Dadka Dhagaxa lagu Dilayo ma Dhulka ayey ka Dhasheen?!

Dadka Dhagaxa lagu Dilayo ma Dhulka ayey ka Dhasheen?!

 

Huray umaan qorin maqaal noocan oo kala ah, in badan waxaan jeclaa inaan ku koobnaado falanqaynta Fekera iyo dhacdada, aragti ahaan ku muujiyo xagasha toosan iyo midda qalloocan ama daacsan, maanta waxaan doonayaa inaan bal si kale u muujiyo dhacdooyinka dhacaya dabcan ilamah inaan la muujin balse waxaan rabaa inaan dareen Somalino ku soo gudbiyo, haba la dhoho ninku dhanbuu u janjeersaday ama wuxuu billaabay sheekadii Somali daashatay iyo waligiisba wuu is qarin jiraye waxaan ayuu aaminsanaa, xukunku waxba igama dhibayo ee waxaa ii dana inaanan garab marin soo bandhigidda xaqiiqada la moosayo!.

Waa la diriri jiray hoog iyo ba’ waa dhici jireen, colaado iyo cadaadis waa iman jireen dirac iyo dirroor waa la dili jiray halyeey waa la halaagi jiray, is jiir iyo kala go’ aan dabka la kala qaadan, nolashaaba ku dhisan col iyo nabad dagaal iyo heshiis, ismaandhaaf iyo is afgarad, is badallo wanaag iyo xumaan isugu jira, sidaas oo ay tahay wax walba oo dhaca waa laga xisaabtamaa dhamaad ayeyna yeeshaan iyo meel ay ku hakadaan.

Somali dagaal hadda uguma hor laha mana u billaaban ee waa soo mareen kuna soo hoobteen, kanse billowday xilli la is lahaa dadkii waxay u gudbeen heer dawladeed waa mid sha’nigiisa leh lana yimid amar gaar ah iyo sheekooyin ku cusub dhaqanka Somali iyo hiddeheeda, dagaaladii sokeeya ee dalka ka dhacay marka laga soo tago dil dhac kufsi boob iyo anaa kaa taag roon waxy dagaaladii hore dheer yihiin ama kaga duwan yihiin xera taraarka aan wax xadeeyaa jirin, Biri-magaydo, Ilmadow, Marras, Maato, Dumar IWM waxaa reebaneed in lagu xadgudbo, haddase Iyaga ayaaba laga billaabayaa ama lagu furfuranayaa!

Ujeedka qormada aan u dhaadhoco dabcan cinwaanku waa su’aal, su’aashuna waxay ku timid dhacdo soo laalaabatay, dagaaladii dhacay inta is dilku dhex martay waaba u bareereen oo Iyagaa hurinayey collaadda, waxaan wada ogsoonnahay in waxyeelada ugu weyni soo gaadhay dad aan shuqul ku lahayn oo magacyo badan loo baxshay: Looma ooyaan, others, Dadka laga tirada badan yahay, Beelaha aan hubaysnayn IWM.

Magacyadu marna waa xaqiiqo tilmaamaysa dhabta sida: Beelaha aan hubaysnayn oo Suug ma wataan mana lahan hub ay dad ku dhacaan ama ku dilaan!, dhanka kale haddaad ka eegto waxaa ka dhadhamayso quursi sida: Looma Ooyaan oo haddaas Hooyo ma dhalin miyaa? Walaalo malahan miyaa? Xaas iyo carruur uma joogaan miyaa? Ma geedbuu ka dhashay? Mise dhulka ayuu ka soo baxay? Mise Badda aya soo tuftay?, Looma ooyaan sow ma ahan quursi ku dhisan cid ka naxaysa ma jirto maadaama uu ka soo jeedo “Beelaha la yaso”, others: waa eray qalaad waxaana looga jeedaa: “Inta kale!” maadama ay is tiriyeen inta hubaysan kaliya oo aan waxba laga soo qaadin inta soo hartay inta la isku jujuubay la yiri: “others, Inta kale!”.

Malaha magacyadaan waxaa loogu baxshay in la dulmiyo lagu xadgudbo deedna aan la si weydiin maadaama la dulmiyuhu yahay: Looma ooyaan, si aysasn u dhicin inaan cidna iska waraysan oo aan la isu soo raacan, xoolahaba haddii la kala dhoco waa la isu qabsadaaye ma dadkii ayaa ka qiimo liitay?!, Ayaan darro weynaa oo sheekadu xumaa xaalkuse qaraaraa, marka xoolaha la kala dhoco haddaan si deg deg ah wax looga qaban dhiig baa u daata nafuna way u qur baxaan, balse dadkan la laynayo cidna kama dhiidhinayso!

