah, intii xilka qabtay maamulka gobola Banaadir wuxuu marayaa laba haba ahaado midkood maamulkii hore, sidoo kale golaha Wasiirrada intaas oo jeer ayaa la badalay mar la yareero ma La isku shaandheeyo iyo mar wasiirro la badalo. Baarlamaanka isagu waa ka sii daran yahay iska dhiibka ay u qaxooti doontaan dalaka yurub ka sokow, waxaa badan maqnaashaha ay ka maqan yihiin kalfadhiyada golaha, isu gayn ma jirto tallaabo muuqata oo horumareed ay qaadeen madaxda dawladda Midnimo Qaran, ha ahaato dhanka ammaanka, waxbarashada, caafimaadka, ciidanka, dib u dhiska dalka, dhaqan celinta malleeshiyooyinka IWM.

Arrimahan oo sidaa u taagan ayey dawladdu waxay saxiix la gashay dawladda Islaamiga ah ee ka dhisan waddanka Suudaan. Waa tii la yiri: ” Haadba haadkiisuu la haadaa “, malaha waxay ka ursanaysay Islaannimada iyo fekerka diiniga ah, illeyn wax kale oo Suudaan lagu xisho ma yaalliine mana lahane, hadday ku deeqay lacag samaynta waa gooni iyana ma maqal mana filayo inay dhacayso. Heshiiska lacag samaynta waxaa saxiixay Wasiirka lacagta Ing: Yariisoow, waxaana ku baxaysa lacag samayntan adduun dhan 7 Milyan dollaro oo!.

Isla Markii uu shaacbaxay qorshan cusub ee dawladda Sh. Shariif damacsan tahay waxaa is qabsaday buuq iyo sawaxan ka yimid dhinacyo kala duwan. Waxaa si toos ah u qaadacay lacagtan cusub ee ay dawladdu soo samaysanayso maamulka Puntland oo ku andacooday, inay tahay sharci darro, diidmada maamulka Puntland ka sokow waxaa si toos ah uga soo horjeestay guddoomiyaha bandhiga dhexe ee Dawladda Mudane: Bashiir Ciise Cali, isaga oo sheegay inaan xilligan lacag samayn aysan ku habboonayn, cilladna ka dhigay inay adag tahay si loo socodsiiyaa adduunkana ay ka jirto sicirbarar iyo dhaqaalo xumo!

Diidmada, dhaliilasha iyo habboonaan la’aanta laga muujiyey lacagtan la filayo inay dawladda Sh. Shariif u xarooto ka sokoow, miyey habboonayn in marka hore meelo badan laga eego waxa ka iman kara tallaabada noocaan oo kale. Wax walba oo la samaynayo waxay u baahan yihiin ka baaraan dagid iyo in laga eego xaglo badan oo kala duwan si fiicanna loo qiimeeyo meesha ay ku dhammaanayaan. Waxaa ayaan darro ah hadba kii daarta loo dhiibo ee madaxweyne la yiraa muxuu durbadiiba u billaabaa lacag urursi iyo qandi buuxsi.

Waxaan wada xasuusanna dawladdii Carta ee uu hoggaamiyaha ka Ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan muddo markii ay ku oodnayn degaanka N.4 ayey waxay soo daabacatay lacago shilin Soomaali ah, lacagahaa oo lagu soo samaynayey waddammada Indonesiya iyo Maleesiyaa, lacagaas oo sicir ba’an ku riday dhaqaalaha Soomaaliya illaa haatanna uu la ildaran yahay xilli dhawna uusan ka soo kabsanayn. Maamulka Puntlanad isaga inta deeqi waysay lacago diyaarado lagu keeno ayuu wuxuu soo gatay makiinaddii lagu daabici lahaa lacagta oo wuxuuba ku rogaa aqalkiisa gudihiisa.

