Da’yartooy digniin: Dirirta Qabyaaladda iyo Dagaal Diimeedka!

Da’yartooy digniin: Dirirta Qabyaaladda iyo Dagaal Diimeedka!

 

Ubadku, waa isku nabaha qoyska iyo bulshada. Waa ildoogsiga maanta (waqti xaadirka) iyo rajada aayaha (mustaqbalka). Waa ashqaraarka indhaha iyo farxadda uurka, haddaba, qormadeenna waxaan ku eegaynnaa, ubadka iyo ababintooda. Waxaan kaga nasanaynaa siyaasadda iyo saadilteeda sina loo bixin waayey. Waxaan is ku dayeynaa, inaan si kooban u dalmarno, maadaama uu yahay mawduuc aad u ballaaran, una baahan baaritaan iyo xogdheer, ayna wehliso goobjoognimo iyo garaaddo goyn, haddana, dhaqanku waa dhaqankii, dhallaankuna waa innagoo weynaannay. Waxaan ku cabbirayaa wixii naga muuqda ee soo ifbaxa.

Ugu horrayn, bulsho waliba waxay leedahay astaamo u gaar ah, tilmaamo u gooni ah iyo sifooyin aan cidna la wadaagin. Darisnimadu saamayn waa yeelan kartaa, oo way jiri karaan waxyaabo la wada wadaago, haddana, qoloba dhadhan gaar ah ayey u leedahay. Soomaalidu waxay qayb ka tahay, bulshooyinka reer guuraaga ah, waxaa lagu tilmaamaa ummad geeddi iyo hayaan ku xeeldheer. Taasi ma ahan mid is ka dhalatay, waxaa sababay cimilada dalka iyo camalka dadka. Qormada waxaan ku qaadaadhigi doonnaa, laba qodod oo kala ah: Qabyaalad iyo Dagaal Diimeed.

Qabiil {Qabyaalad}: Unugga Soomaali is ku xira waa qabiil. Dhalyadu waa asalka la wadaago, dhiiggu sida markuu daato xinjir guduudan u yahay, ayuu dadka qalbigooda ugu dhagan yahay, haddaba, qabiilku maadaama uu sidaa yahay, sidee loo dhaqangaliyey? Waa su’aasha aan baaritaankeeda ku gudajirno, inagoo ku lammaanin doonna, wixii dib ka soo raacay, hubaal, in qabiilku yahay qaabaynta ay ummaddu u qoor go’an tahay, kuma sii jirto xilliyadii hore, ee uu ahaa tilmaam iyo tigaad, sidaa darteed, waa halbowlaha wada dhaqdhaqaaqa nolosha, waa isku xiraha iyo kala gooyaha bulshada.

Qabiilku maadaama uu sidaa yahay, waxaa lagama maarmaan noqotay, in wax lagu gooyo isaga. Waxaan uga jeedaa, inuu noqday sargoyn iyo saldhigid, noqday mid wax lagu kala goosto, taasi waxay sababtay, inuu yeesho kaalin mug leh, si kaalintaasi ay u meelmarto, waxaa dhashay abtirsiimaha iyo abla-ablaynta dhalyada, ee asalka koree awoowayaasha loogu librayo, tixnaanta magacyada abtirsiga waxaa ka dhashay: jufooyin, jibsiino, beelo, lafo, IWM, waa laga yaabaa inay dhammaan isku mid noqon karaa, haddana, si unbay ku kala duwan yihiin, haddaysan adeegsiga gobolka iyo deegaanka ku xirnayn.

Si aan u fahmno, waxaa habboon, inaan ka billowno faraca hoose qoyska (aabbe iyo hooyo), maxaa yeelay, isaga ayaa unug u ah beesha ku foorarsanaysa qabiilka. Qoysku waa dugsiga koowaad ee lagu dhigo casharrada la xiriira qabiilka, waa kan keena taxanaha awoowayaasha beesha ku dhigan qabiilka, taa ka hor waa inaan mid wada ogaannaa, in abtirsiimada qoyska aysan hooyadu lug ku lahayn, ay tahay kaliya warshadda badinta dadka, waana midda aan u hormariyey aabbaha, ma ahan inaan liidayo hooyooyinka, ee sidaa ayaa xaal noqday.

Haddaba, aabbuhu waa qawsaarka qoyska, magaca iyo marsada isku xirta asalka isaga ayaa wata, waxaa xilkiisu yahay, inuu ubadka baro dhalyada qabiilka, sokeeyaha iyo shisheeyaha, intaa kaliya ma ahan, ee waa inuu maanka ubadkiisa ku milaa sooyaalka Jufada, Beesha iyo Qabiilka, micnaha uu u kala horraysiiyaa sida loo kala dhaw yahay, uu ka billaabaa ilma adeerrada koowaad kuwa labaad sadaxaad …. ilaa laga gaarayo jufada kale, ee ay ku wada arooraan qabiil.