Waad la wada socotaan Beelaha dega Daanka Wabiyada Shabeelle iyo jubba ama ku dhaqan waxa ka korreeya magaalada Muqdisha marka aad Koofur sii aaddo, waxaa lagu hayey dhib weyn oo uga imaanayey Mooryaanta Beelaha hubaysan, lagacaha loo yaqaan: Leejada ee laga qaado Beeraha Aseendooyinka(Oziando), Kufisaga, Dhaca, Dilka, Boobka, waxaa u sii dheeraa in laga iibin jiray Biyaha Wabiga, aan idin weydiiyee Somaliyeey taasi ma xaqbaa?!.

Dhibkaa lagu hayey ee aan cidna ka dhiilloon aanna laga muujin wax dareena waxaa u soo labeeyey wax lagu sheegay Axkaam Diineed oo Iyaga uun lala beegto, xilligii Maxkamadaha deegaanadoodu waxay ahayd rugta u ah biyo dhaca ka dib markii Muqdisha looga taag roonaaday Qabqablayaashii, Marko Afgooye Baraawe iyo magaaalooyinka la halmaalaa waxaa saldhig ka dhigtay Wadaadadii Shaarka Diinta huwanaa ee Jihaadka la jadbaysnaa, waxaana la yaab noqtay meesha arintu ku biya shubatay.

Diinbaa timid waxaa la is lahaa bal wixii shalay dhacay ama dhici jiray ha is bedelaan oo halla helo cadaalad ku salayn daacadnimo, ayaan darro taa lama helin mana dhicin waxaase la sii xoojiyey wixii jiray Iyada oo magacii iyo cinwaankii laga badalay, haddii ay shalay ahayd: Mooryaan Maleeshiyo, Burcad IWM ha, maanta waxaa loo baxshay: Mujaahidiin, Muraabidiin, Jayshul Islam, Muhaajiriin IWM.

Magacu wuu badalmay tilmaamtii xumeed ee lagu yaqaannay ama loogu yeeri jiray waxaa loogu badalay magacyo Dahabi ah oo laga soo minguriyey Dinta, waxaanse is badalin hab dhaqankii iyo falkii dhici jiray, haddaanba lagu soo kordhin arimo ay kuwii hore ka sarriigan jireen ama ka xishoon jireen, taasi waxay muujisay in laga wada siman yahay aragtida ah inaan loo nixin loo naxariisan Looma ooyaanka ee la laayo had iyo jeer!

Shareecoy xaal qaado Islaamow belaa kugu heestay, dadka koofurta dega gaar ahaan wixii ka rogan magaalada Muqdisho miyaa Shareecadu kaligood qabataa? Islaamka ma Iyaga kaliyaa lugu xukumaa?, shalay Qabiil maantana diin waa waligaa dhibka ku jir oo haka bixin, war wuxu damiir mallahan miyaa?.

Su’aashu waxay tahay maxaa axkaamta Shareecada looga fulayaa deegaanada dadkaa kaliya ay degan yihiin? Mise Iyagaa ka Islaanimo wanaagsan Beelaha kale? Maxaa Axkaamta Islaanka looga fulin la’yahay Beledweyne Jawhar Balcad IWM? Mise magaalooyinkaa dadka degan axkaanta Islaanka in lagu fuliyo waa iska diideen? Waa su’aal uun ma ahan inaan xukminayo ama aan ku qirayo inay wax diideen iyo in kale!.

Xasan Daahir wuxu ka soo jeedaa gobolada dhexe muxuu uga fulin la’yahay axkaanka uu ku sheegayo Islaan deegaanka uu ka soo jeedo? Muu ka fuliyo axkaanta Islaanka: Guriceel, Dhuursamereeb, Matabaan IWM? Mise dadka uu ka dhashay ma doonayaan axkaan Islaan? Waxaa la yiri: wanaagga ka billow qaraabadaada u dig Iyaga marka hore inta aadan la soo shirtagin ama aadan u gudbin dadka kale, waxaase ka muuqata in taas la garab maray!

Ina Gudane axkaanta Islaanka muu ka fuliyo waqooyi iyo meeshuu ku dhashay? Mise Iyaganuna ma doonayaan axkaan Islaan? Dabcan isna waxaa qabsanaysa isla arinta ah wanaagga inuu ka billaabo xigtada iyo xigaalada ee ma ahan inuu la xero taraaro, ma muuqato ujeeddo ay ku damacsan yihiin inay Islaanka ku dhaqaan beelaha ay ka soo jeedaan iyo deegaannada ay ku dhesheen, waxa ka hortaagan ama u diidayo inay halka xuduntoodu taallo ka soo billaabaan ama ula laabtaan waxay u baahan tahay baaris qoto dheer.