Dawladda Sh. Shariif Markii ay wax ka qaban waysay ammaankii caasimadda kaliya, Markii ay ku guulayan waysay inay wada hadal la furto qolayaha mucaaradka sheegta, markii ay ku guuldarraysatay inay iska caabbiso weerarrada uga imaanaya wadaaddada hubaysan, markii ay ku hungowday dhisme ciidan iyo cudud militare, marki ay ka dhammaan waysay dumin iyo dhisid maamul ama labada gole ee dawladda, markii ay ka idlaan waysay dalxiiska iyo socdaalka dibadda, markii ay ay ………. markii …… markii aa.

Markii intaas iyo in ka badan waxba ka qaban waysay ayey waxay u soo soo jeesatay inay jeebabka buuxsato, waxay qaadday tallaabo dhuuninnimo iyo hunguri waynan ah, sabatoo ah markii ay deeqi waayeen canshuuraadka laga qaado dekadda Muqdisha iyo garoonka diyaaradaha, markii ay deeqi waayeen lacagaha deeqda ah ee ay ay siiyaan dawladaha socdaalka ku tagaan iyo booqashada, markii ay ku fillaa waysay wixii soo galay intii ay dhsineed ayey waxay u soo jeesteen inay jawaanka buuxsami waayey ka buuxshaan lacag la soo daaboco!

Lacag la daaboco oo cusub dalku wuu u baahan yahay, balse waa goorma? Dawladda lacagta daabacaysaase waa tuma? Midab gaar ah malahan dawladdaa, balse waa dawlad awood buuxda ku leh waddanka iyo gaar ahaan caasimadda, maxaa yeelay, lacagtu waxay u baahan meel lagu socod siiyo iyo awood socod siisaa, nin isagaba ay waardiye u yihiin Amisom iyo calooshood u shaqaystayaal miyaa laga sugayaa inuu lacag socod siiyo. Ayaan darrada na haysata ayey ka mid tahay inaan kala garan waynno waxa hadda aan u bahannahay, waxa aan maanta u baahan nahay, waxa aan berri u baahan nahay iyo waxa aayaha u baahan doonno, intaas waxaan ku hoos lammaansan waxa aannaan marnaab u baahanayn una baahan doonin!.

Soomaalidu waxay tiraa: “Tiisa Daryeelaa Tu kale ku Dara” Marka ay ka xoroobaan ilaalada Amisom oo magaalada Muqdisha ka sifeeyaan qolyaha afka duubta haba dhahaan markaas lacag ayaan soo daabacaynnaa, balse xillagan inay dhahaan lagac ayaan soo daabacaynnaa waa mid aad iyo aad u muujinaysa caqlixumada madaxda dawladda.

Ninka loo baxshay Shaariif Sakiin isaga horuuba ugu eedaysnaa inuu iibsado deeqaha hay’aduhu u ekaanaan gargarka xilligii ii ahaa guddoomiayah Baarlamaanka, balse waxaa la la lahaa maadaama uu la xirtay wadaaddada uuna qaatay Tusbaxa loo yaqaan: Tuug ama Taajir! Armuu xalaalmiirad noqdaa balse waxay noqtay: “Mukulaal Madax Doolli kama Xajiso “iyo” Ninna Caadadiisa kama Tago “.

Ayaan darraduse waxay ka dhacday aamuskan Sh. Shariif oo dad badni u haysteen inuu yahay Mahdagi Soomaalida, illeyn ninkii xoogaa Aayado quraana akhriyaaba waa asxaabi camal ama Mahdi la milgay oo la majeersadee! Waxay tani caddaynaysaa inay dadkaasi hungoobeen Aayaddana qof walbaa akhrin illeyn waa erayo qorane Kuma sii jirto haddii Carabigu u billaaban yahay! Aamuska aan shanqar laga hayn Sh. Shariif ma wuxuu ku jiraa fajac un afkiibaa juuqda gabay! Ilama ahan, mise wuxuu ku jiraa meeshii Ninku ka Yiri: ” Ha la Raro Ragbaa Yiri: Anna waan ku Raacay “tan ayey u dhawdahay, maxaa yeelay haddii aysan sidaan ahayn mar hore ayaa qayladiisa la maqli lahaa kolay qof kale naga soo gaaratba.

