Sigaar ha Cabin yaan Surka lagaa goyne!

Sigaar ha Cabin yaan Surka lagaa goyne!

 

Nabar aad filaysay Naxdin ma leh

 

La yaab ma leh maqalka ama ogaalka in dhaqtar Somaliyeed loo dilay inuu sigaar cabay! La yaab ma leh in aqoonyahan Somaliyeed loo toogtay inuu sanka qaac ka sii diiyey! La yaab ma leh in daweeye Somaliyeed qudha looga jaray inuu sigaar dhuuqay! La yaab ma leh in waxtare Somaliyeed surka looga jaray inuu buuri qiicaya cabay! La yaab maleh in wax-ku-ool Somaliyeed Aakhiro logu hooyey inuu tubaako dabaysan dhuuqay!
Layaab maleh …… Layaab ma leh…… Layaab ma leh……

 

Nimaad taqaan yaa tahay lama yiraa?

 

Intaas iyo inta la midka ah ama ka sii qatarsan ee ka sii xanuun badan iyo ka sii xun la yaab maleh, sababtoo ah wixii kugu cusub ayaa la yaab leh ama maanka soo jiita oo noqda wax aan cuntamin ama aan dhici karin. Falkan ma ahan midkii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ka dhaca deegaanada ay ka dagaal galaan kooxo diimeedka, mana noqon doono kan ugu dambeeya ee soo afjara tacadiyada ay ku wadaan Somaliyen.

La yaab ma leh inay sidaan wax u dhacaan waa looga bartay inay sidaan u dhaqmaan. Bal ila xasuusta guud ahaan dadka ay sida joogtada ah gacmaha iyo lugaha uga jaraan ee u dhaca sida joogtada ah, jirdilka loo yaqaan Jeedliddu xad iyo xero malahan waa maalinleey aan marnaba baaqan, ayna sii dheer tahay cagajug laynta iyo hanjabaadda aan hakad lahayn ee har iyo habeen loo jeediyo guud ahaan Ummadda gaar ahaan dadka indhaha u ah sida: Wariyaha, Aqoonyahanka, waxgaradka, iyo dadka lafdhabarka u ah Ummadda!.

Cuuryaamintaa kaliya kuma sinna dhibaatada ay ku hayaan ummadda ee waxay had iyo jeer hadda ka jaraan hablo iyo wiilaal aan loo hayn caddayn ah dambiga lagu hayo, waxay si caadi ah u dilaan oo nafta uga gooyaan dadka, iyaga oo ku doodaya inay oofinayaan xad Ilaahay, waaba yaabe ma wakiilada ilaahaybaa?!, Haba dilaane mararka qaar waxay nafta kaga qaadaan dhagax, arxan daranaa! haddiiba ay dilayaan may u raaxeeyaan oo nafta si fudud uga qaadaan maxay u silcinayaan oo u xaraarujinayaan?!

 

Ninna Caadadiisa kama tago

 

Ma ahan markii ugu horraysay ee ay dilaan qof ay leeyihiin wuxuu u hoggaansami waayey amaradooda qalafsan ee ka baxsan sharciga iyo qaanuunka. bal ila xusuusta ninkii lagu dilay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, ninkan oo lagu eedeeyey inuu xiri waayey goobtiisa ganacsi xilli la joogay waqti salaad uuna aadi waayey masjidka!, Iyaga maxaa salaadiisa ka galay? Ma Iyagaa u xilsaaran inay tiro koobaan dadka dukada iyo kuwa aan dukan? Maxaa u geeyey inay naf ku xadgudbaan si ay u faraan ama u fulliyaan wanaag ama u saxaan qalad?!

Ila xasuusta wiil dhalinyaro ahaa oo lagu dilay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galguduud, wiilkan oo la dilay ka dib markii loo diiday inuu cayaaro kubadda cagta oo ay mamnuuceen kooxo diimeedka oo waliba xillgaana ka amar qaadanayey Xasan Dahir Aways, mar la waydiinaya Xasan wuxuu sheegay inaan la buunbuunin arinta lana sii weynayn loona cudurdaaro!. Maxaa loogu cudurdaraa, ma inuu xukun diimeed fuliyey? Mise inuu naf ku xadgudbay? Haddiise kii hore loo cudurdaaro kanna ma loo cudurdaarayaa? Dabcan taas waxay ka dhigan tahay dadka laay mar walba waa laguu cudurdaarayaaye!.

Ila xasuusta wiil madaxa looga jiro oo deganaa suuq bacaad oo inta ay dileen soo dhigeen maydkiisa wadada iyaga oo ku andacoonaya inuu ahaa basaas u warama Dawladda, intaas kuma eka ee magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose iyana waxaa lagu dilay laba wiil oo dhalinyaro ah oo ku eedaysnaa inay basaasiin ahaayeen. Iyada qofkii la dilaaba ma basaasbaa la dhahayaa? Basaasnimadu miyeysan ahayn xirfad adag oo ku dhiirashadeedu fududayn? Mise qofkii dhaqaaqaba waa basaas!.

Dilalka macna darrada ah ee kooxo diimeedku bulshada ka dhex wadaan lama soo koobi karo, maxaa yeelay waxay u dhacaan si joogta ah, maalin ay ka maran tahay wararka ma jirto qodobka ah: Islaamiyiinta oo dad ku jeedlay, gacma gooeyey ama qudha ka jaray!, taas oo ka dhigaysa inaysan arintu xad yeelanayn ayna sii faafayso inta ay ka gaarayso heer aan xad loo yooli karin ama aan la daba qaba karin.