Iima cuntamin Islaanka aan laga dabaqayn Balcad, Jawhar, Baladweyne, Matabaan, Guriceel, Dhuusarameeb, gaalkacyo, Garoowe iyo Waqooyi ee lagu dabaqayo: Afgooye, Shalanbood, Baraawe, Marka, Dhoobley, Kismaayo IWM? Bal isu eeg magaalooyinkaan dhammaan waxaa degan Somali Muslin ah waxaase qaar laga fuliyaa axkaam Islaan qaarna lagama fuliyo, kala bayrku waa axkaanta laga fuliyo magaalooyinka kofurta fog waxaa fuliya dad ka soo jeeda gobolada dhexe, Waqooyi bari, iyo Waqooyi, bal may ku dhaqaan dadkooda ama degaankooda marka ay asaraar ula raadsanayaan dadkaa kale ama deegaanadooda.

Dadka dhagaxa loogu dilo sida joogtada ah waa dadkii dhulka u dhashay ku dhashay ku dhaqmay dhididkoodu ku baxay, waxaase dhagaxa ku dilaya dad aan ku dhalan una dhalan kuna dhaqmin u dhibaatoon, waaba yaabee haddaad dilayso maad xabad nash ku siisid marka aad dhagax silic ugu dilayso, ilama ahan in diin iyo wax la mid ah meesha ku jirto ee nimankani waxay u ooman yihiin dhiig dad!.

Axkaanta la fuliyo ee la sheego inay diinta Islaanka ku jirto waxaa habboon in sida ay sheegtay loo raaco, taas waxaa ka sii muhimsan xukunka la yiraa: dhagax ku dilka(Rajmi) Aayad Quraana oo sheegtay ma jirto, axkaantana waxaa laga qaataa Quraan, sheeko cumar laga wariyey ayaa sheegaysa xukunka dhagax ku dilka(Rajmi) taasna ma ahan mid daliil noqonaysa madama ay arintu la xariirto naf la jarayo iyo qaab xun oo loo dilayo.

Axkaanta kale ee quraanka ku jirta mid walba waxaa la daba dhigay shuruud iyo dabarro adag, waxaa taa ka sii muhimsan fulinta waxaa loo xilsaaray Madaxa dadka oo masuul ka ah ee koox burcad oo shufto ah xaq uma lahan inay ku takri fasho oo siday rabto ka yeesho, kuma sii jirto haddiiba dalku ku jiro fawdo iyo qas aan nidaam jirin.

Intaas aan uga haro axkaanta quraanka iyo qaab fulinta, waxaan rabaa inaan qaab kale u jeediyo haddana, Alshabaab Iyaga waaba ku caanbexeen inay dadka xukunno qalafsan ku fuliyaan ee waxaa ku biiray oo isna billaabay Xizbul Islaan, waxay uga jeedaan inay u dhawaadan Alshabaab oo ay u muujiyaan inay isku dhaqan yihiin isku qaabna wax u wadaan, marka dadkii dhagaxa lagu dilay waxay ka dhignaayeen Qurbaan loo qadimay Alshabaab!

Alshabaab iyo xizbul islaan waxaa ka dhexeeya xifaalo mararka qaar isu badasha gacan ka hadal iyo dagaal, xifaalahaa oo ku qootoma in Alshabaab ay uga dheereeyaan silcinta iyo bahdilka dadka taas oo lagu dhaleeceeyo xizbul Islaan, iyada oo waliba farta lagu fiiqo inaysan Islaanimadu ka daacad ahayn maadaama aysan dadka dhagax ku dilin inta qaarka dambe u duugaan, taasi waa gubtay Xizbul Islaan wuxuuna go’aan ku gaaray inuu jameecada wax la qaybsado lana wadaago dhagax ku dilka Ilaah loogu dhawaanayo!, taas waxay u muuqataa mid si mabda’ ahaan ah ay Alshabaab u soo dhawayn doonta balse sugaysa in la sii joogteeyo.

Marka haddii dadkii dhagaxa lagu dilayey ayba noqdeen deeq iyo hibo la isku haaneedsho waxaan filayaa waxa aan sugnaana inuu ka sii daran yahay, waxaase xanuunka iyo dareen aan go’ayni yahay marka inta dhulkaaga deegaanka laguugu yimaado dhagax lagugu dilo ee lagu yiraa:Ilaah ayaa kuu gartay annana waan kugu fulinay!, run ahaantii taasi waxay abuuraysaa nabar aan waligiis raysanayn iyo boog aan marnaba bogsoonayn!.