Ujeedku waa naqshadayn iyo astaan u yeelid ubad, maxaa yeelay, waxaa lagama maarmaan ahayd, inuu yeesho gabbaad iyo gudbane uu ku go’an yahay, haddii kale waxaa soo foodsaaraysa, in la garbiyo guudkana laga gooyo, astaanta dadku waa abtirsiimada qabiilka, astaanta xoolahuna waa summad qolaba si u dhigato, marka dhallaanka waxaa dhagaha looga afuufaa, in reer hebel ka liitaan ka hooseeyaan, ayna ka dhalanayso, inaan xiriir lala yeelan, dhan walba ha ku yimaadee. Dhanka kale, reer hebelna ay colaad gaamurtay kala dhaxayso, ay dileen hebel iyo hebel iyo waxgalkii beesha.

Dhallaanka dhasha waxaa lagu anqarinayaa qabiilka, magac ahaan waa iska erayo, balse, isu rogayo qabyaalad iyo qabweynan, ujeedka ugu xun ee loo adeegsadayna muuqdo. Ubadku waa cajal cusub oo kale, cajalna waxaad ku duubto unbuu qaban, sidoo kale, dhallaankuna wixii loo sheego unbuu aamini, hadday dhiirragalin iyo dhaga hadal wehlisana kuma sii jirto, maxaa yeelay, wixii lagu celcelshaa qaab dhag gooni ah ayey leeyihiin, sidoo kale carruurnimada waxa aad qabataa si sahal ah kuma illaawdid, sababtu waa xaashinnimada iyo niyad xaarnaanta dhallaanka.

Ubadkii sidaa ayuu ku qaataa aragtidaa gurracan, markuu soo weynaadana sidaa ayuu u meelmariyaa ujeedkii qalloocnaa, ee loo meeriyey. Cunsurkan waa midka nala degay, ee aan la dhisan la’ nahay qaran iyo dawlad casri ah, had iyo jeer waxaa wax lagu qaybsadaa beelo sidii geela loo kala dhici jiray oo kale, waaba yaabee qarannimadiina ma geelii oo kale ayey noqotay? Miyeysan dadka ka dhaxayn oo aysan jirin qolo gaar u leh ama meel gaar ka mudan in la siiyo?.

Colaadihii dhacay sanadihii tagay, waa udub dhexeedka dhaqansiinta ubadka. Ciddaasi waxay naga dishay geesi hebel iyo ma soo jeeste! Dagaallo lagu hoobtay oo beri dhacay ayaa dacalka la wada hayaa, waxaa la wada qorshaynayaa sidii loo aargoosan lahaa, taasina waxay keenaysaa, in carruurku markuu weynaado, uusanba arki karin reerkaa wixii ka soo jeedaa, bal yaa garan kara waxa ay ka ba’sheen isaga? Mise reerkiisa ayuu dhinac ka raacay, oo colaad weyn u haya reerkaa kale? “Kabtaada iyo tolkaagaba dhexda ayaa looga jiraa!”.

Reer hebel gabdhaheenna ma geeyaan, geeloodunu geeleenna lama daaqi karo IWM ayaa ka dhashay, qabayaaladda waa midda maanta maraysa afar iyo bar (4,5), foolxumo ka weyn miyaa jirta taa? Beelo dhammaystiran oo buuxa iyo beelo qayb ah oo jajban, waxay kuu caddayn, in cudurka laga wada siman yahay, oo aysan kulayl iyo dhib cidna ku hayan, maxaa yeelay, suntaa ayaa la wada cabsan yahay, carruurnimada ayaa lagu wada sumoobey, waxay la socotey malmalka!

Dhibkaa innaga oo la daalaa dhacayna, ayaa waxaa soo baxay “ka Dar oo Dibi dhal”, malaha waxaaba ka sii wanaagsan in la dhoho: “Kud ka guure Qanjo u Guur!”, sidaa waxaan u leeyahay, meeshii la islahaa kaalinta qabiilku waa yaraan, maadaama dadkii magaalooyinka degay addunkana loo wada dhoofay, ayaa waxaad moodda inuu sii xididdaysanayo ooba la sii dhidbayo, maxaa yeelay, wax isbedel ah iska dhaafe waaba la sii mindhicireeyey, balaanse eegno cunsurka labaad ee ababinta.