Dhaqaalo xumada adduunka ka taagan iyo sicir bararka ku habsaday sharikadihii adduunka ugu dhaqaalaha roonaa iyada oon wali laga soo kabsan, markii horana Soomaaliya ayba la degtay dhaqaalo xumo iyo lacag aan qiimo lahayn ayey waxay ugu dareen inay mid cusub oo cid socod siin kartaa aysan jirin inay soo daabacaan, waxay ka dhigan adoo qaarka dambe kuu duugnaa oo u baahna qof xabaasha kaa saara in madaxa lagaa sii kawiyo si aad ugu libiqdo godka ama qofkii xabaasha kaa saari lahaa uuba ku baxaal duugo!

Lacagtan la daabacayo waxay danta koowaad ugu jirtaa dawaladda Suudaan oo iyada ka helayso dulsaar fiican iyo qarash u dhigan lacagta ay daabacayso, taas kaliya ma ahee waxaa meesha ku jira waa inay caalamka u miijiso inay jirto waddammo ay xiriir fiican la leedahay ama laga ag heli karo furaha xalka, waxaa taas ka sii muhimsan inay u muujiso dawladaha qaar ee xifaaltanka dhaqaale daymeed kala dhxeeyo inay ka kaaftoomi karto, marka ay daymo badan ku yeelato dalal sida Soomaaliya ah oo ay berri weydiisan karto si ay uga baxdo xaalad dhaqaale oo soo wajahda awgeed!.

Dhanka kale lagacba samee oo soo daabac waxa adduunka dawlado dhaqaale adag leh ku yaal miyey ka dooratay Suudaan oo ku jirta dawladaha ugu saboolsan Afrika. Waa mid fiican in dawladaha Afrika xiriir wanaagsan lala yeeshaa balse Suudaan oo ku eedaysan fadeexadaha Koofurta iyo Galbeedka (Darfur) miyaa laga soo daabacayaa?, hoggaanka dalka Suudaan waa maxkamad Suge, Safar dibadda ah uma bixi karo oo wuxuu ku xiran yahay waddanka Suudaan, Sh.Shariif miyuusan ogayn inuu isaga ka xorriyad badan yahay marka laga reebo madaafiicda Alshabaab ee lagu soo dhaweeyo ama lagu sagootiyo ama lagu seexiyo ama lagu tuusiyo si uu u shaqo galo!

Haddaad dayn amaahanaysid waxaa dayn laga amaahdaa qof deeq ku Dheer ama aad wax kale ku tabaysid, ee cerdayna lagama amaahdo qof aan wax ku dheerayn ama aadan waxba ku malaynayn dhankiisa. Waxaan uga jeedaa dal aan waligiis dagaal ka bixin maalintii uu xorriyadda qaatay ilaa maanta, dal aan dhaqaalo xooggan lahayn ama lacag adag, dagaal aan culays siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed lahayn, dal aan horumar dhaqaale horumar dhismeed horumar tecnologia horumar bulshadeed midna lahayn ayey dawladdu lacag ka samaysanaysaa, igamana ahan inaan dalka Suudaan wax u dhibayo.

Haddii ujeedku ahaa dawladaha horumaray nooma oggala inaan lacag cusub samaynno oo diiddan yihiin tallaabadaa Waa mid ay ku qaldan yihiin, ujeedka ay u diideen dawladahaa haddii ay tahay waxa aan horay ku sheegnay waa miday ku saxan yihiin, waxay u muuqataa inay heleen shuraako la qaybsanaya waxna u midabaynaya, illeyn ujeedka dawladda ugu weyn waa inay lacag helaan ay ay si jeebabka ugu gurtaane, taasn waxay ku suura gali kartaa in lacagta uu sameeyo dal aan wax shuruud ah ku xirayn oo ah maxaa iga Galay!.

Faafin; jennaayo, 2010

Bashiir M. Xersi

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s