Ilaah waa loo sinnaa dadkuna ma kala xigine waxaa damqasho leh marka magaciisa lagugu dilo ee lagu yiraa haddana aamus oo ha hadlin, qofkii kuu xoog sheegta waaba la gartay oo nolashaaba ku dhisan nin taag daran iyo taag roon, wuxuu kugu awood sheegtay wax muuqda oo aan kaa qarsoonayn balse marka lagugu dhibo awood qarsoon ee cidna arag dhibku wuu ka sii weyn yahay xanuunkuna waa ka sii daran yahay!

Waa ayaan darroo dadka dhagaxa lagu dilayo ee dhulka qaarka dambe loogu duugayo inaan cidna ka damqan ama aan laga muujin dareen xun, waxaa ka sii ayaan daran dadka u soo daawasho tagaya ama u imaanaya inay fiirsadaan qalbi adagaa mise Iyaga waxaa ka guurtay dareenkii bani’aadamnimo? Armaya ee waa qasaban yihiin oo waa inay fuliyaan Amiirka hadalkiisa maadaama looga yeeray fagaaraha lagu faraxumaynayo dadka, taas haddii ay jirto waa qasbanayaal aan qiil lahayn balse maxaa qaab kale loogu dayi waayey?.

Ila durug dareenkuye waxaan rabaa inaan muujiyo dhibka dhaca ma ahan mid qarsoon ama aan muuqan ee Somaliyey ma u istaagnaa inaan ka dhiidhinno oo aan joojinno? Mise waan daawaanna oo u finirsi tagnaa illeen dareenkeen dhimaye? Waxaan filayaa in labadaa mid nala gudboon tahay waxa ka dheraadka ah ay tahay wax aan dhibka waxba ka tarayn ama aan wax ka qabanayn.

Ugu damabyn waxaan ku soo gunaanadayaa qormada darreen gaaban: dadka dhagaxa lagu dilayo kama dhalan dhulka mana ahan dhul jiif iyo halaq ee waa dhalad ku dhaashada Somalinimada, waxaase xanuunka leh waa in rag soo dhoolaaday inta dhabbaha u istaagaan yiraahdaan: waad dhillaysatay ee dhagax ayaa lagugu dilayaa! Dhagaxtuur marbuu qiimo iyo magac ahaa balse maabta maya oo wuxuu noqday magac naxdin iyo uur ku taallo keena marka la maqlo!

 

F.G: ujeedka ma ahan in qabiil gaara lagu dhaleeceyo ama lagu muujiyo, balse waxay tahay in la iftiinsho arin soo laalaabatay marar badan.

 

December, 2009

 

Bashiir M. Xersi

Advertisements

6 Comments

  1. Malaha marka Soomaaligu ku dialyo ma xanuun badna ee dhagaxa ajnabigu nagu dilo ayaa ka xanuun badan. Qormada Bashir M Xersi, waa mid meesha ku jirta.

  2. Malaha marka Soomaaligu ku dilayo ma xanuun badna ee dhagaxa ajnabigu nagu dilo ayaa ka xanuun badan. Qormada Bashir M Xersi, waa mid meesha ku jirta.

  3. waxaan filayaaa ninka qoray qoraalkaan waaa sadex mid kood haduusan ahayn sadecdaba maxaayeellay qof an ahayn sadexdaas midkood saan wax uma qoro eee meelobadan buu ka fiirshaa waxa uu bulshada lawadaagayana wax tataftiran buuu ka dhigaaa lkn saan mayeelo. kow inuu yahay nin xamaasad qabiil qaaday ooo jidbaysan,2 inuuyahay nin siyaasadi lataraaaraxday ooo hadalkiisu ku salaysanyahay culaytan iyo anaa reerka kaa xiga. 3inuuyahay nin an aqoon dheerlahayn xaga shaciga islamka oon baritaana samayn taas waxaaa ku tusinaya hadalkiisa uu dhahay dhagax in qof lagudilo sharecadu ma sheegin taasna waa been abuur uu ku sameeyey ficilkii rasuulka suban (csw)waxaa sixii ah in rasuulka nin uyimid oo dhahay nabi allow aan sinaystay ee xadka iga oofi.kadibna asaxaabta lagu amray inay xadka ka oo fiyaan lagana oo fiyey,marka taas haday kuu muuqan waydo ood diinta ku qanci waydo dadka geesta ka raac alle haku soo hadeeyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s