Dagaaldiimeed (Jihaad): inta aannaan u gudagalin dagaaldiimeedka Jihaadka dirirta iyo colaadaha muqaddaska ah, waxaan jeclaan lahaa, inaan wax yar ka iraahdo ababin diimeedka, in kasta oo la wada ogsoon yahay, haddana, warxumatashiilyada ayaan iridda ka sii xirayaa. Diini waa damiir toosiso, ujeedka dhabta ah waa isku xirka Eebaha iyo addoonka, ma jirto hab toos ah oo ka dhaxayn karta, sidaa ayey xoogga u saartay qalbiga niyadda iyo damiirka, maxaa yeelay, waa unugyada qarsoon ee hoggaamiya xibnaha kale.

Guud ahaan diintu waxay caarad bixin u tahay, dhaqanka toosan iyo hiddaha sare, farriimaheeda ugu xoogga badan waa: dhimrinta, naxariista, damqashada, dabacsanaanta, daacadnimada, nasteexada, wadatashiga (Shuurada), taakulaynta, gargaarka, gacanfurnaanta (sadaqada), caloolfayoobida, uurkuqaad la’aan, xasad la’aan, majeerashao wanaagsan, hadalwanaagsan, been la’aan, diradiraale la’aan, xan la’aan, xumaan la’aan, iyo guud ahaan wixii wanaag ah ee bulshada kaabaya, korna u qaadaya akhlaaqdeeda iyo asluubteeda, keenayana inay isku duubnaato isjeclaato isna dhawrto.

Diintaa sidaa ahayd, ee lagu yaqaannay jiljileecaa, waxaa badalay diin qalafsan oo ku dhisayn adadayg iyo argagax, ma ahan diintoo doorsoontay iyo inay mid cusubi timid, ee qaabka loo afduubay ayaa sidaa noqday, carruurtii lagu ababin jiray, inay macallinkooda maqlaan aysan ku warcelin, inay culimada xalaasha warkooda dhagaystaan, mar walbana ka ducaystaan, waxaa maanta carruurtaa lagu ababinayaa Sheekh hebel waa bidci iyo gaal ama waa gaaloraac, hadduusan murtad ahayn!

Waxaan filaa inaad in badan maqasheen macallin dugsi quraan oo  loo gacan qaaday, haddaan xabbad feeraha looga jabin, dhismaha qaab bulshadeedka oo burburay ayey qayb ka tahay, haddana, qaybta ugu sarraysa waxaa xilkeeda leh ababin diimeedka, imisaad maqasheen Masjid dad lagu dhex dilay? Qofka dilay ma ahan mooryaan aan Rabbi iyo Rasuul aqoon, ee waa wadaad madaxa duubtoo diin Eebbe sheegaya! Immisaad maqasheen masjid inta la isku qabsaday albaabada loo laabay, goob cibaado iyo goob caways midini ka fakan weyday!

Markii hore waxaan la yaabbanayn awrka qabiilka ee qabyaaladda, iyo sida carruurta ay u saaqdo, waxaaba ka daba yimid sun aan ka waxyeello yarayn, waa dagaaldiimedka da’yarta daakhilka loo dhigayo. Farriintan gurracan ee carruurta loo meerinayo, waxaa horbooda rag wadaaddo isku sheega, ujeedka wuxuu rabo ha ahaadee, waxaa hubaal ah, inay cawaaqib xumo reebayso, marka aad aragto carruur caalim ku afcelinaya, aragti diimeed iyo ogaal adduunyo intaba ka warbixinaya, waxa aan dhawrnaaba waa aayoxumo iyo aqligoo ubadka laga sugo.

Dagaaldiimeed waxaan u adeegsaday, si aan loo dhihin diinta ayuu karbaashayaa iyo burish sunuu la daba joogaa, diini iimaan iyo rumayn ayey u baahan tahay, balse, marka ay isu rogto dadka dhibkiisa waxaa kugu soo dhacaya hadalkii: Karl Marx, ee ahaa: “Diintu waa  Dhibka Dadka” ama “Religion Oviom Peoples”, sanadaha jadbada Jihaadka, waxaa soo shaacbaxay arrimo la yaab leh, oo aan gayiga Soomaalida horay uga dhicin, malaha siiro iyo sooyaal ahaan waa loo akhrin jirey, balse, qaabkan loo falgaliyey ayaa ah midda aan u iri: DagaalDiimeed.

Waxaa muddada jadbada Jihaadka dhacay, in dhallinyaro lagu yiri: qof walbaa wuxuu u xilsaaran yahay, inuu soo dilo qofka dad u xiga, arrintan waxa laga xagaaliyey, qaabkii ay dheceen dagaaladii Badar, Uxud IWM, oo ay seefta isu qaateen dad kuwii isu xigay, farriintaa oo loo adeegsaday, in dhallintii lagu madaxdhaqay, in dagaalmeedku keenayo inaad disho dadka kan kuugu dhaw, iyadoon loo aabadayin waxa uu yahay iyo waxa uu aaminsan yahay.