 

Laba Daran mid Dooro

 

Kooxo diimeedku waligoodba waxay diiradda saaraan laba aromood oo aad u kala adag oo midna laga samri karin kana dhigan: labo daran mid dooro, labada arimood waxay kala yihiin:

 

1- Xorriyad la’aan: dadka waxay ka qaadaan xorriyadda iyaga oo ku soo roga amarro aan la fulin karin ama hor istaagaya xorriyadda, fulinta amaradaan waa mid qofka aad ugu culus sababtoo ah waxay toos u beegsanaysaa madax bannaanidiisa iyo inuu rabitaankiisa hirgaliyo, waxa ay dadka xorriyadda uga qaadaan waxaa ka mid ah:

 

-Kubbad lama cayaari karo

-Sigaar lama cabi karo

-Jaad lama cuni karo

-Shineemo lama gali karo

-Xijaab ha la qaato

-Filim lama daawan karo

-Hees lama dhagaysan karo

 

Arimahan waxay keenayaan in qofku uu ka caaganaado qayb ka mid ah hiwaayaddiisa iyo waxa uu sida gaarka ah u xiiseeyo, taas kama dhigna in la moog yahay qaybo ka mid ah dhibaatada ay leeyihiin, balse qofka ayaa iskiis isaga dhaafi kara iyo doonis isaga ka soo go’day, mana ahan in lagu qasbo inuu iska dhaafo.

2- Hed goynta: marka qofka xorriyadda laga qaado oo laga hor istaago wixii uu samayn jiray ama u ahaa hab dhaqan, waxaa imaanaysa inuu qofku ka maago kana keeno diidmo ka dhigan inayuusan arintaan samayn karin, markaas waxaa dhacaysa in la beegsado naftiisa oo loo dilo wax aan u dhigmin naftiisa.

Labadan waa qodobada ugu badan ee ay dadka ku ceejiyaan kooxo diimeedka waxaana u sababa: iyaga oon ka baaqsan inay dadka u daayaan wixii u gaara oo ay tahay inaan lagu faargalin ama lagu dalqamin wixii aysan rabin aanna lagu qasbin, iyo dadka oo marka sidaa qaawan loo faragaliyo ka galiisha kana keena gadood aan gambad lahayn, markaasna ay guntantaa qoor goyn ay geystaan kooxo diimeedku. Mise waa meeshii Hadraawi ka yiri:

 

Isha xiro afkana dhowr

Arag maqal warkana ood!

 

Dilka marxuum Dr. Bidaarey wuxuu muujinayaa sida aysan naftu qiimo ula lahayn kooxahan ku qaraabta magaca diinta, uma kala soocna qof waxtar leh ama wa- ku-ool ah iyo qof caadi ah, kama dhigna in qofka dambe uusan lahayn qiimo iyo qadarin naftiisuna la sinnayn kan kale, balse waxay tahay ujeedadu nin dadka bulshada u ah lafdhabarka ay ku taagan tahay ee loo ciirsado marka culays yimaado uu ka duwan yahay kan kale, taasina waa mid iska muuqata.

Ka dar oo Dibi dhal

 

Waxaaba ka sii xanuun badan dilka dhaqtarka inuu baxsaday gacan ku dhiiglihii gaystay fal dambiyeedka, ayna sii daayeen rag saxiibadiis ah ka dib markii ay ka baxsheen Xabsiga habeen madaw, taas oo ka dhigan dil qofkaad rabto anagaa ku badbaadinaynnee, siday ku dhacday in gacan ku dhiigluhu ka baxday xabsiga? Waa sheeko caruureed iyo maaweelo lagu marin habaabinayo dadka, diinna waan wadaa Ditoorna waa dilaa widaayow lagaa diid!.

La yaab maleh waxaad filaysay dhicitaankoodu waxay sii xojinayaan inay kuu sii adkaato fekerkii aad qabtay iyo qiyaastii aad markii hore ku qotomisay, kooxaha ku gambada diinta waa midaan lagula yaabayn dhacdadaan, maxaa yeelay horayna way u sameeyeen haattanna way sameeyeen hadhowna way samaynayaan. Waa tii la yiri: “Mukaali Madax Doolli kama Xajiso

Sidaan rabo yeel, waxaan ku dheho samee, ha igu soo warcelin. ilama ahan mid xaqiiqoobaysa ama lagu guulaysanayo, murtidan ila dheeho: Waa ku Dhalee isoo Raac ma Jirto, maadaama carruurtii aad dhashay ee dhacaankaaga ahaa aysan kaa yeelayn isoo raac iyo sidaan rabo yeel, maxaad ka filanaysaa qof aad waddo kaga hortimid iyo mid aadan isku milmin?, Way ka sii adag tahay arintu sida muuqata, kuma darin haddii xabbaddu tahay xarigga dadka isku xira oo qofkii is xajiya xaf ha laga siiyo qoorta xabaalna ha loo xareeyo.

Ugu dambayn xabbad waxba kuma xallismayaan ee xigmad iyo caqli arimaha ha lgu xeeriyo, waan filaa inaan soo ogaannay xanuunka xabbidi leedahay iyo inta ay xabaalaha jiifisay, xasaradaha awalba Anagaa xassaynee miyaan loo xal helaynin?.

April, 2009 

Bashiir M. Xersi

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s