Farriimaha laga soo dhalaaliyey dagaalladii hore u dhacay, ee lagu ababinayo dhallaanka maanta, waxaa hubaal ah, in miraheeda la helayo maraan dheerayn, maxaa yeelay, marka aad aragto ama aad maqasho wiil iyo aabbihiis oo qaatir kala taagan, ma ahan inay meel cidla ah ka timid kala maagiddaa, waxaa u aabbbe ah farriin deemeedka sida qaldan loo fidinayo, waxaa sabab u ah aragtida qaldan ee loo adeegsanayo sooyaalka.

Ababbinta ubadka markii hore waxaa cuuryaamin jiray qabiilka qabyaaladda iyo qabweynanka, oo sabab u ahaa in bulshada kala qoqobnaato, maanta waxaa ababinta ubadka wiiqaya dagaaldiimeedka iyo farriimaha sooyalka sida xun loo leexinayo, waxaa da’yartii dhammaan lagu wada jiheeyey Jihaad iyo Janno gabdho cascas oo dhuuxooda la iska arko ku jiraan, dhibkan qarada weyn ee dhacaya waa ujeedka gurracan ee diinta loo adeegsado, maxaa isku xiray gabar iyo Jihaad, malaha shahwaaninimada ragga ayey muujinaysaa, oo haddaan naag iyo naaskeed loo tilmaamin waxba qabanayn?!

Inta ubadka marna loo afduubayo qabiil marna diin, saw ma habboona in la baro lagu tarbiyadeeyo waddaniyadda, jacaylka dalka iyo dadka, nabadgaliyada dadka iyo u naxariisashadooda, maxaa yeelay, waddanka waa waxa naga dhexeeya kan ugu weyn, waxaase laga dhigay wax aanan jirin ama liiska u dambeeya la galiyey. Carruurta waa in lagu habaa jacayl jilicsanaan iyo jaalnimo. Waa in lagu  anqariyaa damqasho daacadnimo iyo dareen dabacsan. Waa in lagu hagaa wadaag ku salayn idayl ummadda dhan wax la leedahay. Waa in lagu ababiyaa saamaxaad dulqaad iyo cafis.

Ujeedka qormadu waa iftiimin xaalku meesha uu marayo, waxaase la yaab leh, inaan la wada dareensanayn ama lagu wada baruurugsanyn taas, oo sababi doonta, in maalin aan wax la qaban karin qayladhaantu badato, haddaba, inta gori goor tahay waalid kastaa waa inuu ku ababiyaa dhallaankiisa wax ubadka anfaca waalid ahaanna afnaca bushadana anfaca, si loo gaaro guul dhan walba leh, ubadkii oo guulaysta, waalidkii oo guulaysta iyo bulshadii oo guulayta, markaasna waxaa badanaya guulwadayasha, malaha waxaa dad badan ku soo dhacaya haraaggii Siyaad Barre, maya, sidaa ma ah, ee waa eray u baahan dhaqangalin buuxda.

Gunaad: ugu dambyn, waxaa loo baahan yahay, in la iska kaashado la dagaallanka qabiilka qabyaaladda iyo qabweynanka, sidoo kale, waxaa la doonayaa, in la iska garabsado la dagaallanka dagaaldiimeedka jadbada Jihaadka iyo Janno been tilmaamayaasha, labada qole waa isku ujeeddo, balse, laba waddo ayey kala mareen, waxayna wada beegsaneedn hal cunsur, oo bulshada muhim u ah, labada dhan ee ay kala mareen waa dagaaldiimeedka iyo qabyaaladda, ujeedkuna waa madax dhaqa ubadka iyo ugaarsigodooda, waxay wada beegsanayaan dhallinta iyo da’yarta, oo ah mustqabalkii berri loo baxsan lahaa, ama lagu hiran lahaa.

Sidaa darteed, waxaa dhammaan nala gudboon, inaan maya wada dhahno qabiil iyo jadbo jihaad, ka hortaggooda waxaa ku sugan hagaaggeenna, haddaanse la yeelin, wallee mar xeero iyo fandhaal kala dheceen ayaa la shallayn, waa tii oraahdu ahayd: “Qoomamo Qiyaas baa ka roone”, miyeysan maanta ku habboonayn, in si wanaagsan wax loo jaan gooyo, xilka ugu weyn wuxuu saaran yahay waalidka iyo culimada, aqoonyankuna waa inuu qaybtiisa ka qaata xallinta xaaladdaan murugsan.

Luulyo, 2010

Bashiir M. Xersi

 

 

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s